02/09/2025
“Soomaali badan baa iigu Hanjabtay In aan Joojiyo Taageerada Somaliland” Mack David
Mack David oo ah Wiil dhalinyaro
Ah oo u dhashay Dalka Maraykanka ayaa barta X ka bilaabay qoraalada aragtiyo uu ku taageerayo Somaliland.
Dhawaana Waxa uu xusay in uu safar ugu bixi doono Dalka Somaliland.
Hadaba qoraalkiisii ugu dambeeyay ee uu Galabta baahiyay Waxa uu ku cadeeyay in loogu soo Hanjabay Taageerada Somaliland ee uu Baraha Bulshada ka dhex waday.
“Dad badan oo Soomaali ah ayaa iigu Hanjabay in aan joojiyo Taageerada Somaliland runtii Waa wax lagu qoslo.
Aan wax yar dib ugu noqdee markii aan ciyaala iskuulka ahaa ayuu Aabahay igu odhan jiray Waxa aad wajahaysaa caqabado, Waa in aad adkaysi u yeelataa
Haddii kale Waad Guul daraysan” ayuu yidhi
fans Highlight Flowers