Ciidanka Qaranka Jsl

Ciidanka Qaranka Jsl Ciidanka Qaranka Jsl Qof Walba Miwaadin Ah waxan Faraya In U Page Ka Soo Follow Gareeyo Meel Dheerna Gaadhsiiyo Waa Gaadh Hayihi Dalka Mahad Sanidin

26/11/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐€๐…๐‘๐ˆ๐‚๐Ž๐Œ ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐’๐š๐Ÿ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay General Dagvin Anderson, Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka ee (AFRICOM), Safiir ku-xigeenka Safaaradda Maraykanka, Ambassador Justin Davis iyo Wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayeen oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid leh muhimmad istiraatijiyadeed oo culus, ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee ay labada dhinac ku leeyihiin Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Madaxweynuhu waxa uu weftiga Maraykanka la wadaagay doorka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay nabadgelyada, xasilloonida iyo adkaynta hannaanka dimuqraadiyadda ee gobolka, isaga oo xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay mudnaan gaar ah siiso ilaalinta amniga xuduudaheeda, la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah, iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee AFRICOM, Mr. Dagvin Anderson ayaa xusay in Somaliland ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga guud ee Badda Cas iyo ka Gobolka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaw oo ay labada dhinac yeeshaan.

Sida oo kale, Safiir ku-xigeenka Dowladda Maraykanka, Mr. Justin Davis ayaa Somaliland ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, amniga badda, iyo sida ay Somaliland u leedahay awood ciidan oo nidaamsan iyo hannaan siyaasadeed oo xasiloon.

Safiir ku-xigeenka ayaa muujiyey in Dawladda Maraykanku ay muhiim u aragto sii xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada amniga, horumarinta hayโ€™adaha amniga, iyo kobcinta xidhiidha labada dal.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay si buuxda ula shaqeyso Dawladda Maraykanka, si loo adkeeyo amniga gobolka, lana xoojiyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, gaar ahaan kuwa ka dhashay Hirdanka Quwadaha waaweyn ee marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas iyo dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee kooxaha xasillooni darrada ka wada gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu muujiyey in ay jirto fursad ballaadhan oo u taalla labada dal, taasi oo ku saabsan xoojinta iskaashiga Difaaca, Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga culus u caddeeyay in Somaliland ay tahay Saaxiib la isku hallayn karo oo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla goobta ugu istiraatijisan Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Danaha Amni iyo kuwa Istiraatijiyadeed ee Maraykanku uu ku leeyahay Gobolka Bariga Afrika ay si dhab ah ugu jiraan Aqoonsiga Somaliland, maadaama Somaliland ay tahay dal leh nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeeya, ciidamo Qaran oo amnigeeda sugayay muddo ka badan 30 sano iyo goob muhiim u ah istiraatijiyadda Maraykanka ee ah xasilloonida mandaqadda.

Kulanka ayaa ku soo gebogeboobay is-afgarad buuxa oo ku saabsan in labada dhinac ay sii xoojiyaan iskaashiga amniga, kor u qaadaan hawlgallada istiraatiijiga ah, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta xasilloonida Badda Cas iyo amniga guud ee Gobolka Geeska Afrika, si loo suurto geliyo hannaan ku dhisan dano-wadaag iyo iskaashi joogto ah oo midho dhal ah.

Waxa xusid mudan in Weftigii ka socday Maraykanka ee ay hoggaaminayeen Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka (AFRICOM) Gen. Dagvin Anderson iyo Safiir ku-xigeen Justin Davis, markii ay dhammaysteen kulankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waxa loo kaxeeyey Madaarka, Dekadda Caalamiga ah ee Berbera iyo Magaalo Xeebeedka Berbera si ay u soo kormeeraan.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Hogaanka tababarada ciidanka Qaranka S/guuto Muuse Xaaji Jaamac ayaa tababar la xidhiidha kor u qaadista Xirfadaha adeeg...
13/11/2025

Hogaanka tababarada ciidanka Qaranka S/guuto Muuse Xaaji Jaamac ayaa tababar la xidhiidha kor u qaadista Xirfadaha adeegsiga Teknoolajiyadaha Casriga u soo gabagabeeyey xubno ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Tababarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii ay ciidanka Qaranku aqoon iyo xirfad dheeraad ah ugu yeelan lahaayeen arrimaha adeegsiga Teknoolajiyadaha Casriga.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dedaallada iyo tallaabooyinka uu Hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranku ku doonayo in la dhiso loona diyaargaroobo Ciidan leh 'Xirfad sare oo ku gaashaanan noocyada Kala duwan ee aqoonta ay u baahan yihiin ciidamada qarankuโ€™

29/10/2025

MIWAADIN HADAAFIN ADOON SHARE GARAYN LIKE SAARIN WAA CIIDANKAAGI WAA GAADH HAYAHAAGI WAA KAAD KU SEEXANAYSEEN

Sawirka Waa Sarkaal ciidanka Qaranka JSl Muxu  U Qalma Su aashan waxan Waydinaya Muudinkasta O reer Somaliland Ah       ...
29/10/2025

Sawirka Waa Sarkaal ciidanka Qaranka JSl
Muxu U Qalma Su aashan waxan Waydinaya
Muudinkasta O reer Somaliland Ah



Abaandulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud)  iyo Hogaano ka tirsan Taliska...
27/10/2025

Abaandulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud) iyo Hogaano ka tirsan Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka JSL, ayaa saaka kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Tabobarka Kamandooska Cadaadlay, tan oo qayb ka ah safarka Ciidanka Qaranka JSL ee ku wajahan inay helaan xirfad sare iyo diyaar garow dhamaystiran oo casri ah.

Abaanduulaha ayaa halkaas kula dardaarmay in tabobarka ay si fiican u dhamaystirtaan, kuna booriyay in ay u diyaar garoobaan in ay dalkooda difaacaan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Qaranka JSL.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo Guuto Nimcaan Yusuf Gaaxnuug, Maxaad Ku tilmaamilaha...
25/10/2025

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo Guuto Nimcaan Yusuf Gaaxnuug, Maxaad Ku tilmaamilahayd Hogaamintiisa Iyo Kartidiisa
Waxad Ka Aamin Santahay Uun Soo Qor Page Kana So dhe garayna

PAGE KAN WAXA LEH CIIDANKA QARANKA MUWAADIN KASTA O RER SOMALILAND AH WAXAN FARAYA IN AY PAGE KA KOR U QAADAN OO XAQIISA...
23/10/2025

PAGE KAN WAXA LEH CIIDANKA QARANKA MUWAADIN KASTA O RER SOMALILAND AH WAXAN FARAYA IN AY PAGE KA KOR U QAADAN OO XAQIISA SIIYAAN

23/10/2025
21/10/2025

Jananka gyud e ciidanka qaranka nimcaan gaaxnuug oo ku sugan jiida h**e e fadhiisimaha ciidanka qaranka e ceerigaabo Dalku Waa nabad

JIIDA H**E E CEERIGAABO TALIYAHA CIIDANKA QARANKA OO GAADHAY FADHIISUMAHA CIIDANKU KU SUGAN YAHAY
21/10/2025

JIIDA H**E E CEERIGAABO TALIYAHA CIIDANKA QARANKA OO GAADHAY FADHIISUMAHA CIIDANKU KU SUGAN YAHAY

21/10/2025

Madaxweyne Cirro oo safar cirka ah ugu baxay Magaalada Ceerigaabo.

Address

Hargeisa
3360

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Qaranka Jsl posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share