SABAR TV

SABAR TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SABAR TV, News & Media Website, Hargeisa.

Badhasaabka Gobolka Sanaag, oo ay weheliyaan maamulka Degmada Gar’adag iyo cuqaasha deegaanka ayaa si rasmi ah dib ugu f...
11/06/2026

Badhasaabka Gobolka Sanaag, oo ay weheliyaan maamulka Degmada Gar’adag iyo cuqaasha deegaanka ayaa si rasmi ah dib ugu furay Rugta Booliska magaalada Gawsa-Weyne oo ka tirsan Degmada Gar’adag.

Saddex Wariye oo Xorriyadoodii Dib u Helay iyo Ururka SIJA oo Ka Hadlay.Ururka Sanaag Independent Journalists Associatio...
11/06/2026

Saddex Wariye oo Xorriyadoodii Dib u Helay iyo Ururka SIJA oo Ka Hadlay.

Ururka Sanaag Independent Journalists Association (SIJA) iyo qareen Khaalid Axmed Askar ayaa ka hadlay saddex wariye oo maanta dib u helay xorriyadoodii, kadib markii dacwadooda maalmahanba ka socotay maxk**adda gobolka Sanaag.

Maxk**adda ayaa maanta go’aamisay in dib loo siidaayo wariyeyaashaasi, kuwaas oo kala ah: Cabdiladiif Siciid Casayr, Maxamed Yuusuf Cali, iyo Mubaarik Maxamed Aadan.

Ururka SIJA ayaa sheegay in uu dedaal badan geliyay kiiskan, isaga oo xoogga saaray sidii loo xaqiijin lahaa in saddexdaasi wariye helaan xorriyadooda. Ururku waxa uu ka mid yahay ururrada u taagan difaaca saxafiyiinta heer gobol, gaar ahaan gobolka Sanaag.

Sidoo kale, SIJA waxa uu h**e door muhiim ah uga qaatay kiisas kale oo la xidhiidha wariyeyaal xidhnaa iyo dacwado ka socday maxk**adaha, isaga oo mar walba u taagan ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda wariyeyaasha.

11/06/2026

"Haddaanu nahay Ururka Saxaafadda ee Sija Annagaa Qareenka Qabsanay si uu ugu Doodo Wariyaasha Maanta Maxk**adu Xukuntay. Guddoomiyaha SABAR TV Siciid Qurbaawi.

11/06/2026

DEG DEG: Urrurka Sija oo soo dhaweeyay weriyaal Maxk**ada Gobolka Sanaag Xoriyadooda u celisay.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa sheegay in wasaaraddu dadaallo iyo dar...
10/06/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa sheegay in wasaaraddu dadaallo iyo daraasado kala duwan ka samaysay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo xidhiidhka ka dhexeeya culimada dalka iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Wasiir Ku-xigeenku wuxuu xusay in muddadii ay xilka hayeen xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay si gaar ah uga shaqaynayeen arrintan, iyagoo daraasado iyo qorshayaal lagu hagaajinayo wada-xidhiidhka labada dhinac fuliyey. Wuxuu tilmaamay in xilliyadii h**e aanu jirin xidhiidh iyo wada-shaqayn ku filan oo u dhexeeyey culimada iyo wasaaradda, balse maamulka hadda jira uu qaaday tallaabooyin lagu dhisayo iskaashi joogto ah iyo wada-shaqayn wax ku ool ah.

"Intii aanu annagu meesha joognay xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad daraasado badan ayaanu wadnay oo ku saabsan Culimada iyo Wasaaraddu siday iskugu xidhmaan, wakhtigii h**e Culimada iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu iskuma xidhnaan jirin laakiin maanta waxaanu qalab qaadanay inay isku xidhmaan." Wasiir Ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta JSL, Jamaal Jaamac Xaamud.

10/06/2026

isuduwaha Gobolka Badhan iyo Sanaag ee Wasaarada Biyaha oo Saddex Wariye Xabsiga Ceerigaabo loo dhigay iyo Qareenkoodii oo ka hadlay Dacwadooda.

Waxaa qoray xildhibaan H**e Faarax Dalmar (Afmaqadiye) oo Ciidamada Militaryga Somaliland qabteen 6 Febraayo 2023  oo mu...
10/06/2026

Waxaa qoray xildhibaan H**e Faarax Dalmar (Afmaqadiye) oo Ciidamada Militaryga Somaliland qabteen 6 Febraayo 2023 oo muddo 3sano iyo 5bilood ku xiran Hargaysa👇

""WAA LAYSU SOO NOQON WIXII NOOL ADDUUNYADA.

Waxaan ahay Faarax Maxamed Dalmar (Faarax Afmaqadiye) waan salaamayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee neceb dulmiga iyo ku xadgudubka xuquuqda dadka kale gaar ahaan intii garabtaagnayd halgankii guusha kusoo dhammaaday, intaa kadib waxaan rabaa inaan halkan idinkula wadaago xog kooban.

Halganka deegaankayga waxaan ku jiray mudo ka badan 10-sano anigoo soo waday xiliyo ay adkayd in lagu dhiirado oo ay iga soo gaadhay dhaawacyo xili aan guura bahalaynaynay.

Bishii 4-aad ayay gacanta igu dhigeen Soomaaliland aniga iyo rag kale anaga oo ku guda jirna hawlgalkeeni dagaal kaas oo si rasmi ah noogu bilowday 6:00Subaxnimo 06 Febraayo 2023, anaga oo soo galay dagaalo adag iyo maalo khadhaadh oo ay ku nafwaayeen halyeeyo ku suntan qalbigeena qaybna lagu qabtay oo naga h**eeyey anaga iyo kuwo kale oo Foolaadkii halganka ahaa waa nalaga daba keenay iyaga oo lagu qabtay goobihii ay isku waajeheen iyaga iyo Ciidamadii duulaanka ahaa.

Walaalayaal k**a cabanayo maanta xadhiga aan ku jiro aniga iyo saaxibadaydii halganka waxaanse tirsanaynaaa, Dayacaad aanaan ka filayn oo nagaga timi Maamulkii aanu dhiiga iyo dhuuxa u shubaynay oo aanu is lahayn waad ku seexan doontaan

1- Maanu helin ka warqab anaga, Caruurtii aanu ka tagtay iyo Xaasaskeenii midna, iskadaa Xuquuq joogto ah xataa see xaalkiinu yahay habeen maamulkii nama odhan.

2- Cidii noo hadasha amaba soo hadal qaada dayaca aanu wajahnay ragayagii soo halgamay waxaaba Maamulkii u samaystay kooxo dhaha waa dad waalan iyo waxay u shaqaynayaan maaamulo kale, mana aha wax na qabta iyo waxaan filaynay toona.

3- Maanta waxaanu Media-ha ka aragnay ehelkaygii oo iyagu intaas gacanta nagu hayey oo bulshada la wadaagay cabashadayadii iyo xaalada aanu ku suganahay, waxaa wax lala yaabo iyo amakaag nagu noqotay in ehelkaygii oo intaas dhib iyo dheefba nala qaybsaday dushana u ritay xilkayagii, anagii na haya, Caruurteenii iyo Xaasaskeenii haya in laga adeejiyey dad wax magarato ah oo dabadayo dalkii yimi caawana ku xaragoonaya dhiiga intii shahiiday iyo xoriyad la’aanteena.

Waxaan weydiinayaa inta caqliga u saaxiibka ah Anaga oo qabna dayaca iyo ilowga intaas le’eg miyaanu mudanahay in Ehelkayagii lagula kaco jaa’ifada intaas le eg oo maamulku dabada ka raxiinayo.

Waan u mahadcelinayaa Saaxiibada iyo Ehelada sida joogtada ah nooga war hayo waxaad noogu qoran tihiin baalal dahaba in Alle inta ku hawlan xaqduudsiinteena iyo Magac dilkeena waanu idiin ognahay waana laysu soo noqon wixii Nool aduunyada, qoraalkeenu maaha cabasho ee waa garnaqsi ku socda inta maanka furan Xabsi baanu ku jirnaa Xabsina ragbaa loo sameeyey weliba dad Soomaaliyeed baa gacanta nagu haya.

Waa Su,aale Dadkaygiyow Dhiiga geesigu mawax doqonta iyo Fulaygu nafacsadaanbaa?

09/06/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa kormeer ku sameeyay qaar kamida Saldhigyada Caasimadda oo qaar kamida dhisme ka socdo.

07/06/2026

DEG DEG: Beesha Jibriil Tuurwaa oo Buuralayda Xaadh Afka ka furtay iskana Riixday Warar laga faafiyay.

07/06/2026

DEG-DEG: Hargeysa Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Ninkii Hantidiisa U Huray Ciidamada Ku Xidhan Laascaanood

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SABAR TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share