Youth Idea

Youth Idea Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Youth Idea, News & Media Website, hargaysa, Hargeisa.

14/10/2025

Kuwii dilay wariyohoo salah aljacfarawi oo gacanta lagu dhigy kadibna la laayay

Dardaarankii uu qoray ka hor geeridiisa wariye AljafrawiAnigoo ah Saalax Aljafrawi - Waxaan dardaarankan uga tagayaa, ma...
13/10/2025

Dardaarankii uu qoray ka hor geeridiisa wariye Aljafrawi

Anigoo ah Saalax Aljafrawi - Waxaan dardaarankan uga tagayaa, ma aha in uu yahay sagootin, balse waa sii wadidda jid aan si kalsooni leh u doortay. Eebaa og in aan dadaalkayga iyo xooggaygaba u huray in aan garab iyo cod u noqdo dadkayga reer GAZA. Waxaan soo maray xanuun iyo dulmi, waxaana dhadhamiyay murugada iyo khasaaraha ay keeneen kuwa na burburiyay.

Si kastaba ha ahaatee, waligay k**a aanan labalabeyn in aan runta gudbiyo sida ay tahay. haddii la idilo oo aan shahiido, ogaada in aanan maqnaan. Waxaan rajeynaa inaan Jannada ugu tago asaxaabtaydii iga horreysay ee; Anas, Ismaaciil, iyo dhammaan kuwa kale ee runta u ahaa ballantii ay Alle la galeen.

Waxaan idinka codsanayaa in aad i xasuusataan oo aad ii soo duceysaan, iyo in aad halganka halkiisa ka sii waddaan. Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad ku adkaystaaan jidkii aan ku soconay, iyo mabda’a aan rumaysannayn.

Waxaan idiin dardaarmayaa in aad xasuusataan walaalkay Naaji. Walaalkey Naajiyow aniga Alle hortiisa kaaga hormaray, adigoo weli xabsiga ku jira, sidaas darteed ogow in tani ay tahay qadar uu Alle qoray, rajo ahaanna aan kula qabay. Waxaan jeclaa inaan ku arko, ku soo dhoweeyo, ku la kulmo, balse ballanta Alle waa run, kulankeenuna jannada waa dhow yahay, kana dhow intaad malaynayso.
Waxaan kuu wakiilanayaa hooyaday. Hooyo, nolol adiga la’aantaa wax micne ah ma leh.

Waxaad ahayd ducadaydii joogtada ahayd iyo rajadaydii aan marnaba dhiman.
Waxaan Eebbe ka baryay inuu ku bogsiiyo, caafimaadna kugu soo celiyo, waxaana ku riyoon jiray inaan ku arko adigoo safar caafimaad ka yimid oo dhoola caddeynaya.

Raalli ahaanshaha Eebbe iyo raalli ahaanshahaaga waa himiladayda. Hooyo adiga iyo dhamaan walaalaheyga waxaan Alle ka baryayaa inuu idin farxad geliyo, mar walba waxaan isku dayi jiray inaan sabab u noqdo farxadiina.

Mar walba waxaan oran jiray: “Ha dayacin erayga, hana dayacin sawirka.” Eraygu waa amaano, sawirkuna waa fariin. u gudbiya dunida sidaan annagu ugu gudbinay.
Ha u malaynina in geeridaydu tahay dhammaad — waa bilowga jid dheer oo loo marayo xorriyadda.

Anigu waxaan ahaa fariin aan rabay in ay gaarto dunida iyo kuwa aamusa marka runta la sheego. Haddii aad maqashaan geeridayda, ha i ooyina. muddo dheer ayaan u xiisay daqiiqaddan, Alle ayaana ii doortay wixii uu jecel yahay.

Kuwa igu dulmiyay nolosheyda I cayay, igu been abuurtay, I aflagaadeeyay ama sumcadayda dhaawacay waxaan leeyahay: Halkan ayaan ka tagayaa anigoo u socda Alle, Insha’Allah anigoo shahiid ah. Eebbe agtiisa ayaana la isugu iman doonaa.

Rajadaydu waxay ahayd in aan arko aniga oo maalin uu nabad ku gaarayo Masjidka Aq-Aqsa, ku tukado, taabto ciiddiisa. Haddii aanan ku gaarin adduunkan, waxaan Alle ka baryayaa inuu nagu kulmiyo jannadiisa.

Ilaahow, iga aqbal inaan ka mid noqdo shuhadada, ii dhaaf dambiyadaydii h**e iyo kuwii dambe, dhiiggaygana ka yeel iftiin ifiya jidka xorriyadda ee dadkayga iyo qoyskeyga, I cafi haddii aan gefay,.
Idina duceeya in la ii naxariisto oo la i cafiyo, maxaa yeelay ballantaydii waan adkeeyay, mana aanan beddelin mana aanan khilaafin. Nabad, naxariis iyo barako Eebbe korkiinna ha ahaato.

Walaalkiin, shahiidka (Insha’Allah), Saalax Aamir Faw’aad Al-Ja’fari 12/10/2025
Qoraalkan waxaa ka dardaarmay in la faafiyo markii uu shahiido Saalax Al-Ja’fari

WT: Mohamed Rooble

Somalidu Kawaran hadii ay booska palatine ku Jiri lahaayeen xaalku suu noqon lahaa rayigaga ka dhiibo 🫵
13/10/2025

Somalidu Kawaran hadii ay booska palatine ku Jiri lahaayeen xaalku suu noqon lahaa rayigaga ka dhiibo 🫵

While CNN refused to interview President Hassan Sheikh, they are now interviewing President-elect Ciro. Contrary to what...
13/02/2025

While CNN refused to interview President Hassan Sheikh, they are now interviewing President-elect Ciro. Contrary to what some viewed through a tribal lens, those who take a broader perspective can see the significance of Ciro’s statements.

He pointed out that Berbera was part of the Cold War dynamics, with Russia once using it. This is a diplomatic statement signaling that Somaliland is open to engagement with Russia, America, Europe, China, and any other powerful or economically capable nation. This approach encourages competition in investment, which in turn increases the likelihood of Somaliland gaining recognition.💪💯🫡🇭🇺

Address

Hargaysa
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Youth Idea posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Youth Idea:

Share