Saab TV

Saab TV SaabTV Somali, Waxa u ka hadla dhacdooyinka saameeya nolosha dadka. News and entertainment channel

15/06/2026

Maxaa laga filan karaa is-afgaradka ay gaadheen Maraykanka iyo Iiraan?

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inta laga helaayo Dawlad Federaal ah oo heshiis lagu yahay in Puntland oo noqonayso d...
15/06/2026

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inta laga helaayo Dawlad Federaal ah oo heshiis lagu yahay in Puntland oo noqonayso dawlad iskeed u taagan Dunidana la Macaamilaysa.

15/06/2026

"Xasan Sheekh ayaa Sameeyay Budhcad Badeeda jooga Puntland" Madaxweyn Deni

15/06/2026

Ambassador Mohamed Hagi: Today Could Mark a Historic Milestone For The Republic of Somaliland

15/06/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shir la qaatay Madaxda Shirkadaha ugu waaweyn dalka Israa’iil, iyo maal-gashadayaal calaami ah

Dalalka la isku dhaho E4 oo kala ah: Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa ballanqaaday in ay cunaqabata...
15/06/2026

Dalalka la isku dhaho E4 oo kala ah: Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa ballanqaaday in ay cunaqabataynta ka qaadayaan Iiraan kaddib markii ay afgarad isla gaadheen dalka Maraykanka iyo dalka Iiraan.

Waase haddii heshiis k**a danbays ah la gaadho, sida oo kalena Iiraan qaado talaabo lagu soo afjarayo hubkeeda Nukliyeerka.

 :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey...
15/06/2026

:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa xalay kulan casho iyo is-barasho ah la yeeshay Madaxda Shirkadaha ugu waaweyn dalka Israa’iil, Maal-gashadayaal Caalami ah iyo Hoggaamiyeyaasha Ururrada Ganacsiga ee dalka Israa’iil.

Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah weftigiisa ayaa si mug leh uga war bixiyey fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xagga Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanta, Tamarta, Shidaalka, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah u iftiimiyey amniga iyo xasilloonida ka jirta Somaliland iyo goobta istiraatijiga ah ee ay ku taallo, khayraadka dabiiciga ee ku duugan iyo siyaasadaha iyo xeerarka dhiirrigelinaya maal-gashiga shisheeye.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israa’iil, iyada oo la abuurayo xidhiidh iyo fursado wax-ku-ool ah oo labada dhinacba faa'iido u leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ganacsatada iyo maal-gashadayaasha dalka Israa’iil ku boorriyey in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ballaadhan ee ka jira Somaliland, isaga oo xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dano-wadaag iyo hiigsiga horumar wadajir ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo maalintii labaad booqasho ku jooga ayaa shirar kala Duwan la qaadanaaya  Ra’iisa...
15/06/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo maalintii labaad booqasho ku jooga ayaa shirar kala Duwan la qaadanaaya Ra’iisal wasaaraha Israa’iil iyo Madax kale.

Safiirka Somaliland ee Israa’iil ayaa war qoraal ah ku faahfaahiyay Shirar madaxweynuhu uu la qaadan doono Madaxda Dawlada Israa’iil.

“Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u noqon doontaa maalin weyn oo ay xaqiijiso mid ka mid ah himilooyinkeeda waaweyn ee istiraatiijiga ah, iyadoo la kaashanaysa saaxiib caalami ah oo mihim ah oo diyaar u ah inuu noqdo lammaane istiraatiiji ah oo dhab ah. Tani waxay muujinaysaa horumar ku dhisan iskaashi, dan-wadaag, iyo faham qoto dheer oo ku saabsan mihiimadda xasilloonida iyo fursadaha gobolka iyo caalamka.

Maanta Madaxweynu waxa uu kulamo dhaadheer la yeelan doonaa Raysal Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Dhaqaalaha dalka Israa’iil.

Qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay 4% ilaa 6% kaddib markii Maraykanka iyo Iiraan is-afgarad ku gaadheen in gebi ahaan...
15/06/2026

Qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay 4% ilaa 6% kaddib markii Maraykanka iyo Iiraan is-afgarad ku gaadheen in gebi ahaanba la furo marinka Hormus.

Waa markii ugu horreeysay oo qiimaha shidaalku sidaas hoos ugu dhaco tan iyo bishii March markaas oo madexwayne Trump iyo ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan sheegeen in ay gaadheen heshiis bilow ah oo lagu soo afjarayo colaadda bariga dhexe ka socota, lana soo celinayo isu socodka maraakiibta ee marinka Hormus.

15/06/2026

Qubrus oo iibsanaysa hub badan si ay isaga difaacdo Turkiga.

Address

Bristol

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saab TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share