Cabdirisaaq Awrfuul

Cabdirisaaq Awrfuul Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cabdirisaaq Awrfuul, Social Media Agency, Hargeisa.

12/12/2025

Dagaalka Soomaali Iyo Taraam Maxaa keenay In Ay Carabtu soo raacdo Taraam
Waxaa inoo balbalaadhinaysa aqoonyahan Hanaan

🌌 waxaa aynu halkan ku eegi doona 28-ka god ee DayaxaInaga oo ka duudalayna aminta aynu ku jirno Qorrax dhaca ilaaa laga...
10/12/2025

🌌 waxaa aynu halkan ku eegi doona 28-ka god ee Dayaxa
Inaga oo ka duudalayna aminta aynu ku jirno Qorrax dhaca ilaaa laga gaadhayo Qorrax soo baxa imisa god baaa muuqda 28ka god imisa se Qorraxdu qarisaaa oo aan la arki karin.
Halkaa aynu ka dhaqaaqi doonaa waxaynu sheegi inta muuqata marka uu aasku dumo,iyo inta qarsoonta markuu oogu dilaaco.

Sida aynu in badan soo sheegnay guud ahaan mooroyinku waxa ay ahaayeen 12 mooro oo Halkii ba qiyaasteedu ahayd 30*dhibcood 12x30* taas oo noqonaysa 360* dhibcood ee aynu isla naqaano.
Halka godkiina ahaa 12.85* dhibcood taas oo marka laysku dhufto noqonaysa 12.85x28=360* dhibcood.

Sidaa markay tahay Qorraxdu Hada waxa ay joogta badhtamaha gododka 18 iyo 19 aad oo ah Daallo cas iyo Mareego dheer, mihiimadu aynu u soconaa Waa Halkaa marka dhaqaaqa ay Qorraxdu ka galbato jihida galbeed ee shaacu madoobada ,iyo markay ay Libdhadu qumaati u aroorto Ilaa inta laga gaadhayo ee uu waagu ka cadaanayo ee ay falaadhaha iyo guduudka qorraxdu ka soo,muuqanayaan cirka barri labada masaafo,inta u dhaxaysa eee ah marna dharaar marna habeen baynu kala sheegi mid walba inta god ee qarsoonta iyo inta qumaati u muuqan doonta ee isha iyo fagaan arag ba lagu eegi karo.

Gododka qarsoomaya guud ahaan Waa 8 God Ku waas oo kal ah kana bilaabma godka 16—23
16.Dirir-Bayaxow 12 Kafad 51 ilaa 25 Kafad 42.
17. Dirir-Gudban, 25 Kafad 42 ilaa 8 Dibqalooc 34.
18. Libcas, 8 Dibqalooc 34 ilaa 21 Scorpio 25
19. Mareego-Dheer, 21 Dibqalooc 25 to ilaa qaansole 17
20. Daallo-Xooray , 4 Sagittarius 17 ilaa 17 Sagittarius 8
21. Madhan-Daalalo, 17 qaansole 8 ilaa 0 Orgi.
22. Faruur-Cirir 0 Orgi ilaa 12 Orgi 51
23. Jad-Kabaal, 12 Orgi 51 ilaa 25 Orgi 42

Taas oo u dhiganta 12.85x8=103 dhibcood
103*dhibcood marka aad ka kagoyso 360-103=257* Dhibcood waa inta soo hadhaysa oo noqoysa inta xariiq ee habeenka galaysa halka 103*ay tahay inta dharaarta galaysa.

Godadka muuqanaya oo ah kuwa habeenkii
Waxa ay ka bilaabmayaan marka uu aasku dumo ee ay libdhadu ka qarsoonto dhulka laga soo bilaabo hiimsa ilaa dilaaca waaga arooryadna waxa la arki karaa ama cirka jooga 20 god oo Kala ah 24aad ilaa 15aad

24.Jad-dhiriqle, 25 Orgi 42 -ilaa- 8 Biyo-Shub 34
25. Jad-Gacanle, 8 Biyo-Shub 34 -ilaa- 21 Biyo-Shub 25
26. Rab-Hore, 21 Biyo-Shub 25 -ilaa- 4 Nibiri 17
27. Rab-Dambe, 4 Nibiri 17 -ilaa- 17 Nibiri 8
28. Meecaad. 17 Nibiri 8 -ilaa- 0 Nayl
1. Godan 0 Nayl -ilaa- 12 Nayl 51
2. Listan- 12 Nayl 51 -ilaa- 25 Nayl 42
3. Urur-Laxo, 25 Nayl 42 -ilaa- 8 Dibi 34.
4. Laxmar- 8 Dibi 34 -ilaa- 21 Dibi 25.
5. Agaali-Cas-, 21 Dibi 25 -ilaa- 4 Mataano 17.
6.Agaali-Cad, 4 Mataano 17 -ilaa- 17 Mataano 8
7.Afagaal-, 17 Mataano 8 -ilaa- 0 Carsaanyo.
8. Naaf-Cade, 0 Carsaanyo -ilaa- 12 Carsaanyo 51.
9. Naaf-Madow-, 12 Carsaanyo 51 -ilaa- 25 Carsaanyo 42
10. Tar-25 Carsaanyo 42 -ilaa- 8 Libaax 34
11.-Kodxin-Cawo- 8 Libaax 34 -ilaa- 21 Libaax 25
12. , Kodxin-Awr- 21 Libaax 25 -ilaa- 4 Sabuul 17
13. Naaso-Gaal-, 4 Sabuul 17 -ilaa- 17 Sabuul 8
14.Dirir-Galaal- 17 Sabuul 8 -ilaa- 0 Kafad
15. Dirir-Garbood- 0 Kafad -ilaa- 12 Kafad 51.

20 God marka lagu dhufta 12.85*dhibcood aha cabirka Halkii god waxa inoo soo baxaysa 20x12.85=257* oo dhibcood waxa ay ka dhigantay Waa inuu habeenku leeg yay 257*Xariiq ama dhibcood halka dharaartiina dhantay 103*xariiq ee soo hadhay.

Hadaba Maxaa keenaya kala badnaan shaha taasina waa sooranka lagu jiro oo ah Jilaal xiliga jilaalka sida aad taqaano waxa badan habeen kii halka taa lidkeeda dharaartii yartay waana sababta keentay in habeen ay muuqdaan 20 god Halkaa 8 kaliya Qorraxdu ka soo baxda oo ay Qarsoomaan

Intaa waxa aynu raacin doona dhanka moorooyinka iyagu ma adka mar hadiii 103*dhibcood ay dharaar noqotay waxa ku jira 103/30=3.433 oo noqonaysa 3 mooro iyo mid badhkeed baa Qorraxda la socda oo aan muuqanay halka inta soo hadhayna ay muuqanayaan dhamaan waxaanad ku ogaan kartaa waa 257/30=8.567 oo ah 8 mooro IYO mid badhkeed baa habeen ah oo muuqanaya waanan raacay midkasta isagoo watta cabirkiisi korna Waa kuwa wadda socda horana waanigii maqaal gaara uga qoray taas masaafooyinka ay isku jiraan dhamaan

Ugu dambayn meerayashii Maxaa muuqda maxaase aan muuqan inaga oo ka sheegayna shanta nolosha saamaynta ku yeesha ee iliqabatayga ah ama raadaynta ku leh oo kaliya ayaynu sheegi doona waana sidan

Meerayasha Qarsoon ee aan shaqada lahayn waa
1.Faraare
2.Maqalo-xidh
3.Dusaa

Labada muuqdana Waa ee la arki karaana waa
1:Raage
2:Cirdhiidh

Dhamaan Meerayashu waxay soo wadda muuqan doonan marka uu Dabtuurku ama Nayruushku marayo 362 iyagoo u diyaar noqonaya soo dhawaynta sanadka cusub ee katisiga soomaalida.

Inta waxa aynu ku soo afmeerayna qormadaa ku saabsan godadka moorooyinka iyo Meerayasha kuwa muuqda iyo aan muuqan .

Hadaba ha u qaadan in sida lagu jirayo uun dhaman waxa aynu soo sheegan waxa hogaaminaysa Qorraxda oo socde taas 13kii habeen ba la jogaysa hal god marka socod Kaasi wuxu kuu sheegaya Tusaale in god ama laba midna qarsoomo mid na muuqdo oo ka ay u soo dhawaato uu qarsoomo ka ay ka soo sikataana uu muuqan doono.

Tan waxa ay cadayn u tahay sida uu alle inoo sheegay aayaadkiisa uunku iyo sida habeeku ugu soo dhexbaxayo dharaarta ka dibna dharaartii habeen ka so dhex baxayo.
———————————————————————————-
{خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ ۖ يُكَوِّرُ اللَّيْلَ عَلَى النَّهَارِ وَيُكَوِّرُ النَّهَارَ عَلَى اللَّيْلِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۗ أَلَا هُوَ الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ(5) }
[سورة الزمر:5]
———————————————————————————-
{وَجَعَلْنَا اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ آيَتَيْنِ ۖ فَمَحَوْنَا آيَةَ اللَّيْلِ وَجَعَلْنَا آيَةَ النَّهَارِ مُبْصِرَةً لِّتَبْتَغُوا فَضْلًا مِّن رَّبِّكُمْ وَلِتَعْلَمُوا عَدَدَ السِّنِينَ وَالْحِسَابَ ۚ وَكُلَّ شَيْءٍ فَصَّلْنَاهُ تَفْصِيلًا(12
[سورة الإسراء:12]
———————————————————————————-

Waxaa aynu soo sheegnay oo dhan waxa isku fuuqsaday soona koobayaa waa labada aayadood ee Eebbe inoo cadeeyay kuwaas baana inoogu filan Inaan ku dhaqano

Hana noqon Qaar ay u soo galaan habeenada iyo dharaaaha is dhafayaa ee ku socoda xisaabadka Eebbe adigoon Eebbe u mahadcalin oo aan odhan
———————————————————————————-
“فَتَبَارَكَ اللَّهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ”
———————————————————————————-
Mahad oo dhimi waxa ay u sugnaatay Eebbe

————————Cabdirisaaq Awrfuul—————————-

09/12/2025

bal ku yar naso sharaftii iyo karaamadii awowyaasheen

04/12/2025

Aqoonta rabaaniga ah ee uunka iyo samayskiisa

01/12/2025

“Soomaalidu waa isir mudan in la ammaano.”

Erayadan waxaa yiri Gerald Hanley, oo ahaa sarkaal gumeysi oo sanado badan la noolaa Soomaalida. Buuggiisa Warriors: Life and Death Among the Somalis, waxa uu ku qoray fikirkiisa iyo waxyaabihii uu ku arkay waaya-aragnimadiisa muddadii uu bulshada dhexdeeda ku sugnaa.

Hanley waxa uu qoray waxa uu is lahaa wuu arkay: geesinnimada, kibirka wanaagsan (ama sharafka), madax-bannaanida, caqliga iyo adkaysiga uu u nisbeeyay bulshada Soomaaliyeed waqtigaas.

Wuxuu xusay in Soomaalidu ay dareemayeen in ay “laba jeer ka wanaagsanaayeen nin kasta oo caddaan ah,” taas oo uu u arkey in aysan kibir ahayn balse ay ahayd kalsooni ka dhalatay diintooda iyo dhaqankooda.

Hanley waxa uu sidoo kale ka hadlay deegaankooda, geesinnimada uu aaminsanaa inay muujiyeen, iyo qaab-dhismeedka bulsho ee uu ku arkay. Waxa uu rumaysnaa in dhamaan dadka uu ka bartay qaaradda Afrika, ninka reer guuraaga Soomaaliyeed uu ahaa kan ugu ad adag, ugu sharaf badan, uguna kartida badan.

Waxa uu intaas ku daray inuu aaminsanaa in:

• Soomaalidu aysan ka baqan geerida.
• Soomaalidu aysan lahayn dareen hoos-u-dhig ama is-la’aan.
• Soomaalidu aysan ku cabsi-gelin karin awood siyaasadeed ama ciidan.
• Soomaalidu ay diidaan xukun dibadeed oo lagu maamulo.
• Soomaalidu ay aad u hormari karaan marka waxbarasho rasmi ah la siiyo.

Inkasta oo uu qayb ka ahaa nidaam gumeysi, Hanley wuxuu ku soo gunaanaday hadalkan:

“Waa jinsiyad mudan in la ammaano.”

Sow lama odhan karo markaa ninka dadka ugu ildheer baa dadka ugu ayaaan daran

—————-Cabdirisaaq Awrfuul—————

04/11/2025

Maxaad dareenta marka aad aragto qof sheegaya tabnaanta iyo wanaaga umadda Soomaalida ?

Waa sawir naadir ah. Waa kabinegii Diridhaba ee Awrajaha Ciisa iyo Gurgure. Sannadkii 1948 weeye.Waa kaydka Taarikhda ee...
03/11/2025

Waa sawir naadir ah. Waa kabinegii Diridhaba ee Awrajaha Ciisa iyo Gurgure. Sannadkii 1948 weeye.

Waa kaydka Taarikhda ee mudan in lalla wadaago dad badanoo xog haynin.

SII SHARE GAREE.
Xigasho-Voss TV

Dhalada cirka ka daalaco kulanka mar la araga ah ee dayaxa iyo labada meere Kuwaas oo  mid kamid ka  Raage lagu arki kar...
02/11/2025

Dhalada cirka ka daalaco kulanka mar la araga ah ee dayaxa iyo labada meere Kuwaas oo mid kamid ka Raage lagu arki karo araga caadiga halka Meeraha Docay aad u baahan doonto waynayso (fogaan-arag)

Godka martida looyahay Waa Rab-h**e oo ah labada xidig isku beegan hadaad labada si fiican u baratid waxa kale lamid oo la simin oo waliba sidoo da oo kale isku barbar yaaala waa labada xidig ee ka kooban yahay godka ka dambeeya ee Rabdambe

Waana bahda Cirirka oo ku sugan afaafka h**e Moorada Nibiriga

Way sii muuqan doonan ilaa inta ay ka dhacayaan cirka koonfur Galbeed 02:00am saacada Geeska africa ee gayiga Soomaaliyeed

Isku day Inaad fahanto ama ay wuxuun ka garato abuurka alle Xidigaha sugan iyo kuwa socda xigmada Ku duugan isbadalka uun ka xaalad kasta oo aad ku sugan tahay ahow mid wax iska wadiiya .

الَّذِينَ يَذْكُرُونَ اللَّهَ قِيَامًا وَقُعُودًا وَعَلَىٰ جُنُوبِهِمْ وَيَتَفَكَّرُونَ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ رَبَّنَا مَا خَلَقْتَ هَـٰذَا بَاطِلًا سُبْحَانَكَ فَقِنَا عَذَابَ النَّارِ(191) }
[سورة آل عمران:191]

————Cabdirisaaq Awrfuul————

01/11/2025

Gabey guhaana oo cadowga soomaali we carabta ka hadlaya

30/10/2025

Sooyaalka Saxda ah Diri-Dhaba Aqoonyahan Aadan Allaale maxaanad ka ogayn Sooyaalka Dhulka Diridhaba

Ma qiyaasi  kartaa goorta iyo goobta gabdhuhu jogan
28/10/2025

Ma qiyaasi kartaa goorta iyo goobta gabdhuhu jogan

27/10/2025

AHN Madaxwayne Aadan Cadde hadal jeedintiisi ugu dambaysay Maalintii xilka uu tagay 1967

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdirisaaq Awrfuul posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share