01/06/2024
Jiilka barafka ku koray....Akhriso xaqiiqada hortaala jiilkan nolosha casriga ah la kawsaday
Waa wiil 10 jir ah, isaga oo aad u ooyaya ayuu u yimid maammulaha iskuulka oo ah saaxiibkey Cumar Warsame Cade wuxuu weyddiiyay: maxaa kugu dhacay? isaga oo ka sugaya in uu sheego nabarro muuqda ama jug qarsoon oo lagu dhuftay ayuu yiri: hebel ayaa “Shut up” igu yiri!!
Maalin kale, wiil kale oo Soomaali ah oo illintu ka hibitiqayso ayaa u yimid, “War maxaa ku helay?” Haddii la weyddiiyayna, wuxuu ku warceliyay “Macallimadu Suhayb ayay i dhahdaa mar kasta, magacyguna waa Shucayb ee ma ahan Suhayb”!
Ilmahaas waxaa dhalay oo firkoodu galaa raggii iyaga oo waran lagu gilgilayo ka xishoon jiray in ay “Aa” dhahaan, raggii iyaga oo meel colaad ah jooga inta midkood la gaado, oo la soo weeraro, haddii uu wax yar is dhaqaajiyo “fulay” lagu shaabbadayn jiray. Raggii ku gabyi jiray:
—Murugo iyo ciil, waa nin raga meheraddiisiiye.
—Inkastoo masaartiyo warmaha, lagu maleegaayo.
—Ma cataabo geesiguye, waa mici adaygaaye.
Dhacdada wiilashaasi ma ahan mid iyaga ku gaar ah, ee waa mid si maalinle ah aan u aragno, waxaan aragnaa rag waaweyn oo gabar ay jacayl u bandhigteen oo ka diidday darteed laamiyada ugu suuxaya, kuwo dabaq iska soo tuuraya, iyo kuwo sun cabaya! Ama gabdho sidaas si la mid ah samaynaya. Maxaa wacay? Waa maxay dadkaan qalbi-bataatiga wada noqday?
Ummadihii h**e waxaa lagu arki jiray hal hal qof oo jacayl ku waashay, qofkaasna caan buu noqon jiray sida loola yaabay darteed. Waa maxay dadkaan Cilmi-boodheriga wada noqday?
Haddii aad fiirsato postiyada Facebook ama stutus-yada la soo dhigo waxaa ka buuxa calaacal, qalbijab, ooyin, Iwm. Xanuun weyn oo halis ah in aad asxaabtaada la wadaagto waa caadi, balse, waxaad arkaysaa qof soo qoraya “Maanta caajis baa i haya ii soo duceeya” waxaad arkaysaa qof hargab ama madax xanuun yar oo ku dhacay Fb soo dhigaya.
Mushkiladdaani waa mushkilo caalamka dhan ka jirta, wax badanna laga qoray, si gaar ah mushkiladdaani waxay ku badantahay jiilka loo bixiyay Z-generation, oo ah dadkii dhashay wixii ka dambeeyay 1997, si gaar ah waxay mushkiladdaani aad ugu faafaysaa dabaqadda nolosha sare ku nool, iyo dabaqadda dhexe.
Dr. Ismaaciil wuxuu ku bilaabay kitaabkiisa uu kalnugaylka uga hadlayo sheekada qoraayadda Ingiriiska u dhalatay ee Claire Fox, waxay sheegtay maalin iyada oo gurigeeda joogta oo jikada ku jirta si ay gabadheeda yar ee iskuulka ka imaanaysa qado ugu diyaariso, ayaa waxaa soo galay gabadhii yarayd oo aad u booyaysa, iyada oo illinta iyo diifka isku dartay, hooyadii oo naxsan baa weyddiisay:
“Maxaa kugu dhacay hooyo?” kaalayba ka hadashii adigu, sidii qof jug culus ku dhacday oo oofi gashay ayay ooyintiiba kari la’dahay, waqti dheer oo ay aammusinaysay ka dib ayay hadashay, waxay weyddiisay “Hooyo maxaa kugu dhacay?” waxay ku jawaabtay “Waa la i dhibaateeyay” waxay ku celisay “Maxaa lagugu sameeyay?’’ hooyadu waxay sugeysay in ay gabadhu sheegto dhibaato weyn oo loo geystay. Balse, dhibkeedii oo dhan wuxuu noqday “Asxaabteydii ayaa shaneemada aaday anigana way iga tageen!”
dhaqammada jiilkaan lagu arkay waxaa ka mid ah:
1.Adkaysi la’aan: iska daa shaqo adag oo la qabto, iska illow nolosha oo lala harjado, ee jiilkaan waxaa ku adag in ay akhriyaan qoraal yar oo dhawr page ah, sidaa darteed ayaan maalin kasta aragnaa qoraallo faa’iido leh, balse xoogaa dheer oo dadku comment ahaan ugu qorayaan “Cod ahaan iigu soo duub waxaan ma akhrin karee”.
2. Doonis la’aan: qofka jiilkaan ka tirsan (ama dhaqankoodii yeeshay) ma awoodo in uu naftiisa xakameeyo, ma awoodo in uu go’aan qaato oo hawl ku dhaqaaqo.
3. Tiis-ku-tuxullub: mid walba dantiisa gaarka ah ayuu ka fekeraa, oo hankoodu ma gaarayo meel naftooda ka baxsan, qofkii ay arkaan oo dan guud u halgamayana way la yaabaan, waxaa intaas usii dheer naf jacayl iyo gunnimo qaayibka, midkood in uu gobannimo u halgamo oo uu u dhinto ma rabo! Maalin dhexdaas ah ayuu nin weriye ahi soo dhigay dhacdo meel Soomaaliya ka mid ah ka dhacday, dhacdadu waxay ahayd: gabar baa niman geelley ahi kufsadeen, gabadhii adeerkeed ayaa inta qori qaatay oo rag watay oo nimankii ka dabatagay labo ka dilay, ayaguna nin bay ka dileen. Anigu shakhsiyan marka aan akhriyay aad baan ugu farxay, waayo mooryaanta gabadha kufsadayna way mudnaayeen in la dilo, kan gabadha dhankeeda ka socdayna si gobannimo leh ayuu u dhintay. Balse, waxaa farxaddii iga calwiyay marka aan comments-kii isha la raacay, dad badan ayaa soo qoray “Soomaalidu weli waa cawaan, gabar la kufsaday miyaa maanta 3 nin u dhimatay?” dadka sidaas dhahaya gabdho ayaa ku jira!! Bal adigu ma fahmi kartaa wax la isugu le’an lahaa oo gabar ka weyn? Waa dhaqandoorsoon aad u foolxun.
—Ma gudboona aadmigu runtii, guusha dhaqameede,
—Niman baa gabdhaha aasi jiray, gu’ iyo jiilaale,
—Guudleydii oydaba tan waa, laysku go’ayaaye.
4. Buunbuuninta mashaakilka yaryar (Pain catastrophizing): tusaaleyaalkeedu waa sheekooyinka aan kor ku soo sheegnay.
5. Mudnaan isa-siinta: jiilkaani wuxuu aamminsanyahay in uu xaq u leeyahay wax kasta oo uu rabo in uu helo, haddii uu waayana wuu qalbijabayaa! Ha noqdaan wax dareen ah (Sida jacayl) ama wax maaddi ah. Wuxuu doonayaa in dadkoo dhani tacaamul macaan kula dhaqmaan, oo qiimihiisa la dareensiiyo. Waa jiil aad isugu kalsoon.
6. Qalbicarruurnimo: Midkood wuxuu jaamacad ka baxayaa isaga oo weli carruur ah, caqligiisu waa carruur haddii aad la sheekaysato, masuuliyad ma qaadi karo, fahanka uu nolosha ka haysto waa mid doorsoon oo aad u hooseeya. Sida ay ka cabbireen Greg Lukianoff iyo Jonathan Haidt “Jiilkaani wuu diiddanyahay in uu koro” Meesha raggii h**e ay dalal dhan hoggaamin jireen iyaga oo dhawr iyo toban jirro ah, kuwaan labaatan iyo dhawr jirkooda waxar jaban laguma aammino.
7. Waa jiil raaxo iska raba, dhibkana neceb: nolosha adduunka ugu macaan wuxuu dareemaa marka uu haysto internet free ah, uu sariirtiisa ku jiifo, jaajarkuna madaxiisa u dhowyahay!
Waxyaalaha aan arki karno waxaa ka mid ah, berigii h**e ma badnayn dad loo yaqaan “Tababbare nololeed” jiilkaan jilicsan ayay la soo ifbaxeen, “Waad samayn kartaa” “Xaq baad u leedahay” “Waa markaagii” iyo erayo aqoon oo dhan ka maran oo jiilka rabitaankiisa keliya u adeegaysa. Mararka qaar waxaad moodaysaa dad nafsad ahaan u xanuunsan in ay la hadlayaan —wayba la hadlayaane— dad meel la isugu keenay oo la leeyahay “Gacmaha kor u taag, waan samayn karaa dheh, Yes dheh” Bal intaasi maxay ka beddeshaa nolosha qofka? Waa isla dadkii xanuunnada nafsiga ah qabay ee uu Rusheeye biyaha ku qoynayay, Rusheeye maryaha ayuu dadka ka rusheeyaa, kuwaanina maskaxda.
Maxaa xal ah?
Dr. Ismaaciil iyo dhakhaatiirta cilmi nafsiga ee mawduucaan wax ka qortayba talooyinka ay soo jeediyeen waxaa ka mid ah:
1. Waalidku waa in ay carruurta masuuliyadda baraan inta ay yaryihiin. Waa in canuggu wax uun shaqo ah qabto oo lagu aammino inta uu yaryahay.
2. Koolkoolinta saa’idka ah ilmaha ha laga daayo. Canug la qabsaday wax kasta oo uu rabo in la siiyo, yaa Islaam ah oo hadhow ka dhaadhicinaya in noloshu dhinac kharaar ah leedahay? In aan la helin wax kasta oo loo baahdo? Mushkiladdaan ‘‘Wax walba siinta” ah, waa midda keentay in maanta dhallinyaro badan markii ay culaysyo adduun soo foodsaaraan ay diinta ka baxaan oo mulxiddiin noqdaan! Waayo? Wixii aan u baahnaa maxaan u heli waayay? Ilaahey haddii uu jiro muu i siiyo waxa aan u baahanahay? Waa mandiqii aad adigu bartay ee ahaa “In uu xaq u leeyahay in wax kasta oo uu u baahdo la siiyo”!
3. Ilaalinta [xad’dhaafka ah] waxba uma tarto ee way uga dartaa ilmaha, haddii ay noqoto ilaalin caafimaadkiisa ah iyo ilaalinta amniga ahba! Sida ay sheegeen labada qoraa ee buugga “Suuraynta caqliga Ameerikaanka= Coddling of the American mind” Diraasad Maraykan lagu sameeyay oo ku saabsanayd cudurka xasaasiyadda waxyaalaha keena ayaa natiijadii waxay noqotay in ay kow ka tahay “iska ilaalinta waxyaalaha cudurkaas keena” Mid ka mid ah baarayaashii ayaa ku soo gabangabeeyay:
“Talada dhahaysa: carruurtiinna ka fogeeya waxyaalaha xasaasiyadda keena, waa talo gebi ahaanba khaldan!” Hadda ma garatay sababta carruurta hantiilayaasha ee biyaha tubbada xataa iska ilaaliya ay maalin kasta isbitaal u taaganyihiin, kuwa danyarta ee biyaha calawga ah cabana ay kaaga xoog badanyihiin?
Haddii aad ka mid tahay jiilkaan, iska illow erayda huuhaada ah ee dhegahaaga laga badiyay “xaq baad u leedahay” ‘Waad mudantahay” Iwm, wax aad gaar u mudantahay ma jiraan, noloshaani waa qofkii u halgama, halgan la’aan ha sugin in aad cidlo ka cantoobsato, inta aad yartahay shaqada is bar, caqligaaga kori, jiljileec iska illow. Waxaan ku soo gabangabaynayaa hadalkii caanka noqday ee Ibnu Qayim Al-Jawsiyah “Cuqaasha ummadaha oo dhan waxay isku raaceen inaan barwaaqada raaxo lagu gaarin”.
Mahadsanid akhrintaada.
Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalk
Qalinkii: Daud Cali.