30/08/2024
Kooxdii sanad ka hor aaminsanayd in Laascaanood tahay deegaan reer leeyahay oo ay tahay in looga soo baxo, hadal iyo ficilba na ku difaacayey aragtidaa, ilaa maantana aan la arag meel ay aragtidaa kaga noqdeen, waa u nacasnimo in isla iyagii oo isla aragtidii weli aaminsani ay haddana diidaan in nin walba ka taliyo qaybta uu Ceerigaabo ka d**o.
Aragtida ay kooxdani difaacaysay marka sideeda loo raaco, waa aragtida ku dambaynaysa uun in nin waliba ka taliyo inta uu Ceerigaabo ka d**o, haddii la diidana ninka gacanta sare yeeshaa uu taliyo.
Kooxdaasi inay intaa fahmiwaayaan waxay markhaati u tahay aragtidooda ku eg maalintaa waxa jooga ee aan marna oddorosi karin natiijada ka dhalanaysa waxa ay difaacayaan.
Qof kasta oo in uun wax saadaalin karayey k**a ay qarsoonayn in Ceerigaabo tahay halka ku soo xigta Laascaanood. (Faallada hoose ka eeg post aan sannad ka hor ku sii saadaaliyey in Ceerigaabo ku xigi doonto Laascaanood).
Somaliland maanta waxay taagan tahay goolad ka abuurantay loollanka laba aragtiyood oo lid isku ah oo aan hal mar wada jiri karin.
Aragtida h**e waa aragtida qabta in nin waliba ka taliyo inta uu reer ahaan d**o, iyo aragti labaad oo qabta in si wadajir ah loo difaaco xuduudkii caalamiga ahaa ee uu Ingiriisku ka tegey 1960kii.
Haddii aragtida h**e la qaato, waxay la macne tahay in lagu noqonayo xaaladdii ka horreysey 1884kii ee uu nin waliba ka talin jirey inta uu reer ahaan d**o, Suldaanka lahaa, masuulna ka ahaa inuu la macaamilo xaalad kasta oo deegaankiisa la soo derista. Waa dib-u-noqosho qarni iyo badh ah.
Haddii aragtida dambe la isla qaato, waxay la macne tahay in si wadajir ah loo difaacdo xuduudka caalamiga ah, caqabadaha horyaallana lagula macaamilo istaraatajiyado heer qaran ah oo laga baaraandegey natiijada ka dhalan karta.
Suuragal ma aha inay sii wada joogto ummad aan waxba ku midaysnayni.
Xigasho Maxamed Sharma'arke