05/06/2026
Madaxweynihii h**e ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay mudaharaadka dhimashada sababay ee ka dhacay Sheekh iyo xadhiga Suldaan Qabile.
Akhri qoraalka Muuse Biixi
“Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska, ehelada iyo dhammaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid labada muwaadin ee kala ah marxuumad Canab Cumar Jaamac iyo marxuum Maxamed Cumar Cilmi, kuwaas oo shalay ku geeriyooday mudaharaadkii ka dhacay magaalada Sheekh. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaanna haka siiyo dhammaan eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan qarankii ay ka baxeen. Sidoo kale, inta dhaawacyada iyo waxyeelladu ka soo gaadheen, Alle SWT caafimaad degdeg ah ha siiyo.
Dhimashadaasi waxay ku timid fudaydsi, haddii si waayeelnimo iyo masuuliyad leh marka h**e loo dhegaysan lahaa tabashooyinka bulshada waxaana fududaan lahaa maareynteeda. Dadku waxay ka gadoodeen Suldaan Axmed Qabile habkii loo qabtay, isaga oo dareenkiisa cabbiray isla markaana aan Qaranka wax dhibaato ah u geysan, iyadoo la koolkoolinanyo dad Qaranka dembiyo ka galay.
Salaadiintu waa qayb ka mid ah bulshada, gefna way geli karaan, hase yeeshee waxaa waajib ah in la ilaaliyo karaamadooda, maqaamkooda iyo sharaftooda. Arrintani waa markii labaad ee ay soo noqoto, iyadoo loo maray hannaan sharciga baal marsan oo aan lagu horgayn maxkamad.
Waxaan ku talinayaa in arrimaha noocan oo kale ah ee soo noqnoqda lagu wajaho talo-wadaag, is-dhagaysi, wada-hadal iyo xalinta khilaafaadka ka hor inta aanay isu beddelin dhibaatooyin sababa dhimasho iyo dhaawac. Dalkuna maanta wuxuu leeyahay cadow badan, waxaana jira duruufo badan oo haysta shacabkeena. sidaas darteed waxaa la gudboon xukuumadda in dhacdooyinka noocan ah aanay u noqon fursad ay ka faa’iidaystaan cid kasta cadow u ah Qaranka."