Qaangaadh Media

Qaangaadh Media Qaangaadh Somali Media, waa warbaahin dhexdhexaad ah oo soo gudbisa dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka

09/08/2023

Afhayeenka Beelaha Sanbuur (Habar-jeclo) Oo War Cusub Ka Soo Saaray Xaaladda Dalka

18/07/2023

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warka caddeeyay

Xog: Wasiirro ka tirsan xukuumadda KULMIYE oo ka soo jeeda bariga Burco ayaa durbaan qabyaaladeed ka dhex abaabulaya bee...
07/08/2022

Xog: Wasiirro ka tirsan xukuumadda KULMIYE oo ka soo jeeda bariga Burco ayaa durbaan qabyaaladeed ka dhex abaabulaya beelaha walaalaha ah ee wada dega Burco.

Wasiirradan ayaa abaabulaya odayaal ka soo jeeda beesha Habarjeclo, kuwaas dhaleecayn u jeedin doona wakaaladda Biyaha Al-Nafoora ee gaarka loo leeyahay iyo waliba ganacsade Saleebaan Kulul oo ah Mulkiilaha La-Nafoora Construction.

Odayaashan ayaa loo abaabulayaa inay ka soo horjeestaan biyo galinta uu ganacsade Saleebaan Kulul iyo sherkadiisu ka wadaan Burco, si uu u abuurmo khilaaf qabyaaladeed oo u dhexeeya beesha uu ka soo jeedo Saleebaan Kulul iyo beesha bariga Burco.

Wasiirradan ayaa qaarkood Hargeysa ka darawalinayaan xiisadan qabyaaladeed halka kuwa kalena dhawaan Burco ugu safreen si ay u soo huriyaan durbaankaas naxliga iyo qabyaaladda xambaarsan.

04/08/2022

Xisbiyadda mucaaridka ah maxaa u qorshe ah haddii ay xukuumadda u diido inay mudaharaad sameeyaan??

Xoghayaha arrimaha gudaha ayaa ka hadlay

Dawladda Finland Oo Dhinacyada Siyaasadda Somaliland Ugu Baaqey Inay Ku Noqdaan Miiska Wada-hadalka Si Loo Xalliyo Khila...
04/08/2022

Dawladda Finland Oo Dhinacyada Siyaasadda Somaliland Ugu Baaqey Inay Ku Noqdaan Miiska Wada-hadalka Si Loo Xalliyo Khilaafka Doorashada.

Yaa Beddeli Doona Hoggaamiyihii La Dilay Ee Al Qaacida Al Zawahiri?Dowladda Mareykanka ayaa gantaal ku dishay hogaamiyih...
04/08/2022

Yaa Beddeli Doona Hoggaamiyihii La Dilay Ee Al Qaacida Al Zawahiri?

Dowladda Mareykanka ayaa gantaal ku dishay hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri xilli uu taagnaa barandaha gurigiisa oo ku yaalla badhtamaha magaalada Kabul ee dalka Afgaanistan, sida ay sheegeen saraakiil ku sugan magaalada Washington, waana dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaadha Shabakada al-Qaacida tan iyo markii la toogtay Usama Bin Laden sannadkii 2011-kii. .

Haddaba waxaa la is weydiinayaa kuma ayuu noqon doonaa nin hoggaanka u qaban doona shabakadan ay xubnaha ka yihiin in badan oo kamid ah ururada xagjirka ah:

Sayf Al-cadil

Waa nin qarsoon oo fure u ah hawlagalada al-Qaacida waa sarkaal h**e ee ciidamada gaarka ah ee Masar waa xubin sare oo ka tirsan Al Qaacida.

Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaadhaya 10-milyan oo doollar ugu yaboohay ciddii keenta xog horseeda in la la qabto ama la dilo.

Al-Adel ayaa lagu tuhunsanaa inuu ku lug lahaa dilkii Madaxweynihii Masar Anwar Saadaat sannadkii 1981-kii, wuxuuna Masar iskaga baxay 1988-kii isagoo ka mid noqdey Malayshiyaadkii Mujaahidiinta ee la dagaalamaysay Midowga Soofiyeeti ee Afgaanistaan.

Waxaa loogu yeedhaa sarkaalka darajada saddexaad ee Al-Qaacida, Al-Adel wuxuu gacan ka geystay qorsheynta weerarradii bambaanooyinka ee lala beegsaday safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar as Salaam 1998-kii, sida ay qortey Reuters, wuxuuna xeryo tababarro u sameeyay ururka al-Qaacida gudaha Suudaan, Pakistan iyo Afgaanistaan sagaashamaadkii.

Ninkan ayaa qaar kamid ah warbixinadu sheegayaan in sannadkii 1993 uu kamid ahaa xubnihii ku sugnaa Muqdisho ee la dagaamay ciidankii huwanta ahaa ee Maraykanku hoggaaminaayey.

Sannadkii 2004-tii, xusuus-qorkii al-Adel ayaa la helay weerar lagu qaaday Sacuudi Carabiya. Doorkiisa ururka waxa uu ahaa tababare ahaan, hogaamiye ciidan iyo xubin ka mid ah la taliyaha amniga ee bin Laden.

Kahor inta aanu ku biirin Al-Qaacida waxa uu xubin ka ahaa ururka Jihaad ee Masar, kaas oo u heellanaa in uu dumiyo dowladda. Al-Adel ayaa lala xidhiidhiyay dilkii 2002dii lagu dilay saxafi Mareykan ah Daniel Pearl oo lagu dilay Pakistan, sida ay baadhayaal Mareykan ah ku sheegeen warbixin. Natiijooyinka ay soo saareen baarayaasha Mashruuca Pearl ayaa shaaca ka qaaday in al-Adel uu kala hadlay afduubka Pearl Khalid Sheikh Mohammad, oo sidoo kale loo yaqaan KSM, eedaysanaha maskaxdii ka dambeysay weeraradii September 11, 2001, ee lagu qaaday Mareykanka.

Al-Adel waxa loo magacaabay hoggaamiye ku meel gaadh ah geeridii bin Laadin kadib.

Yazid Mebarek
Yazid Mebarek, oo loo yaqaan Abu Cubeydah Yuusuf al-Canabi, ayaa ku guuleystay inuu noqdo amiirka Al Qacida ee Maqrib 2020, markii weerar ciidamada Faransiisku qaadeen lagu dilay hogaamiyihii ka horreeya.

Waa muwaadin u dhashay Aljeeria, Mebarek waxa uu hawlo warbaahineed u maamuli jiray AQIM, isaga oo ku baaqi jirey in weerarro caalami ah oo ka dhan ah danaha Faransiiska lagu qaado.

Mebarek, oo 53 jir ah, ayaa laga hayaa hal sawir oo garkiisu cawlan yahay, waxa uu ka qayb galay dagaaladii sokeeye ee al-jeeriya ee islaamiyiinta iyo dowladda u dhexeeyey, waxaana uu xubin ka ahaa safafkii jabhaddii xagjirka ahayd ee GSPC.

AQIM waxay ka faa’iidaysatay qalalaasaha ka jira gobolka Saaxil si ay u noqoto mid ka mid ah shabakadaha caalamiga ah ee ugu firfircoon waxaana ay fuliyaan afduubka reer galbeedka iyo weeraro gaadmo ah.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in AQIM ay lumisay awood ay ku qabsato kooxaha cusub ee mintidka ah ee Sahel, oo ah mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan adduunka ee dhaqdhaqaaqyada jihaadka, halka Mebarek la soo sheegayo inuu la il daran yahay dhaawacyo duug, oo aanu la mid ahayn hoggaamiyihii isaga ka h**eeyey oo lagu tilmaami jirey mid abaabulkiisu sareeyo.

Abd Al Rahman Al-Maghrebi
Abd al-Rahman al-Maghrebi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Morooko ayaa waxaa baadi goobaya FBI-da si ay su’aalo uga weydiiyaan xubinnimada Al-Qaacida. Wuxuu wax ku bartay dalka Jarmalka waana Kumbuyuutar Injineer ka hor inta aanu u wareegin Afgaanistaan halkaas oo loo doortay inuu maamulo garabka warbaahinta ee ugu weyn Al Qaacida, ayay tidhi FBI-da.

Dukumiintiyo laga helay howlgalkii lagu dilay Bin Ladin ayaa muujinayay in al-Maghrebi uu sannado badan ka mid ahaa xiddigaha kooxda. Wuxuu soo noqday maareeyaha guud ee Al-Qaacida ee Afghanistan iyo Pakistan.

Fu’aad Shongole oo ay Itoobiya sheegtay inay dishay ayaa beeniyey in la dilayFu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaami...
04/08/2022

Fu’aad Shongole oo ay Itoobiya sheegtay inay dishay ayaa beeniyey in la dilay

Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ayaa beeniyey in lagu dilay dagaalladii ka dhacay gobolka Bakool toddobaadkii h**e.

Cod laga soo duubay Shongole oo lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayuu ku sheegay inuu nool yahay uuna caafimaad qabo.

Itoobiya ayaa sheegtay maalintii Jimcihii inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Af-hayeenka ururkaas Cabdulcasiis Abu Muscab.

Codka ayuu ku xusay dagaalkii ka dhacay 30-kii Juulaay magaalada Caato, iyo warka kasoo baxay Itoobiya.

03/08/2022

“Shaqadii caadiga ahayd ayuu hawl-gab ka soo noqday Gaboose markaas ayuu doonayaa in uu dalka hoggaamiyo, Cirro iyo Faysal ha iska joogaan intii aynu Gaboose dooran lahayn…” Nuuradiin Diini

Xildhibaan Mukhtaar Maydhane oo ka mid ah wakiilada somaliland ayaa Xildhibaanada usoo jeediyay in maamuus ka xayuubin a...
03/08/2022

Xildhibaan Mukhtaar Maydhane oo ka mid ah wakiilada somaliland ayaa Xildhibaanada usoo jeediyay in maamuus ka xayuubin ay ku sameeyaan Madaxweyne Biixi.

Kalfadhigan soo socda ayuu tilmaamay in qaranka Somaliland la samatabixiyo xalka kaliya ee furana uu yahay Maamuus ka xayuubintaas.

Qoraal uu soo saaray Xildhibaan Mukhtaar Maydhane ayaa waxa uu dhignaa sida tan:

Xilkasnimadu Waa u Lama-Huraan Qaranka

Maanta oo kale sannad ka hor, waxa la noo dhaariyey xilka mudaneyaasha Golaha Wakiilada. Sidii aan kula wadaagay bulshada mudadii ololaha, codbixiyuhu wuxuu imtixaaman yahay maalinta codaynta; kuwa la doortaana muda-xileedkooda oo dhan. Sidaas awgeedna, maalintani waa bilowgii imtixaankayaga.

Maantana imtixaankii ugu weynaa ayaa yaal - waa imtixaanka doorashada iyo kaalinta Goluhu qaadan doono. Arrintuna ma aha oo keliya doorasho ee waa mid amnina. Doorashooyinku nabadda ama dhisaan ama wey kala daadiyaan. Waxaan rumaysnahay in dalku ku jiro xiisad Dastuuri ah (constitutional crisis), doorashooyinkuna yihiin mid ka mid ah meelaha ay sida waafiga ah uga muuqato dhibtaasi.

Doorashooyinku k**a dhaxeeyaan oo keliya xisbiyada qaranka. Sida imika hadalka lagu soo darayana, daneeyeyaashuna ma aha ururada siyaasiga oo keliya. Doorashadu waxay ka dhaxaysaa bulsho weynta Soomaalilaan - ka wax dooranaya, iyo ka la dooranayo iyo inta u gar qaadaysaba. Inteenaas oo dhan oo daneeye ka wada ah, haddana waxa saamayn muquunineed ku leh Madaxweynaha. Muranka maanta jiraa ma yimaadeen haddii aan Madaxweynuhu lahayn awoodaas dabaradeedu yar yihiin.

Labadii waaxyood ee kale dabar ma u noqon karaan weeye su’aashu? Waa maya. Dabarka keliya ee jiraa waa ka maamuus-ka-xayuubinta. Dabarkaas Golaha Wakiiladu leeyahay, ee uu ansixinteedana leeyahay Golaha Guurtidu, waa mid, marka afka ciidamada loo rogo, u dhigma ridista qumbuliyad (nuclear). Ma aha mid adeegsigiisu joogto noqon karo, ama loo adeegsan karo meel kasta. Meesha kale ee dabar noqon kari lahayd, oo ah Garsoorka, madaxbannaanidooda far weyn ayaa ku godan marka lagu ekaado uun inta Dastuurku jideeyey.

Haddaba, sida ay dad badan moodayaan ee ah in Madaxweyne Muuse uu ka adkaaday xisbiyadii mucaaridka ahaa ma aha mid sax ah; laakiin Soomaalilaan oo dhan ayey Madaxtooyadu ka adag tahay. Awooda sidaas u badan ayaa u baahan in lagu hayo xilkasnimo; waana waxa aynaan ugu dareemin sidan oo kale Madaxweyneyaashii h**e.

Gar waa loo Islaame, marka dadweynaha laga daayo ereyada lagu jahwareerinayo, ee sida ugu fudud loo dhigo, arrintu waxa weeye xisbiyada maadaama loo samaysto in lagaga qaybgalo doorashooyinka, xisbiyaduna leeyihiin ruqsad 10 sanno ah, maalinta ugu dambaysa 10kaasina tahay Bisha Diisambar 26keeda 2022 (maadaama oo ay soo qaateen Bisha 12aad 27keedii, 2012), waxa xaq ah in wixii doorasho ah ee ku dhex jira 27kii Diisambar 2012 ilaa 26ka Diisanbar 2022, ee Golayaasha Qaranka lagu matalayo umaddu ay iyagu xaq u leeyihiin. Inay intaasi ku xidhnaato doonista Madaxweynaha, ama cid kaleba, inagay inagu tahay nusqaan maadaama ruqsaddii aan bixinay maalinta h**e aan ku dhantaalayno ka-daba-geys.

Sidoo kale, waxaan aaminnasanahay in mucaaridku xaq u leeyahay, welibana ay tahay, inay ka mudaharaadaan arrintan. Anigoo aaminsan in sida mucaaridku h**e u sheegeen uu mudaharaadku yahay xuquuq dastuuri ah, aaminsanna in xeerarku nidaamiyaan sida loo xaqiijinayo, haddana waxaan laba Cali ku wada hadlayn in kaalintii dhexdhexaadnimo ee looga baahnaa masuulka Arrimaha Gudaha ee mudaharaadka laga codsan lahaa aanu Maxamed Kaahin iyo inta ka hoos shaqaysaa aanay ku jirin. Horena waxaaban u soo aragnay in maalintii ay xafiisyada Waddani ku ballameen, dhagaxaan wadooyinka loogu rogay oo ciidanna loo dhigay. Ma tahay Wasaaradda Arrimaha Guduhu tii si dhexdhexaad ah u eegi lahayd mise waa xisbi raba inuu jaangooyo dhaqdhaqaaqa siyaasiga ah ee xisbiyada kale?

Mudaharaadkii ugu dambeeyey wuxuu muujiyey wax lid ku ah waxa ay saraakiil badan oo xukuumadda ahi ku doodo. Waxa uu muujiyey cidda aan u diyaarsanayn ee aan aqoon mudaharaadku inaanay ahayn dadweynaha ee ay tahay labada ciddii fulinta joogtay ee yeelan lahayd maamulka ammaanka mudaharaadkaas. Waxase xukuumadu liidaa caqliga dadweynaha iyagaba kursiga soo saaray; naftoodana waxay ku hafraan sidii ay umadda meel kale uga yimaadeen inanay xaggooda bar yar oo madow aanay jirine laakiin dadweynuhu weli bislaan. Bisaylkoodu waa musharax Madaxweyne cidda xisbigeedii u garatay oo gaadhi lala beegsado, xildhibaano, masuuliyiin xisbi iyo dadweyne loo gacanqaado oo xataa biri-ma-geydada aan laga xishoon, meel dahsoonna aan lala tegine umadda dhexdeeda beerka laga laago.

Dedaaladii isu-jiidku way soo gudheen, ama in kooban oo naqartii Soomaalilaan ah uun baa weli dhiman inay isu dayaan. Qof kasta oo kaalin umadda ugu jirana oo wax uun ka geysan kara way u furan tahay. Waxa nasiibdarro ah in Madaxweynuhu odayada ammaano kalsoonina siin waayo. Xeerka uu Madaxweynuhu ku andacooday inaanay odayadu meelba kasoo gelin ee Labada Guddoomiye ee Wakiilada iyo Guurtidu u hayeen muxuu ahaa illeyn xildhibaanka Wakiilada iyo Guurtida midna go’aankooda masoo qaadi karaane? Ma Maxk**ad bay ahaayeen?

Ugu dambayn, waxaan u soo jeedinayaa mudanayaasha aanu wada ibtilaysannahay ee Golaha Wakiilada in arrintani khatarta amni keeni karta aynaan fudaydsan. Waxaan u soo jeedinayaa in aynu kalfadhigan soo socda isula nimaadno talooyin wax ku ool ah oo aan kaalinteena kaga qaadano samatabixinta qaranka - oo aan diyaar u noqono inaan inagu isqancinno, wixii aan ka geyn weynana qaraar kusoo saarno. Waan asiibi karnaa, waanan seegi karnaa; k**ase joogi karno. Waa imtixaanka dadkii ina soo doorteyna inaga dhawrayaan; Eebbena Maalinta Dambe ina weydiinayo. Jawaab waafi ahna ma aha inaan daawadeyaal ka noqonaa…

W/Q Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xasarad Ay Ku Qaybinayso Beelaha Togdheer Wada-dega  U Waariday Burco.Xukuumadda Madaxweyne Mu...
03/08/2022

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xasarad Ay Ku Qaybinayso Beelaha Togdheer Wada-dega U Waariday Burco.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa burburkii ku yimi heshiiski Jeeganta ee ay Xukunka kutimi kadib waxay u biyaysatay sidii ay xasarad u kala dhex dhigi lahayd beelaha wada dega Gobolka Togdheer. Wasiirada Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) ayaa fuliyayaal ka ah mashruuca xasaradaynta Burco.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed oo isagu ah abaanduulaha qorshahan dhagaraysan ayaa wuxuu magaalada Burco kula shiray xubno uu hoggaaminayo Badhadaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Jaamac (Xoday) isagoo ku wargaliyay inuu Galbeedka Burco ka dhisaayo kawaanka gawraca Xoolaha oo ay gaar u yeelan doonaan degaanka Galbeedka Burco, iyadoo kawaanka xooluhu h**e ugu yaalay magaaladda kaas oo ku filnaa dhamaan Dadka degaan Burco.

Sidoo kale waxa nidaam an sharci ahayn awoodi wakaalada Biyaha iyo biyo galinta magaalada loo hoosgeeyay Ganacsade Saleebaan Kulul oo kamid ah ganacsatada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku xidhan.

Talaabooyinkan ayay Xukuumadda Muuse Biixi uga danleedahay inay kala shaki iyo naxli dhex dhigto shacabka Rer Burco, iyadoo kaga gal galanaysa dareenka mucaaridnimo ee Beesha bariga Burco sida wayn u muujisay muddooyinkii u danbeeyay.

wariye Abdirisak Goud

Nin Soomaali Ah Oo Uu Mareykanka Si Wayn U Raadinayay Oo Kenya Lagu QabtayLaanta Dambi-baadhista dalka Kenya ee magaceed...
03/08/2022

Nin Soomaali Ah Oo Uu Mareykanka Si Wayn U Raadinayay Oo Kenya Lagu Qabtay

Laanta Dambi-baadhista dalka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa shaacisay in howlgal ay fuliyeen cutub ka tirsan ciidanka la dagaallanka dambiyada halista ah ay soo xidheen Cabdi Xuseen Axmed oo sidoo kale loo yaqaanno “Abuu Khaadi”, oo ah eedeysane ay si wayn u raadinaysay dowladda Mareyknaka.

Xadhigga Cabdi Xuseen Axmed ayaa yimid ku dhawaad laba bilood kaddib markii gacanta lagu dhigay nin kale ay isla shaqysanayeen oo la yidhaahdo Badru Cabdul Casiis Saalax, kaas oo la qabtay 31-kii bishii May ee sannadkan 2022-ka.

Xilligaas waxa ay ahayd hal toddobaad kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay in lacag malaayiin doollar ah lagu abaalmarinayo ciddii soo qabata eedeysaneyaashan.

Maxaa loo haystaa?

Ninkan ayaa loo haystaa dambiyo ku saabsan kala gudbinta daroogada iyo xayawaan duur joog ah, sida lagu sheegay bayan kasoo baxay laanta Dambi-baadhista Kenya.

Mareykanka ayaa Cabdi Xuseen madixiisa dul dhigay abaal-marin dhan hal milyan oo doolar oo loo ballanqaaday in la siiyo qofkii keena macluumaad lagu soo qaban karo.

Dambiga looga soo oogay Mareykanka waxaa kale oo ku wehelinayay eedeysaneyaal kale oo lagu kala magacaabo Moazu Kromah, oo sidoo kale loo yaqaanno “Ayoub,”, “Ayuba,” ama “Kampala Man;” Amara Cherif, oo loo yaqaanno “Bamba Issiaka;” iyo Mansur Maxamed Surur.

Dhammaantood waxaa lagu tuhunsan yahay inay ka qayb qaateen qorsheynta iyo fulinta dambiyo ku saabsan dhoofinta geesaha Wiyisha iyo foolasha Maroodiga, oo labadoodaba ah xayawaan la ilaaliyo jiritaankooda, kuwaasoo ay kusii iibsadeen lacag dhan

In ka badan 35 wiyil iyo 100 marooti ayaa lagu dilay ugaadhsigaas sharci darrada ah ee ay ku eedsan yihiin ragga loo haysto dacwadda.

Laga soo billaabo bishii December ee sannadkii 2012-kii ilaa bishii May ee 2019-kii, Cabdi iyo nimanka la shaqeynayay waxa ay dhoofiyeen ama iibiyeen ugu yaraan 190 kiilo oo geesaha Wiyisha ah iyo ugu yaraan 10 tan oo foolasha Maroodiga ah, oo ay ka qaadeen dalal ka tirsan Afrika, sida Kenya, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Guinea, Mozambique, Senegal iyo Tanzania.

Qabashada eedeysanihii h**e

Badru Cabdul Casiis Salax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska.

Markii la qabtay waxay ahayd afar maalmood uun ka dib markii Agaasinka Danbi badhista ee Kenya iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta.

Booliska ayaa markaas sheegay inay ku raad joogeen Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Qaabkii loo soo qabtay faahfaahin lagama bixin, mana cadda in ay jirto cid qaadatay abaalmarintii uu Mareykanku ballanqaaday.

Balse safaaradda Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii May xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa.

Itoobiya Oo Wafti Culus Oo Millatari Ah U Soo Dirtay Somaliland.Wafti culus oo ka socda Itoobiya oo uu hoogaminayo Hooga...
02/08/2022

Itoobiya Oo Wafti Culus Oo Millatari Ah U Soo Dirtay Somaliland.

Wafti culus oo ka socda Itoobiya oo uu hoogaminayo Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya General Burhanu kabadha iyo sarakiil kale oo sare.

Madaarka Hargeysa waxa si heer sare ah waftigan ugu soo dhaweeyay Abaandulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, Hooganka Hawlgelinta ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan Hooganka Xidhiidhka dibada ee ciidanka Qaranka Somaliland.

Waftigan ayaa hawlo shaqo Somaliland u soo gaadhay waxayna la kulmi doonan Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani.

Address

Togdheer Street
Hargeisa

Telephone

+252634118626

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qaangaadh Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share