Gobanimo News Agency

Gobanimo News Agency Boggani waa bogga rasmiga ah ee Gobanimo News Agency iyo Gobanimo Media Group, fadlan like saar si aad noogu soo biirto, WAR SUGAN IYO WEEDH SAXAN

Wakaalada Wararka ee Gobanimo waa Hay’ad Warbaahineed madaxbanaan oo idiin soo gudbin doonta Wararka iyo dhacdooyinka Caalamka guudkiisa ka dhaca iyo Mucluumaad kale oo muhiim ah. Ujeedada ugu weyn ee Gobanimonews loo abuuray, waa inay Bulshada Somalida iyo kuwa kale ee dunida ku kala nool u soo gudbiso dhacdooyinka gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee taabanaya qof kasta oo ka mida Akhristayaashayad

a. Maaha oo kaliya hadafkayagu inaanu warar amase dhacdooyin maalinle ah idiin soo gudbino, balse waxa naga go’an inaad wakaaladan ka heli doonto Macluumaad kala duwan oo ku saabsan Aqoonta Diinta, Cilmiga Maadiga ah, Taariikh, Suugaan, horumarinta adeegyada Ganacsiga, shuruucda Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah. Xarunta guud ee Gobanimo news Agency waxay ku taala Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland , waxaanay wakiilo ku leedahay, shanta qaaradood ee aduunka. Gobanimo News Agency
Saleban Cabdi Cali, Editor in Chief

17/06/2025

M/weyne Ciiro oo 23 Magacaabisood sameeyey

Maydka Gen Morgan oo lagu muransan yahay! Reer Siyaad Barre ayaa lagu eeddeeyey Khilaaf xoogan baa ka taagan  aaska AUN ...
03/06/2025

Maydka Gen Morgan oo lagu muransan yahay! Reer Siyaad Barre ayaa lagu eeddeeyey

Khilaaf xoogan baa ka taagan aaska AUN Gen Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo todobaad ka hor geeriyoodey, Maydka Marxuun Gen Morgan,ayaa weli talaagad kujira kadib markii si weyn la isugu khilaafay goobta lagu aasayo.

Qoyskiisa gaar ahaana caruurtiisa iyo ooridiisii, ayaa la sheegayaa inay doonayaan in lagu aaso dalka Cumaan oo ay degan yihiin, halka Madaxda Puntland iyo eheladiisa kale rabaan in loosoo qaada Puntland laguna aaso taasoo aan la isku afgaran ilaa hadda.

Siyaasi Siyaad Cali Jaamac oo kamid ah eheladda Marxuumka ayaa warbaahinta Daljir u sheegay in Qoyska reer Maxamed Siyaad Barre oo uu xidid la'ahaa General Morgan ay ku adkaysanayaan in maydka ay u qaataan Cumaan halkaana lagu aaso.

"Markale 7 maalin kadib waxaan tacsi iyo samirsiinba la wadaagayaa dhamaan dadka reer Puntland, Dowladooda iyo shacabka Soomaaliyeed sugidii ay sugayeen inay ka qayb galaan aaskiisa oo ay ahayd in lagu aaso gurigii uu ku dhashay, Suurta gal la'aantaas waxaa u sabab ah Reer Maxamed Siyad Bare oo doonaya inay Cumaan ku aasaan anagoo tix gelinayna go'aanka gaarka ee qoyska, hadaba sida Soomali wada ogtahay AUN Mohamed Siyad waxaa uu ku dhintay Nigeria waxaana Qooyskiisu iyo eheladiisuba ku aaseen deegaankii uu ku dhashay siiba degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo, waxay Aabohood u diideen maxay Morgan ugu wadan". ayuu yuru Siyaasi Siyaad Cali Jaamac.

Gen. Morgan wuxuu kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Soomaaliya, waxaanu ku suntan yahay inuu qayb weyn ka ahaa dhibaatooyinkii dhiiga badan lagu daadiyey ee bulshada Somaliland loo geystay.

03/06/2025

Madaxweyne Cirro oo hadlay!

Is-bedelka Amniga Gobolka oo laga digay- ( Somaliland & Somaliya)Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca sii k...
02/06/2025

Is-bedelka Amniga Gobolka oo laga digay- ( Somaliland & Somaliya)

Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca sii kordhaya ee ku aaddan weerarrada kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ee ka dhaca Galbeedka Afrika iyo xaaladda murugsan ee Soomaaliya ay sabab u noqdeen in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) dib u eegto istaraatiijiyaddeeda Afrika.

Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Janaraal Michael Langley, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka Saaxil ay si xawli ah u kordheen saddexdii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu uga digay in haddii aan wax laga qaban kooxahan ay dhawaan heli karaan awood ay weerarro kaga fuliyaan gudaha Mareykanka.

In kasta oo Janaraal Langley uusan si cad u sheegin in Mareykanku yareynayo tirada ciidamadiisa ku sugan Afrika, haddana wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda sugidda amniga ay tahay mid ay tahay in ciidamada Afrikaanka ah si buuxda u qaataan.

“Istaraatiijiyaddeennu waxay ku dhisan tahay iskaashi. Waa yool wadaag ah oo lagu sugaayo amniga dalalkayaga iyo kuwa saaxiibadeenaba,” ayuu yiri. “Waa dhisidda awood waarta, ma aha ku tiirsanaan. Waa maalgashi lagu sameynayo awoodda Afrika ee xalinta dhibaatooyinka Afrika.”

Janaraal Langley, oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka islamarkaana hoggaaminaya AFRICOM tan iyo 2022, ayaa tilmaamay in gobolka Saaxil uu hadda noqday “xuddunta” argagixisada Afrika. Wuxuu sheegay in kooxaha Al-Qaacida iyo Daacish ay si firfircoon uga howlgalaan dalalka Burkina Faso, Mali, Niger, iyo Nigeria.

“Mid ka mid ah yoolalka cusub ee kooxaha argagixisadu waa inay helaan marin xeebeed oo ay uga gudbaan Galbeedka Afrika,” ayuu yiri Langley, isagoo la hadlayay weriyeyaasha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladdan ay si weyn u kordhin karto halista ah in weerarro lagu qaado xeebaha Mareykanka.

“Waxaan luminay awooddii aan si dhow ula socon jirnay dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada,” ayuu yiri.

Jimcihii la soo dhaafay, Janaraal Langley wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay taliyayaal ciidan oo Afrikaan ah, shir looga hadlayay xaaladda amni ee qaaradda Afrika.

Isagoo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya, Langley wuxuu sheegay in AFRICOM ay laba jibbaartay weerarrada cirka ah ee ay halkaas ka fuliso sanadkan. Wuxuu xusay in in ka badan 25 weerar la qaaday, taasoo ka badan tiradii sanadkii h**e oo dhan.

Si kastaba, wuxuu hoosta ka xariiqay in guusha waarta aysan ku imaan karin keliya awood ciidan, balse loo baahan yahay istaraatiijiyad ballaaran oo wax ka qabata sababaha salka u ah xasillooni darrada.

Khilaafka Xamar!

Maraykanka ayaa moodaa inuu ka daalay Taageerada Xamar uu siiyo ee la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah taasi oo ay leeyihiin khilaafka Madaxda xamar waxay wiiqaysaa Xasiloonida Gobolka, Falan-qeeyaasha ayaa aamisan in ay muhiim tahay in si toos ah loola Macaamilo Somaliland isla markaana la xoojiyo iskaashiga dhinaca Amniga ee Maraykanka & Somaliland,

J. Jama Feyte

La Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland ee Arrimaha dibadda, Maxamed Xaaji Maxamuud, ayaa sheegay in socdaalk...
01/06/2025

La Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha dibadda, Maxamed Xaaji Maxamuud, ayaa sheegay in socdaalka Kenya ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ka badan yahay booqasho keliya, isla markaana guullaha ka dhashay kulankii madaxweynuhu la yeeshay dhigiisa Kenya, William Ruto uu tusmaynayo sharciyada dalkan oo ay farriin cad u tahay cadowga iyo Saaxiibada Somalilandba.

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ahi wuxuu tilmaamay in socdaalka madaxweynaha Somaliland uu dhaliyay guullo diblomaasiyaddeed.

Maxamed Xaaji Maxamuud wuxuu ku dooday in diblomaasiyaddu ay isku beddesho ficil iyo aqoonsi, balse aanay ahayn waxa lagu sheego waraaqaha iyo war-murtiyeedyada.

"Dhawr dhinac oo ay ugu badan tahay
Maamulka Muqdisho iyo xulafadeedu, waxa ay isku dayeen inay aanu qabsoomin kulankii ay yeesheen Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya. Waxaanay adeegsadeen culayso iyo dhaqaale, si ay si ay Kenya ugu dirqiyaan inay baajiso kulankaas uu madaxweyne William Ruto qorsheeyay," ayuu ku yidhi Maxamed Xaaji qoraal uu soo saaray oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha dibaddu wuxuu caddeeyay in Somaliland ku guullaysatay ujeeddooyinkeeda diblomaasiyaddeed, oo ay bog cusub u furmay cilaaqaadka ay la leedahay mandaqada iyo caalamkaba.

Waxa kaloo uu xusay in guullaha diblomaasiyaddeed ee Somaliland ay ka turjumayso tayada hoggaankeeda, qaangaadhnimada iyo adkaysiga siyaasadda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland.

29/05/2025

Madaxweyne Cirro oo laba luuqadood kaga hadlay Kenya, kulanka Ruto iyo furitaanka Safaarada...Daawo

Ruushka iyo Ukraine oo isdhaafsaday boqolaal MaxbuusDalalka Ruushka iyo Ukraine  ayaa  is dhaafsaday boqolaal Maxaabiis ...
23/05/2025

Ruushka iyo Ukraine oo isdhaafsaday boqolaal Maxbuus

Dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa is dhaafsaday boqolaal Maxaabiis dagaal ah jimcaha maanta.

Labada dal ayaa mid waliba ku wareejiyey ka kale 270 maxbuus oo dagaal. Sidoo kale waxa maxaabiista lays dhaafsaday ku jira 120 maxbuus oo rayid ah.

Isdhaafsiga Maxaabiista ayaa kamid ahayd waxyaabihii lagaga heshiiyey kulankii dalka Turkiga ku dhex maray 16-kii bishan May.

Tirada maxaabiista ay isu celinayaan ayaa lagu wadaa in la gaadhsiiyo kun maxbuus, xilli aanu wali joogsan dagaalka u dhexeeyaa.

14/05/2025

Golaha Wasiirrada Somaliland

Kulanka soo bandhigista sooyaalka Taariikhda  Madaxbanaanida Somaliland iyo Caweyska Waddaniyadda ee Xuska todobaadka 18...
14/05/2025

Kulanka soo bandhigista sooyaalka Taariikhda Madaxbanaanida Somaliland iyo Caweyska Waddaniyadda ee Xuska todobaadka 18-ka May. ayaa maalinta bari Khamiista ee taarikhdu tahay 15-May-2025, ka qabsoomi doona barxada Xarunta Barashada Waddaniyadda, ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka.

Maayarka (Duqa) Minneapolis ee Maraykanka oo xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Laabsaalax.Waxaa manta (12/May/2025), ho...
14/05/2025

Maayarka (Duqa) Minneapolis ee Maraykanka oo xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Laabsaalax.

Waxaa manta (12/May/2025), hoolka shirarka ee magaalada Minneapolis (City Hall) uu Maayarka magaalada Minneapolis, Mudane Jacob Frey ku qaabilay Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax, oo labaddii todobaad ee u danbeeyay safar booqasho ah ku joogay dalka Maraykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota.

Kulankan oo ay xildhibaanka ku wehelinayeen xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee gobolka Mennisota. Sida u uu Xildhibaanku ku baahiyay bogiisa, ayaa soodhaweyn kadib Maayarka iyo Xildhibaanku iska waraysannay xidhiidhka, iskaaashiga, iyo mabaadiidda maamul ee ka dhaxeeya labada dal ee Maraykan iyo Somaliland, sida hannaanka dimuqraadiyadda, ilaalinta xuquuqda aadamaha, iyo suuqa xorta ah. Xildhaabka ayaa sheegay, maadaama oo ay labadooduba yahiin mudanayaal lagu doortay cod bulsho, in ay iska waraysteen hannaanka dimuqraaddiga ee Somaliland, sida uu u korayo iyo in uu bogaadin iyo taageero mudan yahay.

Dhanka kale, waxaa Maayarka iyo Xildhibaanku ka wada hadaleen, sidii ay magaalada Minneapolis taagero iyo iskaashi ula samayn lahayd magaalooyinka Somaliland ee iyagana ay maamulaan gole degaan iyo Maayiro la doortay. Si gaar ahna waxaa ay isku dul taageen sida uu sheegay Xildhibaanku sidii magaala Minneapolis ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa uga taageeri lahayd arrimaha kaabayaasha dhaqaale, degsiimo-wanaagga iyo caqabada dabdemiska oo culays badan ku haya Hargaysa. Xildhibaanka ayaa Maayirka u fidiyay casuumad uu dalka Somaliland ku yimaaddo, Maayarka ayaa dhankiisa sheegay in uu codsigaa booqdo ee Somaliland, aqbalay qorshahiisana uu ku darsan doono.

Sida uu xusay, Xilidhibaanku waxaa ay Maayirka ka sheekaysteen doorka shariifka ah ee guud ahaan bulshada Soomaliyeed ee ku nool Minneapolis iyo Maraykanba ay kaga jiraan kaalmaha kala duwan ee nolosha.

Kulankaasina waxaa uu kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, ballan, isafgarad iyo iskaashi.
Xildhibaanka ayaa u mahadnaqay maayirka iyo xubnaha jaaliyadda Somaliland ee kulanka ku wehelinayay iyo intii qaybta ka ahayd abaabulkiisa. Sidoo kale dhamaan bulshada Soomaliyeed, sida milgaha iyo maamuuska weyn ee ay usoo dhaweyeen uguna qaabileen dalka Maraykanka.

Xasan Dhuxul Laabsaalax

Trump, ayaa sheegay inuu diyaarinayo sidii uu cunaqabateynta uga qaadi lahaa Suuriya, isagoo sheegay in tallaabadan uu k...
12/05/2025

Trump, ayaa sheegay inuu diyaarinayo sidii uu cunaqabateynta uga qaadi lahaa Suuriya, isagoo sheegay in tallaabadan uu ka codsaday Erodogan . Wuxuu intaa ku daray in go’aankan looga danleeyahay in Suuriya loo furo bog cusub.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gobanimo News Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gobanimo News Agency:

Share