04/08/2025
Asalaamu Calaykum Walaalayaal wakhti ay diin tahayba wanaagsan!.
Magacaygu waa Xaliimo Jaamac Xasan, waxaan deganahay magaalada Burco, aduunyadu waa imtixaan, waan garanayaa in qof walba uu la tacaalayo noloshiisa iyo waayaha aduunka, balse maanta waxaan si dhab ah idiinla wadaagayaa xaaladayda caafimaad anoo ah hooyo daโyar oo 5 cauura haysta oo muddooyinkii u dambaysay xanuun la jiifta.
Ugu horrayn haddii aan idiinka warramo sida lay helay iyo xanuunkaygu waxa uu ka bilaambay ayaa ah jabniin dhawr jeera oo lugta midig iga soo gaadhay, ilaaa dhawr jeer baa anoo gurigayga masaxanaya ku siibtay marmarka oo aan jabay, marar kele oo aan dhacay oo uu sii kala dhacayna way jirtay, markaa jabniinkaa badani wuxuu keenay in seeduhu debcaan, oo aan adinkiiba qaadi kari waayo, dhakhtarro wadanka ah oo aan tegay waxay yidhaahdeen wadanka waxba lagagama qaban karo waxaad u baahantahay qaliin debedda ah oo dhanka seedaha ah iyo weliba kabniinyo fiican.
Halkaa markay marayso qarash baan uruursaday igu qaatay muddo dhawr bilood ku dhow, ugu dambayn waxaan aaday hindiya, iyaguna qaliin bay igu sameeyeen, markii qaliinka laygu sameeyeyna muddo kele ayaanu sii joognay, aakhirkii waan ka imi anoo la moodo inaan soo kabanayo.
Markii aan wadanka imi oo aan muddo joogay, ayaan lugtii ama addinkii layga qalay culays badan ka dareemay, oo itaalkiisii iyo awoodiiba way yaraadeen xataa heer aan gaadhay inaan sooba qaadi kari waayo lugta, aakhirkii adinkii wuu dhaqaaq daayey, kii kele ee isna ii badka qabayna wuu raacay heer aan gaadhay in ilaa wixii labada miskood ka hooseeyaaba ay dhaqaaq gabaan oo aan baaralays noqdo, waase AllE amarkiisa iyo qaddarta ee EEBBE.
Waxaan iminka sariir fadhiyey in ka badan 2 sano, ma socon karo, ma istaagi karo, kaadidu way iga qubanaysaa, oo xafaayad baa ii xidhan.
Danahaygii, shaqadaydii, waajibkaygii hooyonimo iyo dhammaan wax kasta oo hammi ah oo aan lahaa wuu xidhmay. Wax badan ayaan sabray, waayo waxaan aaminsanahay in samirku uu yahay furaha kheyrka. Laakiin maanta, waxaan dareemayaa in aanan awoodi karayn inaan kaligay sii qaado culayska i haysta sababtoo ah waxaan ahaa hooyo dhalin yara ah mustaqbal leh carruurtayduna waa yaryar. Indhahooda ayaan ka dareemayaa xaaladda adag ee ay qudhoodu wajahayaan iyo suโaalaha badan ee aanan jawaabta u haynin.
Waxaan dareemayaa murugo markaan arko inaanan awoodin inaan u noqdo hooyadood sidii ay i mudnaayeen.
Dhaqaatiir badan oo gudaha ah waan tegay, baadhitaanno badan ayaa laygu sameeyey, laakiin ilaa hadda wax xal ah lama helin, waxayse igula taliyeen inaan aado dhakhtar debedda ah.
Waxaan ahay hooyadaa dhibaataysan ee xaaladaa adag ku jirta ee 5 caruura haysata, ninkaygu waa bilaa camal, anaa wasaarada waxbarashada milyan ka qaadan jiray maadaama aan macalimad ahaa, adduun iyo dhaqaale aan dhakhtar debedda ah ku tagaana ma jiro, mana haysto daryeel buuxa, mana ogi qof maanta xaaladayda caafimaad kafaala qaadan karayaa, in badan waan aamusnaa waanse aamusi kari waayey.
WEYNAHA i abuuray iyo dawlddayda sharafta leh ee uu Cabdiraxmaan Cirro madaxweynaha ka yahay ayuun baan haysta, weliba Cabdiraxmaan cirro waa adeerkay marka la eego dhanka qabiilka, cid ii geysa iyo meel aan u maraba waan waayey hadii uu xataa i caawin lahaa, anoo og inu i caawin lahaa madaxweynahaygu.
Qofku marka uu caafimaadka qabo waala jecel yahay waana la wataa, lkn maalinta ay dantu kuu run sheegto waa laga tegayaa.
Waxaan ka codsanayaa walalahayga muslimiinta ah iyo cidkasta oo i caawin karaysaa inay soo caawiso, walal ifkaa wax laysugu yahee isoo caawiya waa intoo aan shimbir ka helaa caawintiinee, iina soo duceeya in AllE caafimaad sareecana isiiyo aniga iyo inta ila midka ahba.
Numberadayduna waakuwan hoos ku qoran
Zaad: 00252634016780 xaalimo jaamca xasa
Edahab: 00252659326529 xaliimo jaamac xasan