29/10/2025
Dadweynaha ku dhaqan dalka Tanzania ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan cidda hoggaaminaysa 5 sano ee soo socota.
Shakhsiga ugu badan ee la wada filayo in uu doorashadan ku guulaysto ayaa ah haweenayda dalkaas haatan madaxweynaha ka ah ee Saamiya Suluhu taas oo dalkaas hoggaaminaysay tan iyo markii uu geeriyooday madaxweynihii xukunka uga horreeyey ee John Magufuli.
Saamiya Suluhu ayaa wajahaysa loollan aad u yar waxana taas sabab u ah in ay tartanka xoog kaga reebtay raggii kursiga ka ridan lahaa kuwaas oo noqday qaar la xidhay iyo kuwo si badheedh ah loogu diiday in ay la tartamaan haweenaydan ka talisa dalka ku yaalla bariga qaaradda Afrika.
Dhanka kale intii ay Codayntu socotay Banaan baxyo lagu diiddan yahay doorashada looga dareeray dalka Tanzania ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah dalkaas kuwaas oo ah bannaan baxyo rabshado wata.
Geesta kale dawladda Tanzania ayaa xayiraad ku soo rogtay adeega Internet-ka si loo joojiyo farriimaha doorashada diidka ah ee laysku dhaafsanayo baraha bulshadu ay ku wada xidhiidho.
Doorashada ayaan guud ahaanba u istaagin bannaan baxyadan waxana xoog lagu kala eryey qaybo ka mid ah dadkii muddahaaradayey.