30/08/2025
Hadalkaaa Maxamuud Xaashi, ma aha hadal uu siyaasi qaangaadhay ka odhan karo duruufaha caynkani kolka ay deegaankiisa iyo dalkiisa ba ku hareeraysan yihiin.
Waa hadalkii ay meelahaas ka akhriyi jireen odayaasha caaqilada iyo dhaqanku. Kuma jiraan qaamuuska siyaasadda, gaar ahaan xaaladaha aynu maanta ku jirno, in laga hadlo "ehel, oodwadaag, isu baahan" iyo hadaltirada la midka ah oo noqonaya uun cantarbaqash aan wax nuxura lahayn....
Kolka ay dan qaran timaaddo, waxa meeshaas kaaga habbooni waa "dantayda cid ka sasabi mayno, waxanu ku helaynaa dariiq kasta oo macquula, kamana galayno wax gorgortan ah"
Se erayada "ehel, ood, caano, gob, timir, raaahin, abti, eeddo, habo" iyo waxa la midka ah ee ku saabsan xidhiidhada baayoloji ahaaneed ee ka dhexeeya shakhsiyaadku, kaalin kuma laha qaamuuska siyaasadda. Beddelkeeda, waxa lagaga hadlaa "dan, heshiis, dakhli, xal, xeelad, istaraatiiji, wadanoolaansho, kala'adkaan, iwm'" waayo xidhiidhada haayadaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayni ay yeeshaan waxay ka bilaabmaan kuna dhammaan "dan, dano, ama masaaliix" kamana shaqeeyaan xidhiidhada baayoloji ee shakhsiyaadka u dhexeeyaa.
Maxamuud, kuma koobna fahandarrada weyn ee ka haysata fahanka siyaasadda dunida iyo shaqada ay qabataa waxa ay yihiin. Wuxu kala siman yihiin siyaasiyiinta masraxa siyaasadda Somaliland taagan oo ka siman arrintan, haddii ay yihiin shakhsiyaadka xukuumaddan la soo xulay, golayaasha qaranka, hoggaanka axsaabta iyo ururrada rayidka, lagu sii daray warbaahinta, ururrada ama iskuulada diinta ee firqooyinka kala noqday, iyo mudanka ganacsatadeena oo badankoodu ayna wax u fahansanayn sidii ay wax u fahansanaayeen ganacsatadii joogtay markii Jamhuuriyaddan dib loo dhisaayay 1991.
Reer Somalilandow, waxaynu u baahanahay xal waara oo aynu ku samatabixino Jamhuuriyadda Somaliland oo umaddaas aan lahayn wacyiga dawladnimadu ay meel walba haystaan. Waxa suuragalna ah, in la inoo soo dhex maro oo marna diin loogu soo gabbado, marna dhaqan, marna Soomaalinimo, marna walaalnimo, mar kalana abaaro, mar kalana wixii alla wixii la doono. Dadkanina ma laha fahan iyo khibrad ay isaga kala shaandheeyaan, isaga kala reebaan ama ku naqdin karaan, waxyaalaha magacyada qurxoon loo bixinaayo, balse lagu mijaxaabin karo qaddiyadda umaddooda.