Gole Media

Gole Media Welcome to Gole Media sharing insights on technology, education, and life's adventures.

“𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐊𝐔𝐋𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐖𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐊𝐚 𝐒𝐨𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐣𝐞𝐞𝐝𝐚𝐚 𝐖𝐚𝐱 𝐜𝐮𝐧𝐟𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐧𝐚𝐟 𝐤𝐮 𝐤𝐞𝐞𝐧𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚 𝐡𝐚𝐛-𝐬𝐚𝐦𝐢 𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚”“Jamhuuriyad...
29/10/2024

“𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐊𝐔𝐋𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐖𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐊𝐚 𝐒𝐨𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐣𝐞𝐞𝐝𝐚𝐚 𝐖𝐚𝐱 𝐜𝐮𝐧𝐟𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐧𝐚𝐟 𝐤𝐮 𝐤𝐞𝐞𝐧𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚 𝐡𝐚𝐛-𝐬𝐚𝐦𝐢 𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚”

“Jamhuuriyadda Somaliland waa dal nidaamkiisa dawladeed dhammaystiran yahay oo leh hay’ado iyo ciidammo iyaga oo keliya sharcigu u ogolyahay qaadashada hubka iyo sugidda ammaanka.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ka soo horjeedaa wax kasta oo 𝐜𝐮𝐧𝐟𝐢 iyo 𝐱𝐚𝐧𝐚𝐟 ku keeni kara hab-sami u socodka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururada ee inoo qabsoomi doonta 13ka November 2024.

Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE waxaan ugu baaqayaa in sidii caadada inoo ahayd si x𝐚𝐫𝐫𝐚𝐠𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐬𝐡𝐦𝐚𝐝 𝐥𝐞𝐡 aynu u shaqayno, una tartanno, waxaana innaga reebban wax kastoo 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐞𝐞𝐧𝐧𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐟𝐨𝐠𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚, 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚𝐧𝐚 𝐱𝐮𝐦𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚. Waxa kaloo aannu uga digaynaa cid kasta oo si khaldan u isticmaasha calanka iyo astaamaha xisbiga KULMIYE, ciddii arrintaa ku kacdana waxaanu la tiigsan doonaa sharciga dalka u yaal.

Ugu dambayn, hay’adaha Amniga qaabilsan ee Ciidanka Boolisku u horreeyo waxaanu ka codsanaynaa in 𝐜𝐢𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐫𝐤𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐤𝐚𝐬𝐭𝐨𝐨 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐲𝐞𝐞𝐥𝐚𝐲𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐡𝐮𝐛𝐤𝐚 laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.”

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐜𝐚𝐬𝐢𝐢𝐬 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐚𝐥𝐞
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝟏𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐊𝐔𝐋𝐌𝐈𝐘𝐄

29/10/2024

“Mushaharka askarta 150 ka ah ayaanu 450 ka dhigaynaa”
waddani.

Akhri go’aamo ka soo baxay guddida Anshaxa iyo xallinta khilaafaadka Doorashada Somaliland.Gudiga Anshaxa, Xalinta Khila...
29/10/2024

Akhri go’aamo ka soo baxay guddida Anshaxa iyo xallinta khilaafaadka Doorashada Somaliland.

Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go'aano la xidhiidha arimaha Ololaha Doorashda:

1. Waxa ay Xisbiga Waddani iyo Kulmiye ka joojiyeen gebi ahaan isu-soo-baxyada iyo olalaha habeenkii.

2. Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo Xisbiga Kulmiye u furay in ay ku ololeeyaan Khayriyada Magaalada Hargeysa, halka Xisbiyada kale na loo diiday habeenkoodii.

3. Waxa ay mar labaad uga digeen in Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasaddu ay Olole ka dhigaan magaalada Ceel-afweyn.

📍Sebastian Hoeneß ayaa heshiis waqti dheer ah u saxiixay VfB Stuttgart si uu u sii ahaado macalinka kooxda ilaa June 202...
08/03/2024

📍Sebastian Hoeneß ayaa heshiis waqti dheer ah u saxiixay VfB Stuttgart si uu u sii ahaado macalinka kooxda ilaa June 2027. Waxa uu ka mid ahaa magacyo badan oo lala xiriiriyay shaqada Bayern laakiin waxa uu u saxiixay heshiis cusub Stuttgart.

Address

Hargeisa
Hargeisa
NONE

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gole Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gole Media:

Share