14/08/2025
Hogaanka iyo kaadiriinta xisbiga Kulmiye hadda ka arrimiyaa, ma waxay ku qanceen in xisbiga kulmiye ay ka dhigtaan buul hunguri ay kaga qayb galaan shirarka iyo xafladaha laysku arko oo kaliya, halkii laga sugayay in ay xisbiga Kulmiye dib boodhka uga jafaan, islamarkaana dajiyaan qorsheyaal cusub iyo istaraatijiyad si gun dheer loo darsay, taa soo lagu beegsanayo 5sano ee denbe.
Taageerayaal badan oo xisbiga Kulmiye ku abtirsadaa, waxay rajaynayeen in xisbiga Kulmiye doorkan si weyn loo dhisi doono, iyadoo la curinayo, aragti siyaasiya oo ka jawaabi karta baahida dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee innagu gadaaman.
Waxay rajaynayeen in seeska loo dhigi doono shax siyaasadeed cusub oo xisbigu Kulmiye ku kasban karo taageerayaal cusub oo dhaawac celin iyo dhaymoba u noqon kara nabaradii ka soo gaadhay doorashooyinkii ugu denbeeyay.
Waxa taa badalkeeda muuqda, in siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye hadda hor fadhiyaa aanay la hayn aragti siyaasiya oo iyaga wax u goyn karta, iskabadaa qaran iyo bulsho kale oo ay wax u soo kordhiyaane.