30/01/2026
πππππππππππ ππππππ ππ ππππππππ; πππππππ ππππππππππ; ππππππππππ
Waxaa beryihii lasoo dhaafay soo baxaayay warar sheegaaya in ay keentay Muqdisho 3 diyaaradood oo nooca F16 ah. Wararkaas oo warbaahinta qaarkeed ay xaqiijisay.
Qormadaan gaaban waxaan uga hadli doonaa diyaaradaha, ujeedka wuxuu noqon karo iyo cawaaqibka ka dhalan kara.
1- Turkidu waxay isticmaalaan diyaaradda Mareykanku farsameeyo ee F16. Waa nooc diyaaradaha dagaalka oo Maryland, USA lagu farsameeyo, oo meel dhexe ah, badina waddamada Carabta way haystaan, oo Mareykanka ayaa ka iibiya.
Dhammaan waddamada laga iibiyay - oo Turkidu ku jiraan - waxay saxiixeen heshiis END-USER RESTRICTION AGREEMENT, oo reebaya: (1) in waddan kale loo sii wareejiyo; (2) in ay isticmaalaan cid aan ahayn waddankii laga iibiyay ee u heysta shahaadada; (3) inaan lagu sameyn kari hawlgal ama dagaal aysan ogeyn dowladda Mareykanka.
Dhammaan qodobadaan waxay ka mid yihiin heshiisyada difaaca ee laga saxiixo ka hor intaan waddan laga iibin diyaaradaha iyo agabka kale ee militari. Turkey dhammaan qodobadaan way aqbaleen.
Xusuusin: Diyaaradda F16 waa ka duwan tahay drones-ka ay Turkidu iyagu sameystaan.
πππππππ π
ππ ππ ππππππ ππππππππ
2- Turkidu waxay marmarsiinyo ahaan u adeegsadaan dagaalka Shabaab. Waxaa jira cabsi laga qabo in Shabaabka Xamar qabsadaan, taasoo walaac weyn ku haysa Saldhigga TURKSOM ee Muqdisho. Iyada oo taas laga fiirinaaya waxay Turkidu ka codsan karaan Mareykanka in diyaaradaha F16 ay muddo kooban ka soo hawlgalaan .
Haddiise ay noqoto si abadiyan ah ay uga hawlgalaan Soomaaliya, taas waxay ka horimaaneysaa heshiiska End-User Restriction Agreement. Waxaana ka dhalan kara in Mareykanka qaado tallaabooyin (hoos ayaan ku sheegi doonaa tallaabooyinkaas).
ππππππππππ πππ ππππππ ππππππ
3- Turkidu uma adeegsan karaan diyaaradahan wax ka baxsan inta iyaga amnigooda ku saabsan, ama dagaalka Shabaab ah. Haddiise ay dhacdo inay Soomaaliya ka codsato in loo adeegsado arrimaha , tusaale: muranka hawada ee Muqdisho iyo Hargeysa ama la isku dayo in lagu carqaladeeyo danaha waxay iyana jabineysaa heshiiskii iibka ee ay Turkey kula gashay Mareykanka.
Sidaa darteed diyaaradaha waxba uma tari karaan arrimaha hawada ee Soomaaliya, oo dabcan loo arko muran u dhexeeya Soomaalida (Hargeysa iyo Muqdisho).
π
ππ ππππππ ππ π
ππ ππππππ
4- Halka ay ka adeegsato F16 (4th generation), waxay Israel haysataa F35 oo 5th generation ah (fiiri labada sawir ee hoose). Diyaaradda F35 nooca ay Israel sii hormarisay ee Adir, waxaa lagu tilmaamaa diyaarad awood badan, oo ka dhuuman karta raadaarka ay waddamo badan haystaan.
Marka ay joogto Carabta iyo oo dhan, waxay F35 fulin kartaa hawlgal iyada oo aan xitaa laga ogaan waddanka uu hawlgalkaasi ka dhacaayo. Waxay F35 awoodda inay xitaa soo riddo F16 haddii ay dagaal noqoto.
ππππππππππ
5- Haddii ay dhacdo inay ku xadgudubto heshiiska looga iibiyay diyaaradaha ee ay Mareykanka kula jirto, waxay horseedi kartaa dhowr tallaabo oo waddanka ka iibiyay uu qaadi karto:
A) In heshiiska la buriyo, oo aan diyaarad dambe laga iibin, isla markaana loo diido qalabka dayactirka diyaaradaha ay hadda haystaan
B) In Mareykanka dalbado in qalabkii uu iibiyay loo soo celiyo maadaama heshiiskii lagu xadgudbay.
C) In cunaqabateyn lagu soo rogo taas oo sii adkeyn karta dhismaha ciidamadiisa.
W/Q: Abdalle Ahmed Mumin