Sayruuq News

Sayruuq News the latest news from horn of Africa. Sayruuq.com kala soco wararka Somaliland, gayiga Soomaalida Geeska Afrika & guud ahaan caalamka.

warar xaqiiq ah, warbixino taabanaya arrimaha dhaqan dhaqaale ee Geeska Afrika. fadlan ku xidhnow markasta iyo meel kasta.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir Oo Wacyi Diini ah Siiyaya  Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland .
30/10/2025

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir Oo Wacyi Diini ah Siiyaya Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland .

"Haybada Garsoorka maaha in Gudoomiyaha maxk**ada sarre loo gudbiyo go'aan".K**a hadlayo shaqsiga la yidhaahdo Aadan xaa...
30/10/2025

"Haybada Garsoorka maaha in Gudoomiyaha maxk**ada sarre loo gudbiyo go'aan".

K**a hadlayo shaqsiga la yidhaahdo Aadan xaaji cali Axmed ee ah Gudoomiyaha maxk**ada sarre waqti xaadarkan ,k**ana hadlayo doodaha u dhaxeeya qaybaha haayadaha cadaalada iyo Garsoorka, k**ana hadlayo khilaafka muuqda iyo ujeedooyinka xaqiiqo ahaan uu ku salaysan yahey, keliya waxaan ka hadlayaa haybada Garsoorka iyo karaamada Gudoomiyaha maxk**ada sarre anigoo ka duulaya waraaqda uu qoray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranku .

1. Xeer ilaaliyaha guud wuxuu qoray waraaq ciwaankeedu yahey " Hakin " taas oo macnaheedu yahey go"aan gaadhis dhamaystiran isagoo kaga jawaabaya waraaq uga timid Gudoomiyaha maxk**ada sarre.

2. Xeer ilaaliyaha guud waxaa u banaanayd in ciwaanka warqadiisa uu u dhigo jawaab celin hasa ahaatee aanu goaan gaadhin isagoo ilaalinaya haybada Garsoorka maxaa yeeley Gudoomiyaha maxk**ada sare waa Gudoomiyaha maxk**ada sare ( Cheif justice) Gudoomiyaha gudidada cadaalada iyo Gudoomiyaha maxk**ada distooriga ah sidaas darteed qoraal u muuqda goaan ama amar looma qori karo waayo ma jirto cid ka saraysa oo goaan u gudbin kartaa .

3 .Xeer ilaaliyaha guud sida uu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey waxay ahayd in uu tallo soo jeedin ku koobnaado ama uu jawaab celin ku daysto laakiin mawduuca ciwaanka uu u qaatay ee Hakin oo ah goaan badalaya goaanka Gudoomiyaha maxk**ada sare sax maaha , maxaa yeeley Gudoomiyaha maxk**ada sare waa loo jawaabi karaa laakiin goaan looma gudbiyo .

Allow eex ma tiraabine
Aqoon ha igu cadaabin." Xildhibaan Guruuje

W/Q Wariye Sahra Ciidle NuurMaanta oo kale October,29,2008. Waa Maalintii Masiibada qaraxyada Saddexda ahi isku mar ka d...
29/10/2025

W/Q Wariye Sahra Ciidle Nuur

Maanta oo kale October,29,2008. Waa Maalintii Masiibada qaraxyada Saddexda ahi isku mar ka dhaceen Caasimadda JSL ee Hargeisa, waxay ahayd maalintii ugu horaysay ee aan qaatay weedhii ama dhiirigalintii Madaxweynihii Maraykana JFK uu caan bixiyay ee ahayd Dalkaaga waydii waxa aad u qaban karto, ee ha waydiin uun waxa uu kuu qaban karo. ( Ask not what your country can do for you, ask what you can do for your country.

Intaan garaadsaday wuxuu ahaa dhibkii ugu h**eeyay ee intaa leeg ee dalkayga ka dhacay, xiligaa 20 sano iimay buuxsamin laakiin waxan ahaa Saxafiyad dhawr haayadood oo warbaahineed oo kuwo caalami ah, kuwo dawli iyo kuwo maxalli ah ayaan u shaqaynayay.

Markii qaraxu dhacay kadib madaxweynihii xiligaa mudane Daahir Riyaale Kaahin, wuxuu u waramay saddex warbaahin oo kali ah, BBC, VOA iyo Qaranka oo aan anigu waraystay.

Markaan ka baxay Xarunta madaxtooyada oo gubadka iyo Burburka dayrka wadhan aad yaabayso ee aan warkii diray, cabaar baan ka walaacsanaa waxa dhacay, dadka dhintay, iyo sida dalkii nabadda ku soo toosay xiligan argagaxa iyo baqdinta ugu jiro, qof kastaa wuxuu ka baqayay in wax kale dhici doonaan.

Markiiba waxa madaxayga ku soo dhacay maanta maxaad dalkaaga u qaban kartaa? Waxan la hadlay Afhayeen kii madaxweynaha Mudane Siciid Caddaani Mooge, waxan waydiiyay dhibka ugu badan ee soo gaadhay marka laga yimaado dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay? Wuxuu ii sheegay in Baabuurtii oo dhami ka bur burtay!

Subaxnimadii waxaan u geeyay Gaadhigaygii oo Cusbaa Toyota Mark II, (aanays lahaa) oo intaan u sii maydhay oo shidaal ku shubay baan u geeyay oo ku idhi haysta inta aad ka soo kabanaysaan, ilaa intuu Siciid Caddaani ii soo celinayay maalin qudha ma waydiin.

Laga bilaabo maalintaa wax dawladi leedahay ma cunin, waxna ma waydiisan dawladihii kale dambeeyay ee dalka soo maray oo intooda badan aanu is garanaynay qaarkood na aad iskugu fiicnayn, laakiin markasta waxan ku fikiraa maxaad dalkaaga u qaban kartaa?

Habaarqade iyo dhagarqabe!Al-Faatix Cabdalla Idriis, oo loo yaqaan “Abu Lulu”, ma aha oo kaliya sarkaal dagaal; waa asta...
29/10/2025

Habaarqade iyo dhagarqabe!
Al-Faatix Cabdalla Idriis, oo loo yaqaan “Abu Lulu”, ma aha oo kaliya sarkaal dagaal; waa astaanta wejiga naxariis la’aanta ee dagaalka Sudan — dagaal isu beddelay mid lagu xasuuqay dad badan oo shacab ah oo aan wax ba galabsan.
Abu Lulu, ayaa lagu tilmaamay sargaal sare oo ka tirsan kooxda RSF (Rapid Support Forces) — ciidamo si gaar ah u taabacsan Mohamed Hamdan Dagalo “Hemedti”.

Falalka uu sameeyay, waxay hoosta ka xarriiqayaan baahida degdegga ah ee loo qabo cadaalad caalami ah, iyo in bulshada caalamku aany ku ekaan cambaareyn, bal se ay qaado tallaabooyin dhab ah oo lagu joojinayo xasuuqa shacabka Sudan.

Abu Lulu wuxuu noqday magaca lagu xasuusto dhiigga shacabka Daarfuur ee aan codka lahayn.

Heersare Muxumed

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku biirtay codadka sii kordhaya ee Baarlamaanka Maraykanka ee ku baaqaya in lala xisaabtamo...
29/10/2025

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku biirtay codadka sii kordhaya ee Baarlamaanka Maraykanka ee ku baaqaya in lala xisaabtamo Imaaraadka Carabta iyo kooxaha hubka siiya ciidanka RSF ee mas’uulka ka ah xasuuqa iyo barakicinta shacabka Suudaan. Iyadoo ku tilmaamtay xaaladda Suudaan tan ugu xun ee bani’aadamnimo iyo mid u dhow xasuuq, Ilhaan waxay iftiimisay baahida degdegga ah ee caddaalad iyo tallaabo caalami ah oo lagu joojinayo rabshadaha iyo dhibaatooyinka ay ku jiraan malaayiin qof oo rayid ah.

Sawirrada laga soo qaaday magaalada El Fasher ee ay RSF la wareegtay ayaa noqday kuwo argagax leh, taas oo muujinaysa heerka gardarro iyo burbur ee dalka ka jira. Ilhaan waxay ku adkaysatay in dowladaha taageera ama hubka siiya kooxahaas loo qaado tallaabo sharci ah si loo joojiyo dhiigga daadanaya, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay ka dhiidhiyaan xasuuqa iyo burburka bani’aadamnimo ee ka socda Suudaan.

27/10/2025

bal yaa baraya Caashaqa

Mr Saajin oo ka mid ah hoggaanka xisbiga Kulmiye ayaa caawa kulan la leh madaxda sare ee xisbiga   oo guddoomiye Maxamed...
27/10/2025

Mr Saajin oo ka mid ah hoggaanka xisbiga Kulmiye ayaa caawa kulan la leh madaxda sare ee xisbiga oo guddoomiye Maxamed Kaahin hoggaaminayo.
Saajin ayaa khilaaf dhawaan xisbiga soo dhex galay waxa uu raacay garab taabacsana madaxweyne h**e Muuse Biixi.
waxa la filaya in uu hadda u janjeedhsado dhanka badi hoggaanka xisbiga.

"Wararka sheegaya in safaaradda   ee   xidhan tahay waxba k**a jiraan. Safaaraddii waanigan jooga, aniga ka masuul ah wa...
27/10/2025

"Wararka sheegaya in safaaradda ee xidhan tahay waxba k**a jiraan. Safaaraddii waanigan jooga, aniga ka masuul ah wayna shaqaynaysa. labada dal waa bulsho walaalo ah oo aan meelna kala tagayn.."
Amb Xuseen Kawaaliye safiirka Jabuuti u fadhiya

Xildhibaan h**e Nadiir Yuusuf waxa uu 27 cisho ku xidhan yahay Dawlad Degaanka Somalida itoobiya. Nadiir waxa qudha ee l...
27/10/2025

Xildhibaan h**e Nadiir Yuusuf waxa uu 27 cisho ku xidhan yahay Dawlad Degaanka Somalida itoobiya. Nadiir waxa qudha ee lagu xidhay na waa in uu u ololaynaayay in dadka deegaankiisu Gobol u gaar ah helaan. Waana ceeb wayn oo waxgaradka iyo madax dhaqameedka deegaanka dul hoganaysa in laga gaabiyo ka hadalka iyo siidaynta Nadiir Yuusuf.

Hadaba waxa aan madax dhaqameed ka iyo wax garadka kale ee deegaanka ugu baaqayaa in ay ka hawl galaan sidii xildhibaan h**e Nadiir Yuusuf uu xoriyadiisa u heli lahaa.
W/Q Garyaqaan Jamaal Mandeela

Abaandulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud)  iyo Hogaano ka tirsan Taliska...
27/10/2025

Abaandulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud) iyo Hogaano ka tirsan Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka JSL, ayaa saaka kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Tabobarka K**andooska Cadaadlay, tan oo qayb ka ah safarka Ciidanka Qaranka JSL ee ku wajahan inay helaan xirfad sare iyo diyaar garow dhamaystiran oo casri ah.

Abaanduulaha ayaa halkaas kula dardaarmay in tabobarka ay si fiican u dhamaystirtaan, kuna booriyay in ay u diyaar garoobaan in ay dalkooda difaacaan.

@ Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Qaranka JSL.

27/10/2025

Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa adeegyada ku bixinaya qiimo-dhimis gaar ah inta lagu jiro Carwadda Teknoolajiyadda Somaliland 2025.
Ka faa’iidayso adeegyada casriga ah ee Dahabshiil Group.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Xirsi Cali X Xasan iyo guddoomiye kuxigeen Maxamed X Yuusuf Waabeeyo ayaa maanta lagu so...
27/10/2025

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Xirsi Cali X Xasan iyo guddoomiye kuxigeen Maxamed X Yuusuf Waabeeyo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay caasimadda Hargeysa.
waxay ka soo laabteen safar ay muddo bil ka badan ugu maqnaayeen dalalka Kenya, Itoobiya iyo Koonfur Afrika.

Address

Gaariye Street
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sayruuq News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sayruuq News:

Share

Our Story

Mareeg ku suntan qaada-dhigga siyaasadda Mandaqada geeska Afrika, arrimaha bulshada iyo dhamaan ilwareedyada khuseeya somaliland, Somalia, Jabuuti, DDSI, NFD iyo meelaha kale ee Soomaalidu degto. .