Hayaan News

Hayaan News Hayaannews Is the Leading independent Somaliland news Portal for factual and timely news about Somalia

Our mission is to connect Somaliland Country and its People to the worldwide by transforming our nation towards prosperity and democracy.

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL oo Laba Qof ka soo samatabixiyeyCiidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL ayaa...
09/10/2026

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL oo Laba Qof ka soo samatabixiyey

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL ayaa ka warbixiyey Laba Qof oo ay ka soo badbaadiyeen Dooxa weyn ee Hargeysa gaar ahaan qaybta xigta Xaafadda Imaaraadka ee degmada Axmed Macalin Haaruun.

Ciidanka ayaa u gurmaday muwaadiniinta daadku qaaday oo watay Gaadhi Probox ah kuwaas oo ahaa laba Nin, iyagoo kala ahaa wadihii gaadhiga oo lagu magacaabo Aadan Ciise Yuusuf oo 52 Sanno jir ah iyo muwaadin kale oo 60 Sanno jir ah.

Ciidanku iyaga oo adeegsanaya xirfadda iyo qalabka samatabixinta waxa ay ku guuleysteen in ay Labadaa muwaadin ka soo samatabixiyaan Dooxa oo ahaa mid ay marayeen biyo xooggani.

Ciidanka Dabdemisa ayaa markii uu hawlgalka Samatabixintu soo Id’laaday Waddihii gaadhiga ku wareejiyey Ciidamada Booliska oo door muuqda ka qaatay hawlgalkan samatabixinta.

Mana jirin khasaare dhaawac ah oo soo gaadhay labada muwaadin.

Waxa ay sidoo kale ciidanku Hakin ku sameeyeen Gaadhigii Probox-ta ahaa ee uu daadku sitay oo ay ku xidheen xadhig isla markaana ay Geed ugu xidheen si aanu daadku u qaadin maadaama oo aanay jirin goob gaadiidka gurmadka ah u maraan.

Ciidanka Dabdemiska ayaa tan iyo intii galabta roobku ka da’ayey caasimadda Hargeysa heeggan buuxa ka galay goobaha biyo mareenada ah ee ku yaala caasimadda si ay uga ilaaliyaan waddeyaasha gaadiidka bulshadda uga digaan waxaanay gaaf wareegayeen laagaha iyo biyo mareenada kala duwan.

Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda Hoose Caasimadda Hargeysa iyaguna heegankan kula jiray Ciidanka Dabdmiska.

“Waxaa mar kale si adag loo farayaa waddeyaasha gaadiidku in aanay nafahooda iyo ta bulshada ay sidaanba ku halaagin Dooxyada iyo biyo mareenada isla markaana ay taxadir badan sameeyaan maadaama oo la galay xili roobaadki”.

Falanqayn Cilmiyaysan: Saddexda Caqabadood ee Hannaanka Dawladnimo ee Somaliland iyo Aragtida Prof. A. I. Samatar. Hordh...
09/10/2026

Falanqayn Cilmiyaysan: Saddexda Caqabadood ee Hannaanka Dawladnimo ee Somaliland iyo Aragtida Prof. A. I. Samatar.

Hordhac

Dhismaha iyo joogtaynta hannaanka dawladnimo ee casriga ah (State-building) ee ka jirta Somaliland waxa uu soo maray heerar kala duwan oo isugu jira guulo wax ku ool ah iyo caqabado maamul.

Aragtida fog ee Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo ah aqoonyahan si qoto dheer u darsay siyaasadda iyo cilmiga bulshada ee geeska Afrika, waxay taabanaysaa udub-dhexaadka caqabadaha haysta hannaankan.

Prof. Samatar waxa uu si cilmiyaysan u kala saaray saddex tiro oo caqabadood oo hortaagan bisaylka dawladnimo: labada h**e waa kuwo isbeddel la gelin karo (inkasta oo ay ku kala duwan yihiin muddada iyo farsamada), halka ta saddexaad ay tahay tan ugu adag ee dhalisay doodaha qoto dheer ee la xidhiidha jiritaanka iyo aqoonsiga qaranka.
---'---
1. Maamul-Xumaanta iyo Musuqmaasuqa: Caqabad Farsamo iyo Rabitaan (Waa la Toosin Karaa)

Sida ay aamminsan yihiin Prof. Samatar iyo aqoonyahanno badan oo ku xeeldheer cilmiga maamulka dadweynaha (Public Administration), musuqmaasuqa iyo tabar-yarida hay’adaha dawladdu ma aha wax ku dhex milmay dabeecadda bulshada, balse waa natiijo ka dhalatay hoggaan-la'aan iyo habacsanaan dhinaca sharciga ah.

Caqabadani waa mid lagu xallin karo rabitaan siyaasadeed oo dhab ah (Political Will) iyo go'aan qaadasho adag.

Si maamulka loo toosiyo, hannaanka cilmiyaysani wuxuu farayaa:

* Hoggaan iyo Sharciga Korreeya: Sameynta hoggaan adag oo fuliya sharciga iyada oo aan loo eegin awood ama qabiil.

* Madaxbannaanida Hay'adaha lagula Xisaabtamo Hantida: Dhisidda iyo xoojinta hay'ado madaxbannaan oo leh awood sharci oo dhammaystiran, sida Hantidhawrka Guud iyo Maxkamadaha korjoogtada.

* Hab-raacyo Casri ah: Hirgelinta tignoolajiyada iyo hababka hufan ee maamulka maaliyadda (Financial Transparency) si lagula socdo dakhliga iyo kharashka dawladda.

Arrimahani waa kuwo farsamo iyo sharci oo qaadan kara muddo kooban haddii la helo cudud iyo go'aan dhab ah oo ka yimaada hoggaanka sare.
------------------------------
2. Qabyaaladda Siyaasadaysan: Hab-dhaqan Bulsho oo Isbeddel Kara (Generational Change)
Halkani waa udub-dhexaadka doodaha bulshada. Aragtida caanka ah ee orneysa "qabyaaladdu dhiigga ayay la falgashay oo waxba lagama qaban karo" waxay ka tarjumaysaa niyad-jabka laga qaaday fashilka maamulada isaga dambeeyey hoggaanka. Si kastaba ha ahaatee, marka laga eego cilmiga bulshada (Sociology), qabyaaladdu dhiigga kuma jirto oo ma aha hiddosidaha (DNA) qofku ku dhasho.

Reer-miyinnimada iyo garashada qabiilku waa aqoonsi dhaqameed, laakiin Qabyaaladda Siyaasadaysan (Tribalism) waa nidaam bulsho oo dadku u adeugsadaan badbaado iyo dano-ilaalin marka ay waayaan dawlad caddaalad ah oo dammaanadqaadda amnigooda, shaqadooda, iyo xuquuqdooda.

Khubaro badan iyo Prof. Samatar waxay qabaan in isbeddel lagu keeni karo hannaankan iyadoo loo marayo hawlgal qaadanaya jiilal badan (Generational Change), iyadoo la raacayo qodobadan:

* Dawladnimo Caddaalad ah: Marka uu muwaadinku dareemo inuu shaqo, xil, iyo cadaalad ku helayo muwaadinnimo ee aanu u baahnayn oday reer u dooda, baahida qabiilka ee dhinaca nidaamka dawliga ah way daciifaysaa.

* Wacyigelin iyo Waxbarasho: In manhajka kowaad ee waxbarashada lagu barbaariyo jiilka cusub jacaylka qaranka iyo waddaniyadda, iyadoo la reebayo adeegsiga qabiilka ee goobaha rasmiga ah.

* Hannaanka Xisbiyada Fikirka ku Dhisan: In xisbiyada siyaasadeed iyo doorashooyinku ku dhismaan afkaar iyo barnaamijyo horumarineed ee aanay ku dhisman isku-beled iyo tanaasul qabiil.

------------------------------
3. Arrimaha Gobolada Darafyada iyo Xuduudaha: Caqabadda Jiritaanka (Tan Ugu Adag)
Haddii labada qodob ee h**e ay yihiin kuwo la xidhiidha maamulka gudaha (Internal Governance), caqabadda saddexaad waxay si toos ah u taabanaysaa jiritaanka, midnimada, iyo aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland. Tani waxay la xidhiidhaa gobolada darafyada iyo loolanka ka dhashay xuduudihii maxmiyaddii h**e ee British Somaliland. Caqabadani waxay u qaybsantaa labo waji oo adag:

* Ka-gohnaanshiyaha Siyaasadeed (Political Alienation): Prof. Samatar wuxuu marar badan carrabka ku dhuftay in haddii aan la helo nidaam awood-qaybsi oo caddaalad ah (Inclusivity), oo aanay gobolada darafyadu dareemin inay si siman u leeyihiin dawladnimada, ay adkaanayso in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Somaliland.

* Is-diidada Sharciga Caalamiga ah iyo Rabitaanka Dadka (The Sovereignty Dilemma): Somaliland waxay ku doodi kartaa xuduudihii maxmiyaddii Ingiriiska si ay u hesho aqoonsi caalami ah, laakiin Prof. Samatar iyo falanqeeyayaal badan ayaa tilmaama in caalamku uu badanaaba miisaanka saaro rabitaanka iyo heshiiska dhabta ah ee dadka wada dega dhulkaas. Khilaafaadka gacan-ku-haynta goboladaas (sida dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee Laascaanood) waxay muujinayaan in caqabadani aanay ahayn mid ku xallismi karta go'aan maamul oo qudha, balse ay u baahan tahay dib u heshiisiin qoto dheer iyo nidaam federaali ah ama baahinta madaxbannaanida maamulka (Decentralization).

------------------------------
Shaxda Isbarbardhigga: Gorfaynta Saddexda Caqabadood:

Caqabadda | Dabeecadda Cilmiyaysan | Maxay u baahan tahay si loo xalliyo? | Muddada Isbeddelka |

| 1. Maamul-Xumaanta & Musuqmaasuqa | Waa curyanimo Farsamo/Sharci | Rabitaan siyaasadeed, hay'ado madaxbannaan, iyo fulinta sharciga korreeya. | Muddo gaaban (Sanado kooban) |

| 2. Qabyaaladda Siyaasadaysan | Waa Hab-dhaqan Bulsho (Social Construct) | Dawladnimo caddaalad ah, waxbarasho waddaniyadeed, iyo xisbiyo ku dhisan afkaar. | Muddo dheer (Jiilal isbeddela) |

| 3. Gobolada Darafyada & Midnimada | Waa Dhibaato Qaab-dhismeed (Structural Crisis) | Dib u heshiisiin dhab ah, awood-qaybsi siman, iyo maamul-daadejin ka fog qori-u-sheeg. | Lama saadaalin karo (Wuxuu ku xidhan yahay tanaasul taariikhi ah) |

------------------------------
Gabagabo
Aragtida Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxay xambaarsan tahay fariin cad oo ku saabsan dhismaha dawladnimo: Dawladnimadu ma aha oo qudhara in la nidaamiyo caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn, balse waa in la abuuro kalsooni wadaaga ah oo ay wada leeyihiin dhamaan dadka wada dega xuduudaha dalku tilmaamayo. Haddii aan caqabadda saddexaad ee gobolada darafyada iyo dareenka dadka dega si miyir-qab ah iyo wadajir ah loo xallin, marnaba hannaanka dawladnimo ee Somaliland ma gaadhi karo aqoonsi caalami ah iyo xasillooni waarta, xataa haddii la toosiyo maamulka gudaha.
------------------------------
Suxufi Cabdi -Haybe Maxamed Jaamac

Sida ku cad xogta ay sannadkan 2026 daabacday waaxda falanqaynta sugnaanta cuntada iyo nafaqada (FSNAU) oo hoos tagta Ha...
09/10/2026

Sida ku cad xogta ay sannadkan 2026 daabacday waaxda falanqaynta sugnaanta cuntada iyo nafaqada (FSNAU) oo hoos tagta Hay'adda FOA, carruur tiradoodu tahay 257,940, da'dooduna ka yar tahay 5 sanno jir, ayaa nafaqa-darro la nool gudaha Somaliland.

Sidoo kale, sahan ay samaysay Hay'adda UNICEF 2019, waxa lagu ogaaday in tiro aad u badan oo ah dumarka iyo carruurta reer Somaliland ay ka maqan yihiin fiitamiino iyo macdano muhiim u ah heerka nafaqadooda.

Fiitamiinada carruurta da'da dugsiyada ku jira ka maqan, waxa ugu badan Vitamin A oo dhinaca araga iyo indhaha u wanaagsan. Carruurta da'da dugsiyada ku jira ayaa sidoo kale ay in badan oo ka mid ahi la nool yihiin dhiig-yaraan ay sababtay maadada birta oo ku yar (iron deficiency anemia).

Carruurta ugu badan ee nafaqada-daradu haysato waxay ku nool yihiin gobolada bariga Somaliland, sida: Sanaag, Sool iyo Togdheer.

Haddaba, maxaa dawladda Somaliland iyo Hay’addaha ay khusayso la gudboon, si xal loogu helo nafaqada-darada iyo wacyigelin la'aanta arrintaasi la xidhiidha ee ka jirta Somaliland?

Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, oo ay weheliyaan sarakiil ka tirsan Baanka ,...
06/10/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, oo ay weheliyaan sarakiil ka tirsan Baanka , ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga ah ee hay’adaha maaliyadeed shirkaas oo ay soo qaban qaabisay hay’adda MojaLoop, oo lagu qabtay magaaladda Accra, Ghana.

Kullanka waxaa ka soo qaybgalay bangiyada dhexe, bangiyada gaarka loo leeyahay, shirkadaha lacag-bixinta, FinTechs iyo hay’ado kale oo ka shaqeeya horumarinta nidaamyada lacag-bixinta ee National Payment Systems (NPS).

Guddoomiye Ku-xigeenka oo khudbad ka jeediyey shirka, isagoo soo bandhigay horumarka Somaliland ee nidaamka lacag-bixinta, qorshaha Somaliland inclusive Instant Payment System (SL-IIPS), iyo muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay isku-xidhka bangiyada, shirkadaha lacagaha mobilka iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed.

Sarakiisha Baanka Somaliland waxay sidoo kale ka qaybqaateen kullamo farsamo iyo dooddo ku saabsan qaab-dhismeedka nidaamka lacag bixinta ee degdega ah (Instant Payment System (IPS)), amniga, iyo isku-xidhka hay’adaha maaliyadeed.

Ka-qaybgalka shirka wuxuu Baanka Somaliland u ahaa fursad muhiim ah oo lagu wadaagay khibrad, laga helay aqoon farsamo, laguna xoojiyey iskaashiga Baanka dhexe uu la leeyahay hay’adaha MojaLoop, AfricaNenda, iyo Gates Foundation, kuwaas oo Baanka dhexe kala shaqeeya dhisida nidaamka lacag-bixinta degdegga ah ee qaranka

"Xirsi.. Horseed ma aha buug uu leeyahay Siilaanyo, mana aha kaadh Siyaasadeed oo lagu ciyaaro" Siyaasi Ahmed Abdalla   ...
06/10/2026

"Xirsi.. Horseed ma aha buug uu leeyahay Siilaanyo, mana aha kaadh Siyaasadeed oo lagu ciyaaro" Siyaasi Ahmed Abdalla

Ku biirista qaar ka mid ah siyaasiyiintii ama masuuliyiintii h**e ee Horseed ku lahaa Waddani waa doorasho siyaasadeed oo iyaga u gaar ah, balse keligeed kuma filna in lagu yidhaahdo Horseed ahaan urur ahaan ayay mowqifkeeda siyaasadeed beddeshay.

Sidaa darteed, lama isku khaldi karo mowqifka shakhsiyeed ee Xirsi iyo mowqifka Horseed oo ah urur siyaasadeed. Sidoo kale, u guurista ama ku biirista Waddani ee qaar ka mid ah dadka h**e ula xidhiidhay Horseed si toos ah looguma fasiri karo in Horseed lafteedu beddeshay jihadeeda siyaasadeed.

Waxaan maqlay in aad “dugsi siyaasadeed” ka furtay xisbigaaga, oo aad maanta siyaasadda iyo aragtidaada siyaasadeed u sharraxayso xisbiga iyo bulshada.

Haddaba, shacabka waxay xaq u leeyihiin inay ku weydiiyaan:

Haddii aad maanta siyaasadda barayso oo aad jiil cusub oo siyaasadeed u gudbinayso aragtidaada, ma waxaad sidoo kale hor dhigi doontaa wixii aad h**e uga qortay Madaxweynihii h**e Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waayo-aragnimadii siyaasadeed ee aad soo martay xilligaas? Ma waxaad sharraxi doontaa sida aad uga soo gudubtay mowqifyadii shalay una timid mowqifyada maanta?

Siyaasigu wuxuu xaq u leeyahay inuu beddelo mowqifkiisa iyo isbahaysiyadiisa siyaasadeed, laakiin shacabka iyaguna waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan waxa isbeddelay, sababta uu isu beddelay, iyo xidhiidhka ka dhexeeya mowqifyadii shalay iyo kuwa maanta.

Horseedse waa urur siyaasadeed; ma aha buug uu leeyahay siyaasi gaar ahi, mana aha kaadh siyaasadeed oo la isticmaalo marka ay isbeddelaan isbahaysiyada iyo duruufaha siyaasadeed.

Horseed ma aha buug uu leeyahay Siilaanyo, mana aha kaadh siyaasadeed oo lagu ciyaaro." Ayuu yidhi Siyaasi Ahmed Abdalla Digaale

05/10/2026

Fanaaniinta Xiddigaha Geeska Oo Ka Hadlay Arinkii Fanaanada Ifraax Tolmoon

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard! Ail Taha, Cabdikariim Mohamed, Axmed Guray, DrAhmed Cad, ...
05/10/2026

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard! Ail Taha, Cabdikariim Mohamed, Axmed Guray, DrAhmed Cad, Khadar Bashiir Cumar, Bare Qaasim, Ibraahim Maxamed, Muno Cali, Xaaji Najax

Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa  qayb wayn ka Madasha Ganacsiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya (EU–Somalia Business Forum...
05/10/2026

Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa qayb wayn ka Madasha Ganacsiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya (EU–Somalia Business Forum 2026), oo diiradda lagu saaray “Maalgashiga Soomaaliya: Furitaanka Suuqyada leh Awoodda Sare.”

Madashu waxay fursad muhiim ah u tahay xoojinta iskaashiga ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobcinta fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya.

Shirkadaha Dahabshiil Group waxay madasha ku soo bandhigeen doorkooda ku aaddan maalgashiga, hal-abuurka, adeegyada maaliyadeed iyo isgaadhsiinta, iyagoo ka qayb qaadanaya isku xidhka Soomaaliya iyo suuqyada caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa hambalyo u diray Dr.Abiy Axmed oo di...
05/10/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa hambalyo u diray Dr.Abiy Axmed oo dib loogu doortay Raysalwasaaraha dalka Itoobiya.

Madaxweyne Cirro oo dhambaalka hambalyada ah ku baahiyey bartiisa X, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay wadaagaan xidhiidh soo jireen ah oo ku qotoma juqraafi, taariikh, iyo dano wadaag, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Geesta Madaxweynaha ayaa xusay in muddo xileedkan cusub ay Somaliland iyo Itoobiya sii adkayn doonaan iskaashigooda dhinacyada nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaana, ganacsiga iyo horumarka, kuwaas oo uu xusay inay muhiim u yihiin xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac.

Gudoomiyaha Xidhiidhka oo Amray in kooxuhu aanay abiil qaadan karin waana Xeer Jabin .Waxaa Ayaan Daro Ah Wayn Ah In Xid...
05/10/2026

Gudoomiyaha Xidhiidhka oo Amray in kooxuhu aanay abiil qaadan karin waana Xeer Jabin .

Waxaa Ayaan Daro Ah Wayn Ah In Xidhiidhkii Kubada Cagtu Uu Noqdey Mid Ku Takrifala Sharcigii Iyo Dastuurkii Kooxu U Codeeyeen Oo Masuuliyiinta Qodabkay Doonaana Kooxihii U Adeegsanaya Kii Kooxahu Xaqa U Lahayeena La Iskaba Indhatiro Oo La Laalo

Warqadan Uu Ku Saxeexan Yahay Xoghaya Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Wuxuu Amaro Dul Dhigaya Ciyaartooyo Iyo Macalimiin H**e Loo Ganaaxey Isagoo Ka Diiday Inay Ambiil Ka Qataan Dacwada Iyo Ganaaxyada La Duldhigay Balse Waxaa Gabi Ahaanba Duray Iyagoo Xaq U Leh inay Anbiil Naadiyadu Qaataan Xoghayaha Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Awoodi Sharci Maroorsadey Isagoo Adeegsanaya Awoodii Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta .

Waxaase Iyana Fajaciso Ah In Xoghayaha Xidhiidhka Kubada Cagtu Uu Sheegay Oo Warqadan Ku Qoran In Uu Gudidii Anbiilka Shaqadii Ka Joojiyay Sabab La'aan Waano Sharci Daro Iyo Dastuur Jabin Ujeedaduna ka Danbaysana Waa Aargoosi Iyo Si aan Loo Helin In Ambiil La Qaato

XEERKA Buuga Xidhiidhka Kubada Cagta Qodobka 27aad Farqadisa 4aar Baa Qeexaysa In Naadi/koox Ambiil Qaadan Karto Marka Shuruudaha Ay Buuxiso.

Xasan Waraabacadde

Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga KAAH

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hayaan News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hayaan News:

Shortcuts

Share