Wiyeer-yare Show

Wiyeer-yare Show Palestine 🇵🇸 🇵🇸 🇵🇸 is not only an Arab country but it is part of the our Islamic religion ☪️ 🕋 🕌 ❤️ Free Palestine Thank you! www.Facebook.com/Wiyeeryareshow
(6)

Wiyeer-yare Show, keep up with interesting entertainments and international events, follow and make it your companion, it is the link of the Somali community. Click this link below and share with other friends.

Colaadaha sokeeye ee ka socoda Saylac iyo masiibada umadda lugusoo dhex-tuuray ee Xeer Ciise, waa wax meel fog lagasoo a...
12/12/2025

Colaadaha sokeeye ee ka socoda Saylac iyo masiibada umadda lugusoo dhex-tuuray ee Xeer Ciise, waa wax meel fog lagasoo abaabulaayo iyadoo laga leeyahay ujoodooyin gaar ah, waanna wax caqliga saliimka ahi ogaan karo ama uu sawiran karo sidda ay wax usocodaan marka aynu eegno.

Warbixin iyo baadhitaan dhamaystiran oo aan sameeyey ayaan idinla wadaago doonaa saacadaha soosocsa idamka Eebbe, idinkuna firkirkiina hoos iigula wadaaga, wax aad isleedihiin iyo halka colaada Saylac ay salka kuhayso.

Wiyeer-yare Show

12/12/2025

Maxaad ka ogtahay dayacnaanta iyo meeraysiga ay kala kulmaan Safaarada, Ardayda reer Somaliland ee Dalka Itoobiya

Coming Article

Sheekada ugu layaabka badan caalamka..😳💔Spain waxaa ka dhacay mid ka mid ah khiyaamooyinkii ugu yaab badnaa, taas oo soc...
11/12/2025

Sheekada ugu layaabka badan caalamka..😳💔

Spain waxaa ka dhacay mid ka mid ah
khiyaamooyinkii ugu yaab badnaa, taas oo socotay in ka badan 10 sano, laguna bartilmaameedsaday haweeney da' ah o0 si kalsooni leh u rumaysatay qof ku khiyaameeyay magaca llaahay.
Muddo sanado ah, nin lagu magacaabo Victor, oo ahaa qof qoyskeeda garan jiray oo saaxiib la ahaa, ayaa telefoon ugu soo wici jiray haweeneydan isaga oo ku leh:
"Anigu waxaan ahay llaah. Haddii aad rabto ajar, lacagtaada ha u geynin bangiyada dunida, ee ku shub Bangiga Jannada"
Victor waxa uu u sheegay in "Bangiga Jannada" uu ku yaallo dukaan yar oo magaalada León ah, waxa uuna amray inay tagto dukaanka, ay furto khaanad yar oo qarsoon oo ku dhex taalla dukaanka, ayna ku riddo lacagta halkaas si ay u hesho abaalmarin rabbaani ah.
Haweeneydu waxay sanado badan si aamusan u imaan jirtay dukaanka, waxayna lacag kasta oo ay heshay gelin jirtay khaanadda uu ninku u sheegay. Ugu dambeyntii, waxa billowday inay lacagtii ka dhammaato.
Markii ay lacagtii ka dhammaatay, Victor waxa uu u sheegay inay amaah ka soo qaadato bangiyada, lacagtaasna sidoo kale ay ku shubto "Bangiga Jannada"

Khiyaanadu halkaas kuma dhammaan. Ninkan ayaa markii dambe ku qanciyay in haddii ay u sheegto mid ka mid ah xubnaha qoyskeeda waxa ay samaynayso, ay u dhiman doonaan cudurro halis ah, sababtoo ah
"camalka wanaagsan waa inuu ahaadaa sir u dhexeeya iyada iyo llaaheeda"
Subxaanallaah
Cabsi darteed, haweeneydu daqiiqadna k**a labalabayn. Waxayna qaadatay amaahyo, midba mid ka dambeysa, dhamaantoodna waxay ku ridday isla khaanaddii dukaanka.
Intii lagu guda jiray 10-ka sano ee khiyaanada socotay, waxaa laga dhacay haweeneyda lacag dhan 300,000 Euro, ku dhowaad ($350,000).
Booliska ayaa ugu dambeyn ogaaday sheekada kadib markii qof qaraabadeeda ah uu ka shakiyay xaaladdeeda dhaqaale. Markii baaritaan la sameeyay, waxaa soo baxay:
In dukaanka ay lacagta gelin jirtay uu leeyahay Victor laftiisa, kaas oo si taxaddar leh oo dulqaad leh u tolay qorshahan muddo toban sano ah.
Ugu dambayntii, Victor waa la xiray, waxaana uu hadda wajahayaa xukun xabsi oo gaaraya 8 sano, marka lagu daro ganaaxyo culus iyo sidoo kale in uu bixiyo dhammaan lacagihii uu haweeneyda ka dhacay.

Dadka da,da ah. Waxey u nugulyihin ina si Fudud lo dhaca Qoysakaga la soco ka war hay🙏

Haddi aad tahay dadka xiiseeya muuqaalada xiisa leh fadlan follow deh Wiyeer-yare Show

Jaamacadda Qatar waxa ay bixineysaa Deeq waxbarsho oo Full ah 2026.Deeqdan waxaa lagu bixiyaa luqadda Ingiriisiga, waxaa...
06/12/2025

Jaamacadda Qatar waxa ay bixineysaa Deeq waxbarsho oo Full ah 2026.

Deeqdan waxaa lagu bixiyaa luqadda Ingiriisiga, waxaana ardayda la siineyaa taageero dhaqaale oo buuxda iyo fursado cilmi-baaris oo heer caalami ah.

Faahfaahinta Deeqda
• Dalka: Qatar
• Jaamacad: Qatar University (QU)
• Heerarka la helayo: Master’s, PhD, Diploma
• Luqadda wax lagu dhigayo: English
• Waqtiga k**a dambaysta ah: 25 February 2026

Waxyaabaha uu ardaygu helayo
• Lacagta waxbarashada oo si buuxda looga dhaafayo (tuition fees)
• Hoy jaamacadeed oo bilaash ah (accommodation)
• Tikit diyaaradeed oo sannad walba ah (round-trip airfare)

Kulliyadaha iyo Barnaamijyada la Bixinayo
• College of Arts and Sciences
• College of Business & Economics
• College of Education
• College of Engineering
• College of Law
• College of Medicine
• College of Pharmacy
• College of Sharia and Islamic Studies
• College of Health Sciences

Ardayda danaynaysa waxay codsiga ka gudbin karaan:
🔗 https://scholarshipforphd.com/qu-scholarship/

Fadlan la wadaag saaxiibadaada si ay uga faa’ideystaan.

Ugu yaraan 40,000 oo dollar ayaa muddo kayar hal saac ay kubixisay xukumadda Madaxweyne Cirro wax lugu sheegay film kaas...
29/11/2025

Ugu yaraan 40,000 oo dollar ayaa muddo kayar hal saac ay kubixisay xukumadda Madaxweyne Cirro wax lugu sheegay film kaas oo Hargeysa lugusoo bandhigay Habeenkii xalay ahaa. Hadda ogow oo film kan lasoo bandhigay waa mid ay h**e uduubtay gabadh Cadaan ahayd oo laba sanno kahor bookhasho kumartay deegaano baddan oo Somaliland katirsan.

Dhanka kale Xukumaddu waxay dayacday Bulshadii ay masuuliyadeeda qaaday ee ahayd in marka ay ugu yartahay ay la dareen noqoto, waanna dadka Abaaruhu saameeyeen oo halkii taakulayn iyo cudud dawladnimo loo muujin lahaa ay xukumaddii Cirro ku mashquushay Film lasoo Koobiyey oo qiimaha halka qof uu kabadan yahay qiimaha halka booyad ee biyaha.

Su'aal:
Horta ninkasta oo siyaasi ahi marka uu kursiga fuulo ee ay bulshadu u haqab baxdo, muxuu reerkiisa ugu abtirsadaa ama waji aan kii lugu yaqaanay ahay ulasoo baxaa? 🤔

29/11/2025

Aqoonsigii Somaliland ee Lasheegaayey Mee taloow!!!

Laba sano ka hor waxaa gabadh YouTube-tirad ah oo lagu magacaabo Marlene Mayer ay samaysay barnaamij ay magacawday “Unre...
29/11/2025

Laba sano ka hor waxaa gabadh YouTube-tirad ah oo lagu magacaabo Marlene Mayer ay samaysay barnaamij ay magacawday “Unrecognized”.

Barnaamijkan oo aan dad badan dawaan ayaa hadda la
magaciisii iyo barnaamijkii copy,gareeyay isla markaana lagu soo bandhigayo Hargeysa, iyadoo weliba la adeegsanayo magacii barnaamijka ee asalka ahaa.

Barnaamijka Hargeysa lagu soo bandhigayo ayaa ee magaciisa la soo koobi gareeyay ayaa lagu sheegay in qiimaha tikidhku yahay 250 dolllar taasi shacabka Somaliland ku noqotay mid cajab galisay maadaama gugii 2023 shiqsi Barnaamijka isku sheegay inuu sameeyay uu jiritaanka Qaranka iyo shacabka Somaliland ku xad gudbay.

shacabka Somaliland ayaa aad uga soo jeeday Barnaamijka sida baraha bulshada laga dheehanayo waxaanu barnaamijkan dhaawac u gaysan doonaa in ku dhaw 7 milyan oo shacabka reer Somaliland ah kuwaaa oo jecel dalkooda hanaqaaday ee Somaliland.

Halkan ka daawo muuqaalka barnaamijka la koobiyeeyay oo laga sameeyay, islamarkaana si bilaash ah loogu diyaariyay.
https://youtu.be/Sn47CLtHnbI?si=a2C8WU6_Pe3gvmlL

24/11/2025

Caasimadda Addis-Ababa Iyo Caasimadda Muqdisho Bal Isbarbar Dhig Kusamee.

Ukala codee, shanta caasimadood ee Soomaalidu leedahay, teebaa Horumar kamuuqdaa.
22/11/2025

Ukala codee, shanta caasimadood ee Soomaalidu leedahay, teebaa Horumar kamuuqdaa.

21/11/2025

Biriijkani Halkee Buu Kaga Yaalaa Hargeysa

18/11/2025

Isha Cadowgu Kuma Aragto Yaa Salaam Yaa Hargeysa

Halkani Waa Magaalada Muqdisho Soomaaliya. Qaybta Comment-ga Kusoodir Sawirka Magaaladda Aad Joogtid Si Aanu U Aragno Qu...
18/11/2025

Halkani Waa Magaalada Muqdisho Soomaaliya. Qaybta Comment-ga Kusoodir Sawirka Magaaladda Aad Joogtid Si Aanu U Aragno Quruxdeeda.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wiyeer-yare Show posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wiyeer-yare Show:

Share