31/10/2025
Sidee Somaliland Aqoonsi u Heli Kartaa?
Hordhac
Tan iyo 1991, markii Somaliland ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii 1960-kii, waxay ku dadaalaysay sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Inkasta oo ay dhistay dowlad shaqaysa, nabad iyo nidaam siyaasadeed oo xasilan, haddana weli si rasmi ah uma helin aqoonsi. Arrintani waxay u baahan tahay istaraatiijiyad isku dhafan oo dhinacyo badan leh: diplomaasiyad, dhaqaale, amni, iyo siyaasadda gudaha.
1. Maxay yihiin Sababaha Aqoonsiga Loo Heli La’yaha ?
1. Xaaladda Federaalka Soomaaliya : Dunidu waxay weli u aragtaa Somaliland inay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ay adag tahay in dalalka caalamka aqbalaan kala-go’ rasmi ah iyagoo ka baqaya inay tusaale u noqoto gobollo kale oo gooni isu taaga.
2. Danaha Geeska Afrika : Dalalka deriska sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya waxay leeyihiin dano istiraatiiji ah oo ay ka eegayaan xasiloonida gobolka, sidaa awgeed midkoodna ma doonayo in la abuuro isbeddel degdeg ah oo saamayn ku leh gobolka.
3. Saamaynta Midowga Afrika (AU) : Midowga Afrika wuxuu leeyahay mabda’ ah “xuduudaha gumaystaha ha la dhowro (respect colonial borders)”, sidaa darteed wuxuu ka cabsanayaa in aqoonsiga Somaliland uu furo albaabyo kale oo dalal kale ku daydaan.
4. Saameynta siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya : Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag uga soo horjeedaa aqoonsiga Somaliland, iyadoo la isku dayayo in lagu qanciyo dunida in wadahadal iyo midnimo la sugo.
2. Maxay yihiin Tallaabooyinka Somaliland u baahan tahay inay qaaddo ?
A. Dhinaca Dibadda
1. Dib-u-habeyn diplomaasiyadeed : Somaliland waa inay si firfircoon u isticmaashaa awoodda soft diplomacy, iyadoo la dhisayo xiriir toos ah oo lala yeesho dalalka saaxiibka ah (sida Itoobiya, Taiwan, Kenya, Imaaraadka, iyo UK).
2. Adeegsiga dhaqaalaha iyo ganacsiga : In la xoojiyo dekedda Berbera, ganacsiga gobolka, iyo maalgelinta caalamiga ah si ay dunidu u aragto faa’iido dhaqaale oo aqoonsigeeda ku jirta.
3. Ka qaybgalka ururrada caalamiga ah ee aan siyaasadeed ahayn : sida ururrada ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka si loo muujiyo in Somaliland tahay qayb mas’uul ah oo dunida ka tirsan.
4. Wadahadal xalaal ah oo lala yeesho Soomaaliya : iyadoo la raadinayo xal sharci ah oo labada dhinacba aqbalaan, si ay caalamku u arkaan in aqoonsi Somaliland ah aanu ahayn gooni isu taag dagaal ku saleysan, balse mid wadahadal ku dhisan.
B. Dhinaca Gudaha
1. Midnimo siyaasadeed iyo xasilooni gudaha ah : In la yareeyo khilaafaadka siyaasadeed, laguna dhiso kalsoonida shacabka.
2. Doorashooyin xor ah iyo daahfurnaan siyaasadeed : Taas waxay kor u qaadaysaa sumcadda Somaliland ee ah dal dimoqraadi ah oo la isku halleyn karo.
3. La dagaallanka musuqmaasuqa iyo hagaajinta maamulka : Si loo muujiyo dowladnimada daahfuran iyo isla xisaabtan.
4. Kobcinta dhaqaalaha gudaha iyo shaqo abuurka : Si loo yareeyo ku tiirsanaanta dibadda, loona dhiso dal dhaqaale ahaan isku filan.
3. Aqoonsiga Somaliland Yuu Dhib Ku Yahay?
Dowladda Federaalka Soomaaliya : Maxaa yeelay aqoonsiga Somaliland wuxuu si rasmi ah u muujinayaa kala go’ buuxa, taas oo dhaawacaysa aragtida midnimada Soomaaliyeed.
Midowga Afrika – Wuxuu ka baqayaa in aqoonsiga Somaliland uu dhiirrigeliyo gobollo kale oo ku jira Afrika inay iyaguna gooni isu taagaan.
Qaar ka mid ah dalalka deriska ah Sida Jabuuti oo laga yaabo inay lumiso kaalinteeda dekedda gobolka, ama Itoobiya oo u baahan badda Berbera balse aan rabin inay si buuxda u carqaladeyso xidhiidhkeeda Soomaaliya.
4.Maxay yihiin faaidooyinka ay somaliland helayso haddii uu aqoonsigu yimaado oo aynu noqono waddan madax bannaan ?
1. Helitaanka aqoonsi caalami ah : Taasoo ka dhigan xubinimo buuxda oo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo ururrada kale.
2. Maalgelin iyo caawimo caalami ah : Dalalka iyo hay’adaha maalgelinta waxay si toos ah ula shaqeyn karaan Somaliland.
3. Koboc dhaqaale iyo shaqo abuur : Sababtoo ah dekedda Berbera iyo khayraadka gudaha ayaa si weyn loo maalgelin doonaa.
4. Kalsooni siyaasadeed iyo amni : Aqoonsigu wuxuu xoojinayaa amniga iyo sumcadda caalamiga ah ee Somaliland.
W/Q: Eng Ahmed Abdisamed Moalim (Daad)