08/07/2026
Cashuurtan GST waxa dabada ka riixaya shirkad gaar ah oo fahanka Xeerka Dakhligu ku daba-rogmay ama qalad fahmay waxana taageeraya koox Wasiiro ah oo faa'ido doon ah oo faa'ido ku leh qabashada adeega cashuurtan ee shirkaddaha ( Commission), waana sababta go'aankan uga yimid Madaxtooyada oo Wasaaradda Maaliyadda amarka loogu siiyay.
Kooxdani may fahmin in Cashuurtii Iibka( sales tax 5%) lagu soo qaado Kastamada dalka, Cashuurta adeegyada GST lagu qaado gudaha , oo aan xeerka Dakhliga la akhrin cashuuraha dalka ee ka h**e jideeyay iyo goobaha dakhliyada qaabka loogu qaado , iyo Madax-yada( heads) cashuureed iyo meelaha lagu qaado , wax ka badal kasta oo loo baahdo waa in Xeerarka dalka lagu jideeyaa.
Nidaamkani wuxuu ka hor imanayaa nidaamkii dakhli qabashada ee Xeerka dakhliga mana aha nidaam daah-furan, Dowladuna awood uma laha Qalab iyadu leedahay oo ay ku qabato Cashuurtan waana sababta loo adeegsanayo shirkado gaar ah waana mashruuc diyaarsan oo aan sharci loo marin, waxana uu culays badan ku keeni doonaa suuqa dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Somaliland, waxana uu culays ku sii kordhin doonaa sixir-bararka suuqa oo saamayn doona dadka danyarta ah oo noloshooda caqabad ku yahay.
Cashuurta Iibka (sales tax 5% ) ee uu jideeyay Xeerka Dakhligu waxa lagu qaadaa Kastamada Dalka oo uu kamid yahay madax-yada cashuureed ee lagu qaado Kastamada , sababtuna waxay ahayd dalka oo aan u diyaarsanayn in cashuurta Iibka gudaha lagu qaado , sidoo kale waxa jira cashuuro lagu qaado Kastamada sida cashuurta Kabka Dowladaha Hoose ( K.D.H) sababtuna waa cashuuro dowladaha hoose qaadi lahaayeen oo Kastamada lagu cashuuro ilaa maanta, waxaba cashuurtaa qabata Dowladda dhexe, kadibna waxana dib loogu celiyaa oo dib loogu qaybiyaa Dowladaha hoose ee dalka si badeecadaha ganacsigu si fudud uga gudbaan Degmooyinka Dalka oo Dowladaha iskugu qabsan ururinteeda oo ganacsiguna caqabad ugu noqon.
Sidoo kale Cashuurta GST waa cashuurta adeegyada oo ku eeg cashuurta adeegyada shirkadaha sida adeega Laydhka, Isgaadhsiinta , Hotel-ada iwm , ee looma adeegsan karo cashuurta Iibka , marka wax laga badalayo nidaamka cashuuraha waxay u baahan tahay in dood iyo dib u eegis lagu sameeyo xeerarka dalka iyadoo lala tashanayo shacabka iyo ganacsatada ay saamaynaso iyadoo la eegayo xaaladda dhaqaale ee dalka.
Madaxwayne cid kasta ma raali galin kartid ee inaga shaandhee mashaariicda macaash doonka ah ee Bulshada caqabada ku ah , waxaanad mudnaanta siisaa ilaalinta bulshada iyo noloshooda , waxaanad inaga xakamaysaa Wasiirada macaash doonka ah ee Dowladnimada u haysta in la mashruucdmsado.
Mudane Madaxwayne, Masuuliyadda koowaad ee Dalkan Somaliland adaa laguu doortay mashruuc kasta oo dadka dhibaato ka soo gaadhasana adaa Masuuliyaddu ku saaran tahay.
Waayo aragnimadii aan ka helay Gudida Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiillada ee Siyaasadda Miisaaniyadda ( fiscal policy) ee nidaamka dakhli ururinta iyo kharash-garaynta Miisaaniyadda Qaranka iyo Xeerarka Dhaqaalaha iyo nidaamka cashuuraha ee dalka , waxaan u taaganahay inaan difaaco xuquuqda bulshada aan matalo waana waajib i saaran oo aanan cid kale ku raali galin.
Xildhibaan Abdikarim Mohamed.