Wajaale News

Wajaale News Warar la hubo oo xaqiiqda ku salaysan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Md Muniir Axmed Cigaal, ayaa kulan  socday muddo seddex maalmood ah ugu ...
06/02/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Md Muniir Axmed Cigaal, ayaa kulan socday muddo seddex maalmood ah ugu soo gabogabeeyay magaalada Berbera qaar kamid ah hawlwadeenada Madaxtooyada JSL.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa, dib u eegista qorshayaashii sanadkii h**e ee 2025 (wixii fuley, caqabadihii iyo casharadii la diiwaangeliyay), iyo ansixinta qorshayaasha mudnaanta leh sanadka 2026. Waxa sida oo kale diiradda lagu saaray kulankan, hannaanka hirgelinta qorshayaasha casriyaynta shaqada madaxtooyada, kaas oo muddooyinkii ugu danbeeyay lagu hawlanaa dejintooda.

Ugu danbayn, kulankan ayaa kusoo idlaaday guul, isaga oo ah kulankii 2aad oo si xidhiidha loo qabto hab sanadle ah. Waxaana lagu diiwaangeliyay guulo muhiim u ah hawl socodsiinta shaqada, casharo wax laga bartay iyo qorshayaal hagi doona hawlgalada madaxtooyada sanadka 2026.

06/02/2026

Telesom Group ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday Barnaamijka Deeqda Waxbarasho ee heer Jaamacadeed.

22/01/2026

"๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž, ๐ฐ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐š๐ก๐š๐๐ง๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง๐š๐š ๐๐ž๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐š๐š๐ ๐ฐ๐š๐๐๐จ, ๐ฌ๐ข๐๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ ๐š๐ซ๐š๐› ๐ญ๐š๐š๐ ๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐จ ๐ค๐š๐ฌ๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐š๐š๐ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐จ ๐ช๐š๐ซ๐š๐ง๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š"Ex Wasiir Cabdiwali Suufi.

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐’๐‹ ๐Ž๐จ ๐’๐ข ๐‘๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐€๐ก ๐” ๐ฅ๐š ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐Š๐š๐š๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š, ๐‘๐ฎ๐ช๐ฌ๐š๐-๐’๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐ฎ๐›๐ค๐š ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‘๐ฎ๐ช๐ฌ๐š...
22/01/2026

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐’๐‹ ๐Ž๐จ ๐’๐ข ๐‘๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐€๐ก ๐” ๐ฅ๐š ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐Š๐š๐š๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š, ๐‘๐ฎ๐ช๐ฌ๐š๐-๐’๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐ฎ๐›๐ค๐š ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‘๐ฎ๐ช๐ฌ๐š๐-๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐๐๐š๐ก๐š ๐๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa maanta si rasmi ah u la wareegtay dakhliyo ay h**e u maamuli jireen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, tallaabadan oo qayb ka ah hirgelinta nidaamka mideynta maamulka dakhliga Dawladda.

Munaasabadda wareejinta ayaa ka dhacday Xarunta-dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiirka Arrimaha-gudaha iyo Amniga, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Duqa Caasimadda Hargeysa, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Guddiga Farsamo ee ka shaqaynayey soo wareejinta dakhliyadii ay h**e u qaban jireen hayโ€™addaha Dawladda qaarkood, masuuliyiin iyo saraakiil ka kala socday labada Wasaaradood.
Dakhliyada maanta ay la soo wareegtay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu waxa ka mid ah:
โ—๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐จ๐จ๐๐š ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐š๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š;
โ—๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐จ๐จ๐๐š ๐ซ๐ฎ๐ช๐ฌ๐š๐-๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐ฎ๐›๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐๐ฎ๐.
โ—๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐จ๐จ๐๐š ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‘๐ฎ๐ช๐ฌ๐š๐๐๐š๐ก๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐๐๐š๐ก๐š ๐๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐๐š.

Talaabadan oo ah mid h**e loogu qaaday dhinaca maamul-wanaaga gaar ahaan xoojinta isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta hanaanka maamulka dakhliga dawladda, waxa ay sidoo kale qayb ka tahay fulinta qaraar h**e uuga soo baxay Xukuumadda JSL.

22/01/2026

Kulanka Madaxwaynayaasha Somaliland Iyo Israel + Wiilka Madaxweyne Trump

"Ummadan Somaliland waxa ku socda duulaano iyo weeraro aan la garanayn waxa ay ku kasbatay. Ma waxa lagu haystaa maxaad ...
16/01/2026

"Ummadan Somaliland waxa ku socda duulaano iyo weeraro aan la garanayn waxa ay ku kasbatay. Ma waxa lagu haystaa maxaad dalkiina u maamulateen ee amniga uga dhigateen?
Reer Somaliland maanta biriij adag ayey ka gudbayaan, waxaana marxaladan lagaga bixi karaa in aynu barbar joogsano dawladda talinaysa, lana muujiyo wada jir iyo isku duubnimo midnimo qaran ah." Sidaa waxa yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo khudbadii Jimcaha maanta bulshada ugu baaqay iskaashi iyo wadajir.

16/01/2026

Ex Wasiir Dr Cabdiwali Oo Ka Hadlay Safarka ismaqiiqa Ah Ee Xasan Sh. Ku Yimid Laascaanood iyo Xaqiiqooyinka Jira...

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ช๐š๐๐จ-๐’๐ก๐š๐ซ๐š๐Ÿ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฑ๐จ๐ -๐ฐ๐š๐ซ๐ซ๐š๐ง ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐๐š ๐ƒ๐ก๐š-๐๐ก๐š๐š๐ซ ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐š๐ฆ...
16/01/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ช๐š๐๐จ-๐’๐ก๐š๐ซ๐š๐Ÿ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฑ๐จ๐ -๐ฐ๐š๐ซ๐ซ๐š๐ง ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐๐š ๐ƒ๐ก๐š-๐๐ก๐š๐š๐ซ ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta kulan Qado-sharaf Qaran ah ugu yeedhay Saddexda Dha-dhaar ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland: Goleyaasha Sharci-dejinta, Garsoorka, Golaha Xukuumadda (Fulinta), Guddoomiyeyaasha Hayโ€™adaha Dastuuriga ah, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka, La-taliyeyaasha Madaxweynaha, iyo marti sharaf kale oo heer Qaran ah.

Kulankan oo ahaa mid xambaarsanaa macne weyn oo Qaran, wadajir iyo bisayl dawladnimo, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka jeediyey khudbad miisaan iyo aragti fog leh, isaga oo si cad u sharraxay in ujeeddada kulanku ay tahay xog-warran guud, muujinta midnimo Qaran, iyo sidii caqli iyo cudud mideysan loogu wajihi lahaa marxaladda cusub ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay cunfiga, hadallada colaadeed iyo nacaybka ay muujiyeen waddamo ka xun aqoonsiga ay Dawladda Israaโ€™iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu si cad u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay cidnaba u haynin colaad iyo calool xumo, isaga oo xusay in Somaliland ay dooratay jidka dawladnimada, xasilloonida iyo nabad ku wada noolaanshaha, balse aanay marnaba ka leexan doonin difaaca qaranimadeeda iyo jiritaankeeda ummadnimo.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in jawaabta Somaliland ee ku aaddan waddamada ku baaqaya dagaal ka dhan ah Somaliland aanay noqon doonin mid ku salaysan caadifad iyo seef-la-boodnimo, balse ay ku dhisan tahay Xikmad siyaasadeed, Difaac Qaran oo midaysan, iyo diblomaasiyad caqli iyo masโ€™uuliyad ku dhisan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayey qiimaha uu aqoonsigu ugu fadhiyo Shacabka Somaliland waxa uu yidhi:

"Aqoonsiga hadyad la isuma siiyo, waxa aanu u soo galay halgan dheer, waxana lagu kasbadaa xilkasnimo, xasilooni, hanaanka dimuraadiga ah ee aanu hirgelinay, Dawlad wanaag, dhiiri gelinta ganacsiga suuqa xorta ah. Somaliland waxa ay dhisatay Dawladnimo buuxda oo ay ku ilaashato dhulkeeda iyo dadkeedaba, waxa aanay door muhiim ah ka qaadataa xasiloonida Geeska Afrika, badda cas iyo gacanka cadmeed. Dunidu waxa ay Somaliland u qirtay dal masuul ah oo lala macaamilo karo. Taas ayaa soo dedejisay aqoonsiga Somaliland."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu mar kale cid kasta u caddeeyay in jiritaanka iyo aqoonsiga Somaliland aanu cidnaba khatar ku ahayn, balse aqoonsiga iyo madax banaaninayada Somaliland ay yihiin xuquuq iyo doonis Shacab, taasi oo ummadda Jamhuuriyadda Somaliland
ay rabaan in ay si sharaf, nabad iyo ammaan leh ay ugu noolaadaan dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay taariikhda Somaliland ee faca weyn leh iyo Sooyaalka madax-bannaanideeda waxa uu yidhi:

"Waxa aanu far-waaweyn ugu sheegaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal iyo dad leh taariikh guun ah. Waa dalkii u h**eeyey ee xornimo qaata, xornimadiisiina u sadqeeyey in uu abuuro Shan Somaliyeed, taas oo noqotay riyo lagu hungoobay. Djibouti gooni bay u taagan tahay, Kililku Ethiopia ayuu ka tirsan yahay, NFD na Kenya ayey ka mid tahay. Bal Soomaaliyey is waydiiya maxaa khasab iskaga dhigaya Somalia iyo Somaliland?"

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Mucaaridka dalka Jabuuti oo Bayaan ay Soo saareen Kaga Hadlay Aqoonsiga Somaliland Iyo Fariinta Ay Udireen shacabka Reer...
16/01/2026

Mucaaridka dalka Jabuuti oo Bayaan ay Soo saareen Kaga Hadlay Aqoonsiga Somaliland Iyo Fariinta Ay Udireen shacabka Reer Jabuuti.
Jabhada Mucaaridka hubaysan ee Canfarta Jabuuti ee loo yaqaan FRUD ayaa soo saaray Warsaxaafadeed balaadhan oo ay ku Taageerayaan Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland, kuna Cambaaraynayaan Faragelinta uu Ismaaciil Cumar Geelle ku hayo Somaliland iyo Wadamada la Jaarka ah Jabuuti.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku Saxeexan yahay Madaxweynaha Ururkaas Mudane Mohamed Kadamy, (leader of Front for the Restoration of Unity and Democracy(FRUD), waxa uu si weyn u taageeray Xaqa Madaxbanaanida iyo Aqoonsiga ay Ummada Reer Somaliland u leedahay, waxaanay ka digeen farogelinta uu Ismacil Cumar Geelle ku hayo Jamhuuriyada Somaliland:

Warsaxaafadeedkan oo ku qornaa Luuqadaha Ingiriisiga iyo Faransiiska oo ay Jabhada FRUD soo saartay ayaa sidan u dhignaa:

The statement issued by the University of Arab States is rejected in full and in detail, and reflects a deliberate ignor...
06/01/2026

The statement issued by the University of Arab States is rejected in full and in detail, and reflects a deliberate ignorance of the will of the people of Somaliland who decided, more than three decades ago, to govern themselves through democratic institutions, to protect the borders of their country, and to build their country on its own potential despite limited resources.

It is unacceptable for absent parties to talk at length about the issue of the people of Somaliland, then they appear today to impose a political order or bore us with whom we deal with and how we conduct our foreign affairs. Somaliland is neither a media paper nor a tool in anyone's hand, but a standing country, with a sovereign, that makes its decisions at the will of its people.

The Republic of Somaliland's foreign relations are a purely sovereign matter, it cannot be confiscated by a statement, nor canceled by the language of threatening or intimidation. We are not targeting anyone, we are not working against any country, but we are seeking relations that serve the common interests and achieve peace and stability in the region.

ู„ุณู†ุง โ€œุฅู‚ู„ูŠู…ู‹ุง ุงู†ูุตุงู„ูŠู‹ุงโ€ุŒ ูˆู„ู… ู†ุทู„ุจ ุฅุฐู†ู‹ุง ู…ู† ุฃุญุฏ ู„ู†ู…ุงุฑุณ ุญู‚ู†ุง ููŠ ุงู„ุญุฑูŠุฉ. ุงู„ุฏูˆู„ ุชูู‚ุงุณ ุจุงู„ุญู‚ุงุฆู‚ ุนู„ู‰ ุงู„ุฃุฑุถ ู„ุง ุจุงู„ุจูŠุงู†ุงุช ุงู„ุณูŠุงุณูŠุฉุŒ ุฃู…ุง ุงู„ุญุฏูŠุซ ุนู† โ€œุงู„ุดุฑุนูŠุฉโ€ ูˆโ€œุงู„ูˆุญุฏุฉโ€ ุจุนุฏ ุนู‚ูˆุฏ ู…ู† ุงู„ุตู…ุชุŒ ูู‡ูˆ ุงุฒุฏูˆุงุฌูŠุฉ ุณูŠุงุณูŠุฉ ู…ูƒุดูˆูุฉ.
The Republic of Somaliland has the complete and sovereign right to establish relations with any country it chooses, without the command or intervention of any party.
By: Dr Abdiwali suufi Jibriil

06/01/2026

Sheekh Run Usheegay Wadaada Muqdisho ee Diinta Ugu Soo Gabanaya Aqoonsiga Somaliland ee Dalka Israel

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š'๐ข๐ข๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐ž๐Ÿ๐ญ๐ข ๐œ๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐š...
06/01/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š'๐ข๐ข๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐ž๐Ÿ๐ญ๐ข ๐œ๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ฒ.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israaโ€™iil, Mudane Gideon Saโ€™ar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Qaranka iyo ka Shacabka JSL waxa uu ugu horrayn Dawladda iyo Shacabka reer Israaโ€™iil uga mahad naqay goโ€™aankii Geesinimada lahaa ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku tilmaamay mid leh saameyn diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed oo si weyn u taabanaysa Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maanta ay Jamhuuriyadda Somaliland u tahay maalin weyn, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Israaโ€™iil uu xoojinayo doorka Jamhuuriyadda Somaliland ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda, xorriyatul-qowlka iyo iskaashiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadayo wax-wada qabsiga ku dhisan danaha istiraatijiyadeed ee ay labada dal wadaagayaan.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in aqoonsigu uu furayo fursado ballaadhan oo la xidhiidha maalgashiga, ganacsiga, tignoolajiyadda, tamarta, biyaha, macdanta, beeraha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi iyo wada shaqayn buuxda oo dhinacyo badan leh ay la yeelato dalka Israaโ€™iil.

Isaguna dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israaโ€™iil, Mudane Gideon Saโ€™ar ayaa caddeeyey in Dawladdiisu ay ku faraxsan tahay Aqoonsiga buuxa ee ay siiyeen Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato xidhiidh dhow oo dhinacyo badan leh, kaas oo faaโ€™iido iyo waxtarba u leh labada dal iyo labada shacab ee Israel iyo Somaliland.

Sida oo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Israaโ€™iil, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay goโ€™aan ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda reer Somaliland, danaha amniga iyo xasilloonida xilliga dheer ee Gobolka Geeska Afrika. Wasiirku waxa uu Dawladda Somaliland ku bogaadiyey dimuqraadiyaddeeda shaqaynaysa, nabadda ay ku dhistay amnigeeda gudaha, iyo doorka ay ka qaadato xasiloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israaโ€™iil waxa uu si cad u sheegay in ay Dawladdiisu ka goโ€™an tahay in ay bulshada Caalamka ay u soo bandhigto, isla markaana ay u bayaamiso Sooyaalka Taariikheed iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo muddo badan la iska indho-tirayay. Wasiirku waxa uu xusay in iskaashiga Somaliland iyo Israaโ€™iil uu tusaale u yahay sida ay Dawlad masuul ahi uga qayb qaadan karto amniga caalamka, horumar waara iyo wada-noolaansho ku dhisan dano wadaag iyo ixtiraam Qaranimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israaโ€™iil waxa uu si cad u sheegay in Dawladda Israaโ€™iil ay Jamhuuriyadda Somaliland h**e ula jirtay oo ay aqoonsatay 26.06.1960-kii, imikana ay la jirto oo ay aqoonsatay 26.12.2025, mustaqbalkana ay hiil iyo hooba garab taagan tahay.

Booqashadan oo ahayd mid taariikhi ah, isla markaana ahayd tii ugu horraysay ee uu Wasiir Arrimo dibadeed ku yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland muddo 34 sanno ah, waxa ay xambaarsan tahay miisaan diblomaasiyadeed, macno istiraatijiyadeed iyo nuxur amni oo aad u durugsan, iyada oo ay ku soo beegantay marxalad cusub iyo xidhiidh midho-dhal ah oo u bilaabmay labada dal ee Somaliland iyo Israaโ€™iil.

Booqashadani waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay goโ€™aankii Geesinimada lahaa ee ay Dawladda Israaโ€™iil 26.12.2025 si rasmi ah ugu aqoonsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israaโ€™iil u xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo, kuna taallo goob istiraatiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba Caalamka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Address

Xero Awr
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wajaale News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wajaale News:

Share