Cumar Axmed Cali Magan

Cumar Axmed Cali Magan Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cumar Axmed Cali Magan, Book & Magazine Distributor, Hargeisa.

Dadka reer Somaliland dhaxalka iyo hantida ugu weyn ee ay haystaan waa Diinta Islaamka ee RABBI weynaaye   uu innoogu de...
02/06/2026

Dadka reer Somaliland dhaxalka iyo hantida ugu weyn ee ay haystaan waa Diinta Islaamka ee RABBI weynaaye uu innoogu deeqay. Taas ayayna liibaanteena iyo guusheenuba ku jirtaa.

Haddii baahida aynu u qabno aqoonsi aynu dunida kale ka helnaa, innagu ridayso af-libaax taasi guul innoo noqon mayso, Yuhuudina maaha ummad la aamini karo, IlAAHAY ayaana sidaa innoo sheegay.

Geesta kale, sheekh Maxamed Sheekh C/raxmaan Kaariye waxa lagu tiriyaa culimada inta aan ka gabanin in ay ummadda xaqqa u cadeeyaan, islamarkaana aqoon durugsan iyo fahan ballaadhan u leh shareecada Islaamka.

Doodda ugu weyn ee maanta taaganina waa BAYTUL-QUDUS in caasimad Yuhuudi laadahay aynu u qoonsano, maxay Diinteennu ka qabtaa?.

Sideedaba Marka arrimaha Shareecada Islaamka laga hadlayo, gaar ahaan arrin markaa taagan waxay Diintu qabto, waxa ka hadli kara oo kaliya culimada ku xeesha-dheer shareecada Islaamka, islamarkaana caqli iyo garasho gun dheer uu RABBI ugu deeqay.

Markaa wixii Diin ah culimada ha loo daayo.

Haddii ba shacabka Somaliland  ay nasiib u helaan hogaamiye  han iyo himilo xambaarsan, islamrkaana raba in uu dadkiisa ...
28/04/2026

Haddii ba shacabka Somaliland ay nasiib u helaan hogaamiye han iyo himilo xambaarsan, islamrkaana raba in uu dadkiisa iyo dalkiisaba si daacad ah ugu shaqeeya, toloow! Dhulkii uu bulshada ugu adeegi lahaa xagee looga raadin doonaa?.

Dhulka halkan idiinka muuqdaa, waa dhul dan guuda oo lagu takrifay, waxaanuu ku yaalaa dagmada 31may ee magaalada Hargiesa, gaar ahaan xaafadda Sheekh Muuse Ducaale.

Inkastoo aanan cabirin, hadana waxaan ku qiyaasay ugu yaraan 3baloog.

Beertan danta guud laga goostay waa beer muddo 20sano ku dhaw laysku haystay, walina laysku haysto oo aan lagu kala bixin. Iyaadoo ay sidaa tahay, hadana waa la sugi kari waayay inta ay kula baxayaan labada dhinac ee isku hayaa.

Mudadaa dheer ee laysku haystay aw geed, magaaladu dhinac walba way u dhaaftay beertan, waxaana ku hareeraysan deegaan ballaadhan oo baahi weyn u qaba dhul dan guud ah oo loogu adeego.

Tusaale ahaan waxay u baahan yihiin, meelo looga dhiso xarumo caafimaad, kuwo wax barasho, sariimado laga dukaamaysto, garoomo caruurtu ku ciyaarto, islamarkaana maalmaha ciidaha iyo roobta lagu tukado. Iyadoo beerihii h**e loo qorsheeyayna dantoodii guud h**e loo lunsaday.

Inkastoo shacabka meesha dagani ay ku da’daaleen sidii uu dhulkaasi u noqon lahaa mid bulshada loogu adeego, hadana nasiibdarro damacoodii iyo da’daalkoodii ma midho dhalin, oo cidina k**a hoos qaadin.

Dadka xog-ogaalka u ah dhulkani waxay tilmaameen, in wasaaradda hawlaha guud ku lug leedahay dhulkaa danta guud ahaa ee imikana shacabka loo wareejiyay.

“ waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahay. Waa duni lakala iibsadoon, lana ogaysiine?. FAARAX NUUR, Allah HA U NAXARIISTO.

Garyaqaan Guuleed  Dalfac waa shaqsiga qudha ee si xog-ogaalnimo iyo ku dhac leh uga hadla duruufaha iyo waayaha ay shac...
21/04/2026

Garyaqaan Guuleed Dalfac waa shaqsiga qudha ee si xog-ogaalnimo iyo ku dhac leh uga hadla duruufaha iyo waayaha ay shacabku la kacaa-kufayaan.

Iyada oo aan la haynin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen xildhibaanadii ay shacabku codkooda ku soo doorteen, iyo intii kala ee si uun u matalaysay.

Shacabka reer Somaliland oo ah mid ay daashadeen saboolnimo iyo adeeg la’aani, ayaa hadana waxa maanta ugu darsamay in ay yaraato rajadii ay ka qabeen dawladnimo taabo gal ah oo ay hoosteeda ku gam’aan, markii ay arkeen in laamihii dawladda ragaadiyeen musuq-maasuq, maamul xumo iyo eexi, iyadoo cashuurtii yarayd ee den-yarta laga ururiyayna si waaliya loogu takrifalayo.

Sida ay aniga ila tahay, garyaqaan Guuleed wax badan ayaa laysku dayay in la aamusiiyo, sababta oo ah, hab-dhaqanka haatan jira ayaan ogahay.

Somaliland waxay maanta u egtahay, jamhuuriyaddii latin America ka jiri-jirtay ee la odhan jiray ( republic of banana) taa soo taariikhda iyo sooyaalka dowladnimo ku leh baal badow.

Ugu denbayn waxaan rajaynayaa, in aanuu garyaqaan Guuleed ugu habran cadaadis kasta oo la saaro si loo aamusiiyo.
Reer nin kaliyaale!. Alle ha idiin sahlo.

Waxa la yidhi “dibiga doolood, dhagihiisu waxsan ayay maqlaan, laakiin indhihiisu waxsan ma arkaan”.Sidaa waxa ka dhigan...
15/04/2026

Waxa la yidhi “dibiga doolood, dhagihiisu waxsan ayay maqlaan, laakiin indhihiisu waxsan ma arkaan”.
Sidaa waxa ka dhigan, shacabka reer Somaliland oo ka daalay hadal fiican oo aanay waxba ka run ahayn.

Shacabka reer Somaliland waxay quus iyo faro-madhan ka joogaan in ay dawladooda ka helaan adeegyadii aas aaska u ahaa habsami-u-socodka noloshooda.

Waxay indhahoodu qabanayaan iyadoo dawladnimadii nafta iyo maalka badanba u soo h**een ku denbaysay ay meel musuq-maasuqa, eexda, qaraabo-kiilka iyo kala qaybinta bulshadu astaan u tahay.

Islamarkaana aanay ka jirin, aragti siyaasiya oo si gun balaadhan uga turjumaysa duruufaha iyo waayaha nololeed ku gadaaman shacabk reer Somaliland.

Shacabkan saboolnimadu daashatay ee reer Somaliland, cashuurta habeen iyo maalinba laga qaadayo kuma helaan adeegyo caafimaad, kuwo wax-barasho, kuwo biyood, kuwo guryood iyo wixii la mida.
Waxaanay cashuurta ay baahida weyn u qabaan ku luntaa, musuq-maasuq iyo maamul-xumo.

Xildh. Maxamed Abiib k**a shaqeeyo maslaxada iyo danaha  dadka reer Awdal leeyihiin.  Sidoo kalena ma rabo in siyaasiyii...
06/02/2026

Xildh. Maxamed Abiib k**a shaqeeyo maslaxada iyo danaha dadka reer Awdal leeyihiin. Sidoo kalena ma rabo in siyaasiyiinta reer Awdal ay ku fadhiistaa, xilalka ugu buur buuran ee qarankani leeyahay. Marka laga reebo isaga oo kaliya.

Waxaana taa markhaati iyo marag ugu filan, ficiladiisa aan gabashada la hayn ee uu ku hagardaameeyo siyaasiyiinta hanka yeesha ee ka soo jeeda gobolka Awdal.

Shalay ayuun bay ahayd, markii uu suuldaarayay Xildh. Cali Xaamud Jibriil oo u tartamayay af-hayeenka aqalka wakiilada ee Somaliland.

Shalay ayuun bay ahayd, markii uu jilbaha dhulka ugu dhuftay xisbigii uu yagleeyay pro. Axmed Ismaaciil Samater. Xisbigaasi oo uu Samatar, tacab iyo tamar badanba galiyay sidii u noqon lahaa xisbi qaran.

Ina Abiib ayaa hormuud u ahaa raggii xisbigaasi jilbaha dhulka ugu dhuftay, waxaanuu si waaliya ugu ololaynayay KAAH IYO WADANI, Maantana ilma yaxaaska ayuu iska qubayaa.

Geesta kale, dadka ku dhaqan gobolka Awdal iyo inta kale ee reer Somalilandba, baahida ugu weyn ee ay qabaan waa helidda adeegyo bulsho iyo koboc dhaqaale oo wax-ku-ool ah, ku waa soo ah nuxurka iyo ujeedada dhabta ah ee dowladnimadaba loo dhistay.

Xildh. Maxamed Abiib, waxaad moodaa in arrintiisu tahay baroortu orgiga ka weyn, islamarkaana ay jiraan ajandeyaal qarsoon oo uu afka ka ilaalinayanaa. ku waa soo guud ahaanba shacabka reer Somaliland lid ku ah.

• Gardarada cadaanka ah haddii guudka loo fidhayo, geesigii itaal daran haddaan garab la siinaynin, isaguna hubkiisii gu...
02/02/2026

• Gardarada cadaanka ah haddii guudka loo fidhayo, geesigii itaal daran haddaan garab la siinaynin, isaguna hubkiisii gurtoo, gumuca soofaysto, oo kii xaqiisii ganbiyay, gawrac ugu jiido, oo ay nabaddu geedsare kortooy, gaabatooy durugto, gorgorkii habeenimo kecee, guuray soo maaha.

Beertan uu sawirkeedu halkan idiinka muuqdo oo ku taala xaafadda sheekh Muuse Ducaale ee Hargeisa, gaar ahaan galbeedka faluuja, waxa la kala iibsaday ku dhawaad 60sano ka hor.

Hase ahaatee qoyskii berigaa iibiyay ayaa dib u qabsaday muddo laga joogo dhowr iyo toban sanadood, illaa hadana maxak**adaha kala duwan ayay ka dhex socotay markii dad ugu denbaysay.

Si kastoo ay wax yihiinba beertii waxa dhex dagay ciidamo aanay waxba isku-diidanayn qoladii beerta dib u qabsatay, qaybin iyo calaamadin ayaana ka socota hadda beertii ay iibsadeen iyo midkale oo ay lahaayeen, islamarkaana laysku xayiray markii dacwadu bilaabantay.

Qoyskii lahaa mudadaa lixdanka sano ku dhow, maanta waxba gacanta uguma jiraa, duurka ayaanay galeen iyagoo malaha jabhadaynaya, xalay oo dhanna xabada yaa ka dhacaysay.

Dadkii deegaan ahaa islamarkaana xogo-gaalka u ahaa way yaaban yihiin, waxaana loo tirinayaa, in awoodo xoog badani oo macaash doon ahi gacanta galiyeen dhulkan laysku haysto, ileen nin aan waxba lahayni waa deeqsiye.

Gun iyo gabo-gabo, haddaan Somaliland sida ay wax u socdaan wax laga badalin gaar ahaan arrimaha musuqmaasuqa la xidhiidha, meel fog ayaa laga dooni doonaa.

Labadan oday ee  xisbigii Kulmiye tunka ku sitaa, waxay u muuqdaan niman  aan lahayn fahan siyaasadeed oo ay xisbi ku ha...
24/12/2025

Labadan oday ee xisbigii Kulmiye tunka ku sitaa, waxay u muuqdaan niman aan lahayn fahan siyaasadeed oo ay xisbi ku hagaan.
Sideedaba xisbi qaran oo han iyo himilo xambaarsan, looma eego shaqsiga loo xulayo in uu muddo dheer u soo samrayay iyo inkale, waxa se loo eegaa, seddexdan arrimood oo bud-dhig u ah hanaqaadka xisbinimo iyo in uu jiilba jiil ka dhaxlo.

1: Waxa loo eegaa, in uu leeyahay aragti siyaasiya oo si gun balaadhan uga turjumaysa duruufaha siyaaseed, dhaqaale iyo bulsho ee ku gadaan shacabka uu codka ka doonaya.

2: Waxa loo eegaa, in uu leeyahay astaamihii hogaamiyenimo, sida karti, hufnaan, aqoon iyo aragti siyaasadeed oo gun-dheer.
3: Waxa loo eegaa, in uu xisbiga gaadhsiin karo kursiga madaxtooyada ee dalka looga arrimiyo, macnaha in uu taageero ballaadhan oo bulsho haysto.

Ugu denbeyn, waxay xisbiyahannada dunidu si dhug leh u dhagaystaan, codbixiyeyaasha ay codkooda xisbi ku yihiin, waxaanay garwaaqsan yihiin, in ay codbixiyeyaashu yihiin tiir dhexaadka xisbiga, islamarkaana ay jiraan dano iyo masaaliix ay isha ku hayaan.

Hadaba, haddii labadan oday ay ku qanceen in xisbigii Kulmiye ka dhigtaan buul hunguri ay madaxtooyada gunno kaga qaataan, shirarka iyo xafladaha kalena ay kaga qayb-galaan, meeye kaadiriintii kale ee xisbigu, miyaanay iyagu la hayn aragti kale oo siyaasiya, islamarkaana ay xisbiga ku bad-baadiyaan.

Somaliland ma waxay maraysaa, in qofkii hadlaba xabsiga loo taxaabo, iyadoo laga guuray dastuurkii ay ku qornayd muwaadi...
10/11/2025

Somaliland ma waxay maraysaa, in qofkii hadlaba xabsiga loo taxaabo, iyadoo laga guuray dastuurkii ay ku qornayd muwaadin looma xidhi karo aragtidiisa oo uu cabiray.
Waa maxay meesha uu xaalku marayaa!!!.?

Laba askari oo reer Somaliland ah, ayay midna curuurtiisu gashaa fooq labo dabaq ah, iskuulada ugu qaalisanna ay dhigtaa...
06/11/2025

Laba askari oo reer Somaliland ah, ayay midna curuurtiisu gashaa fooq labo dabaq ah, iskuulada ugu qaalisanna ay dhigtaan, inta badanna ay wataan gawaadhida lagu raaxaysto. Isagoo waliba lagu tiriyo askarigaa dadka hantiilayaasha ah.

Halka askariga kalena ay caruurtiisu gasho sandaqad laydhkii laga goostay oo madow, iyaga oo aan waliba school iyo malcaad midna aan tagin, duruufo kale oo badanina u dheer yihiin.

Inkastoo ay daraja ahaan kala sareeyaan labadan askari, hadana taa looma sibir-saari karo heerkooda nololeed ee kala fogaaday.
Waxa qudha ee ay ku kala fogaadeen waa musuqmaasuqa halakeeyay nidaamka maamul ee Somaliland, oo meel walba sida daadka ugu jabay.

Ma muuqato arrintaa murugada leh cid la tacaalaysa iyo cid ka uurxun toona. Waxaad se aad moodaa in haddii aynu reer Somaliland nahay arrintaa ku heshiinay.

Laba askari oo reer Somaliland ah, ayay midna curuurtiisu gashaa fooq labo dabaq ah, iskuulada ugu qaalisanna ay dhigtaa...
06/11/2025

Laba askari oo reer Somaliland ah, ayay midna curuurtiisu gashaa fooq labo dabaq ah, iskuulada ugu qaalisanna ay dhigtaan, inta badanna ay wataan gawaadhida lagu raaxaysto. Isagoo waliba lagu tiriyo askarigaa dadka hantiilayaasha ah.

Halka askariga kalena ay caruurtiisu gasho sandaqad laydhkii laga goostay oo madow, iyaga oo aan waliba school iyo malcaad midna aan dhiganin, duruufo kale oo badanina u dheer yihiin.

Inkastoo ay daraja ahaan kala sareeyaan labadan askari, hadana taa looma sibir-saari karo heerkooda nololeed ee kala fogaaday.
Waxa qudha ee ay ku kala fogaadeen waa musuqmaasuqa halakeeyay nidaamka maamul ee Somaliland, oo meel walba sida daadka ugu jabay.

Ma muuqato arrintaa murugada leh cid la tacaalaysa iyo cid ka uurxun toona. Waxaad se aad moodaa in haddii aynu reer Somaliland nahay arrintaa ku heshiinay.

Address

Hargeisa

Telephone

+252634244802

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cumar Axmed Cali Magan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cumar Axmed Cali Magan:

Share