Mo Media

Mo Media News & Media Website

Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde Baa waxa uu lahaa!.
01/11/2024

Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde Baa waxa uu lahaa!.

01/11/2024

Abwaan Gurey Dool Baa Waxa uu lahaa!.
Marka yoolka Shilin Hago
Hanka Raashin Maamulo
Dadku Show Ma Miyir Qabo.

Gabadhani waa Aamina Yoonis, muslimad u dhalatay dalka Eritrea. Waa aqoonyahanad waxbarashada meel sare ka gaadhay (PHD)...
26/10/2024

Gabadhani waa Aamina Yoonis, muslimad u dhalatay dalka Eritrea. Waa aqoonyahanad waxbarashada meel sare ka gaadhay (PHD). Markii la guursanayay maysan dhigan meher iyo aroos ay ku baxdo lacag aad u badan (i arkaay i maqlaay). Iyadda iyo lammaankeedu waxa ay ku heshiiyeen keliyaata in uu dhaco meherka ay isku xalaashanayaan.

Xaliimana iyadoon dugsi sare ka bixin bay rabtaa in soddon kun oo dollar kharashkeedu noqdo.😄

FG: Kharash badan ama ku yar ha la isku guursadee muhiimadu waa sida lamaanuhu isu fahmaan. Laakiin, waxa aan hubaa in habfekerka sidan ah uusan deegaankeena ka jirin.

Aamina waxa ay leedahay "Lacag lama guursado'e gabadh yahay qof baa la guursadaa"

Faa'iidada wax akhriska 📖📕Dheefta wax akhriska laga helaa maaha mid la barbar-dhigi karo dhibka uu leeyahay, balse waa i...
26/10/2024

Faa'iidada wax akhriska 📖📕

Dheefta wax akhriska laga helaa maaha mid la barbar-dhigi karo dhibka uu leeyahay, balse waa in la xusaa haddiiba uu leeyahay wax dhib ah. Wax akhris waxa aan uga jeednaa qofka oo hamuun u qaba in uu helo macluumaad iyo warar kala duwan si uu u kabo aqoontiisa, maskaxdiisa iyo fikirkiisa. Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday “war la helyaaba Talo la hel”. Wax akhriska waxa laga heli karaa meelo kala duwan, sida Buugaagta, wargaysyada, bogoga Internet-ka ee qoonta guud lagu keydiyo, dhegaysiga sheekooyinka ay soo tebiynayaan dadka waayo-araga ahi IWM.

Dadka reer Hindiya ayaa hal-hays u leh oraahdan,” If you want to know someone’s Reading habits pay attention when He is talking, If He talks meaning, He is Big Reader, otherwise He is Empty Vessels”, oo micnaheedu noqonayo, Haddii aad doonaysid inaad ogaato, qofka wax akhriska badan, hadalkiisa uun dhegayso. Haddii uu xog iyo macluumaad ku hadlo, waa akhriste weyn (Big Reader), haddii kale waa weel maran ama eber ah.

Dheefta wax akhriska laga helo laguma soo koobi karo qoraal kooban, waxa ay u baahan tahay in buugaag badan laga qoro, balse waxa aynu dul-istaagi doonaa qodobada ugu mihiimsan:

Ilaahay wax akhirska wuxuu ku sheegay Aayadii ugu horaysay ee lagu soo dejiyey Nebi Maxamed “scw”, waana IQRA, oo micnaheedu yahay AKHRI. Kol haddii Allahii adduunka abuuray ku bilaabay hadalkiisii uu Nebi Maxamed”scw”, waxa aan halkaasi ka garan karnaa inay waajib tahay in wax la akhriyo.

Sidoo kale dadka ilaahay sw khaaska u ah waa dadka qur'aanka akhriya meshaasna waxan ka fahmi karnaa in wax akhrintu ay meel sare ka tahay diinteena suuban faa'iidana u leedahay maskaxdeena, dhaqankeena iyo fakirkeena.

Dabeecadaha qofka wax akhriya waxa kamid ah inuu yahay mid aamusan oo aan isaga hadlin wax walba iyadoona taas ay ku keeni karto inaad noqoto qof akhlaaw wanaagsan leh.

Wax akhrisku wuxu qeyb ka yahay u fakiridda sida wanaagsan(positive side) iyo in qofka wax akhriya ay u fududahay inuu kala xaliyo dhibatoyin badan oo laso darsa asaga ama dadka kula nool degaankiisa.

Qofka aqriya bogaga taariikhda qalbigiisa kuma beeranto quusasho iyo rajo beel.
Wuxuu u arkayaa aduunyada maalmo meerto ku ah dadka.

Dadyowga adduunka ku nooli waxa ay siyaabo kala duwan u cabbiraan awooda iyo mihiimada akhriska. Xigmado badan iyo maahmaahyo badan ayaa lagu cabbiraa dheefta wax akhriska, shacabka reer Albaaniya ayaa xigmadan is-ticmaala” Those who can read and write have four eyes”, oo micnaheedu noqonayo, kuwa waxna akhriya waxna qoraa waxa ay leeyihiin afar indhood, oo dadka kale dheer yihiin.

Wax akhrisku waa furaha aqoonta 70% waana meelaha laga helo nooc kasta oo macluumaad ah. Angel Carter oo ah Gabar xigmad badan ayaa laga hayey xigmadan qaaliga ah “Reading book is like Re-writing it yourself”, oo micnaheedu yahay hal buug oo aad akhridaa, waxa ay la mid tahay inaad adiga laftaadu dib u qortay Buugaasi. Xigmadaasi waa dhab biyo k**a dhibcaan ah, waayo aqoontii iyo nuxurkii ku jiray Buugaasi waad heshay markaad si fiican u akhrido cilmigii buugaasi ku keydsanaa, balse ma bannaana inaad dib u qorto Buugaasi, haddii aanad ogolaansho ka haysan qoraagga Buugaasi.

Wax akhrisku wuxuu qofka u furaa fahanka iyo barashada ummadaha kale ee adduunka ku nool. Markaad akhrido Buugaag kala duwan, qoraal uu diyaariyey caalim, Bare sare, dhakhtar, siyaasi ruugcaddaa ah iyo waayeel waayo-arag ah, dhammaan macluumaadkaasi wuxuu kuu saamaxayaa in uu caqligaagu koro, ka dibna fahankaagu durko, oo aad mar kasta meel dheer wax ka eegto.

Maahmaah Shiine ah (China) ayaa tiraahda” After three days without Reading talk becomes flavorless”, oo micnaheedu noqonayso, saddex cisho oo wax akhris la’aan ah, hadalku wuxuu noqdaa bilaa macne. Inta badan dadka falanqeeya arrimaha adduunka ka dhacaya, waa dadka ugu akhriska badan, siday faallada u dhigaan ayey inta badan wax u dhacaan, waayo waxa ay hayaan waayihii h**e u dhacay, ka dib waxa ay barbar-dhigaan kan socda, iyaga oo mar kasta ka shidaal qaadanaya duruufaha ku xeeran wakhtigaasi.

Waa tii soomaalidu h**e u tiri” hoostii eege hareertii ma eego.” Dadyowga adduunka ugu maskaxda fiicani (Talent) waa kuwa akhriska joogteeya ama caadada ka dhigta akhriska. Marka la eego shakhsiyaadkii ugu maskaxda badanaa adduunka kuwii soo maray waxa ay dhammaan ka sinaayeen in uu akhrisku caado u ahaa.

Akhriska Taariikhdu wuxuu qayb libaax ka qaataa saadaasha fog ee mustaqbalka ummadaha. Xigmad Giriig ah ayaa ahayd” Historian know some about Future”, oo micnaheedu noqonayso Sooyaal yahanku wuxuu ogyahay qayb ka mid mustaqablka. Dabcan wuu saadaalin karaa ayuu nuxurku noqon karaa, waayo wixii maqan ilaahay ayaa og, Sidaasi oo kale wax akhriska taariikhuhu waa u mihiim bulshada. Sooyaal yahanka waxa maankiisa iyo maskaxdiisa ka buuxa kumanaan dhacdooyin oo adduunka ka dhacay, markaa wuxuu eegayaa taariikh ahaan waxa ay iska shabbahan waxa dhacaya wakhtigan.

Waa tii soomaalidu tiri” Ninkii waxa taagan aan garanin waxa soo socda ma garto”. Inta badan waxyaabaha adduunka ka dhacayaa, waxa ay xiriir taariikheed leeyihiin wax h**e u soo dhacay, qaarkoodna waa isku mid oo dhacdo h**e u dhacday ayaa iyadii oo weji kale leh dib u soo noqota.

Dunida horumartay ee aynu maanta ku nool nahay wax akhrisku wuxuu ula mid yahay nolol-maalimeedkooda ama quutal-daruurigooda. Maahmaah Jabaaniis ah ayaa tiraahada” reading is like the daily live eating“, wax akhrisku wuxuu la mid yahay wax cunista saddexda waqti.

Xigasho Kobci Maankaaga

26/10/2024

Shan Qodob oo sabab unoqoneysa qalbigaaga inuu nabadgalo ilaa AAD lakulmeyso Rabbigaaga

1-aad Sabarka :-
sabarkuna Waa sedex

* Macsiyada oo LAGA Sabro
*Daacada Allah oo lagusabro
* Waxa ilahey kuu qadaray oo lagusabro

Allah wuxu yiri SW :

وَٱصْبِرْ وَمَا صَبْرُكَ إِلَّا بِٱللَّهِ...
Sabar sabarkaaguna ma ahaanin(mabasabri kartide) illaa kaalmada ilahey mooyaane

2-aad Salaada
Salada waxey sabab unoqoneysa qalbigaagu inuu kanabad Galo
Waxeyna daweysaa cudurada kudhaca qalbiga oo uguweyn yihiin Faaxishada iyo Munkarka

Allah wuxu yiri SW
إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ تَنْهَىٰ عَنِ ٱلْفَحْشَآءِ وَٱلْمُنكَرِ...
Saladu waxey reebtaa xumaanta iyo Munkarka

3-aad Ducada

Ducadu waxey sabab unoqota qalbigu inuu nabad Galo
Ehlu jannaha Markay jannada galaan sababaha ay sheegayaan inay jannada galeen waxaa kamid ah ducada/Baryada

Wuxuu yiri Allah SW isagakahadlaaya ehlu jannada Hadaladooda

إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلُ نَدْعُوهُ إِنَّهُ هُوَ ٱلْبَرُّ ٱلرَّحِيم
Anaka Waxan aheenay horaan (Intan aduunyada joognay) Kuwa Ilahey barya ilahey Waa Samafale (Adoomadiisa wanaaga ay sameeyan ka abaalmariya oo) Naxariis badan

4-aad Waa sadaqada

Sadaqadu waxey bakhtiisa oo ay hoobisa Danbiyada Sida biyuhu dabka ubkahtiiyaan okale
Wuxuu yiri nabigu scw
الصدقة تطفؤ غضب الرّبّ
Sadaqadu waxey damisa carada rabbi

5-aad Waa (Akhrinta Quranka)

Quranku wuxuu tagsiiyaa mugdiyada Qalbiga wuxuuna qalbiga kabuuxiyaa nuur ilaa nuurkaasi LAGA garto qofka wajigiisa

قد جاءكم من الله نور وكتاب مبين
Ilahey xagiisa waxaa idiinkiiga imaaday nuur/iftiin iyo kitaab cad (oo xaqqa cadaynaya)

Ilahey wuxuu kuhanuuniyaa qofkii raaca raali ahaanshihiisa jidadka toosan wuxuuna kabixiyaa mugdiyada o wuxu ubixiyaa nuurka xagiisa idinkiisa wuxuuna kuhanuuniyaa jidka toosan

Ilahow nagudar kuwaas Yaa rabbi 🤲
Ilahow adoomadada ayan nahnaye xaqqa nagu hanuuni

Taliye zalaad Inta aan ka yaqaan waa qof ehelu salaada Naxariis badan, Dabeecad wngzn Hadalkisa oo kaliya iyo ka ag dhaw...
26/10/2024

Taliye zalaad
Inta aan ka yaqaan waa qof ehelu salaada
Naxariis badan, Dabeecad wngzn
Hadalkisa oo kaliya iyo ka ag dhawanshihiisa waa ku xasilaysaa
Kolay cidii taqanaa wa ay ku taqanaa sifooyinkaa wngzn.

Taliye zalaad kaliya waxa aanu isku baranay Dar ilaahy cida aan ahay ma yaqano ciduu yahay ma yaqaan Malin aan sii fogayn ayuu Meel aan ka hawl galo inta uu ila soo hadlay ayuu iigu yimi is wareysi ka dib kaftan iyo hadaladiisii naxriista lahaa ka dib si kaftan ah ayaanu heeraha u dhex galanay ayaan ku yidhi Nin Sacad muuse ah ayaan ahay Ciida Galle na ay Reer abti u yihiin.

Ilahay waa qof uu ku abuuray Cibaado wng iyo Digri Badnaan mar wali ba waxa aan is idhii hadii aad xataa xil qabato dhaqankisa aan wng badan ku arkay mar uun si uun maad u shabihi

Waayo waa walaal aan khayr badan aan ku ogahay
Alle ha u siyadiyeee.....

26/10/2024

Noocyada Daawada INSULINT-tu waa Shan Nooc:

1. Nooca koobaad oo loo yaqaan oo uu bukaanku qaadanayo 15 minutes ka hor cuntada, kuna jiraysa jidhka 3 ilaa 4 saacadood taas oo saxda sonkorta dhiiggu markuu qofku wax cuno.

2. Nooca labaad oo loo yaqaan oo uu bukaanku qaato 30 minute ilaa hal saac ka hor cuntadada, kuna jiraysa jidhka 6 ilaa 8 saac taas oo iyana ilaalisa ina aanay sonkorta dhiiggu kicin cuntada ka dib, waxaanu bukaanku isku mudayaa saddexda jeer ee cuna qaadashada ( , iyo )

3. Nooca saddexaad waxaa loo yaqaan oo uu bukaanku qaadanayo laba xili sida subixii iyo habeenkii, waxaanay ku jiraysaa jidhka 12 ilaa 16saacadood taasoo ilaalisa sonkorta dhiiga xiliyada aanu qofku waxba cunayn.

4. Nooca afraad waxaa loo yaqaan waxaanu bukaanku qaataa hal wakhti uun sida habeenkii oo kaliya, waxaanay ku jirtaa jidhka mudo 24 ilaa 36 saacadood taasoo ilaalinaysa sonkorta dhiigu in aanay kicin xiliyada aanu bukaanku waxba cunayn.

5. Nooca shanaad ee insulinta waxaa loo yaqaan , waa nooc isugu jira nooca labaad iyo nooca saddexaad, noocan waxaa la qaataa laba jeer, taasoo ah nooc saxda sonkorta dhiiga cuntada ka dib iyo cuntada ka hor.

:- nooca saddexaad iyo nooca afraad ee insulinta kaligood lama qaato, maxaa yeelay ma saxi karaan kicidda ku timaadda sonkorta dhiigga cuntada ka dib sidaas daraadeed waxaa lala qaataa labada nooc ee h**e ee insulinta ah kuwaas oo iyagu saxa sonkorta dhiiga cuntada ka dib.

W/Q. Dr. farabadane

Xanuunka Wadanka ka jira wa ay isku Calamado eeg yihiin  Xanuun uu isna Qeyb Virus ka ka mid ihi keento oo la yiraa Chik...
23/10/2024

Xanuunka Wadanka ka jira wa ay isku Calamado eeg yihiin Xanuun uu isna Qeyb Virus ka ka mid ihi keento oo la yiraa Chikungunya Virus.....

good summery for death confirmation.1. Confirming patient's ID2. Calling the patient.3. Checking  Vital signs 4. Checkin...
21/10/2024

good summery for death confirmation.

1. Confirming patient's ID
2. Calling the patient.
3. Checking Vital signs
4. Checking pupil dilation
5. Checking reflexes.

Xaalad u baahan BARAARUG!Toddobaadkii h**e waxa ay qaylodhaan iga soo gaadhay dhakhtar ka hawlgala cusbitaal ku yaala Ad...
21/10/2024

Xaalad u baahan BARAARUG!

Toddobaadkii h**e waxa ay qaylodhaan iga soo gaadhay dhakhtar ka hawlgala cusbitaal ku yaala Addis Ababa oo lagu daryeelo carruurta uu ku dhaco KANSARKU. Dhakhtarkaas oo ah nin Itoobiyaan ah oo takhasuskiisu yahay daawaynta xanuunada carruurta, gaar ahaan kansarka, Dr. Abel Hailu, kaas oo aannu isku baranay Addis Ababa mar aan hawl caafimaad u joogay, dalkana booqosho ku yimi markii u horraysay, waxa uu ii sheegay in ay cusbitaalka ku dhibaataysan tahay Hooyo Soomaaliyeed oo haysta ilmo yar oo sannad jira ah, waxa uu la il daranyahay xanuunka KANSARKA, Dr Hailu ayaana daaweyntiisa gacanta ku haya. Arrinka mashaqadan uga sii daray waa laba arrimood oo digtoorkani iigu daray warbixinta; waa in muddo bil ku dhaw aan cidi ka soo agwareegin, lacagtii cusbitaalka oo lagu leeyahay $5000 (shan kun oo doolar) iyo hooyaddii oo ay isku raaceen fool iyo dhiig la’aan, oo iyadiiba u baahan daryeel iyo in dhakhtar kale la geeyo. Intaas waxa dheer afkii oo ku adkaaday oo aanay sheegan karin baahideeda, waxa ay turjumaan isaga bixisana aan haysan, keliya waxa ka soo hadhay oohin sida uu ii sheegay.
“Mustafe, the mother is crying, saying her husband phone is switched off, and no one is replying,” waa mid ka mid ah farriimihii uu ii soo dhigay WhatsApp.

Dhakhtarka oo ah nin aad u wanaagsan oo naxriis badan isaga ayaa lacagta dammiintay, weliba daawooyinka u baahan in dibadda laga raadiyo, isaga ayaa raadin jiray, laakiin, hadda waxa ku adkaatay xaaladda culus ee soo waajahday hooyada.

Waxa uu telefoonka iigu dhiibay hooyada oo xilligaa hadalku ku adkaa. Sidii dhaqanka Soomaalida ee saxda ahaa waan warsaday. Waxa aan waydiiyay ehelkeeda, qabiilkeeda iyo halka lagala xidhiidhayo. Markii ay ii sheegtay waan hawlgalay. Reerkii ay ka soo jeeday iyo reerkii odaygeedu ka soo jeeday ayaan soo helay. Run ahaantii dad wanaagsan ayay ahaayeen, ma habboona in aan halkan ka sheego, laakiin, si fiican ayay yeeleen arrinkiina degdeg ayay u xalliyeen. Baadhitaan kadib, waxa ay soo ogaadeen in Odaygeedii oo warkan soo gudbin lahaa uu xanuusaday markii uu arkay xaaladda meesha taal iyo badnida lacagta, cidina wax badan ku kordhin wayday, sababtuna waa daawadda iyo daryeelka xanuunka kansarka oo ah “mag aan cidi kula bixinayn”.

Xilligii aan Addis Ababa joogay waxa la ii sheegay hooyo sidaas oo kale ku dhacday. Markii ay awoodi weyday daawada, ka codsatay in qolka loo daayo inta Ilaahay dhinac u ridayo ilamaha yar, sababta oo ah lama soo celin karo. Sidaasna ilmihii yara ku geeriyooday.

Waxa kale oo aan intaas raacinaya in ay jiraan carruur kale oo ku dhibaataysan cusbitaalka MAS, Hargeysa, oo xanuunkaas la il daran, laakiin, aan dalkeenna lagu daawayn karin, qoysaskooduna aanay awoodin in ay dibadda u diraan.

Arrinkani waxa uu muujinaya in xanuunkaasi aad inoogu soo batay iyo dalkeenna oo aan waxba lagaga qaban karin ilaa hadda iyo weliba daawaayntiisa oo muddo laba sanno iyo badh qaadata, taas oo aan qaran mooyaanee qof iyo qofaf ka bixi karin. Nasiib Wanaag, dhakhtarka aan xagga sare ku soo sheegay oo aan ku xidhay mas’uuliyiinta MAS waxa ay diyaariyeen qorshe lagu xallin karo dhibaatadaas, qorshahaas oo u baahan in dawladda iyo bulshadu iska kaashadaan, laakiin, waa in la helo cid fulisa oo ay dhab ka tahay.

FIIRO-GAAR AH: Ciddii u baahan in ay mashruucaas gacan ka gaysato ha la xidhiidho maamulka cusbitaalka Maxamed Aadan Sheekh (MAS), weliba waxa yaal carruur hadda u baahan gargaar degdeg ah.

Mustafe Adam
Bare, Kulliyadda Saxaafadda
Jaamacadda Hargeysa

SKILLS EVERY PROFESSIONAL SHOULD LEARN IN 2024. 1. Communication skills: Effective communication is essential in any pro...
14/10/2024

SKILLS EVERY PROFESSIONAL SHOULD LEARN IN 2024.

1. Communication skills: Effective communication is essential in any professional setting. Professionals should be able to express their ideas clearly, listen actively, and communicate with team members, clients, and stakeholders.

2. Leadership skills: Professionals should possess leadership qualities like the ability to inspire and motivate others, make informed decisions, delegate tasks, and manage projects effectively.

3. Time management skills: The ability to prioritize tasks, meet deadlines, and manage one's time efficiently is crucial for professionals to stay organized and productive.

4. Problem-solving skills: Professionals should possess strong problem-solving abilities to analyze issues, identify solutions, and make informed decisions. They should also be adaptable and flexible in their approach.

5. Technical skills: Depending on the field, professionals should have the required technical skills to perform their job responsibilities effectively. These can include proficiency in software applications, tools, or equipment relevant to their industry.

6. Emotional intelligence: Professionals should have a high level of emotional intelligence, which involves self-awareness, empathy, and the ability to manage emotions in oneself and others. This skill helps in building strong relationships, resolving conflicts, and understanding colleagues and clients.

7. Collaboration and teamwork: Professionals should be able to work well in a team, collaborate with others, and contribute effectively towards achieving common goals. This includes actively listening, supporting others, and being open to diverse perspectives.

8. Critical thinking: The ability to analyze information critically, think logically, and evaluate different viewpoints is essential for professionals to make informed decisions and solve complex problems.

9. Networking skills: Building professional relationships and networking can open up opportunities for growth and career advancement. Having the ability to effectively network, develop connections, and maintain professional relationships is important.

10. Continuous learning: Professionals should have a mindset for continuous learning and development. Staying updated with industry trends, expanding knowledge, and seeking out new experiences and skills will help professionals stay competitive and adapt to changing work environments.

📸✍️

In aan wax Akhris ku qato wakhtiga waa waxa aan aad u jeclahay
14/10/2024

In aan wax Akhris ku qato wakhtiga waa waxa aan aad u jeclahay

Address

Jig-jiga Yar
Hargeisa
NO

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mo Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share