15/06/2025
Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil.
Wargeyska New York Times , ayaa ku warramay bartilmaameedyada muhiimka ah ee ay saakay gantaallo sita madaxto qarxa oo 1.5 tan ku garacday Iran , inuu ka mid noqday xarunta Cilmi-baarista ee Weizmann, oo ku taalla Israa’iil, taa oo hadda la sheegay inuu soo gaaray burburtay. Dab xooggan ayaa kacay gudaha dhismaha shaybaarrada, taasoo sababtay khasaare baaxad leh.
4 qof oo Israa’iili ah ayaa lagu dilay waqooyiga Israa’iil, Ku dhowaad 195 qof ayaa ku dhaawacmay gantaallada lagu garaacay bartamaha Tel Aviv , Waxaana la la’yahay 35 qof ayaa weli lagu la’yahay dhismayaal burburay.
Warbaahinta Al Jazeera iyo kuwa kale waxay sheegeen in gantaallo dhowr ah oo Iran tuurtay ay si toos ah u dhaafeen nidaamka difaaca Israa’iil taas oo muujinaysa halista sare ee weerarradan.
Isra’iil ayaa si dhakhso leh ugu jawaabtay iyadoo duqeymo xoogan ku qaaday Iran iyo Yemen.
Bartilmaameedyo ay ka mid yihiin xaafadda madaxda Iran ee Shahid Malti, halkaas oo koronto la’aan laga soo sheegay.
Wasaaradda Batroolka Iran ayaa sheegtay in keyd shidaal iyo bakhaarro la duqeeyay.
Sidoo kale israaiil ayaa weerar ku qaaday yemen iyada oo sheegtay in Duqeyn ay la beegsatay madax sare oo ka tirsan Xuutiyiinta Yemen.
Mareykanka ayaa haatan shir deg deg ah ku leh Pentagon, kadib codsi rasmi ah oo Israa’iil uga yimid, waxayna Israa’iil dalbanaysaa in diyaaradaha B-12 ee Mareykanka ay ka qeyb qaataan weerarrada lagu burburinayo barnaamijka Nukliyeerka Iran.
Iran waxay uga digtay Mareykanka in haddii uu si toos ah dagaalka uga qeyb galo, saldhigyadiisa militari ee Bariga Dhexe ay noqon doonaan bartilmaameedyo toos ah.
Warbaahinta Israa’iil iyo Iran-ba waxay xaqiijinayaan in weerarro is-daba joog ah ay socdaan, iyadoo laga cabsi qabo dagaal dhammaystiran oo gobolka ka dhaca, kaasoo ay suurtagal tahay in uu ku fido dalal kale sida Lubnaan, Suuriya iyo Yemen.
Dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil wuxuu marayaa heer halis ah, iyadoo labada dhinacba ay si toos ah u
bartilmaameedsanayaan magaalooyin muhiim ah, xarumo dowladeed iyo saldhigyo militari.
Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid laga yaabo in ay sababto dagaal guud oo Bariga Dhexe ka qarxa.
Saacadihii la soo dhaafay, ciidamada Israa’iil waxay dhamaystireen weerarro cusub oo lagu qaaday “goobo kaydka hubka iyo meelaha laga rido gantaalaha” oo ku yaalla galbeedka Iiraan, sida lagu sheegay qoraal ay ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) soo dhigeen barta Telegram.
Qoraalkaas waxa uu sidoo kale xambaarsan yahay muuqaal ay ciidamada Israa’iil e IDF ku sheegtay inuu yahay duqeyntii la fuliyay.
Madaxweynaha Iiran, Masoud Pezeshkian, ayaa ka digay jawaab kale oo adag, haddii Israa’iil ay sii wado weeraradeeda.
‘’Sii socoshada weerarada gardarada Sahyuuniyadda [Israa’iil] waxa ay la kulmi doontaa jawaab aad u daran oo ka xoog badan oo ka imaanaysa ciidamada qalabka sida ee Iiran,” Pezeshkian ayaa yiri, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Waxaa la sheegay in uu hadalkan sheegay mar uu taleefoon kula hadlay ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu duqeyn doono “goob kasta iyo bar-tilmaameed kasta oo maamulka Ayatollah” ee dalka Iiraan.
“Waxa aanu waxyeello aad u ba’an u gaysanay goobta ugu muhiimsan ee tayeynta hubka nukliyeerka Iiran, haddii lagama maarmaan ay noqotana mar kale ayaan duqayn doonnaa,” ayuu ku yiri farriin muuqaal cusub ah oo dhawaan la sii daayay.
“Waxaa jirta khatar weyn oo ka imaanaysa gantaallada balastikada, waxaan qaadnay tallaabo aan ku burburinayno awoodda wax soo-saarka gantaallada balastikadda Iiraan,” ayuu raaciyay.