Baahitire

Baahitire muqaalo warar madadaalo laysku halayn karo oo sugan

26/03/2025

muslim ducaa

24/03/2025

Sheekh Dirir Wacyi gelinta qalbiga

Diyaarad kale ayaa ku dhacday Maraykanka, Diyaaradda oo lalaa saacadihii u dambeeyey ayaa laga helay hada gobolka Alaska...
08/02/2025

Diyaarad kale ayaa ku dhacday Maraykanka, Diyaaradda oo lalaa saacadihii u dambeeyey ayaa laga helay hada gobolka Alaska iyadoo dhamaan dadkii saarnaana aysan cidna ka badbaadin.

09/01/2025

Hadalkan ayuu fanaan Dayax ku sagootiyey xaaskiisii .

"Wlhi dadaal kaste & awood kaste oon lahaa Waanku bixiyay inaad noolaato balse Allah kaliya ayaa igakaa jeclaaday waanan ku ceshan Kari waayay๐Ÿ˜ญ๐Ÿ’”

Waxaad iiga tagtay duni eey wanaagsaneed inaan hortaa ka tago oo aan marna fileyn xaaladaan eey maanta dhimashada ii dhaanto oo aan aaminsanhy garabkaaga & awoodaada aan dhabta ugu tiirsanaa inaan meel kale oon ka heli doono eeysan jirin,

Waxaad ii aheyd udub dhaxaad iyo dhiiranaan marka cid kaste isoo xumeyso aan dhabteeda ku ooyo kadibna si fudud iiga caawisa kadibne saacad kale aan xaalad ku jirin,

Wexeey ii tahay maalin madow oo aan culeeskeeda qaadi karin maskax ahaan & jir ahaanba balse tan kaliya ee maanta i celineysa ayaa ah inaan ane hodan cidleyn karin hooyo & aabe isku noqday xil culus baad iiga tagtay ma aqaan sida aan hodan uga dhaadhicin doono hooyo mar dambe arki meyno balse Allah ayaan naxariistiisa weeydiisanayaa inuu noo fududeeyo dhibtaan aan galnay ee mugdiga noo horseeday adne imaba maqleyside balantii aan horay kaaga qaaday ee ah xitaa hadaad iga hormarto inaan hodan dayici doonin waa sideedii aniga ayaana gacanteyda ku korin doona inta aan noolahayna daqiiqad ma arki doonto dhib & culees inshallh๐Ÿ’”

Waankuu duceeyay sida aan raali kaaga noqdayna allah raali kaaga noqay oo janadiisa macaanta badan kugu irsaaq xaaskeyga wanaaga badneedeey,

Imtaxiinkii dunida & xanuunkiisaba waad u samirtay waxaan rajeynayaa inaad maanta miraha janada ku gurato samirkaaga h**e,

Duni aan macaan ku dareemeyn oon wax kaste oon qabto iyo tilaab kaste oon qaado intaan farhia u sheego leey dhaheen nin karti badan baa tahay ee ku soco baan joogaaye waa uun iska noolaan inta mowdu iiga imaanaayo๐Ÿ˜ญ๐Ÿ’”

Cid kaste oo tacsidaan & maalinkaan mugdiga ah ila qeybsatay hal hal uma kala gaaro balse waxaan idin leeyahay qalbiga idinka ogsooni ehel asxaab family madax & soomaali weynba,

My first love and last, janada iigu waar๐Ÿฅน๐Ÿ™๐Ÿฝ
Xigashoo dayax

12/12/2024

Maansha allah aderaday iyo madaxwayne hayga xaqa ah abdiqaadir aw cali firdhiye

05/12/2024

DEG-DEG- Dagaal uu dhaxeeya Ciidamo goosad ka ah Guutada Birjeex iyo kuwa Maamulka Daacada ah ayuu Dagaal ku dhexmaray Deegan Xeebeedka Baqdada ee Jubadda Hoose,

Inta naloo Xaqijiyay Askari ayaa ku dhamacmay, walina lama hayo Xogta Rasmiga ah ee goobta maadama uu aad uu liito khadka isgaadhsiinta ee Deeganada Xeebta,

Ciidankan ka goostay Kuwa Guutada Birjeex ayaa ku sii jeeday Ciidanka Xooga Dalka ee fadhigoodu yahay Deeganka Raas-Kaambooni.

Naasir Jirde

22/11/2024
22/11/2024

Mareykanka iyo qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa ka falceliyay amarka ka soo baxay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee lagu soo xirayo, raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, kaas oo loo heysto eedeymo la xirriira dembiyo dagaal oo uu ka geystay Qasa.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa go'aanka maxkamadda ku tilmaamay wax aan macquul gal ahayn, isago sheegay in Israa'iil, oo ah xulafada Mareykanka lala barbar dhigay Xamaas.

Balse mas'uuliyiinta ka tirsan Midowga Yurub, Ingiriiska, Fransiiska, Talyaaniga iyo Holland, ayaa dhamaantood soo saaray bayaan ay ku taageerayaan go'aanka ka soo baxay maxkamadda ICC.

Maadaama ay saxiixeen xubinnimada maxkamadda, waxay haatan awood u leeyihiin inay xiraan Benjamin Netanyahu, hadii uu booqdo dalalkooda.

Maxkamadda ICC oo fadhigeedu yahay dalka Holland, ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo, wasiirkii h**e ee gaashaandhigga Israa'iil, Yoav Gallant, iyo taliyaha militariga Xamas, Maxamed Al-Dheyf, inkastoo Israa'iil ay sheegtay in Maxamed lagu dilay, duqeyn bishii July ka dhacday magaalada Qasa.

Saddexda nin ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha intii uu socday dagaalka Israa'iil iyo Xamaas.

Israa'iil iyo Xamaas ayaa labaduba iska fogeeyay eedahan, ha yeeshee Xamaas ayaa dhankeeda soo dhaweysay waaranka Netanyahu iyo Gallant, iyagoo sheegay in ay ka dhigan tahay taariikh muhiim ah.

Netanyahu ayaa cambaareeyay amarka lagu soo xirayo, isagoo maxkamadda ku tilmaamay "cadow bini'aadanimo".

Waa kuma Karim Khan, dacwad oogaha maxkamadda ICC ee dalbaday in la soo xiro Netanyahu

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑMuqdisho, Talaado, 19 November 2024: โ€”...
19/11/2024

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ

Muqdisho, Talaado, 19 November 2024: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.

โ€œWaxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamse ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub laga rajaynayo inuu dardargeliyo himillada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.

โ€” DHAMMAAD โ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
[email protected]
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo ku abaalmariyay shaqaaleysiin iyo billado saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray bulshada. August 12, 2024 in War More

18/11/2024
18/11/2024

Nafyahay caalwaa ha noqon
Nasiibkana haw cadhoon

21/08/2024

2024

xaalad gooniya hadaad diiday xajadiiye

malah oo waa xakama diide

waan xigtaystoo waa xalad gooniya

ay ahaataba xaalku wuu imane

aan eegno dhayda uu keeno

kuu cuskaday xarafka diimeede

baan aflixin xaalkastooy tahaye

ka xukuma oon xigsanayaaye

xaajada rog roga xarafka gaadhsiiya

xifdiyay xarafa diimeedna xarafka gaadhsiiya

maag maaha oo waa xalad gooniye

waa dheeryehee xuuto ku eryooda

kii I uumow waa xalad gooniya

waayay oo waa xalad gooniyah

ka galay xaalad gooniyah

waan xujaysnahay oo waa xalad gooniyah

weli kamaaan helin xolo duniyeede?

xarafka gabay ahayn loo waaye?

Address

Hargiesa
Hargeisa

Telephone

+260774772901

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baahitire posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Baahitire:

Share