Somaliland Vision TV

Somaliland Vision TV Warar xaqiiqa ah kale soco

Wararka Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Gudoomiye Mohamed Kaahin Ahmed Uu Xisbiga Kulmiye Ku Wareejin Doono Deegaanada Gob...
13/06/2026

Wararka Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Gudoomiye Mohamed Kaahin Ahmed Uu Xisbiga Kulmiye Ku Wareejin Doono Deegaanada Gobolka Saaxil , Isla Markaana Gudoomiyaha Uu Ku Wareejin Doono Maayir Cabdishakuur Mohamed Hassan Ciddin oo Hadda Ah Maayirka Magaalada Berbera.

Wasiir  Cabdalle Sandheere ayaa Cabdinasir jaamac xoosh oo ka soo jeedda beesha ciise u magacaabey xoghayaha fulinta gob...
13/06/2026

Wasiir Cabdalle Sandheere ayaa Cabdinasir jaamac xoosh oo ka soo jeedda beesha ciise u magacaabey xoghayaha fulinta gobolka Salel.

Waxa xusid mudan in beesha ciise ay h**e u haysay dhammaan xilalka gobolka sida; Maayirka Degmada saylac, Guddoomiyaha Gobolka/loo beddelay saaxil, xoghayaha Dawladda hoose ee Degamada Saylac iyo badiba isu-duweyaasha laamaha dawladda ee gobolka.

Xoghayaha xilka laga qaaday waa gadabuursi, Makaahiil, Jibriil yoonis.

War deg dega Oo Ay Soo Saareen  Laanta Dembi-baadhista iyo guud ahaan Ciidamada Booliska JSL , ayaa Lagu Yidhi  way ka m...
13/06/2026

War deg dega Oo Ay Soo Saareen Laanta Dembi-baadhista iyo guud ahaan Ciidamada Booliska JSL , ayaa Lagu Yidhi way ka madaxbannaan yihiin, siyaasadda iyo xifaaltanka bulsho. Waajibaadkooda dastuuriga ah iyo shaqada uu sharcigu siiyeyna waa sugidda amniga qaranka, dhowrista nidaamka iyo kala dambaynta guud, ilaalinta muwaadinka naftiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa darajo kasta oo uu leeyahay, iyo in sharciga ay ku fuliyaan cid kasta oo khatar ku keenaysa arrimahaas.

Laanta Dembi baadhisata ee Jamhuuriyadda Somaliland (CID) xaq bay u leedahay in ay u yeedho, waraysato, haddii loo baahdana Maxkamadaha ku shaqada leh u gudbiso, cid kasta oo ku eedaysan sharci-jebin, iyo falal ama hadallo khalkhal gelinaya amniga guud, iyada oo aanay jirin wax ku qasbaya in ay qarsoodi ka dhigto, ama ay habab dadban u marto. Mana jiri karo wasiir ama masuul kale oo si toos ah CID uga dalban kara in muwaadiniinta loogu yeedho baadhis, masuulka dacwad qabaana nidaam sharci oo uu maro ayuu dalku leeyahay.

Si kastaba ha ahaato e, waxaa maalmahan soo baxay, dadyow iyaga oo aanay laanta dembi-baadhistu u yeedhin ama xidhiidh dembi-baadhiseed la yeelan, baraha bulshada ku faafinaya been-abuur ay ku andacoonayaan in CID-du ay u yeedhay, sida muwaadinka magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Seed.
Waxaa iyaduna nasiibdarro ah, in shakhsiyaad gaar ahi ay caado ka dhigteen in ay ololayaal sumcad dil iyo dano shakhsiyadeed awgood u sii faafiyaan wararkaas yeedhmada beenta ah oo ay sii buunbuuniyeen, iyaga oo aan ka hubin hay’adaha amniga ee ay khusayso.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu ka digayaa in arrimaha ammaanka aan la dhexgelin karin danaysiga iyo ujeeddooyinka siyaasadeed ee la kala jiidanayo, cid kasta oo arrintaas si qaldan ama hubsiimo la’aan ah u buunbuunisana, in hay’adaha ammaanku ay xaq u leeyihiin inay ka dalbadaan caddayn sugan oo haddii ay ku guul-darraystaan ay ku mutaysanayaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Hashii Gawracna Ma Hadlayaa, Djabouti Dagaalka ay S/land kula jirto Bulshada Bomaliland wey ka dheregsanthay, Ninkii Wak...
10/06/2026

Hashii Gawracna Ma Hadlayaa,
Djabouti Dagaalka ay S/land kula jirto Bulshada Bomaliland wey ka dheregsanthay,
Ninkii Wakaaladda Biyaha ku Fashilmay Dadka Reer Hargeysa u kale abtirin jiray e Xaafadana u sii deyn jiran Xaafadana ka xidhi jiray, Yaa wax u dirsanaya?

06/06/2026
29/05/2026

ilmo Umal wan idin salaanay

Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland Vision TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somaliland Vision TV:

Share

Category