Xogsan

Xogsan Warar sugan oo xaqiiq ah ugu kaalay xogsanmedia

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha jamhuriyada  SomaliLand, Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday beerta warshadaha ee Hawassa...
19/01/2022

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha jamhuriyada SomaliLand,
Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday beerta warshadaha ee Hawassa.
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Sidama
Mudane Desta Ledamo, Wasiirka Maaliyadda XFS Md.
Axmed Shide, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xogta
Rediwan Hussein iyo Federaalka iyo
masuuliyiin kale ayaa goob joog ahaa.
Waftigu waxay booqdeen beerta warshadaha ee Hawassa oo ku taal
Maamulka Gobolka Sidama ee Madiina. Iyaga
Oo booqday beerta warshadaha ee Hawassa iyo wax soo saarka
awoodda beerta iyo shaqada beerta.
Beerta warshadahu waa laf dhabarta
dhaqaalaha dalka oo soo gala

Sidama B/K/M xafiiska madaxweynaha
January 11/05/2014 E.C.

Hawassa

Qofku isagoo xor ah inuu qaado oo gunto balan uu sii ogyahay inaanu fulinayn" Farxaan Aadan HaybeDorraad maalin ayay aha...
04/08/2021

Qofku isagoo xor ah inuu qaado oo gunto balan uu sii ogyahay inaanu fulinayn" Farxaan Aadan Haybe

Dorraad maalin ayay ahayd xasuusteeda leh oo doorasho iyo soo saaris xildhibaano lagu jiray, shalayna maalintii codaynta shir gudoonka oo iyana dharaar kale ah oo suntan.

Run ahaan, waxaa wax Ilaahay laga magan gallo ah, u dhaqanka sida xildhibaanada qaar ku sifoobeen ee ah; inuu qofku balan aanu fulinayn intuu qaado, ugu danbayna ka baxo waxii lagu balamay. Runtii waxaan ku sheego garan maayo laakiin, Sidii uu nebigeenu sheegay CSW; Diin ma leh qofka aan balan iyo amaano lahayni. Qofku isagoo xor ah inuu qaado oo gunto balan uu sii ogyahay inaanu fulinayn, waxa uga fiican oo uga sharaf badnaan lahayd inuu badheedhiisa dhiibto.

Waxase Ilaahay loogu mahadiyaa in shalayto waxay lahaydba socotay, berritana ay maalin kale tahay, ayaamuhuna tirsan yihiin oo isdaba socdaan Insha Allah.

Maayirka magaalada Berbera ayaa loo doortay Cabdishakuur Ciddin halka ku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde.Musharraxi...
15/06/2021

Maayirka magaalada Berbera ayaa loo doortay Cabdishakuur Ciddin halka ku-xigeenkiisana loo doortay Nuur Cadde.

Musharraxii la tartamayay Maxamed Dable, ayaan isagu iman goobta Doorashada balse Cabdirashiid Xaaji Yuusuf, oo isna Kulmiye ka soo baxay ayaa la tartamay Ciddin, inkasta oo laga guulaystay.

Guddoomiyaha Ururka Solja Sakariye Axmed Muxumed ayaa booqday Weriye Khadar Macalin Deeq oo muddo xanuun u jiifay ,Guddo...
14/06/2021

Guddoomiyaha Ururka Solja Sakariye Axmed Muxumed ayaa booqday Weriye Khadar Macalin Deeq oo muddo xanuun u jiifay ,

Guddoomiyaha ayaa ilaahay uga baryay weriye khadar inuu caafimaad deg deg ah siiyo,

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa balan-qaaday in Urur ahaan dadaal ka gali-doonaan Hawlaha Caafimaad Ee Weriyaha.

Maayir Muraadka Burco ayaa sidan yidhi "Masuuliyiinta Xisbiga wadani Ku jira ee aanu isku degaanka kasoo jeedno waxaan l...
12/06/2021

Maayir Muraadka Burco ayaa sidan yidhi

"Masuuliyiinta Xisbiga wadani Ku jira ee aanu isku degaanka kasoo jeedno waxaan leeyahay" ninbaa gabyoo yidhi Hablaha reer warsame layskadaa weheshigoodiiye
Wax ku qaata cabaasaba shalay niman waraarteene''

taa suldaan ku dhacday ayuunbaa idiin taala idinkoo jooga ayaa suldaan lala balamay oo gudoomiye ciro la balamay markii odayaasha beeshu suldaan wadada cad mariyeena goob joogbaad ahaydeen,waxay iila muuqataa inaa qiimihiina iyo waxa aad meesha ka joogtaan inaad ogaateen wayeel tag lama dhehe wuxuu ku tago ayaa la tusaa.

Siciid Cudhay, oo maayirnimada Hargeysa kula loolamayay Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa tanaasulay kadib markii guddoomiya...
11/06/2021

Siciid Cudhay, oo maayirnimada Hargeysa kula loolamayay Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa tanaasulay kadib markii guddoomiyaha xisbiga UCID arrintaasi ku qanciyay.

Hay'adda gargaarka ayaa ka digaya macluul ka dilaacda gobolka Tigray, In ka badan 350,000 qof ee gobolka Tigray ee dalka...
11/06/2021

Hay'adda gargaarka ayaa ka digaya macluul ka dilaacda gobolka Tigray, In ka badan 350,000 qof ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa waxaa heysta xaalado macluul, iyadoo malaayiin kalena ay halis ku jiraan, sida lagu sheegay qiimeyn ay sameeyeen hay'adaha Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka kuwaas oo ku eedeeyay iska hor imaadka musiibadii ugu xumeyd ee cunno muddo toban sano ah.

-VOA.

Somaliland ayaa hadal xagjirnimo ah ku tilmaantay go'aankii Puntland gobolka Sanaag ay kaga mamnuucday imtixaanka shahaa...
10/06/2021

Somaliland ayaa hadal xagjirnimo ah ku tilmaantay go'aankii Puntland gobolka Sanaag ay kaga mamnuucday imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland.

Siciid cabdisamad (Siciid Cudhay) oo kamida musharaxintii Golahadeganka hargeisa ee ka soo baxay xisbiga ucid ayaa sheeg...
10/06/2021

Siciid cabdisamad (Siciid Cudhay) oo kamida musharaxintii Golahadeganka hargeisa ee ka soo baxay xisbiga ucid ayaa sheegay in aanu ka tanaasulin hankiisi mayornimo e golaha deganka hargeisa ,

UPDATE:Puntland waxay joojisay guud ahaan gudniinka gabdhaha, sida uu dhigayo xeerka Gudniinka oo ay maanta ansixiyeen G...
10/06/2021

UPDATE:Puntland waxay joojisay guud ahaan gudniinka gabdhaha, sida uu dhigayo xeerka Gudniinka oo ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirradda.

"Gabdhaha Puntland waxaa loo daynayaa sida ay ku dhashaan, ciddii guddana waxaa la marsiin ciqaab"- Wasiirka Caddaaladda Cawil Shiikh Xaamud ayaa sidaasi ii sheegey.

Loolanka loogu jiro maayirka Hargeysa ayaa maraya heerkii ugu sareeyey, iyadoo madaxweynaha Somaliland uu hadda u muuqdo...
10/06/2021

Loolanka loogu jiro maayirka Hargeysa ayaa maraya heerkii ugu sareeyey, iyadoo madaxweynaha Somaliland uu hadda u muuqdo inuu taageerayo Cabdikariim Axmed Mooge.

Xogaha ay weriyeyaashu helayaan ayaa sheegaya in markale ay saaka kulan yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo musharaxa maayirka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.

Ma cadda weli natiijada kasoo baxday kulanka.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogsan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share