Art+ TV

Art+ TV Boggan waxa aad ka hellaysaa, wararka, warbixinaha, iyo barnaamijyo ku xiiso galiya.

"Anigoo ah Fihiima Yuusuf Cabdullahi Quujje, waxaan halkan ka cadeynayaa in aan ka tegay xilkii & xubinnimadii Baarlamaa...
17/07/2026

"Anigoo ah Fihiima Yuusuf Cabdullahi Quujje, waxaan halkan ka cadeynayaa in aan ka tegay xilkii & xubinnimadii Baarlamaanka Woqooyi-bari ee aan Beeshaayda ku metelayay.

Waxaan sidoo kale cadeynayaa inaan ka tanaasulay aragtidii Soomaalinweyn, waxaana dib ugu laabtay Qaran-keygii Somaliland."
Fihiima Quujje

Ibrahim Traore madaxweynaha dalka ku yaala galbeedka Afrika ee Burkina Faso ayaa sheegay  in aanay jirin diin ka sarreys...
17/07/2026

Ibrahim Traore madaxweynaha dalka ku yaala galbeedka Afrika ee Burkina Faso ayaa sheegay in aanay jirin diin ka sarreysa dalka, isla markaana aanay weligeed Burkina Faso ka hirgeli doonin sharciyada Shareecada.

Burkina Faso meel loogama hayo dadka xagjirka ah. Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan in ka badan 800 oo qof oo u dhashay Burkina Faso oo ku sugan Sacuudi Carabiya, kuwaas oo aan baranayn wax cilmi ah ama tiknoolajiyad, balse kaliya baranaya Shareecada, si ay markaas dalka ugu soo celiyaan oo ay ugu qasbaan dadka. Taasi ma dhici doonto ayuu yidhi.

Ma jirto diin ka sarreysa dalka. Haddii aad dareemayso inaad tahay qof aad u diin jecel, ku noqo dalkii aad ka soo baratay oo halkaas ku dhaqan geli.

“Anigu madaxweynaha waan aqaanaa, Haduu farta taago wuxuu u jeedo waan aqaanaa, haduu luqunta gaabiyo wuxuu u jeedo waan...
16/07/2026

“Anigu madaxweynaha waan aqaanaa, Haduu farta taago wuxuu u jeedo waan aqaanaa, haduu luqunta gaabiyo wuxuu u jeedo waan aqaanaa, haduu gacmaha laabto wuxuu u jeedana waan aqaanaa” Siyaasi Mukhtaar Mingiste

Xulka Argentina ayaa koobka adduunka ka cidhib tiray xulka England oo uu xifaaltan badani ka dhexeeyay.2 iyo 1 ayaa laga...
15/07/2026

Xulka Argentina ayaa koobka adduunka ka cidhib tiray xulka England oo uu xifaaltan badani ka dhexeeyay.

2 iyo 1 ayaa lagaga adkaaday xili xulka Argentina uu dedaal xoogan u galay sidii uu u keeni lahaa 1 gool uu lagaga horeeyay taasi oo uu daqiiqadihii u dambeeyay goolka guusha dhalisay.

Saadaali ciyaarta caawa dhex mari doonta xulalka Argentina iyo England. Yaa u gudbi doona ciyaarta k**a dambaysta ah.
15/07/2026

Saadaali ciyaarta caawa dhex mari doonta xulalka Argentina iyo England. Yaa u gudbi doona ciyaarta k**a dambaysta ah.

Xulka Spain ayaa ka cidhib tiray koobka adduunka xulka France oo ahaa kan uhu cad cad ee loo saadaalinaayey sannadkan in...
14/07/2026

Xulka Spain ayaa ka cidhib tiray koobka adduunka xulka France oo ahaa kan uhu cad cad ee loo saadaalinaayey sannadkan in uu qaadi karo.

2 iyo waxba ayaa lagaga adkaaday 90 daqiiqo ee ciyaarta iyada weerarkii halista ahaa ee France na ay caawa muquuniyeen khadka dhexe ee dalka Spain oo si farshaxino leh u maamulayey kubada

Xulalka France iyo Spain ayaa caawa fooda isku dari doona ciyaarta afar dhamaadka koobka adduunka, kaasi xulkii guulayst...
14/07/2026

Xulalka France iyo Spain ayaa caawa fooda isku dari doona ciyaarta afar dhamaadka koobka adduunka, kaasi xulkii guulaystaa u gudbi doono ciyaarta k**a dambaysta ah ee koobka adduunka. Yaad isleedahay waa uu u gudbi doona finalka koobka.

In ku dhaw 500 carruur ah oo ku dhashay dalka Peru intii uu socday Koobka Adduunka ayaa loo bixiyay magaca weeraryahanka...
13/07/2026

In ku dhaw 500 carruur ah oo ku dhashay dalka Peru intii uu socday Koobka Adduunka ayaa loo bixiyay magaca weeraryahanka Norway ee Erling Haaland.

Tirada carruurta loo bixiyay magaca Haaland ayaa gaadhay 468, halkaaso oo 91 ka mid ah loo bixiyay magaca oo dhamaystiran Erling Haaland.
Inta badan dhallaankan cusub ayaa magacan loo diiwaangeliyay kaddib markii uu billowday Koobka Adduunka ee 2026, taasi oo tiradu si weyn u korodhay markii xulka Norway uu u soo baxay wareegga siddeed dhamaadka (quarterfinal-ka).

Haaland ayaa dhaliyay toddoba gool lix kulan oo uu ka ciyaaray Koobka Adduunka. Si kastaba ha ahaatee, xulka Norway ayaa ka hadhay tartanka ka hor final-ka, kaddib markii uu 2–1 kaga adkaaday xulka England ciyaar gaadhay waqti dheeri ah.

Dowlada ayaa ku dhawaaqday in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hoos loogu dhigay baroor diiqda Amiirkii Qatar...
13/07/2026

Dowlada ayaa ku dhawaaqday in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hoos loogu dhigay baroor diiqda Amiirkii Qatar ee geeriyooday.

Golaha guurtidq Somaliland ayaa guddoomiye u doortay Muuse Xaaji Cabdi Du’caale oo badali doona Saleebaan Maxamuud Aadan...
12/07/2026

Golaha guurtidq Somaliland ayaa guddoomiye u doortay Muuse Xaaji Cabdi Du’caale oo badali doona Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta iska casilay xilkaasi.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Art+ TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Art+ TV:

Shortcuts

Share

Category