The NBC Somali News

The NBC Somali News the page will provide news and advertisement https://instagram.com/nbc_somali_news?igshid=1axhno6frey8f

26/12/2024

Argagixsada liyuu ga oo marka laqabto sheeganaya qaabilada kle

29/05/2024

Faaiidooyinka laga helo Isticmaalka Geedka Moringa ha

29/05/2024

Dalka Gabon iyo waxtabaha uu caanka ku yahay

28/05/2024

Qalab Musig oo dhamaystiran sificana lootumaayi Sudan Vs Somalis

Alleh Ha u naxariisto Suldaan Barre Xaaji Xussen Caraale oo iminka ku Geeriyoodey Hargeysa .
26/05/2024

Alleh Ha u naxariisto Suldaan Barre Xaaji Xussen Caraale oo iminka ku Geeriyoodey Hargeysa .

22/05/2024

Wadamada Ireland,Norway iyo Spain ayaa u qoonsaday Falastiin dal madax banaan

16/05/2024

Udiyaar gorowga 18 May 2024 iyo Casimada Hargeisa

19/03/2024

Kaneeco dhibtay magaalo oo ay iyada (Kaneecada) u samysteen Hamberger ahan

Madaxweynaha  Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo gaadhay magaalada Asmaraa ee dalka Ereteriya halkaas oo uku tegay boo...
17/03/2024

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaadhay magaalada Asmaraa ee dalka Ereteriya halkaas oo uku tegay booqasho labo maalmood ah, waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.

Mom❤
16/03/2024

Mom❤

Howlgalka ciidanka badda Hindiya ay isku dayayaan inay ku soo fuurtaan kooxda Soomaalida ah ee haysata markabka MV Ruen,...
16/03/2024

Howlgalka ciidanka badda Hindiya ay isku dayayaan inay ku soo fuurtaan kooxda Soomaalida ah ee haysata markabka MV Ruen, ayaa lagu aadiyay xilli ay kooxda Soomaalida ah dhammeystirtay wada-xaajoodkii ay lacagta ku qaadanayaan oo ay ku sii deyn lahaayeen markabka iyo shaqaalaha saaraan,sida aan ka soo xigtay qof la socda xaaladda markabka, waxay diyaarinayeen kooxda Soomaalida ah habka ay uga degayaan , qorshahooda koowaad wuxuu ahaa inuu u yimaado markabka ay Talaadadii afduubeen koox kale oo Soomaali ah ee MV Abdullah, si markabkaa ay ugu deggaan marka la soo gaarsiiyo lacagta madax furashada ah oo la sheegay inay Soomaalida ku adkaysteen $5 milyan.

Waxaa jira walaaca la xiriira mowjado weerarro ay qaadaan kooxaha Soomaalida , halka ugu horreeya ee ay doonayaan kooxahan inay isugu geeyaan maraakiibta u afduubaan ayaa ah xeebaha Mudug iyo Nugaal, halkaa oo sidoo kale ay dhaqdhaqaaq xooggan ka wadaan ciidanka Puntland. Dadka deggan deegaannada ku teedsan xeebaha Mudug iyo Nugaal ayaa dhankooda wada kacdoon ay ku diiddayaan in deegaannadooda lagu soo xiro maraakiibtan, wallow markabka MV Abdullah ay u suuragashay xalay in koox horleh ay ka fuulaan meel aan ka fogayn xeebaha gobolka Mudug ee badweynta Hindiya.

Madaxtooyada Somaliland oo war kasoo saartay kulan dhanka Internetka ku dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Safiiro iy...
15/04/2023

Madaxtooyada Somaliland oo war kasoo saartay kulan dhanka Internetka ku dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Safiiro iyo diblomaasiyiin kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) kulan kula yeeshay safiirro, safiir ku xigeenno iyo diblumaasiyiin ka tirsan waddammada kala ah;- Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, United States of America iyo Wakiil European Union, waxaana kulankaasi lagaga hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa iyo doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland.

Ugu horrayn, Madaxweynuhu waxa uu ka war-bixiyey tallaabooyinkii kala duwanaa ee ay dawladdu u qaadday dhinaca nabadda iyo xasilloonida Laascaanood, kuwaas oo kala ah:-

1. Xukuumaddu waxay u dirtay Magaalada Laascaanood wefti wasiirro ah si loo xalliyo arrinta laaascaanood, wada-hadalna ay ula furaan madaxda dhaqanka. Madaxda dhaqankuna way ku gacan saydheen.

2. Xukuumaddu waxay oggolaatay si bilaa shuruuda in garaaddadii muddada dheer ka maqnaa Laascaanood inay soo galaan Magaalada si ay qayb uga noqdaan nabad ku soo dabaalidda Magaalada. Hase-yeeshe nasiib darro waxay magaalada la soo galeen Calan Dawlad kale, hub iyo ciidan, waxaanay uga sii dareen xaaladii markaa taagnayd ee ay ahayd inay dejiyaan.

3. Xukuumaddu waxay oggolaatay shirkii ay ku baaqeen Wax-garadka Laascaanood, kaasoo ay Dawladdu u arkaysay inuu qayb ka noqon-doono dedaallada nabadaynta, balse waxa uu shirkaasi noqday mid lid ku ah Qarannimada Somaliland iyo nabadii ay ku naaloonaysay Laascaanood shan iyo Toban kii sanno ee u danbeeyey.

4. Xukuumaddu waxay go’aansatay oo ay ka saartay Magaalada laascaanood gudeheeda dhammaan ciidammadii kala duwanaa ee Jamhuuriyadda Somaliland, si loo yareeyo khasaaraha.

5. Xukuumaddu waxay ku baaqday fulisayna xabad-joojin bilaa shuruud ah, ka dib markii garaadadu ku baaqeen dagaalka ka dhanka ah Somaliland.

6. Xukuumaddu waxay soo dhawaysay dedaaladii madax-dhaqameedkii kale ee Reer Somaliland ee isu xil-qaamay inay nabadaynta Laascaanood ka wada-hadlaan Garaaddada, kuwaas oo in muddo ah ku sugnaa Oog, markii dambena ku soo noqday Hargeysa, markii cidi wada-hadal la furi wayday.

7. Xukuumaddu waxay soo dhawaysay dhex-dhexaadintii ay Dawladda Itoobiya wadday ee ku saabsanaa sidii ay u wada hadli lahaayeen madax-dhaqameedkii kale ee Somaliland iyo Garaaddada Laascaanood, kaas oo markii loo diyaar garoobay in lagu wada-hadlo Addis-ababa ka suurto-geli waayey dhinaca Garaadada.

Waxay Safiirrada, ku xigeenada iyo diblumaasiyiintu uga mahadnaqeen Madaxweynaha Qaranka Somaliland inuu ka ajiibay kulankan, waxaanay u soo jeediyeen inay suuragal tahay in Ciidammada Dawladda laga durkiyo Laascaanood.

Madaxweynuhu waxa uu ku xidhay soo jeedinta Diblomaasiyiinta shuruud ah; In Maamulka Puntland kala baxo magaalada Laascaanood Ciidanka, hubka iyo Taangiyada, kuwaas oo iyagoo caadifad qabiil ku beer laxawsanaya ku dhex-milmay Shacbigii Reer Somaliland ee Laascaanood, taasina ay tahay sababta aanay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland illaa maanta wax weerar ah ku qaadin Magaalada Laascaanood, islamarkaana marka Maamulka Puntland ka baxdo xadka Somaliland ee ay isku soo hadhaan Dawladda Somaliland iyo Shacbigeeda Laascaanood ay Xukuumaddu diyaar u tahay inay ka wada-hadlaan danahooda.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed saamayn-doona waddamo kale oo ka mida Afrika, Waxaanu intaas ku daray in ay Qaranka Somaliland ka go’an tahay inuu difaacdo Dalkiisa iyo Xuduudihiisa, sida waddamada kale ee Adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan Xuduudahooda.

Ugu danbayntii, Madaxweynuhu waxa uu uga war-bixiyey safiirrada Arrimaha Doorashooyinka, isagoo u sheegay in ay xukuumaddu h**e diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, isla markaana in masuuliyadda qabashada Doorashooyinka uu u xilsaaran yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252659100784

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when The NBC Somali News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to The NBC Somali News:

Share