10/07/2025
Waa maxay “Guulwadayn?”
……………………,.,,,,,,……………..
Intiina aan Xukuumaddii Maamulkii Maxamed Siyaad Barre, ee ciidamadu inqilaabeen 21kii Oktoobar, 1969, waxa xaqiiqo inaan dhalinyarada maanta joogtaa waxbadan ka aqoon. Haddaba Markii dawladdu nidaamkii Shuuciga ee Soviet Union-ka (Midowga Soofiyeti) ay qaadatay; waxa ay koobiyeysay nidaam kasta oo ummadda lagu koontoroolo. Ha ugu daraadeen ciidamada sir doonka, booliiska, CID, ciidamada qalabka sida, iyo kuwo kale oo markii dambe dawladda Soomaaliya hal-abuurtay sida “hangash,” oo kale. Waxa kale oo iyaguna jirey; ciidamo aanay cidina lacagsiin oo dawladdu maskaxiyan uga dhaadhicisay nidaamkii shuuciyadda, sida Guul wadayaal, hooyooyin, ururka dhalinyarada, kacaanka iw. Ciidamadan kale duwan waxa aynu ka soo qaadanaynaa Ciidamadii Guulwadayaasha.
Guulwadayaashu waxa ay ahaayeen rag iyo dumar dhar cagaar/green ku lebista, oo aanay cidina lacagsiin. Wax derajo ah ma lahayn; waxana ay ahaayeen dadka laga baqo xagga Ruufyaanimada (Baasnimada.” Waxa ay ahaayeen dad kula degan, deris kula ah amaba aad qaraabo tihiin, laakiin aan cidina aaminin. Waxa la yidhi oday Abgaal ah ayaa beri ku biiray, marka Guulwadayaasha maalin walba waa la gaardisiin jirey; khudbadihii hanuunintana waa loo akhrin jirey; waayo hanuuninta iyo amaantu waxa ay ahayd waxa qalbigooda dawladdii ka caanka ku xidhiidhisay; oo ka dhaadhicisay in ay qaranka shaqo muqaddis ah u hayaan. Waxa intaas u dheeraa in reerahoodu aad uga dayacmi jireen; ileyn waa niman maalin walba gaardis ku maqane.
Odaygii Abgaal ayaa maalintii dambe xaradii Guulwadayaasha tegay. Ninkii Ciidamada haystay ayaa safay ciidamadii oo bilaabay in uu yidhaahdo “H**e u soco, dib u jeenso, dib u jeenso.” Odaygii Abgaal ayaa jeensan waayey oo h**ey u sii socday. Askarigii gaardisiinayey ayaa xanaaqay oo ku yidhi “waryaa maxaad u soo jeensan weyday.” Odayga oo ahaa nin aad caato u ah; dirayskiina holof ku noqday, oo qoor caato ahi ka soo jeedo; ayaa yidhi “Askari Jeensan maa (ma jeensanayo); ma xaa jira ayuu waydiiyey? Waxa uu ugu jawaabey “Xaan ka dheefaa, intaas oo sano aad iska kay daba wareejinayseene.”
Dulucda sheekadani waxa ay tahay, inkasta oo nidaamkii shuuciyaddu burburay; waxa weli dadkii ka guurin guulwadayntii, iska daa kuwii taariikhdaas soo joogaye; Jiilkas cusub ayaa xanuunka guulwadayntu gaadhay. Bal adigu u fiirsan, bal dadka dhaqankooda eeg Qurbe iyo dibadba ha joogaane; haddii ay arkaan qol xil inta uu doonaba ha leekaadee wada daba yaacaya. Hadda Meesha Minnesota; meel ka guulwadayn badan maan arkin. Haddii la yidhaahdo Agaasime yar ayaa waddankii ka imanaya, waxa ku dhacaysa xumaddii Guulwadaynta. Maalmo dhan ayaa laga murmayaa cidda soo dhoweynaysa; waxaa la samaynaa Guddiyo reer waliba ka muuqdo; xataa nin waliba shaqadiisii yarayd ayuu fasax ka soo qaadanayaa. Hadhowna waxa la qaban qaabinayaa xafladihii “dayuuska” yar ee bilaa macnaha ah loo samayn lahaa. Colaad badan ayaa halkaas ka dhacda; iyada oo la isku maan dhaafo; yaa lagu daraya gudida shirarka qaban qaabinaysa, iyo kuwa lacagaha soo ururinaya. Reer hebel xaqiisii ma helay iwm. Markii kii yaraa ee lagu xiiqay dhoofayna, colaaddii dhexdooda ayaa sii hurta; nin walbana qaadhaan aanu awoodin ayaa ku go’a. Ka yaraa ee weftiga ahaa, oo cadar, dhar iyo hadiyado kale shandado loogu daabulay; jeebabkana lacag looga buuxiyey, ayaa madaarka ka dhoofa isaga oo qawlalada ka qoslaayaa. Waa mucjisooyinka Guulwadaynta.
Bal waxa aad u fiirsataa Madaarada Soomaalida, ha ugu daraadaan Xamar iyo Hargeysa; maalin walba dad ayaa safaf dhaadheer ku jira oo dad sii dhowynaya ama soo dhoweynaya. Dadka bacadkaas tuban, wax Allaale waxa ay ka dheefayaan dadkan xilalka haya ee sii socda ee soo socda ma jiraan; oo aan ahayn Xanuunka Guulwadaynta oo ku bislaaday.
Haddii aad taariikhda xiisaysid oo aad heli kartid; waxa jirey saddex nin oo xilliggii Soviet Union-ka bud dhig u ahaa cabudhinta dadka iyo maskax ka bedelka shacabka, kuwaas ummaddii solonsiiyey cabsi darteed, in ay hugooda ka baqaan. Raggaas waxa ka mid ahaa Lavrentiy Beria, oo wakhtigii Joseph Stalin, haysan jirey ciidamadii Cheka, ka dibna noqday NKVD and KGB, iyo Felix Dzerzhinsky – oo ahaa ninkii hal-abuuray ciidamadii sirdoonka ee Soviet Unionka; markii dambena loo yaqaan the “Red Terror."
Isha Xogta :- Qoraa Sare Faarax Aw Maxamuud ( Sheeko Xariir)