Raacdo News

Raacdo News Kala Soco Warar xul iyo xaqiiqo ah iyo Taxaneyaal Baadhis ah oo ku saabsan Sooomaalida iyo Caalamkaba. Raacdo News waa Hoyga wararka runta ah.

12/04/2022

Doon u rarnayd Somaliland ayaa ku shuf beeshay Dekedda Tawaahi ee Waddanka Yemen

XOG CULUS. Kalsoonidarrada Maxamuud iyo kuguurista Muuse: labo isku keliyeystay.--------‐-------------------------------...
06/02/2022

XOG CULUS. Kalsoonidarrada Maxamuud iyo kuguurista Muuse: labo isku keliyeystay.
--------‐---------------------------------------------------------
Waxa todobaadyadii la soo dhaafay cirka isku shareeray Kulamada qarsoodiga ah iyo kuwa muuqanaya ee ay yeelanayaan Siyaasiga Debedyaalka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xubnaha metelaya Xisbiga Kulmiye kuwaas oo u badan beesha Madaxwaynaha. Kulamadan oo ay bar bilowgiisa lahaayeen Xubnaha Beesha Madaxwayne Muuse Golaha Wakiilada ku metela oo uu Codsi rasmi ah u gudbiyay Siyaasi Maxamuud ayaa daaran sidii Xaashi looga maslixi lahaa Muuse Biixi oo debedda u tuuray ka dib markii uu ka dhamaystay dantii uu ka lahaa 2017.

Xogaha hoose ee Raacdo News helayso ayaa tibaaxaya in Siyaasigan debedmeerka ah oo ay si dhaw ula taliyaan Xubno Dhallinyaro ah oo Jifadiisa Hoose ah oo Qaab qabiil u abaabulan ay u soo bandhigeen inaanay suurogal ahayn in Haddii uu Urur furto aanu soo baxayn Maadaama uu Xisbigiisii keli ka yahay oo aanay jirin cid raacsan sidoo kale na uu kala dilay Beesha Bariga Burco oo uu aad u kala guray intii uu meehannaabayay.

Xoguhu waxa ay intaa ku darayaan in Dhallinyaro uu isku hallaynayay oo laga soo aruuriyey maqaaxiyaha Hargaisa uu kala kulmay diidmo af-kalaqaad ku noqotay ka dib markii ay si cad ugu sheegeen in aannu -waa Maxamuud Xaashi e, u dhaqmin sidii Siyaasi meteli kara Beesha Bariga Burco dhamaanteed, balse uu u dhaqmay sidii Xildhibaan metela Jufo ka mid ah taas oo ay waliba u soo bandhigeen weedho uu aad ugu duray qayb ka mid ah beeshaas halka uu nacayb ka buuxiyey dhalinyaro ay iski jufo yihiin.

Dhacdooyinkan ka dib, Siyaasigan ay la soo deristay Kalsoonidarradu waxa uu Beesha Madaxwaunaha ka codsaday in ay ka afgartaan Madaxwaynaha, taas oo la sheegay in xubnihii u kala dabqaadayay uu Madaxwaynuhu ka codsaday in uu horta soo raalligeliyo lana soo kulmyo Siyaasiyiinta Kulmiye ee uu ku gefay oo ay ka mid yihiin Faratoon, Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi ka dib na uu la kulmayo.

Kulamaas oo Maxamuud yeelay ayaa la rejaynayaa in ka dib uu caawa madaxwaynuhu ku qaabilo qasriga Madaxtooyada.
Maxamuud Xaashi ayaa la filayaa in uu Shuruud la'aan ku dhiso mar labaad Madaxwayne Muuse Biixi ka dib markii uu awoodi waayay in uu go'aan qaato keligiina socon kari waayay.

Ciidamada Dawlada Itoobiya iyo kuwa maamulka Amxaarada oo  iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay magaalada tariikhiga ah e...
01/12/2021

Ciidamada Dawlada Itoobiya iyo kuwa maamulka Amxaarada oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay magaalada tariikhiga ah ee Lalibela.

TPLF ayaa magaaladasi muddo dhawr bilood ah haysatay.

Guddoomiyihii h**e ee Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ci...
18/11/2021

Guddoomiyihii h**e ee Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa saaka xafiiska ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI ee lagu soo doortay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ugu wareejiyay Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ah Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga WADDANI, isla markaana ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo xilka Guddoomiye-nimo ee Xisbigu u doortay.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharax Gudoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Galabta Wakhti La Qaatay Qaar K...
12/11/2021

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharax Gudoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Galabta Wakhti La Qaatay Qaar Kamida Shacabka Magaalada Hargeysa.

29/10/2021

Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shaaciyey Musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

XOG CULUS; XASAN GAAFAADHI OO LOOLAN XOOGAN BILAABAYRaacdo News (Hargaisa) dhaqdhaaqyo xoogan ayaa laga dareemayaa gudah...
12/10/2021

XOG CULUS; XASAN GAAFAADHI OO LOOLAN XOOGAN BILAABAY
Raacdo News (Hargaisa) dhaqdhaaqyo xoogan ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada Hargaisa ka dib loolan xoogan oo kasoo cusboonaaday Hoggaaminta Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye oo muddooyinkii lasoo dhaafay wararku sheegayeen in lagu wareejinayo Guddoomiye ku Xigeenka Xisbiga ahna Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.
Xogo Raacdo ka heshay Xubno ka tirsan Xukuumadda Kulmiye iyo Xafiiska Madaxwayanha ayaa noo xaqiijiyey in uu jiro Olole xoogan oo ay ka midaysan yihiin dhamaan xubnaha Xukuumadda ee kasoo jeeda Bariga Burco kaas oo ay ku doonayaan in Guddoomiyaha bedeli doona Muuse Biixi uu noqdo Wasiir Xasan Gaafaadhi. Xubanahan oo maalmihii u danbeeyey kulamo gooni gooni ah la qaatay Qoorwaynta Xisbiga Kulmiye iyo Xubno ay ku tilmaameen Waxgarad iyo aqoonyahan beesha ah ayaa u xusul duubaya in ay taageero u raadiyaan Xasan Gaafaadhi taas oo sida xoguhu tibaaxayaan dhamaantood kusoo dhamaaday is afgarad.
Kooxdan Campaign ka wada oo sida aanu xog rasmi ah ka helnay la kulmay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa u soo bandhigay Qorshahan taas oo uu sida la sheegay soo dhaweeyey. Madaxwaynaha oo xubnahan u jeediyey khudbad muddo 40 daqiiqo ah socotay ayaa ugu horayn ku booriyey in ay u xadhko xidhaan sidii boodhka looga tumi lahaa taageerayaashii kala baaday ee Xisbiga iyo in ay ka hawlgalaan sidii la iskugu soo dhawayn lahaa Deegaanada Bariga Burco iyo Gabiley mar kale na loo midayn lahaa. Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa xubnahan u sheegay in uu ku qancay doodooda ah in Xasan Gaafaadhi hoggaanka lagu wareejiyo balse uu ka codsaday in ay wada jir uga hawl galaan sidii Maxamed Kaahin loogu qancin lahaa.
Kulankan ayaa la iskula qaatay in Xubno ganacsato, Salaadiin iyo Siyaasiin ah loo diyaariyo kuwaas oo ku qanciya Maxamed Kaahin in uu dhiso Xasan Gaafaadhi.
Wixii warar ah ee kasoo kordha isha ku hay Raacdo News

"Dadka danyarta ah ee dumarka iyo caruurta ah  dawladdu saartay marnaba Xisbi ahaan ma taageersanin wax dhaqanka, diinta...
07/10/2021

"Dadka danyarta ah ee dumarka iyo caruurta ah dawladdu saartay marnaba Xisbi ahaan ma taageersanin wax dhaqanka, diinta iyo dawladnimada ku fiicanna may aheyn" Rooblena wax aan leeyahay haddii dhiiga dadka Muqdisho micno aanu kula laheyn Adiga Anaga dhiiga dadka Somaliland dheeman nagala qaalisan.”
Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad jaamac Batuun

Kooxda Al-shabaab ayaa dhulka la sintay Garoonkii Diyaaradaha ee Magaalada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan.Al-shabaab ayaa...
19/09/2021

Kooxda Al-shabaab ayaa dhulka la sintay Garoonkii Diyaaradaha ee Magaalada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa qaraxyo ku xidhay Garoonka oo dhawaan uun xadhiga laga jaray kadibna wuu burburay gabi ahaanba.

Waxa Qoray Siyaasi Abiib M WaasugeAfar Qodob oo sababtooda Xirsi ku noqon karo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.Inkastoo aan...
15/09/2021

Waxa Qoray Siyaasi Abiib M Waasuge
Afar Qodob oo sababtooda Xirsi ku noqon karo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Inkastoo aan la gaadhin Muddadii loo cayimay qabsoomidda Shirwaynaha Xisbiga Waddani oo ah halka lagu jaangoynayo Hoggaanka sare ee Xisbiga rejada Shacabka, dhammaan taageerayaashiisu na diyaar u yihiin la shaqaynta cidda loo doorto, haddana waxa aan idin la wadaagayaa Afar Qodob oo aan u arko in ay sababi karto in Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan loo doorto Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) beddeli doona.

Q/1aad: Beesha Bariga Burco oo Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ka soo jeedo waxa ay si aan kala hadh lahayn u noqdeen Mucaarid ku qancay Dariiqii Siyaasadeed ee Xirsi ugu yeedhay shan Sano ka hor. Waxa ay markhaati u fureen in uu ka saxsanaa yar iyo wayn, xitaa Madaxwayne Siilaanyo na ku dhahoo. Waxa ay isku raaceen in inta Xirsi arakayay aanay iyaga u muuqan oo hungadii uu uga digayay iyo dabinkii Muuse la maagganaa ay ku dheceen. Taasi waxa ay Beeshan ku keentay in ay indhohooda iyo garaadkoodii ay ka jeediyeen ba ay mar qudha Xirsi ku eegaan oo dareemaan Ruuxda Hoggaamineed ee ku duugan, Siyaasad ahaanna qaar badan oo ku ceebaynayay fekerkii uu 2015kii qaatay na ku daba faylaan. Waxaabad moodaa in ay rumowday Heestii ay ugu heesayeen ee ahayd:

“Siilaanyo Dabadii
Noo noqo Siyaasiga
Somaliland Haga.”

Hadaba, Maadaama Codka Bulshadani go’aamin doono Natiijada Doorashada, Xirsi na kalsoonidaa ay ku qabaan, waa suurogal in uu bedelo Guddoomiye Cirro oo xisbigu odoroskan arko.

Q/2aad: MIISAANKIISA SIYAASADEED; Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu bulshada Somaliland baray in uu yahay Siyaasi Miisaan culus, aragtidiisana ku qancin kara dad badan. Dhaawaca uu gaadhsiiyey Xirsi xisbigii Kulmiye ka dib markii uu diiday Jujuubka Muuse loogu cumaamaday, si la mid ah sida ay dhayda uga cadaysay in uu yahay Siyaasi Ildheer waxa ay daaha ka qaaadday Miisaankiisa Siyaasadeed. Waxa mar isla casilay oo fekerkiisa la qaatay kala badh Xukuumaddii xilligaas talinaysay oo lagu tilmaamo tii ugu tunka waynayd ee Waddanka ka arrimisa iyo kala badh Xisbigii kulmiye. Tiraba 2 Jeer oo xiligii Xirsi ka horaysay iyo mid ka danabaysa ba Xisbiga Kulmiye Doorashooyin dhexdiisa ahaa khilaaf iyo kala jab waa ka dhashay balse mar na ma dhicin in tiro leeg Garabka Isbaahaysigu ay ka tagaan. Labada ka horreeyey mar wuxuu ahaa Xiligii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Saylici la kala dooranayay oo Garabkii Tolwaa aanay saamayn ku yeelan xisbiga. Markii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isna aan wax-ka-soo qaad yeelan iyo mar ka danbeeyey oo ahayd Markan Maxamuud Xaashi oo uu keligii ka huleelay Xisbiga balse aan hal qof -Xubin Gole dhexena Alle ha ka yeelee, aanay fekerkiisa raacin ee isagoo suke ah uu debedyaal ku danbeeyey.

Tani waa astaan caddaynaysa Misaaanka Siyaasadeed ee Xirsi, waana mid sababi karta in Xubnaha Xisbigu ugu xishaan Guddoomiye na ugu doortaan.

Q/3aad: SALBALLAADHNIDA SIYAASADDA XIRSI; Weelka siyaasadeed ee siyaasigu tosho wxay ka caawisaa Hiigsiga mustaqbalka. Xirsi Cali Xaaji Xasan intii uu Siyaasadda ku jiray laguma xaman, lagumana arag qoqob bulsho iyo qabyaalad, halkay doonto ba ha joogtee. Waa siyaasi furan oo aan albaabbadiisa Laxaamad Qabyaaladeed ku xidhnayn, dadkana kula saaxiiba Feker ee aan caabudin Qolada. Waxa ku xidhan oo la jaal ah Dhallinyaro badan oo ka soo jeeda Gobollada Dalka, halka Siyaasiyiinta lodkiisa ahi ku mashquulsanyihiin kala xantaynta Jufadooda. Tusale ahaan, qaar Siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin oo Xirsi lodkiisa ahi waxa ay Lacag ku bixiyaan kala shirinta, kala xuuraamidda iyo isku eryidda beeshooda.
Xirsi hal maalin lagama hayo arin qoqob ah, Maalinna lagama arag kala qaad qaadka beesha uu kasoo jeedo, iska dhaafe xitaa dhammaan beelaha Dalka, maadaama Xisbigu aanu u baahnayn qof godobaysan waxa laga yaabaa in Xisbigu Salballaadhnida Siyaasadiisa awgeed Guddoomiyaha ugu cimaamadaan.

Q/4aad: KARTIDA XIRSI, HAYALSAMIDA JIRDE & HOGGAAMINTA CIRRO; marka la joogo Xisbiga Waddani, saddexda Xil ee ay kala hayaan Cirro, Xirsi iyo Jirde waa kuwa ugu sarreeya Xisbiga. Guddoomiye Cirro waxa laga yaabaa in uu Guddoonka wareejiyo inkastoo aanay jirin wax ku khasbaya in aanu taramin haddana sida ay u badan tahay waa uu wareejinayaa, haddii taasi dhacdo waxa isku soo hadhaya Xirsi iyo Jirde. Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde waa astaan Qaran iyo mid Xisbi oo Ixtiraam iyo mudnaan ka mudan dhamaan Bulshada Somaliland. Waa Oday Waayo arag ah oo mudan in uu waddanka Hoggaamiyo. Balse isagoo dardargelinta Hawlaha Xisbiga iyo in uu Guulaystaba ka talinaya waxa laga yaabaa in uu Xilka Guddoomiyaha u garto in Xirsi oo ka da’yar laga dhigo. Waa qodob aad u macquul ah oo qof kasta oo dadnimada Jirde garanaya iyo halka uu Xisbiga ka joogo uu saadaalinayo in uu dhaho "waqtigaygii u badnaa waan soo qaatay oo carcar iyo orod badani iguma hadhine ninkaas dhallinyarada ah u dhiiba anna Khibraddayda iyo Waayo aragnimadayda ayaan la garab taagnaan doonaa".

Bir kumaan jarin balse waa afar qodob oo aan isleeyahay aawadood Xirsi Cali X. Xasan gafi mayo Xilka Guddoomiyaha, Ilaah baana garanaya cidda noqon doonta wixii ka danbeeya 31 October oo wax kastaaba dhayda ka caddaan doonaan.
Haddaanu Siyaasiyiinta iyo taageerayaasha xisbiga nahay na waxa naga go’an la shaqaynta Xubin kasta oo naga mid ah oo noqota Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee waxba qolada Kulmiye yaanay cimri dherer ka dhiganin wadwadka hawlaha xisbigayaga dhexdiisa ee tiina baylahda ah kala gurta ayaan leeyahay.

Qore: Siyaasi Abiib M. Waasuge
London,UK

Wareegto Madaxweyne: 11/09/2021Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Mada...
11/09/2021

Wareegto Madaxweyne: 11/09/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;
Guddoomiyihii H**e ee Gobolka Hawd

Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;
Guddoomiyihii H**e ee Gobolka Sanaag

Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;
Agaasimihii Guud ee H**e ee Baanka Dhexe

Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,
Guddoomiyihii H**e ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone

Ku: Abiib Xaamud Jibriil,
Xubin H**e Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera

Mudane,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad h**e ugu hayseen Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex

2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.

3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.

7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.

8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.

9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

" Markii lay magacaabay taleefanada ugu badan ee igu soo dhacaa marka laga imaado hambalyada waxay ahaayeen kuwo shaqo l...
09/09/2021

" Markii lay magacaabay taleefanada ugu badan ee igu soo dhacaa marka laga imaado hambalyada waxay ahaayeen kuwo shaqo lay-gala hadlayo , waxaanay runtii taasi ku tusaysaa shaqo la'aanta baahsan ee dalka ka jirta ".

" Waxaan balan qaadaya inaan si cadaalad ah u shaqeyn doono anoon cidna u hiilinayn cidna ka hiilinayn Insha Allaah ".

Khaalid J Qodax .
Gud. Cusub ee hay'adda shaqaalaha dawlada.

Address

Hargeisa
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Raacdo News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Raacdo News:

Share