Hassan Gallaydh

Hassan Gallaydh Fadlan Nagusoobiir Waxaad Naga Helidoontaa Warar Iyo Warbixino Xiiso leh

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi oo hadda hadlay .“Waxan tacsi u dirayaa guud ahaan dadweyna...
06/12/2025

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi oo hadda hadlay .

“Waxan tacsi u dirayaa guud ahaan dadweynaha gobolka Awdal, gaar ahaan Eheladii iyo Qaraabadii dadkii ku dhintay mudaharaadkii ilaa habeen h**e ka socday Magaalada Borama waxaan alle uga baryeyaa inuu u naxariisto, intii ku dhaawacantayna alle ha u boogo dhayo,caafimaad degdegana ha siiyo.

Shacabka Gobolka Awdal waxa aan ugu baaqayaa inay is dejiyaan oo ay is xakameeyaan madaama la joojiyey munaasibadii Buuga Xeer Ciise.

Waxa kale oo aan cadaynayaa in la isla xisaabtaami doono ciidaankii sida khaldan u isticmaalay hubka iyo shacabkii hubka isticmaalayba.

Waxaan shacabkaygow idinku adkaynayaa inaad nabadgelyada aad ilaalisaan oo magaaladeena dhibka inooga ilaalisaan".

Gudoomiyaha Xisbul xaakimka Waddani ayaa sheegay in ay ka garaabayaan qalad wixii dhacay xukuumaduna ay qaadatay.
06/12/2025

Gudoomiyaha Xisbul xaakimka Waddani ayaa sheegay in ay ka garaabayaan qalad wixii dhacay xukuumaduna ay qaadatay.

Madaxweyne Cirro oo ku dhawaaqay in la joojiyey Xuskii xeer Ciise.
06/12/2025

Madaxweyne Cirro oo ku dhawaaqay in la joojiyey Xuskii xeer Ciise.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo xalay hadlay ayaa maanta markale ka hadlaaya xalaadda Boorama.Waxa la filayaa in uu qaa...
06/12/2025

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo xalay hadlay ayaa maanta markale ka hadlaaya xalaadda Boorama.

Waxa la filayaa in uu qaato go’aan cusub.

Dawladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay u baahan tahay 70 Milyan oo Dollar taas oo ah lacag  la doonayo in lagu ...
27/10/2025

Dawladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay u baahan tahay 70 Milyan oo Dollar taas oo ah lacag la doonayo in lagu soo daabaco lacagta Shilling-ka Soomaaliya oo haatan saaxadda ka baxay una baahan in lacag cusub la sameeyo.

Raysal wasaare ku xigeenka koowaaad ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay hayaan arrimihii kale oo dhan balse ay u xayiran yihiin dhinaca dhaqaalaha oo keli ah.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Soomaaliya dawladda Kuwait ka codsatay 40 Milyan oo Dollar taas oo ila hadda aan la ogayn in ay soo gaadhey iyo in kale.

Gallaydh TV

Shirkada Soltelco ayaa tidhi "Soltelco iyo Madaxwaynuhuba waa la dareen dhalinyarada!Waxaanu ahaan doonaa shirkad la dar...
09/08/2025

Shirkada Soltelco ayaa tidhi "Soltelco iyo Madaxwaynuhuba waa la dareen dhalinyarada!
Waxaanu ahaan doonaa shirkad la dareen ah, lana Jeeb ah Dhalinyarada".

Xogo kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo goor dhowayd laga maqlay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee ...
02/07/2025

Xogo kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo goor dhowayd laga maqlay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in ay halkaas ku soo dhacday diyaarad nooca qumaatiga u kaca kuwaas oo ay lee yihiin ciiddaamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya si gaar ah ciidanka AUSSOM.

Khasaaraha shilkan ka dhashay ayaa ah mid aan ilaa hadda la xaqiijin, sidoo kale ma jiro war weli ka soo baxay laamaha ammaanka ee dawladda Soomaaliya.

Gallaydh TV

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatullaahi Cali Khamenei.
26/06/2025

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatullaahi Cali Khamenei.

Israa'iil ayaa ku dhawaaqday in ay geesteeda qaadatay xabbad joojin ka dib markii Trump soo jeediyey in ay xabbad joojin...
24/06/2025

Israa'iil ayaa ku dhawaaqday in ay geesteeda qaadatay xabbad joojin ka dib markii Trump soo jeediyey in ay xabbad joojin kooban qaataan dhinacayda xiisaddu ka dhex taagan tahay ee ku dagaallamaya gobolka bariga dhexe.

Xabbad joojintan oo timi markiii ay Iran xalay duqaymo ka geystay dalka Qatar, waxa ay noqotay tii koowaad ee dhinacyadu gaadhaan waana mid socon doonta ilaa caawa fiidka xilliga Geeska Afrika.

Israa'iil waxa ay hadda furtay isu socodkii gaadiidka hawada sare, waxana la filayaa in ay dadku gabbaadka ka soo baxaan oo ay soo doontaan adeegayda lagama maarmaanka ah inta xabbad joojintu socoto.

Gallaydh TV

Waxa Hawadooda Xidhay Wadamo Badan Oo Bariga Dhexe Ah.Waxa Lafilayaa In Aya Isku Kaliyaystaan Gantaalada Iraan Aya Ku We...
23/06/2025

Waxa Hawadooda Xidhay Wadamo Badan Oo Bariga Dhexe Ah.

Waxa Lafilayaa In Aya Isku Kaliyaystaan Gantaalada Iraan Aya Ku Weerarayso Saldhigyada Maraykanka.

Waxa Bilaabantay Jawabtii Iran Ee Werarkii Maraykanku Ka Fuliyay Xarumaha Nukliyeer Ka Ee Iraan Waxa Jirta Cabsi Xoogan ...
23/06/2025

Waxa Bilaabantay Jawabtii Iran Ee Werarkii Maraykanku Ka Fuliyay Xarumaha Nukliyeer Ka Ee Iraan Waxa Jirta Cabsi Xoogan Oo Dul Hoganaysa Guud Ahaan Bariga Dhexe Iyo Qaybo Kamida Geeska Afrika Oo Maraykanku Kuleeyay Saldhigyo Ciidan.

Dawladda Iran waxa ay caawa si toos ah bilowday weerar dhinaca cirka ah oo ay ku beegsanayso saldhigayda uu Maraykanku k...
23/06/2025

Dawladda Iran waxa ay caawa si toos ah bilowday weerar dhinaca cirka ah oo ay ku beegsanayso saldhigayda uu Maraykanku ku lee yahay waddamada Carabta gaar ahaanna Ciraaq, Kuwayd iyo Qatar.

6 gantaal ayaa la soo werinayaa in lagu ganay dalka Qatar halka la soo tebinayo in laba qarax oo waaweyn laga maqlay hawada magaalada caasimadda ah ee Dooxa.

Nidaamka difaaca ayaa ku dedaalaya in laga hor tago gantaalaha ka imanaya dhinaca Iran waxana la xidhay hawada dalalka weerarka lagu soo qaaday.

Address

Hargeisa

Opening Hours

06:00 - 16:00

Telephone

+252637528331

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan Gallaydh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category