07/01/2020
halista in dagaal caalami dunida kadilaaco oo sii xogaysaneysa.
Kadib dilkii janaraalka sare ee iran ayaa waxa iso soo taraya wararka dhiiloyinka ah ee calamka kasoo yeedhaya.
hadii dagaal ka dhex qarxo mareykanka iyo iran waxa dunida oo dhan soo wajehaysa xaalado cakiran oo dhanka dhaqaalaha , isu socodka diyaradaha, markiibta iyo dhamaan ganacsiga caalamka
inkasoo iran xag dhaqale iyo technologyba laga horumarsanayahy hadana maaha dal si fudud lagaga guuleysan karo
hayeshe maanta badi caalamku waa dareensanyahay halista kadhalankarta dagaal maadama oo dunidu wakhtigan tahay globalisation ama hal tuulo oo isku xidhan.
HADABA SAAMAYN NOOCEEYA AYUU KUYEELAN KARA SOMALIDA DAGAALKANI?
waxa jirta habacsanan iyo dhaadis la.aan ku jirta bulshada somalida iyo siyaasiyiintooda ,mana jirto qorshe iyo ajandayaal uga dejisan hadiiba dagaal ka qarxo beriga dhexe, iyado noloshena daruuriga ahi ku tiirsan gacanka carabta iyo badacas hadana waa meelaha ugu h**eeya ee hadii dagaal dhaco loolanku kabilaabmi doono maadama oo ay yihiin goobo istaraaji ah.
badacas waa marin isku xidha dhaamaan qaradaha caalamka waana halka uu maro shidaalka iyo ganacsiga ugu badan ee caalamku
quutal daruuriga somalida ee sida bariiska; daqiiqda, sonkorta iyo baastada ayaa ah kuwa ugu h**eya ee aynu waayi karno hadii bariga dhexe dagaalku ka bilawdo
waxaa sido kale la waayi doona shidaalka oo ah meelaha ugu h**eeya ee colaadu saamayn kuyeelaneyso
hadiiba shidaalku uu joogsado waxa iyana meesha ka bixi doona isu socodkii gaadiidka internetka iyo warshadaha sida kuwa korontada
mana jirto kayd wayn oo cunto iyo shidaal oo ina hayn kara mudo sanado ah .
dan maanta inooguma jirto dagaal dhex mara iran iyo USA.