Dallada Halgan iyo Haldoor

Dallada Halgan iyo Haldoor Dallada halgan iyo haldoor waa dallad madaxbannaan oo taageerta xisbiga rejada shacabka waddani.

Ka mid noqo dadka ku xidhan dallada horumarka & isbeddelka taagan waana dalladii 1aad ee haysata shahaadada xisbiga WADDANI waana xulka dalladaha hormuudka.

10/10/2024

DALLADDA HALGAN IYO HALDOOR
Hormuudka Isbedelka Dalka ka curanaya 13 November 2024.

10/10/2024

DALLADDA faca weyn leh ee HALGAN IYO HALDOOR ayaa qeyb weyn ka ah soo Dhaweynta ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐—๐ข๐ซ๐ฌ๐ข ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐—.๐—๐š๐ฌ๐š๐ง iyo waftigooda kuwaas oo kusoo guryo noqonaya Caasimadda Hargeysa!

๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐ฎ ๐‡๐š๐ฅ๐ ๐š๐ง ๐š๐ฒ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ช๐ž๐ฒ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ ๐ค๐š๐›๐š ๐ซ๐š๐š๐œ๐ข๐ฒ๐จ!

18/09/2024

Dalladda Halgan iyo Haldoor ee xisbiga Waddani oo Maalinkii Saddexaad si xidhiidha u wada dardargalinta Hawlaha u diyaar garawga Doorashayooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada iyo ururada ayaa Kormeer iyo Dhiiri-galin ugu yimid Xog-hayeha Xisbiga Waddani Mudane Khadar xuseen Cabdi,halkaas oo Guddomiyeha Dalladda Mudane Qaasali uga xog warramay sida ay hawshu u socoto waxaana uu ku bogaadiyey xog-hayuhu sida ay isku xilqaameen ee ay hawsha u wadaan dadkana u wacyi-galinayaan!

25/08/2024

Guddoomiyaha dallada dhalinyarada ee Halgan & Haldoor Ee Xisbiga Waddni ayaa xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inuu iibsanayo kaadhadhka codbixiyayaasha.

Hogaanka sare ee Dallada Halgan iyo Haldoor wuxu hambalyo u diraya Dallada Halbeeg oo buuxisay shuruudihi dalladnimo ee ...
24/07/2024

Hogaanka sare ee Dallada Halgan iyo Haldoor wuxu hambalyo u diraya Dallada Halbeeg oo buuxisay shuruudihi dalladnimo ee ka mid ahaanshaha dalladaha taageera ee la shaqeeya xisbiga rajada shacabka ee waddani.

Waxaan leenahay soo dhawaada saaxiibayaal waxa inoo balana isbadalka dalka ka socda ee xisbiga waddani uu gadhwadeenka ka yahay madaxwynaha caleema saarkiisa maalmaha koobani inaga xigaan, Mudane Madaxwayne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) .

14/07/2024

Isniinta & Salaasada!

Sannadka Islaamka bishiisa u horraysa ee Muxarram oo aynu ku jirno maalinta tobnaad waxay ku astaysan tahay maalin taariikh aad u wayn ku leh Sooyaalka ummada Islaamka, waa maalinta loo yaqaanno Caashuura, waa maalin Muslimiintu meel ay joogaanba laga rabo inay soomaan iyadoo loo ballan qaaday hadyad aad u qaali ah, taasoo ah in Rabbigii abuuray ka dhaafayo sannad buure ah danbigii ay galeen, sannadkii lasoo dhaafay oo dhan dambigiisii ayaa Ilaahay ku masaxayaa.

Dhanka kalana waa maalin taariikh suntan ku leh maalmihii dunida soo maray oo waa maalinkii Ilaahay badbaadiyay Nabigiisii uu la hadli jiray ee Muuse waana isla maalinkii uu Rabbiga wayni halaagay ee uu badda ku hafiyay Fircoon oo ahaa ninkii taariikhda aadamaha ku galay inuu sheegtay Ilaahnimo.

Haddaba sanadkan 1446 ee tirsiga Islaamka ayaa waxa ay maalintaasi ku beegan tahay maalinta Salaasada ee 16-ka July.

Waa fursad dahabi ah oo mudan in laga faaidaysto, waa maalin kaliya oo aynu soonkeeda ku helayno danbi dhaafka sannad dhan.

Dhanka kalana waxa sunne ah in maalin laga horraysiiyo ama maalin laga danbaysiiyo, berri oo Isniin ah waa sagaaloodkii uu Nebigu Scw yidhi: โ€œHaddii aan sannadka danbe gaadho waan soomi doonaaโ€. Soon berri oo Isniin ah, Salaasadana raaci oo yaan fursaddaasi ku dhaafin.

Ilaahay ha inna aqbalo oo ha innoo danbi dhaafo.

Dallada Halgan iyo Haldoor, waxay bogaadinaysaa barnaamij siyaasadeedka xisbiga WADDANI dalka ku maamulayo 5-ta sannee s...
12/07/2024

Dallada Halgan iyo Haldoor, waxay bogaadinaysaa barnaamij siyaasadeedka xisbiga WADDANI dalka ku maamulayo 5-ta sannee soo socota.

Guddida Dib u Eegista & Diyaarinta Barnaamijka Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI oo muddo ku hawlanayd dhammaystirka Barnaamij Siyaasadeedka Doorashada 2024 ayaa soo gabgabeeyay xalay shaqo socotay muddo.
dhawaan waxa soo bixi doona Barnaamij Siyaasadeeka Xisbiga ee Doorashada 2024, Nuqul kooban oo lagu koobay Waxqabadka Tiirkasta & Hage kooban ah Habka Baahinta & Gaadhsiinta Codeeyayaasha ee Barnaamijka, Dadaal dheer kaddib waa Alle mahadii Barnaamijkeenni waa Wadajir & Waxqabad.

05/07/2024

Dalladda Halgan iyo Haldoor oo ay hor kacayaan xubno Hoggaanka iyo Guddida fulinta ka mid ah oo qayb weyn ka qaatay Munaasibaddii uu Murashax Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro" uu xadhiga kaga jarayey Afarta Degmo ee M/Haybe,M/Mooge,A/M/Haruun Iyo G/Libaax.

Degmooyinkaa oo ay dalladdu shaqooyinka ugu badan ka qabato ayaa Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro si diiran ugu soo dhaweeyay.

Ugu danbeyn dalladda Ballankeedu waa Isku Duubni iyo Ku shaqayn Mabaadida xisbinnimo ee xisbiga Rejada Shacabka ee waddani,sidoo kale waxay dalladdu u mahadnaqaysaa Xubnihii dalladda ee u hagar baxay ee qeybta weyn ka qaatay Munaasibaddahaa.

Waxa maanta qabsoomay, kulankii saddexaad oo xidhiidha kana dhacay, xarunta dalladda oo hoggaanka iyo guddida fulintu ay...
31/05/2024

Waxa maanta qabsoomay, kulankii saddexaad oo xidhiidha kana dhacay, xarunta dalladda oo hoggaanka iyo guddida fulintu ay la qaateen xubnaha degmada M/Haybe ee dalladda Dallada Halgan iyo Haldoor
kulankaa oo lagu dardar galinayo hawlaha shaqo ee dalladda iyo Xisbiga Waddani.

Hawl iyo hal-adayg.

Maanta oo ay taariikhdu tahay, 30/May/2024 kuna beegan maalin Khamiisa. Waxa gelinkii dambe, ee maanta kulan yeeshay hog...
30/05/2024

Maanta oo ay taariikhdu tahay, 30/May/2024 kuna beegan maalin Khamiisa.

Waxa gelinkii dambe, ee maanta kulan yeeshay hoggaanka dallada Halgan & Haldoor sidoo kale guddida fulinta waxaana ay halkaasi ugu yeedheen xubnaha dallada ee degmada Gacan-libaax oo ay kala qaateen warbixinno & dardargelinta dhaqdhaqaaqyada ololaha doorashada inagu soo foolka leh, 13 Nov 2024 doorka ay ka qaadan doonto dallada horumarka & hormaadka dalladaha ee halgan & haldoor.

Waxaana dhallinyaradaasi ay yihiin kuwo naf-hura oo ka qayb qaadanaya hawlo is xiqaalka xisbiga rejada shacabka Somaliland ee waddani.

Hoggaanka dalladu & guddida fulinta toddobaad kasta waxay kulan la qaadan doonaan xubnaha degmooyinka dallada & cid kasta oo xisbiga kamida; oo isbeddel-doon ah gacmo furan iyo laab-xaadhan ayay ku soo dhowaynaysaa.

Allaa mahad leh.

Midnimo shaqo & midnimo dhallinyaro waarta ayay isku waafaqeen labada dalladood ee Halgan & haldoor iyo sidoo kale, dall...
23/05/2024

Midnimo shaqo & midnimo dhallinyaro waarta ayay isku waafaqeen labada dalladood ee Halgan & haldoor iyo sidoo kale, dallada Hanaqaad.

09/04/2024

C I I D M U B A R A K.

Waxaan idinku hambalyeynaynaa curashada munaasibadda ciidul-fidriga farxadda ciidda awgeed iyo ummadda islaamkaba waxaan kaloon sigaara: ugu hambalyeynaynaa dhallinyarada dallada halgan iyo haldoor annagoo ah hoggaanka dallada.

Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu ina'aqbalo acmaashii & waajibaadkii soomka, salaadda, sadaqada iyo sidoo kale, quudinta masaakiinta alle ciidan ciideeda nabad-qab & caafimaad qab ha inagu gaadhsiiyo. Waxaan kaloon u ducaynaynaa walaalaha reer falastiin ee dhulkooda cadowgu ka baro bixiyey inuu alle u gargaaro ilaahayna dhibaatada ka dulqaado.

Xarunta guud ee Dallada Halgan iyo Haldoor, oo dib habayn ballaadhan & qalabayn lagu sameeyay ayaa dhowaan xadhiga laga ...
02/04/2024

Xarunta guud ee Dallada Halgan iyo Haldoor, oo dib habayn ballaadhan & qalabayn lagu sameeyay ayaa dhowaan xadhiga laga jari doona.

Dalladan oo ah dallada guud ee hormuudka dalladaha Xisbiga WADDANI waa dallada ugu quwadda iyo haldoorka taageerayaasha Xisbigu ku midaysan yihiin.

S O O N Q A A D W A N A A G S A N.Hoggaanka Dallada Halgan iyo Haldoor iyo xubnaha guddida fulinta, golaha dhexe, dallad...
10/03/2024

S O O N Q A A D W A N A A G S A N.

Hoggaanka Dallada Halgan iyo Haldoor iyo xubnaha guddida fulinta, golaha dhexe, dallada sidoo kale, xubnaha guud ee dallada waxay idinku bushaaraynayaan curashada munaasibadda bisha barakaysan ee Rabbadaan waxaan eebbe idinka baryayaa inaad bishan bisheeda ku gaadhaan cimri dherer, & caafimaad.

Allena ha inaga aqbalo acmaasha iyo barakada ay leedahay, bishani waana bil la quudiyo masaakiinta ay tahayna in khayrkeeda laga faa'iidaysto.

Bishani waa bil cibaado iyo qur'aan akhris. Waana bishii uu soo degay, qur'aanka kariimka ahi bishani waxa ku jira habeen ka fadli badan 1000 habeen. Alle ha inaga dhigo kuwii ka faa'iidaysta eebbow naga aqbal oo naga xoree naaraha.

Allaa mahad leh.

Ramadaan wanaagsan.

Hambalyo mudane: Xoghaye Mukhtaar Mingiste.
27/02/2024

Hambalyo mudane: Xoghaye Mukhtaar Mingiste.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dallada Halgan iyo Haldoor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dallada Halgan iyo Haldoor:

Share

Category