Ciidanka Qaranka Jsl

Ciidanka Qaranka Jsl 🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩
β¬œβ¬œβ¬œβ¬œβ˜†β¬œβ¬œβ¬œ
πŸŸ₯πŸŸ₯πŸŸ₯πŸŸ₯πŸŸ₯πŸŸ₯πŸŸ₯πŸŸ₯
Ciidanka Qaranka JSL

09/09/2026
03/09/2026

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo Kormeeray Xeryaha Ciidanka iyo Cusbitaalka BurcoTaliyaha Ciidanka ...
03/09/2026

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo Kormeeray Xeryaha Ciidanka iyo Cusbitaalka Burco

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka mid ah xeryaha Ciidanka Qaranka ee magaalada Burco, gaar ahaan Taliska Qaybta 12-aad.

Taliyaha ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Taliska Qaybta 12-aad, isagoo ka xog-waraysatay xaaladda guud ee taliska, isla markaana dhagaystay warbixinno ku saabsan hawlaha iyo xaaladda ciidanka.
Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa sidoo kale booqday Cusbitaalka Ciidanka Qaranka ee Burco, halkaas oo uu indho-indheeyey qaybaha kala duwan ee cusbitaalka iyo adeegyada caafimaad ee ay helaan ciidamada.

Taliyaha ayaa sheegay in Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ay ka go’an tahay horumarinta iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee ciidamada, si loo xaqiijiyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo hufan.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa kulan la yeeshay Guddida Nabadgelyada Gobolka Togdheer, iyagoo ka wada hadlay xoojinta nabadgelyada iyo sidii loo sii adkayn lahaa wada shaqaynta Ciidanka Qaranka iyo hay’adaha amniga ee gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ku dhawaaqay in la fulinayo mushahar kordhintii Ciidanka Qarank...
31/08/2026

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ku dhawaaqay in la fulinayo mushahar kordhintii Ciidanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Yuusuf Cali iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa maanta jiiddaha h**e ee Ciidanka Qaranka ee Oog kulamo kula la yeeshay Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is-xog-waraysi iyo dhegaysiga baahiyaha ciidanka, ayaa lagu falanqeeyay xaaladda askarta iyo sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha ay soo bandhigeen.
Masuuliyiinta ayaa si qoto dheer u dhegaystay qodobada ay ciidanku soo jeediyeen, iyagoo muujiyay in tixgelin weyn la siinayo daryeelka askariga iyo guud ahaanba Ciidanka Qaranka.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa markii uu kulanku soo dhammaaday waxay ciidanka ku bogaadiyeen kaalinta aan la beddeli karin ee ay ugu jiraan dalka, gaar ahaan ilaalinta qarannimada, nabadgelyada shacabka iyo difaaca xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Masuuliyiinta ayaa ciidamada ugu bushaareeyey in qorshaha horumarinta ciidanka lagu daray korodhka mushaharka, kaas oo si rasmi ah u dhaqan-geli doona laga bilaabo bisha January ee sannadka 2027. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha fog ee lagu tayaynayo nolosha iyo qalabka Ciidanka Qaranka, waxaana la balan qaaday in kordhinta mushahar kooda boqolkii konton loo kordhin doono 2027.

Ugu dambayn, Wasiirka iyo Taliyuhu waxay ciidamada fareen inay dhowraan anshaxa, midnimada iyo kala dambaynta ciidannimo, islamarkaana wixii dareen ama tabasho ah ee jira lagu waafajiyo anshaxa ciidaminnimo, ilaalinta kala dambaynta iyo nidaamka Ciidanka Qaranka, iyadoo tabashooyinka lagu gudbinayo habraacyada rasmiga ah ee ciidaminnimo.
Kulankan ayaa hoosta ka xariiqaya sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Guudba uga go’an tahay dhagaysiga iyo daryeelka naf-huraayaasha qaranka, si loo sii xoojiyo wada-shaqaynta dhex marta hoggaanka iyo askarta safka h**e.

Xafiis

Power of Somaliland
29/08/2026

Power of Somaliland

Guulaysta Goorwalba
27/08/2026

Guulaysta Goorwalba

Somaliland Power
26/08/2026

Somaliland Power

Address

Hargeisa
Hargeisa
3360

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Qaranka Jsl posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share