Wargane News

Wargane News Wargane news Delivers the latest Somali breaking news and information on the latest top stories, politics, business, sports, entertainment, and more.

Dadweynaha ku dhaqan dalka Tanzania ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan cidda hoggaaminaysa ...
29/10/2025

Dadweynaha ku dhaqan dalka Tanzania ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan cidda hoggaaminaysa 5 sano ee soo socota.

Shakhsiga ugu badan ee la wada filayo in uu doorashadan ku guulaysto ayaa ah haweenayda dalkaas haatan madaxweynaha ka ah ee Saamiya Suluhu taas oo dalkaas hoggaaminaysay tan iyo markii uu geeriyooday madaxweynihii xukunka uga horreeyey ee John Magufuli.

Saamiya Suluhu ayaa wajahaysa loollan aad u yar waxana taas sabab u ah in ay tartanka xoog kaga reebtay raggii kursiga ka ridan lahaa kuwaas oo noqday qaar la xidhay iyo kuwo si badheedh ah loogu diiday in ay la tartamaan haweenaydan ka talisa dalka ku yaalla bariga qaaradda Afrika.

Dhanka kale intii ay Codayntu socotay Banaan baxyo lagu diiddan yahay doorashada looga dareeray dalka Tanzania ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah dalkaas kuwaas oo ah bannaan baxyo rabshado wata.

Geesta kale dawladda Tanzania ayaa xayiraad ku soo rogtay adeega Internet-ka si loo joojiyo farriimaha doorashada diidka ah ee laysku dhaafsanayo baraha bulshadu ay ku wada xidhiidho.

Doorashada ayaan guud ahaanba u istaagin bannaan baxyadan waxana xoog lagu kala eryey qaybo ka mid ah dadkii muddahaaradayey.

“Qofka intiisaa loo qiraa Maxamuud Xaashi anaga Xukuumadda maanta joogta aabaal ayuu nagu leeyahay. Abaalka uu nagu leey...
28/10/2025

“Qofka intiisaa loo qiraa Maxamuud Xaashi anaga Xukuumadda maanta joogta aabaal ayuu nagu leeyahay. Abaalka uu nagu leeyahay waxa weeye Madaxweynaha maanta jooga ayuu nala dhisay. Xukuumaddan joogtana Xisbiga Kaah xubno ayuu ku leeyahay.
Musuqmaasuqu wuxuu u baahanyey Qofka in aad ku cadayso qoraalkiisi keento Itus oo Itaabsii wixii ay noqoto. Arrimaha Musuqmaasuqa in uu Calaamad u ahaa dadku way sheegaan wax ka jira se Ilaahaybaa og..." Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex Wali Axmed Jaamac

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada...
28/10/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Somaliland, Safiir Xuseen Cumar Kawaaliyeh, waxana kulankaasi diiradda lagu saaray adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Xasiloonida, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, Dhaqanka iyo isu-socodka bulshada labada dal.

Madaxweynuhu waxa uu Wakiilka u gudbiyey salaam iyo mahadnaq uu u dirayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xusay in xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti uu ku dhisan yahay walaaltinimo, dhiig, dhaqan, dhaqaale iyo dano wadaag ah oo taariikhi ah.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo wadaaga xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh, sidaa darteedna ay lama huraan tahay in la sii xoojiyo ka wada shaqaynta danaha wadaagga ah iyo iskaashiga arrimaha waxtarka u leh labada dal iyo labada shacab.

Isaguna dhankiisa, Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Somaliland ayaa tilmaamay in dalkiisu uu mar walba diyaar u yahay kor u qaadista iyo xoojinta xidhiidhka wanaagsan iyo arrimaha u adeegaya labada dal, isaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey amniga xasilloonida iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay.

Kulankaasi ayaa ku soo dhammaaday is-fahan iyo niyad wanaag, iyada oo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta saaxiibtinimada, nabadda iyo wadajirka gobolka.

Musharaxii Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye Maxamuud Xasan Sacad Saajin, kana mida masuuliyiinta sar sare ee xi...
28/10/2025

Musharaxii Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye Maxamuud Xasan Sacad Saajin, kana mida masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Kulmiye ayaa beeniyay kulan la sheegay in Arimaha xisbiga lagaga wada hadlayay oo Hargeysa ka dhacay .

“Wararka Sheegaya In Walaalkay Maxamed Kaahin aan ka wada hadalnay Arimaha Xisbigu waa waxba k**a jiraan Iyo Been Abuur

Gudoomiye Maxamed Kaahin Waxa uu igu Yimiday hotel kii aan Fadhiyey, Salaan ayaanu igu yimi. Dhaqankeena siyaasiga ah Ee Somaliland Iyo Saaxiibtinimadu k**a turjumayso in aan Arimaha Xisbiga ka wada hadalnay.

Waxa aan Farayaa dhamaan warbaahinta Somaliland Ee Faafinaya wararka been abuurka ah in ay ka Joojiyaan.”

Maxamuud Xasan Sacad Saajin

Waxaa Bilowday Kulamka u dhexeeyay Madaxweynaha Maraykanka iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad oo uu weheliyo ra’ii...
25/10/2025

Waxaa Bilowday Kulamka u dhexeeyay Madaxweynaha Maraykanka iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad oo uu weheliyo ra’iisul wasaarihiisa Mohammed bin Abdulrahman. Kulankaas oo ka dhex socda Gudaha Diyaaradda madaxweynaha Mareykanka Air Force One oo Taagan Garoonka Diyaarada Magaalada Doxa.

xilli ay socdaan wadahadallda u dhaxeeya Trump iyo Amiirka Qatar oo la xiriira xaaladda bariga dhexe iyo xabbad-joojinta Qasa. Waxaa dhanka kale garab socday in Diyaaradaha Israa|l ayaa waxyar ka hor markuu Kulanku Bilowday, ay duqeymo culus ka geysteen marinka Qasa, Waxaana weerarkaa ku geeriyooday tobannaan qof oo ay carruur ku jiraan, sida ay warisay Al-Jazeera.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gudaha diyaaradda Air Force One, kulan deg deg loo kula yeelan doona Amiirka Q...
25/10/2025

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gudaha diyaaradda Air Force One, kulan deg deg loo kula yeelan doona Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad iyo ra’iisul wasaarihiisa Mohammed bin Abdulrahman, ka hor inta uusan gaarin dalka Malaysia oo Trump uga qeybgalayo shir madaxeedka iskaashiga dalalka koonfur-bari Aasiya.

Diyaaradda madaxweynaha Mareykanka Air Force One, ayaa la sheegay inay waqti kooban ku sugnaan doonto garoonka diyaaradaha ee Dooxa, xilligaa oo kulanka uu dhacayo, waxaana Trump ku wehelinaya xoghayaha arrimaha dibadda ahna la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Marco Rubio, kaasoo la sheegay in diiradda lagu saarayo xaaladihii u dambeeyay ee bariga dhexe iyo heshiiska nabadda ee Qasa, wallow warbaahintu sheegtay in kulanka u muuqdo mid go’aamo lagu qaadanayo, sida ay weriyeen Reuters iyo warbaahinta Imaaraadka Carabta ka soo baxda ee Al Arabiya iyo wargeyska The National News.

Waaxda canshuuraha ee Dalka Faransiiska ayaa laga helay magaca xaaska Madaxweynaha Faransiiska oo lagu diiwaangeliyay in...
25/10/2025

Waaxda canshuuraha ee Dalka Faransiiska ayaa laga helay magaca xaaska Madaxweynaha Faransiiska oo lagu diiwaangeliyay inay tahay nin, waxaana la adeegsaday magaca Jean Michel, halkii uu ka ahaan lahaa magac haweenay oo ah Brigitte Macron.

Dhacdadan ayaa argagax ka dhalisay qasriga madaxtooyadda Faransiiska ee Elysée, halka ay warbaahinta Faransiiska ku warrantay in Macron uu galay xaalad dhul-gariir ah, Macron wuxuu isla markiiba amar ku bixiyay in baaritaan rasmi ah la furo si loo ogaado sababta magaca nin loogu qoray xaaskiisa mareeg dawladeed oo rasmi ah.

Dhankeeda Brigitte Macron, ayaa dacwad ka gudbisay waaxda canshuuraha, iyadoo sheegtay in ay isbeddel ku sameeyeen magaceeda si ay u abuuraan buuq iyo shakiyo la xiriira jinsigeeda.

DEGDEG: Gaf Iyo Deel-qaaf ayuu Beesha Arab Ku yahay Hadalka Maxamuud Xaashi uu ka yidhi London.Waxa Sidan yidhi. Chief C...
25/10/2025

DEGDEG: Gaf Iyo Deel-qaaf ayuu Beesha Arab Ku yahay Hadalka Maxamuud Xaashi uu ka yidhi London.

Waxa Sidan yidhi. Chief Caaqil Guuleed oo Ka mid Cuqaasha Beesha Arab, isaga oo ka jawaabaya hadal kasoo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga KAAH.

"Hadalka Maxamuud Xaashi ee uu London kaga hadlayay ee uu leyahay Arab oo layay ciidankii new police ka golaha deeganka Hargeisa may soo bixi waayin ee xildhibaanadoda oo is barbar cararay xisbiyaduna way hagradeen

Waxan u aragnaa hadal nagu ah deel qaaf iyo gaf reernimo isagoo ah gudoomiye xisbi
Wa hadal mar colaad iyo nacayb uu noo galinayo dawlad deeganka iyo bulshada ku dhaqanba marna wa ku tiiqtiiqsi ah Arab waxba maha waxna lama soo bixi karo Waxan leyahay hadalkaas arab xisbigaaga ku noqon maayo inta kula socotana wa mid ka dareerin doona.." Ayuu yidhi Caaqil Guuleed

Somaliland: Iskuduwe lagu Abaal mariyey gaadhi V8 ah.Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland O...
25/10/2025

Somaliland: Iskuduwe lagu Abaal mariyey gaadhi V8 ah.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Omar Shucayb Maxamed ayaa Isku duwaha Wasaaraddaasi ee Gobolka Hawd Cabdiraxmaan Faysal Ismaaciil (Asxaaf) ku Abaal mariyey shaqada uu ka qabtay gobolkaasi dareed gaadhi V8 ah.

Wasiirka ayaa Isku duwaha ku boggaadiyey kaalinta muuqata ee wasaarad ahaan uu ka geystay Arrimaha Reer Miyiga iyo Daryeelka Xoolaha Nool.

Dhawaan ayey ahayd markii Magaaladda Baligubadle lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee Reer Guuraaga taasi oo uu mudooyinkii u dambeeyey Isku duwuhu uu wakhti baddan galiyey qabsoomida xuskaasi.

Xafiiska Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Gobolka Hawd ayaa kamid ah Xafiisyada sida maalinlaha ah ugu adeega bulshadda taasi oo qayb weyn ka qaadatay Amaal marinta Isku duwaha.

XISBIGA KAAH OO MAXKAMAD LA TIIGSANAYA WASIIR KHADAR.Kadib markii wasiirka madaxtooyada Somaliland uu sheegay in aanu Ma...
25/10/2025

XISBIGA KAAH OO MAXKAMAD LA TIIGSANAYA WASIIR KHADAR.

Kadib markii wasiirka madaxtooyada Somaliland uu sheegay in aanu Maxamuud Xaashi (Guddoomiyaha xisbiga KAAH) ka hadli karin arrimaha hawada, biyaha iyo arrimaha musuq-maasuqa kuwaas oo ay madaxtooyadu si toos ah ugu eedaysay, ayaa xisbiga KAAH waxaa uu sheegay inay maxk**ad la tiigsanayaan wasiir Khadar.

Guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Marooddi-jeex Cabdirisaaq Koosaar qoraal uu baahiyay waxaa uu ku yidhi: ''Eedihii qaaqlayaashu shubi jireen ee Wasiir Khadar uu u jeediyey Guddoomiye Xaashi waxa aanu geyn doonaa maxk**adda awoodda u leh. Dacwaddaa sumcad dilka ah caddaymaheedii isagaa laga rabaa inuu maxk**ada keeno''.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa war qoraal ah oo ay soo saaray ku sheegay in Maxk**adda degmada Hargeysa ayaa maanta x...
25/10/2025

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa war qoraal ah oo ay soo saaray ku sheegay in Maxk**adda degmada Hargeysa ayaa maanta xukun laba (2) sano oo xabsi ah, iyo ganaax lacageed oo dhan 800,000 kun oo Shilin Somaliland ah ku xukuntay Dambiile Cumar Maxamed Ibraahim, kaasi oo dhawaan ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Booliska JSL, kadib markii lagu helay faafinta Muuqaallo ka hor imanaya Diinta Islaamka, dhaqanka suubban iyo badqabka bulshada.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin adag u dirayaan cid kasta oo ku hawlan dhaqamada kasoo horjeeda Diinta Islaamka, dhaqanka suubban ee bulshada Jamhuuriyadda
Somaliland.

20 waddan oo isu diyaarinaya in ay aqoonsadaan Somaliland.Sida ay shaaca ka qaaday Warbaahinta Middle East 24, labatan d...
24/10/2025

20 waddan oo isu diyaarinaya in ay aqoonsadaan Somaliland.

Sida ay shaaca ka qaaday Warbaahinta Middle East 24, labatan dal oo ay ku jiraan kuwa ugu awoodda badan Caalamka ayaa isu diyaarinaya in ay aqoonsadaan Somaliland.

Warbixintu waxay sheegtay in dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Israa'iil, Imaaraadka Carabta iyo 17 dal oo kale ay wadaan qorshe geba gebo ku dhow oo lagu aqoonsanayo Somaliland, iyada oo intaa ku sii dartay in Somaliland ku biirayso dalalka ka qaybta noqonaya mashruuca uu Trump dabada ka riixayo ee Abraham Accords, kaas oo sidoo kale la rejanayo in ay ku soo biiraan dalalka Sucuudiga iyo Suuriya.

Arrinkan ayaa noqonaya mid kor u qaada rejadii aqoonsi ee Somaliland oo muddo 34 sano ah raadinaysay in ay garowshiinyo ka hesho bulshada Calaamka.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wargane News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wargane News:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share