Xasaasi Media Service

Xasaasi Media Service FOLLOW US.

🎥 Xasaasi Media Production
✅ Warar | Wacyigelin | Aragti | Barnaamijyo Tayo Leh
🌍 Muuqaal & Maqal | Documentaries | Warbixinno Gaagaaban
🕊️ Xaqiiqo iyo Xasaasi ah oo isku sidkan, kala soco Xasaasi Media Service .

Trump oo weeraray Xil. Ilhaan Cumar: "Waxay ka timi Soomaaliya – meel aan waxba ka jirin, hadda waxba, waxayna doonayaan...
19/09/2025

Trump oo weeraray Xil. Ilhaan Cumar: "Waxay ka timi Soomaaliya – meel aan waxba ka jirin, hadda waxba, waxayna doonayaan in ay noo sheegaan sidaan waddankeenna u maamuli lahayn."

Laba wadan oo Israa'iil la shaqeeyo ayaa waxaa ay dheheen ''Waxaan dhoolatus militari ka sameynayaa Badda Mediterranean-...
19/09/2025

Laba wadan oo Israa'iil la shaqeeyo ayaa waxaa ay dheheen ''Waxaan dhoolatus militari ka sameynayaa Badda Mediterranean-ka, Wadan weliba hasoo bandhigo maraakibtiisa dagaalka iyo diyaaradiisa dagaalka, Dhoolatuskeena magaciisa waa DHOOLATUS-WALAALNIMO''. 😂 Beryahaan wadamo badan jahwareer ayaa ku dhacay DOHA kadib.

Halka ay dhoolatuska ku sameynayaan meel aan siddaas uga fogeyn waxaa lagu xasuuqayaa reer Gaza, Laakiin waxaa ay labadani wadan Media-ha ay ku baahin rabbaan farrin dhahaysa ''Dhoolatuskani waxaa uu farrin u dirayaa ISRAA'IIL''. Laakiin taasi waa marin habaabin, Hadday ay run ka tahay Turkeyga shidaalka ay ciidamada İsraa'iil iyo diyaaradahoodii duqeynta gaza ay u isticmaalaan ayuu ka jari lahaa İsraa'iil, Masar-na waa wadan laga dharagsanyahay''.

Yuusuf Garaad "Soomaaliland si aan loo sii fogeyn, isla markaana aan loo ciqaabin Soomaalida iyo ajnebiga tegeya Hargeys...
19/09/2025

Yuusuf Garaad "Soomaaliland si aan loo sii fogeyn, isla markaana aan loo ciqaabin Soomaalida iyo ajnebiga tegeya Hargeysa, waxaa ila habboon in wadahadal farsamo lala galo mas'uuliyiinta Somaliland, oo loo celiyo inta badan amaba dhammaan lacagta e-visa ee laga qaado dadka dibadda ka yimid ee tegeya Hargeysa."
Sidee kuula muuqataa?🫵

Hoggaamiyeyaasha dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa qorsheynaya inay dalalkooda ka saaraan maxk**adda dambiyada c...
18/09/2025

Hoggaamiyeyaasha dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa qorsheynaya inay dalalkooda ka saaraan maxk**adda dambiyada caalamiga ah ee ICC oo ay u arkaan inay lumisay awoodeedii, iyagoo sameysanaya maxk**ad gobolleed cusub oo loo bixinayo maxk**ad dambiyada bani’aadanimo ee Saaxil.

  Tijaabada gantaallada  ayaa socota wax ka badan 4 saac , sida ay werisay warbaahinta Iiraan. Ma cadda in gantaaladan a...
18/09/2025

Tijaabada gantaallada ayaa socota wax ka badan 4 saac , sida ay werisay warbaahinta Iiraan.

Ma cadda in gantaaladan ay yihiin kuwa cusub, ama tijaabada gantaalladii h**e , xilli dhawaan taliyaha guud ee ciidanka Iiraan uu shaaciyay inay soo saareen gantaallo leh awood wax burburin oo ka sareysa gantaalladii ay adeegsadeen dagaalkii Israa|l.

Abiy Axmed: “Shan sano ayaan ku ducaysanaynay inaan helno badda”Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ugu baaqay ci...
18/09/2025

Abiy Axmed: “Shan sano ayaan ku ducaysanaynay inaan helno badda”

Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ugu baaqay cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal in ay isu diyaariyaan, isagoo sheegay in helitaanka badda ee Itoobiya uu yahay mid aan laga maarmi karin.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay "ku ducaysanaysay" in ay hesho marin badeed tan iyo shantii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana ay sii wadi doonto in ay ku dalbato waddo nabadeed oo arrintaasi lagu gaadhayo.

Abiy wuxuu hadalkan ka jeediyay Salaasadii, isagoo ku sugnaa xafladda daah-furka buuggiisa cusub ee lagu magacaabo "Dowladda Midnimada ah", halkaas oo uu ka jeediyay hadal socday ku dhawaad saacad.

"Ma aha dhaqan sax ah in la aamino in waddan heerkan oo kale gaadhay uu halkiisa ku negaado oo aan caruurtayadana aan sidaasi ugu wareejinno,Annagu ma rumaysnin in dagaal ama iskahor-imaad uu lagama maarmaan u yahay in tan lagu gaadho. Taasi waa sababta aan shan sano ugu ducaysanaynay," ayuu raaciyay.

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhismaha maamulka Waqo...
18/09/2025

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhismaha maamulka Waqooyi Bari, isagoo duray qaabka loo maray dhismaha maamulkan cusub oo dhawaan la dhammeystiray.

Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay faro-gelisay maamulka cusub ee Waqooyi Bari, ayna qasabtay dadka deegaanka. Madaxweynihii h**e ee dowladdii KMG ahayd ayaa si gaar ah wasaaradda arrimaha gudaha ugu eedeeyay inay ku takri fashay dadka deegaanka, ayna awood u adeegsatay odayaasha soo xulayay ergada.

Waxa uu sheegay in la reebay xubnaha qaar oo ay soo xusheen dhaqanka deegaannadaas, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dano siyaasadeed ka lahayd maamulkan, isla markaana intii lagu guda jiray dhismihiisa ay dhaceen tacaddiyo waa wayn.

"Annaga waxaa xoojineynaa Soomaalinimada, ujeedo siyaasi ah k**a lihin, waxaan ka leenahay ujeedo jiritaan iyo ujeedo quseyso midnimada qaranka," ayuu yiri Shariifka oo sheegay in Madasha u taagan tahay cadaaladda, ayna kasoo horjeedan marin habaabinta ka dhacday Laascaanood.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay horay Madasha Samatabixinta ay uga gaabsatay hambalyada doorashada hoggaanka maamulka Waqooyi Bari oo ay kusoo baxeen Cabdulqaadir Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Abwaan.

Degdeg : Dagaal ayaa ka qarxay Degmada badhan ee Bariga Gobolka Sanaag kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ay Puntland ...
18/09/2025

Degdeg : Dagaal ayaa ka qarxay Degmada badhan ee Bariga Gobolka Sanaag kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ay Puntland ku tababaraysay xero ciidan oo ku taalay duleedada Magaalada badhan

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa gaadhaya 3 dhimasho ah iyo 9 dhaawac ah

Arsaayaha dagaalka ayaa ka bilowday ladib markii qolo soo jeedisay inay iskaga baxaan Xeryaha Carbinta maadaama oo La dilay Nabadoon Cumar Cabdilaahi cali Ibraahim oo ay sheegatay dawlada Maraykanku halka dhimaca kalena ay istaageen inaan tababarka laga bixin.

18/09/2025

, Galabta waxa lagu aasay Caaqilkii dilkiisa uu saxeexay Xassan Sheekh Maxamuud.
Alle ha u naxariisto marxuumka, 😭

17/09/2025

:- Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, Cabdiqaadir Ismaaciil Jaylaani, ayaa maanta Magaalada Ceergaabo ka daahfuray xog-ururin ku saabsan ganacsiyada dhalinyarada.

16/09/2025

70 Milyan oo dollar ayaa madaarka Hargeysa lagu dhisaya.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Mudane Fuaad Axmed Nuux ayaa la saxeexday Shirkadda Maalgashiga Caalamiga ah ee International Maharat Investment, Heshiiska Dhismaha iyo Casriyaynta Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Egal International Airport.

Heshiiska dhismaha Madaarka oo ku kacaya qiime dhan $70 MN Toddobaatan Milyan oo Dollar ayaa maanta lagu saxeexay Xarunta dhaqaalaha caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center - DIFC).

Mashruucan ayaa noqonaya maalgalintii ugu balaadhnayd ee lagu sameeyo Kaabayaasha Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland iyo mashruuca labaad ee ugu wayn maalgalin dibadeed DP World kadib, waxaana shaqada Dhismaha Madaarku bilaabmi doontaa 6 Billood gudahood marka la saxeexo Heshiiska

16/09/2025

DAAWO: Madax-dhadhaqameedka beesha Warsangeli oo ka hada ka hadlay dilkii Caaqilka.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xasaasi Media Service posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share