Hayaan News

Hayaan News Hayaannews Is the Leading independent Somaliland news Portal for factual and timely news about Somalia

Our mission is to connect Somaliland Country and its People to the worldwide by transforming our nation towards prosperity and democracy.

  South Africa’s Democratic Alliance has nominated former party leader Helen Zille as its candidate for Johannesburg may...
20/09/2025

South Africa’s Democratic Alliance has nominated former party leader Helen Zille as its candidate for Johannesburg mayor as it seeks to regain control of the city in next year’s election.

  Iyo  : Maxaa   ka socda?Bilihii u dambeeyey, waxaa si weyn looga dareemayey Aqalka Congress-ka ee Maraykanka xiise bal...
20/09/2025

Iyo : Maxaa ka socda?

Bilihii u dambeeyey, waxaa si weyn looga dareemayey Aqalka Congress-ka ee Maraykanka xiise ballaadhan oo loo muujinayo qadiyadda Somaliland. Xildhibaano ka tirsan Congress-ka ayaa soo bandhigay sharciyo iyo qaraaro cusub oo lagu taageerayo Somaliland. Qodobadaasi waxay ka hadlayaan in Somaliland la aqoonsado, in xidhiidho laba geesood ah la sameeyo, ama ugu yaraan in danaha iyo masaalixda labada dhinac la wada shaqeeyo. Tani waxay caddeyn u tahay in dadaallada ugu muuqda ee caalamka ee ku wajahan Somaliland ay maanta ka imanayaan Washington, taas oo muujinaysa danaha qotada dheer ee Mareykanku ka leeyahay gobolka Geeska Afrika.

Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo isku xidhaya taageerada Somaliland iyo Taiwan. Taiwan waxay Congress-ka Mareykanka ku leedahay ilaa 139 xubnood oo taageersan, halka qaar ka mid ah xubnahaasi sidoo kale u ololeeyaan qadiyadda Somaliland. Isku dhafkaas ayaa Somaliland siinaya saaxiibo cusub iyo marin siyaasadeed oo muhiim ah.

Xiisaha Washington ee Somaliland waxaa sababay arrimo dhowr ah. Marka h**e, Somaliland waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo amniga caalamka, gaar ahaan marin biyoodka Badda Cas. Marka labaad, Mareykanku wuxuu doonayaa saaxiib siyaasadeed iyo mid amni oo gobolka ah, isaga oo aan ku koobnayn kaliya amniga balse sidoo kale danaynaya dhaqaalaha iyo maalgashiga. Marka saddexaad, Mareykanku wuxuu ku jiraa tartan quwadaha caalamka, gaar ahaan Shiinaha iyo Ruushka, sidaas darteed Somaliland waa goob uu doonayo inuusan cid kale u oggolaanin inay si buuxda u saameeyaan. Sidoo kale Somaliland ayaa cadaadis xooggan kala kulmaysa Shiinaha oo doonaya in la xidho xafiiska ku yaalla magaalada Hargeysa, isla markaana si dadban u taageeraya cid kasta oo kasoo horjeedda Somaliland.

QARAARADA LA HORGEEYEY GOLAHA CONGRESSKA

Waxaa jira xeer qabyo qoraal ah oo cusub oo loo yaqaan H.R. 5300, kaas oo ka hadlaya isbedel lagu samaynayo qaar ka mida shaqooyinka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka. Xeerkan qabyo qoraalka ah oo ay meel mariyeen guddi hoosaadka arrimaha debedda ee aqalka hoose ee Congresska ayaa qaybtiisa 305 loogu magac daray “Fududaynta Socdaalka iyo Maalgashi Hagaagsan oo lala yeesho Somaliland.” Qodobkani wuxuu farayaa in Xoghayaha Arrimaha Dibedda uu ka fiirsado laba tallaabo: in xafiis diblomaasiyadeed laga furo Hargeysa iyo in Somaliland iyo Somalia loo kala saaro qiimaynta socdaalka, taas oo Somaliland si gaar ah loo eegayo. Xeerkan qabyo qoraalka ah waxaa meelmariyey guddida arrimaha debedda, haatanna wuxuu horyaalaa aqalka hoose, waxaana la filayaa haddii ay ansixiyaan in loo gudbiyo aqalka sare ka dibna uu madaxweynuhu saxeexo.

Warbixinta Golaha Wakiillada ee tirsigeedu yahay 119-217 oo ah sharaxaadda iyo faahfaahinta miisaaniyadda ay soo diyaariyeen Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Hoose ee sanadka 2026, ayaa Iyana qeexaysa heerarka kharashka, jarista lacagaha, iyo siyaasadaha la xidhiidha Barnaamijyada Amniga Qaranka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha kale, ka hor inta aan loo gudbin golaha guud.

Warbixinta ayaa lagaga hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Guddida ayaa u soo jeedisay Xoghayaha Arrimaha Debeddu inuu muddo 120 maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaya marka la ansixiyo miisaaniyadda Maraykanka, inuu u soo gudbiyo guddida maaliyadda ee golaha, meelaha kor looga qaadi karo xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, oo ay ku jiraan dhinaca amniga, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo horumarka. Haddiiba sidan lagu ansixiyo miisaaniyad sannadeedka 2026, isla markaana ay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku ay tallaabadan qaaddo, Iyana waa horumar kale.

Haddii xeerarkani la ansixiyo, Somaliland waxay heli doontaa aqoonsi dadban oo ka imanaya Maraykanka, albaab cusub oo maalgashi iyo ganacsi ah, iyo fursad caalami ah oo ay galaangal ugu yeeshaan ururada caalamiga ah, taasoo ah, fursad ay haystaan qaar ka mida dalalka aan la aqoonsani. Laakiin, fulinta arrimahan waxay weli ku xidhnaan doontaa go’aanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.

Hase ahaatee siyaasadda Maraykanku waxay ku dhisan tahay ololayn iyo galaangal, haddii Somaliland ay si fiican uga shaqaysiiso saaxiibada Taiwan iyo saaxiibada kale ee ay ku leedahay golaha Congresska, waxaa suurogala inay gaadhi karto yoolkeeda.

Maraykanka ayaa xilligan abuuraya xafiisyo milateri iyo kuwo diblomaasiyadeed oo si dhow isha ugu haya dhaqdhaqaaqa Shiinaha ee Afrika. Arrintaasina waa fursad kale oo Somaliland haysato, maadaama oo ay tahay meelaha aanu weli Shiinuhu farogelin, sidoo Kalena ay tahay meesha keliya ee ka bannaan marinka badda cas ee aan xidhiidhka tooska ah la lahayn Shiinaha.

Marka la isku soo xooriyo, Maraykanku aad buu u danaynayaa Somaliland, hase ahaatee Somaliland waxaa horyaalla, inay akhrido, danaha Maraykanka ee gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay waafajiso danaha ay iyadu ka leedahay Maraykanka. Sidoo kalena ay si taxader leh uga fekerto arrimaha taabanaya daneheeda qaranka.

Dhinaca Somalia: Federaalka Soomaaliya waxay billowday inay si toos ah ula falgasho Mareykanka si ay uga hortagto taageerada Somaliland helayso. Xogta ayaa sheegaysa in xitaa xafiiska Senator Ted Cruz ay culays badan saartay dawladda Somalia iyaga oo u diray wasiiru dawlaha arrimaha debedda, sidoo kale Soomaaliya ayaa wefti u dirtay gobolka Texas ee uu ka soo jeedo Senator Ted Cruz oo ka mida shakhsiyaadka aadka u taageeray in Somaliland aqoonsi la siiyo. Dedaalada Soomaaliya ayaa ujeeddadoodu ay tahay in la hakiyo ama la wiiqo dedaalada ka socda Congress-ka ee lagu taageerayo Somaliland. Laakiin inkasta oo ay dedaalayaan, haddana siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya weli waxay ku jirtaa qalalaase iyo jahawareer.

Soomaaliya h**e ayay heshiisyo ballaadhan ula gashay Turkiga, iyada oo siisay xuquuqda kheyraadkeeda dabiiciga ah ee badda iyo shidaalka, isla markaana Turkiga u aqoonsatay inuu noqdo ilaalada ugu weyn ee amniga iyo badaha Soomaaliya. Taas oo macnaheedu yahay in Ankara ay gacanta ku hayso furayaasha amniga iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somalia. Haddana, iyadoo heshiisyadaas h**e ay jiraan, ayaa dawladda Soomaaliya waxay isku dayaysaa inay wadaxaajoodyo kala duwan oo amniga iyo dhaqaalaha ah la gasho Mareykanka iyo dalal kale, si ay uga hesho taageero dhaqaale iyo mid amni.

Laakiin waxay arrintaasi daaha ka rogaysaa in siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya aanay lahayn isku-xidhnaansho, sababtoo ah, waxay rabaan inay hal mar, maslaxado isku mida kala wada macaamilaan, Maraykanka iyo Turkiga oo xifaaltan istaraateji ahi ka dhexeeyo, Shiinaha iyo Maraykanka oo ah quwado uu loollan xooggani ka dhexeeyo, Imaaraadka Carabta iyo xukuumadda Sudan oo aad u kala fog. Intaa waxaa dheer, Soomaaliya waxay isku dayaysaa inay xidhiidho amni la yeelato Masar iyo Ethiopia, gaar ahaan iyada oo rabta inay Ciidamada Masaarida dalkeeda keento, xilli laga baqayo in xiisadda u dhexeysa labada dal inay isu rogto gacan ka hadal, Ethiopia ayaa halis weyn oo amni u aragta in ciidamada Masaarida la keeno xuduudeheeda, gaar ahaan xilli ay u baqayaan amniga biyo xidheenkooda.

Iyada oo siyaasadda arrimaha debedda ee Soomaaliya ay ku dhisan tahay jar iska xoornimadaas, ayaa dhinaca kale, waxay Somaliland ku dhaqmaysaa siyaasad arrima debedeed oo la saadaalin karo.

Gebogebo:

Waxaa cad in Washington dano waaweyn ka leeyahay Somaliland, taas oo ah fursad dahabi ah. Somaliland dhinaceeda, waxaa la yaalla inay u diyaargarwdo oo qorshe ka yeelato, inay ka shaqayso sidii ay ku gaadhi lahayd inay noqoto dal madax banaan oo aqoonsi haysta, isla markaana gaadha isku filnaansho dhaqaale. Jidka lagu gaadhayo aqoonsigaasi, ma jidkii ay martay South Sudan baa, ma jidkii ay martay East Timor baa, etc. kuwaas oo ah dalal uu Maraykanku ka shaqeeyey inay dal madax banaan noqdaan.

Adiga maxay kula tahay?

Waxa qorey wariye Ismail Farjar

Xeer ay ku jiraan qodob  kala soocaya Somaliland iyo Somalia oo Guddiga Arrimaha Dibedda Congress-ka Mareykanku Ansixiye...
20/09/2025

Xeer ay ku jiraan qodob kala soocaya Somaliland iyo Somalia oo Guddiga Arrimaha Dibedda Congress-ka Mareykanku Ansixiyeen

Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa meel mariyey, oo ansixiyey Sharciga Dib-u-habaynta Waaxda Arrimaha Dibadda.

Dib u qaabayntan Wasaaradda arrimaha Dibedda ee uu qeexayo Xeerkan la ansixiyey ayaa dhigaya in Mareykanku xoojiyo xidhiidhka dublamaasiyaddeed ee uu la leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu u gogol xaadhayaa in la kala saaro Somaliland iyo Somalia.

Waxaana ugu muhiimsan oo xeerkan ugu jira Somaliland.

In Mareykanku markii u horreysay Xafiis rasmi ah ka furo Magaalada Hargeysa, si uu uga shaqeeyo dhamaystirka danaha labada dhinaca

In Fursad socdaal oo si gaar ah u tixgelinaysa xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland

Xoojinta fursadaha ganacsi iyo iskaashiga ganacsi ee Somaliland iyo Mareykanka.

Saleban Saxansaxo

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay B...
20/09/2025

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay Barnaamijka Daahfurka Rasmiga ah ee Hagaha Maalgashiga Somaliland.

Barnaamijkan ayaa qeexaya fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan, siyaasadda maalgashiga iyo dhiirigelinta maalgelinta gudaha iyo dibeddaba.

Munaasibadda daahfurka waxa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Ganacsato, Aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo halkaasi ka jeediyey hadal nuxur leh, ayaa si weyn uga dheeraaday muhiimadda uu maalgashigu u leeyahay dalka, isaga oo yidhi:

"Maalgashigu waa albaabka ama furaha dalka laga soo galo. Nasiib wanaag, maanta Somaliland waxa yaalla fursado badan oo maalgashi. Waxa aan ku dhiirigelinayaa ganacsatada dalka in ay ka faa’iidaystaan fursadahaas, maadaama ay yihiin muwaadiniin dalkan u dhashay.

Xukuumad ahaan waxa aan diyaar u nahay in aanu soo dhawayno cid kasta oo doonaysa in ay dalka maalgashato.

Dhawaan waxa aan soo maray qaar ka mid ah suuqyada waaweyn ee dalka, waxa aan ka waayey wax dalkeena laga soo saaray oo la iibinayo,—xataa khudaarta badankeeda waxa aynu ka soo dhoofinnaa dalalka jaarka ah.

Waxa aan bulshada Somaliland iyo Ganacsatada dalka ugu baaqayaa in aan isku tashanno oo ka faa’iidaysanno khayraadka hodanka ah ee dalka ku jira. Taasi ayaa keenaysa horumar, koboc dhaqaale iyo shaqo abuur.

Cid kasta oo reer Somaliland ah oo maalgashi wadata, xafiiskaygu wuu u furan yahay mar kasta.”

Ma Dhameysto La Yaabka!!La yaab ma aha in dawladda Qadar dunnida kula wareegto cabasho, ka dib markii la duqeeyay Doxa. ...
19/09/2025

Ma Dhameysto La Yaabka!!

La yaab ma aha in dawladda Qadar dunnida kula wareegto cabasho, ka dib markii la duqeeyay Doxa. La yaab malaha in Turkiga ama Masar isla soo taagto shaki ay ka qabaan in la soo gaadhay waqtigii la burburin lahaa oo dib u eegaan awooda ay u yeellan karraan ciidamadoodu inay is difaaci karraan.

Waxaase la yaab leh ninkayga weli sii eeggaya Qaramada Midoobay iyo gollaha amaanka ee ka fillaya qorshe aan ahayn ka ay ku shaqeeyaan ee ka dhanka ah Falastiin una adeeggaya Israa’iisha weyn.

Ka soo gudub in marka h**e laga takhalusay Khilaafaddii Islaamka, in la qaybiyay oo la kala goostay dhulkii ay ka talinaysay iyo in dadyaw lagu soo raray.

Waxaa la yidhi Meyd maxaa u danbeeyay iyo kaa la sii sido.

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa 10-kii May, 2024, cod u qaaday xubin buuxda oo Falastiin ka noqoto Qaramada Midoobay.

Faahfaahinta Codbixinta

143 dal ayaa u codeeyay in Falastiin ay noqoto xubin buuxda.

9 dal ayaa diiday, waxaana ka mid ahaa Maraykanka, Israel, Hungary, Argentina, Czechia, Micronesia, Nauru, Palau, iyo Papua New Guinea.

25 dal ayaa ka aamusay (abstained), oo macnaheedu yahay k**a aysan qaybgelin codbixinta.

Go'aankaan wuxuu ahaa mid lagu taageerayo awoodda Falastiin ay u leedahay inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, taasoo ahayd tallaabo horumar ah oo la xidhiidhay xalka labada dawladood (two-state solution). In kasta oo go'aankaas la ansixiyay, haddana Maraykanka ayaa h**e u sheegay inuu diidi doono haddii codbixintaas ay gaadho Golaha Amniga, maadaama uu xaq u leeyahay inuu ka hor yimaado (veto). Halkaas ayaanu ku shiiqay oo cid dib isu weydiisay ma jirto.

Yaan qallin taraarine, aan marka h**e tilmaamo in Dhibaatada ka taagan Falastiin, gaar ahaan Qaza, tahay mid ka mid ah khilaafaadka ugu adag uguna taariikhda dheer adduunka casriga ah. Waa arrin aan ahayn iska horimaad milatari oo keliya, balse salka ku haysa, is gumeyn, Xasuuq taxan, muranno dhuleed, kala duwanaansho diimeed iyo siyaasadeed. Waxaana ay u muuqataa in ay soo dhawaatay waqtgii dunidu ku kala dhaqaaqi lahayd.

Haaheey, Dhibaataddu waxay la dhalatay am ay qayb ka mid ah tahay muran dheer oo u dhexeeya dad dunida laga soo ururiyay oo loo sameeyay dawlad weli dhismaheedu socdo oo loo bixiyay Israa'iil iyo Falastiin oo lagu dul aasaasay. Dhulka Qaza gaar ahaan haddii aynu u eegno. Waa goob cufnaanta dadkeedu aad u sarayso, (Dhul kooban oo dad badani ku noolyihiin ama lagu soo ururiyay) waxaana ay la kulantay go'doomin iyo xannibaado aad u daran oo ay Israa'iil ku soo rogtay tan iyo 2007. Marka laga yimaado dagaalkii h**e ee qarnigan iyo kii h**eba lagu hayay. Caddaadiskaas ayaa sababay dhaqaale xumo, shaqo la'aan baahsan iyo nolol adag oo aan la suurayn karin.
Dagaalkan ugu dambeeyay ee bilowday Oktoobar 7, 2023, waxaa dunida badankeedu u arkaysay mid ka dhashay dhibkaas oo ururka Xamaas ku raadinayay nafis. Laakiin, tiina Xaaladda waa uga sii daray. Ciidamada Israa'iil ayaa godoomintii, dilkii iyo barakicintii waxaa ay ku dareen deqeyn baaxad leh oo ay ka fuliyeen Qaza, iyagoo sheegay inay la dagaallamayaan Xamaas. waxaana weeraradda Israaiil keeneen dhimashada in ka badan 65,000 oo qof, oo u badan carruur iyo haween Falastiiniyiin ah, burbur baaxad leh oo dhulka la simay Qaza iyo weeraro dalal badan oo gobolka ah saameeyay.

Dhexdhexaadinta Caalamiga Ah iyo Weerarkii Dooxa

Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa u istaagay xallinta dhibaatadan. Qadar ayaa noqotay dhexdhexaadiyaha ugu muhiimsan ee isu keena Xamaas iyo Israa'iil, iyadoo fududeysay wadahadallo dhowr ah oo lagu doonayay xabbad-joojin iyo in la sii daayo maxaabiista.

Si kastaba ha ahaatee, dedaalladii Qadar oo ahaa albaabka kali ah ee rajo laga qabay waxaa meesha ka saaray weerarkii Israa'iil ay ku qaadday Dooxa Sebtembar 9, 2025. iyadoo la beegsanaysay hoggaamiyayaal sar sare oo ka tirsan Xamaas. Weerarkan ayaa ka yaabiyay Qadar. waayo, Maraykanka oo ku leh saldhigiisa ciidan ee ugu weyn ayaa xafiisyaddan inay furto dawladda Qadar ku dhiiriyay si loo helo daaqad lagala xidhiidho kooxaha wax iska caabinta.
waxaana ay u muuqataa inay u arkaan in lagu soo degdegay awalba waa dareensanaayeen inay qayb ka yihiin qorshaha Israa'iisha weyn’e

Isku dayadda lagaga horjeeda Bahalnimadda Israa’il iyo Dacwadda ICJ iyo ICC

Cadaadiska ugu weyn ee sharciga ah wuxuu ka yimid waddamada iyo hay'adaha caalamiga ah ee dalbanaya in caddaalad la helo oo la joojiyo xasuuqa ka socda Qaza.

Bishii Janaayo 2024, Koonfur Afrika waxay u gudbisay Maxk**adda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) dacwad lagu eedeeyay Israa'iil inay geysatay falal Xasuuq ah. Dacwaddan waxay ku saleysneyd isbarbardhig taariikheed oo u dhexeeya cadaaladdarrada lagu hayo Falastiiniyiinta iyo midab-takoorkii (Apartheid) Koonfur Afrika ka jiray. Dacwadda waxaa si rasmi ah u taageeray 9 waddan, oo kala ah Nikaraagua, Kolombiya, Liibiya, Falastiin, Maaldif, Masar, Maali, Boliviya, iyo Beljam, iyo kuwo kale oo aan weli si rasmi ah u codsan inay qayb ka noqdaan.
Xeer-ilaaliyaha Maxk**adda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC), Karim Khan, ayaa codsaday in la soo saaro waaran lagu soo xidhayo masuuliyiin uu ugu h**eeyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu. Eedaha loo jeediyay waxaa ka mid ah "dembiyo dagaal" iyo "dembiyo ka dhan ah aadanaha," sida gaajaysiinta oo loo adeegsaday hub ahaan, dil baahsan oo ula kac ah, iyo jidhdil. tanna, waxba k**a bedellin wixii ka socday Qaza wixii h**e oo dhanba iska dhaafoo. markaa miyaanay Akhriste Qudhaadda la yaab ku ahayn inaad dunnidan la isku xoogsheegtay caddaalad ka raadiso.
Addigoo og ha is diidsiinin in Waddamada Reer Galbeedka badankoodu gaar ahaan Maraykanka Iyo Ingiriisku ay si buuxda u taageerayaan Israa'iil talaabo kasta oo ay qaado. iyagoo u arka xulafadooda istiraatiijiga ah ee Bariga Dhexe ay ku maalaan. Xataa haddii ay mararka qaar dhaleeceeyaan ficillada xunxun, haddana waxay si joogto ah u hor istaagaan cunaqabateynta iyo go'aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saarayaan gardaradda Yuhuuda.

Adiga oo og ha is diidsiinin in Waddamada Islaamka ama Carabtuba ay u arkaan arrinta Falastiin mid aasaasi u ah mabaadi'dooda. taasina ay ku khasbayso inay si adag u dhaleeceeyaan falalka Israa'iil sida qallinkaygan oo kale. balse aanay awoodin inay ficil ahaan uga jawaabaan. Waayo, ka soo qaad in kala qaybsanaanntii qorshaha marka h**eba ku jirtay ay keentay in lagu jeesjeeso oo marba kii la doono la gawraco.
Waxaynu ku soo ururrinaynaa maqaalkan, Hay’adaha sida Qaramada Midoobay iyo kuwa xuquuqda aadanuhu waa ay ku fashilmeen inay difaacaan mabaaddida ay sheegtaan inay u taagan yihiin oo wax ka qabtaan burburinta dad iyo duunyo ee laga wado Falastiin. Warbixinaha ay soo saarraana waa kuwo danbiga u qaybinaya laba dhinac si tacadiga, dilka Iyo barakicintu u sii socoto. iyagoo ku baaqaya in la dhowro sharciga caalamiga ah.

Dhibaatada Falastiin ma aha mid fudud.haddii la heli karrayana waa ay u baahan tahay xal waara oo ku salaysan caddaalad, sinaan iyo xushmeynta sharciga caalamiga ah, si loo soo afjaro dhibaatada iyo xanuunka dheeraaday. laakiin, weli taasi ma muuqato.
Mustafe Sh. Cumar

Mustafe Janaale

“Soomaaliya waa waddan aanay dowlad dhexe ka jirin, Waa dal ay ka jiraan gaajo, faqri, argagixiso, budhcad badeed, dagaa...
19/09/2025

“Soomaaliya waa waddan aanay dowlad dhexe ka jirin, Waa dal ay ka jiraan gaajo, faqri, argagixiso, budhcad badeed, dagaal sokeeye”

“70% dadka Soomaaliyeed waxay ku noolyihiin macluul, waana waddan kaalinta 1–aad ka galay musuqa, laaluushka iyo tuuganimada”

“Ilhan Cumar sooma ahan tii walaalkeed guursatay si ay dhalashada Mareykanka u hesho”

“Alla maxaan wasaq soo dhaweysanay, markaas ayey noo sheegeeysaa sidii aan waddankeena u maamuli laheyn” Ayuu yidhi Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

"Qoraalkan ka soo baxay Xafiiska Immigration ama Laanta Socdaalka runtii anigoo ku hamabalyaynayaa inay waajibkooda guta...
19/09/2025

"Qoraalkan ka soo baxay Xafiiska Immigration ama Laanta Socdaalka runtii anigoo ku hamabalyaynayaa inay waajibkooda gutaan si ay muwaadininta iyo ajnabiga u fudaydiyaan socdaalka qoraalkan sharci ahaan iyo CAQLI ahaanba dhaliil ayuu leeyahay Xeerka Socdaalkana wuu khilaafsanyahay waa in la saxa Exceptionka ay ku qoreen Somali Origin:

“”Qof kasta oo Pasport ajaanib ah wata waa ajaanib marka laga reebo qofka muwaadinka ah ee muwaadinimadiisa Somaliland ku cadeeya passport (Dual Citizen) ama IDga kaasi weeye exceptionku aniga fikirkayga ee maaha qof Somali origin/Ethnic afkaasi sax maaha meeshan documentka ayaa cadeeya qofku waxa uu yahay Somali origin sidaan ku garanayaa waxaasi waa waxa Somaliya ay wali inagu sheeganayso be careful oo halaga dhigo muwaadinka somaliland ee cadeeya inuu dual citizen yahay by proofing of a document loogama baahna labadaa shay." Ayuu yidhi Xildhibaan Garyaqan Mustafe Mohamed

19/09/2025

AHN Gabaygan 54 Sanno ka hor wuxuu ku taageerayey halganki Vietnam.
Hadraawi Wuxuu ahaa abwaanka Caalamka oo waa kii h**e u yidhi :
"Ninkastoo ganbadu saarantahay
dunida guudkeeda,
gurmadkayga waw baahan
yahay ruux la gaasiray"

War-qadan dhagarta ah oo qarsoodi ahayd waxaa Xamar ka soo qoray madaxii Ciidamada ee Ictisaam, Xasan Daahir Aways waxa ...
19/09/2025

War-qadan dhagarta ah oo qarsoodi ahayd waxaa Xamar ka soo qoray madaxii Ciidamada ee Ictisaam, Xasan Daahir Aways waxa uu farayaa waajibaadyo Ictisaamka Somaliland iyo kuwa Puntland.

Khatarta Warqadan ku duugan Akhriso 👇

19/09/2025

Gabaygan hoose ee " Cigaal baa Gabyoo yidhi" Waxaa xilli ku beegneyd 1998 kii tiriyey Ninka Suugaanyahanka, Qoraaga, kaftayahanka weyn ah ee Axmed C. Garras ee ku magac dheer "Ma-qaloocshe" waxaanu iska dhigayaa AHN Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wuxuu Ma-qaloocshe ii sheegay in Cigaal yidhi Waar bal odaygan gabayga tiriyey iigu yeedha kolkuu u yimidna intuu qoslay ku yidhi " waar Ma ninkaagan yar baa gabayga tiriyey. Adeer maxaad raggii iigu dirtay? Kadibna uu ka codsaday inaanu mar danbe ragga isku soofeeynin maadama uu gabaygu Cigaal ka sheekaynayo siduu raggii SNM u ga wada adkaaday siyaasad ahaan Oo uu midba gees Ugu tuuray. Gabaygii uu Ma-qaloocshe tiriyeyna wuxuu yidhi:

- Gidigoodba SNM miyaan aadyar kala gooyey
- Iyadoon is-garanayn, miyaan kala guruubaystay
- Hadba goosankaan helo, miyaan goodiyada caydh-shay
- Ma haday iswada gaadaysaa, waa gedaan rabaye'
- Gadh-cadihii SALEEBAAN, miyuu galabta siigeeyey (S. Gaal)
- XASAN wuxuu isgiijaba, miyaan keenay garabkayga (Xasan Ciise)
- DHAGAWEYNE goodiga, miyuu gorodda laalaadshay
- KAAHIN wuxuu ahaa geesi ba'an, food ma galin waayey
- Gooni-socodki INA MIRE, miyaa laga ged roonaaday
- TOLWAA wuxuu isgaabshaba, miyaan gebi ka tuuryeeyey
- INA XAASHI geenyadi, miyey gego kusii xoortay (M. Xaashi Cilmi)
- Guuxayga goortuu maqlo, iyo gooha iyo reenka
- Gacma-taagye INA BIIXIGII, gaadhanaan jiray
- Dan u guuro Sheekh Yuusuf iyo gabanadiisiiye (Yuusuf Cali Gurey)
- Goolaaftan iyo dhaar, markuu kaga gayoon waayey
- INA GIIRE iyo QUULLE way golle ka magaane' eh
- JABIIQANA haduu garan la'yahay, geesta uu yahay
- TUUR wuxuu la goobyaalayaa, gar iyo caalwaa
- Odaygii gudoonshaha ahaa, gulufyadii qaaxo (Silaanyo)
- Geeshkiisi goortuu filqay, ayey kala go'doomeene
- Hadba wuxuu go'a u tuurayaa, gaanki soo hadhaye
- Xassan Ganey, gaydhii Habbane, gabanka doolaal ah
- Raggii gacanta loo haadin jiray, goobo haliseedka
- Gucumaalayaashaad ogayd, geel ma dhiciyaane
- Waxba gabaygu yuu ila durkine, waxaan kusoo gaabshay
- Garaad DIRAWAL iyo gacan-yaraha gurigan baashayda (Dirawal & Cabdilahi M. Ducaale)
- Nimankaa guhaadiyo afxumo, galina ii keenin
- Inta aad ka daba guuxaysaan, xaajo waa godob eh
- Nin walowba garo taladu, waa lagama guuraane

Alle ha u naxariisto inta dhimatay, inta noolna caafimaadka Ilaahay haw siyaadiyo.
Aqoonyahan Dr Jamaal Ali Xuseen
( )

18/09/2025

Ardayad ka tirsan Dugsiyada ee .

 : 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧e Cabdiraxmaan Cirro 𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚nMadaxweynaha Jamhuuriy...
18/09/2025

: 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧e Cabdiraxmaan Cirro 𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚n

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey Masuuliyiinta Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Qaranka JSL, kuwaasi oo dhawaan loo magacaabay Xilalka Qaranka.

Munaasibadda Dhaarta Dastuuriga ah ee Masuuliyiinta loo magacaabay Xilalka Qaranka, waxa M/weynaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Maxk**adda Dastuuriga ah, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed. Sida ku cad Qodobka 129-aad ee Dastuurka JSL, Guddoomiyaha Maxk**adda Sare waxa uu Masuuliyiintan ku dhaariyey Madaxweynaha hortiisa,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Munaasibadda kadib waxa uu Masuuliyiinta u jeediyey hadal isugu jira dardaaran iyo duco, isaga oo Masuuliyiinta xasuusiyey in dhaartu tahay arrin aad u culus, Masuuliyiintana looga baahan yahay in ay si buuxda u ilaaliyaan Cahdiga ay qaadeen.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhaarta Xilalka Qaranka JSL ay tahay ballan-qaad culus oo Diini iyo Dastuuriba ah kaasoo Masuuliyiinta Xilalka loo magaacabay si joogto ah ugu baraarujinaya culayska uu leedahay Xilka Qaran ee ay u dhaarteen.

Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta kula dardaarmay
in ay Xilalka Qaranka u gutaan sinnaan, caddaalad, eex la'aan iyo hufnaan, si ay uga hadho taariikh wacan oo lagu xasuusto. Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta Allah SWT uga baryey in uu Xilka Qaran ku asturo oo u fududeeyo.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hayaan News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hayaan News:

Share