Hogatuse

Hogatuse HOGATUSE
Waa bog aad ugu iman doontaan xog sugan, oo waxbaris, wacyigelin iyo wacyidhis xanbaarsan.

01/10/2025
01/10/2025
01/10/2025
01/10/2025
30/09/2025
29/09/2025
29/09/2025
29/09/2025

Taariikh Nololeedkii Sheekh Cumar Cabdi Maxamuud "Cumar faaruuq" (1949-2011)

Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Carmaale oo u dhow qallaafe, ismaamulka Soomaalida galbeed ee Ethiopia gumaysato, taariikhdu markii ay eheed 1949 kii.

Carmaale waxaa sheekh ka ahaa AUN Xaaji Cabdi-Suldaan, oo ahaa sh Cumar faaruuq aabihiis oo isaguna ahaa nin si weyn diinta loogu yaqaan weliba madhabka Shaaficiga ah.

Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashay qoys diineed, Aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan Wuxuu geeriyooday isagoo 3jir ah, Hooyadiis, Caasha Sheekh Axmed Guure, isaga oo 5 jir ah ayey geeriyootay, sidaasina Sheekhu wuxuu ugu soo korey agoonnimo iyo rajanimo.
Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeydiis hooyo dhashey iyo walaalihiis ka waaweynaa, Sheekh Cumar Faaruuq quraanka kariimka ayuu halkii ku xifdiyay, Deetana wuxuu bilaabay in uu barto Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaana Fiqiga loo billaabey.

Dhinaca barashada luuqada Carabiga Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu nasiib u helay inay guriga ay ugu akhrin jireen niman walaallihiis ah oo ay ka mid yihiin Sheekh Shaafici Xaaji Cabdi-Suldaan iyo Sh. Murshid, Waxay bareen cilimiga Naxwaha, sida: Ajruumiga, Cimriidiga, Mulxaha, Mutamimka Ajruumiga, Qadriga iyo ilaa Alfiyaha inbu Maalik.

Qaybta Sarfiga waxaa u akhriyey wadaad awowgiis ah oo la oran jirey Xaaji Maxamuud Xaaji Cabdulle, Tafsiirka waxaa u khriyey wadaad la dhihi jirey Sh.Yuusuf muddadaas oo uu magaalada Qallaafe xer ku ahaa Sh cumar.

Sheekh Cumar Faaruuq asaga oo da,a yar ayuu ka soo tagay magaalada Qallaafe asaga oo yimid magaalada Muqdisho 1960 meeyadii, wuxuu kitaabada ka raacan jirrey masjidka marwaazi oo Muqdisho ku yaalla.

Dabadeed Cumar-Faaruuq wuxuu galey madrassad ku taalley Xamar oo la oran jirey “Machadu-Diin bil-Muqdisho” oo ay Masaaridu gacanta ku haysay, Halkaasi waxa uu ku dhameeyay dugsiga dhexe, Dugsiga sare waxa uu ku dhameeyay Machad-Altadaamun al Islaamiyah bil-Muqdisho oo ku oolli jirey lambar afar oo ay sucuudigu gacanta ku hayeen.

Muqdisho Shiikhu diinta ayuu dadka sii bari jirey intii uu soo bartay waxaana saldhig u ahaa misaajidkii Ibraahim Uun laaye ee degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Sheekh Cumar wuxuu ahaa qof jecel kororsiga khayrka wuxuuna rumaysnaa in cilmiga aan laga dhargi Karin, Waxa uu aaday boqortoyada Sacuudiga waxa uuna galay Jaamacadda Medina Almunawarah, kulliyadda, Al-Dacwah,1975-1979kii.

Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo xaruntiisu tahay dalka Sacuudiga, Waxa uu duubay cilmi fara badan oo ay ka mid yihiin kutubo badan oo ilaa iyo 12 kitaab ah oo tafsiirka ah ku jiro intii uu joogey dalka Sucuudiga.

Kutubadaas uu Sheekh Cumar duubay ayaa gaarey meelwalba oo dunida, Waxaana yar qooys Soomaaliyeed oo aan haysan cajaladaha Tafsiirka Quraanka Kariimka ee Sheekh Cumar Faaruuq.
Sheekh Cumar Faaruuq dadkii ku noolaa dalka iyo dibedda waxa ay jecleysteen inay arkaan isaga, 1993 bishii July ayuu tegay dalalka Sweden, Norwey, Denmark, Finland, Swizerland, Ingiriiska oo uu ka sameeyay muxaadarooyin iyo duruus kale oo badan.

Deetana sannadkii 1996 ayuu ku noqday Soomaaliya, waxaanu tagey magaalooyinka Muqdisho, Marka, Qoryooley, Afgooye, Wallaweyn, Buurxakaba, iyo Beydhabo oo dhamaantood uu gaarsiinayey fidinta dacwada diinta islaamka.

Sheekh Cumar Faaruuq intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya waxa uu waday barnaamij ballaaran oo ay ka mid ahaayeen midaynta culimada diinta ku abtirsada, la talinta iyo toosinta siyaasadda Soomaaliya, iyo waxbaridda ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga haqabtiri lahaa diinta, hadday tahay akhriska kutubta ama wacdinta iyo waanada.

Sheekh Cumar Faaruuq asaga oo da’ ah hadana marwalba uu ka murugsanaa xaalka iyo dhibaatada ka taagan wadankii hooyo ee Soomaaliyeed, Marwalba wuxuu rajeeynayay in uu arko ummada Soomaaliyeed oo u dhalatay doowlad caadil ah oo isu keenta ummada Soomaaliyeed.

Waxaase tii alle u timid Sheekha allaha u naxariistee 8 Maarso 2011, Maalin Talaado ah, Wuxuuna ku geeriyooday magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudiga.

Allaha u naxariisto Sh Cumar faaruuq qof kasta oo Soomaaliyeed wey garaneysaa wanaagga Sh Cumar, ilaahey adoomihiisa looma dahiro isaga ayaa nooga ogaal badan balse Shiikga waqtigiisii wanaag iyo faafinta Diinta Islaamka ayuu ku dhameystay allaha u naxariisto oo wanaagiisii faraha badnaa ka abaal mariyo.
Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu ifka uga tgay
15 carruur ah iyo Afar xaas.

Xigasho: Ansaru dacwah

29/09/2025
29/09/2025
29/09/2025
28/09/2025

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hogatuse posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hogatuse:

Share