Somaliland National Communication Center

Somaliland National Communication Center WELCOME TO
Somaliland National Communication Centre's (SLNCC) page. The Center will exploit communication as a tool for development.

Somaliland National Communication Centre (SLNCC)is mandated to effectively facilitate communication between the Government of Somaliland, its citizens, and global audiences. The Center will coordinate the communication between the Government of Somaliland and the community of journalists and international media personnel working in Somaliland and will serve as the central nerve of communication an

d focal point of foreign press corps. The Centre will facilitate appropriate media coverage of key elements in Somaliland, coverage of government officials, press conferences, press statements and will also provide official information to state visits and foreign VIPs visiting Somaliland. The SLNCC further adds that the main thrust is the building of an efficient and proactive Government communication system through research, training and information dissemination for good governance and positive image of Somaliland. The SLNCC will enlighten citizens on their rights and responsibilities, at the same time encourage them to be proud of their country. Through the use of various channels, it will highlight Somaliland's positions and achievements in a continuous, open basis. This will be achieved by employing a close working relationship between the SLNCC, Government departments, and other stakeholders. The Center will coordinate, plan and execute Government communication while improving the existing networks in the Ministries. It will also involve in the marketing of Somaliland. Furthermore, the center will advise ministries/ departments and agencies on matters of public communications including dissemination of public communication and stakeholder's engagement. The SLNCC products are Information, Education, and Communication (IEC) materials. It prepares media reviews, briefs, and press releases/statements; supplements, documentaries, and features similarly it advises the government portal and management of content generation in ministerial websites. Furthermore, the SLNCC issues press cards for permanently stationed and visiting journalists, as well as a range of cards for other media personnel (broadcast technicians, documentary film producers, media assistants etc.). The SLNCC offers media representatives an ownership position in the Pressroom, with all necessary facilities, professional support materials, and broadcasting equipment. Somaliland Media and Communication Centre (SLNCC) targets public institutions of the Government of Somaliland, the local and international journalists, Somaliland citizens and global audiences. The following are the objectives of SLNCC:

✔ Coordination between the Government of Somaliland and the community of journalists and media personnel working in Somaliland;
✔ Providing official government information to public and media;
✔ Responsible for distributing (and translating) press releases from the President's Office, Ministries, and other government agencies;
Platform to facilitate government officials press and media coverage, press conferences;
✔ Providing an environment for media and government officials to meet and network;
✔ Strengthening the bond between the foreign press and the Government of Somaliland to promote Somaliland and its key political objectives;
✔ Circulating and Expanding the photographed documentation service of government symbols;
✔ Providing accessibility for the media to government activities, officials and information

09/01/2026

Midnimada Shacabku waa Gaashaanka Qaranka.

08/01/2026

Farriimaha ay shacabka Somaliland u direen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Taliyaha ciidamada Booliska.

FG:- Farriimo h**e weeye.

Muwaadin ha Caawin Cadawgaaga
08/01/2026

Muwaadin ha Caawin Cadawgaaga

07/01/2026

"Waxaanu maqlaynaa weerarrada, dhaliilaha iyo cambaareynta. Qofna uma go’aamin doono Israa’iil cidda ay aqoonsanayso ama cidda ay la yeelanayso xidhiidh diblomaasiyadeed.
Wasiirka Arimaha Debeda ee Israel

[𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐨 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 ]:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhaweeyey  Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Isr...
06/01/2026

[𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐨 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 ]:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Isra'iil iyo Wefti culus oo uu hogaaminayey.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚'𝐢𝐢𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐜𝐮𝐥𝐮𝐬 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐚...
06/01/2026

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚'𝐢𝐢𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐜𝐮𝐥𝐮𝐬 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Qaranka iyo ka Shacabka JSL waxa uu ugu horrayn Dawladda iyo Shacabka reer Israa’iil uga mahad naqay go’aankii Geesinimada lahaa ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku tilmaamay mid leh saameyn diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed oo si weyn u taabanaysa Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maanta ay Jamhuuriyadda Somaliland u tahay maalin weyn, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Israa’iil uu xoojinayo doorka Jamhuuriyadda Somaliland ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda, xorriyatul-qowlka iyo iskaashiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadayo wax-wada qabsiga ku dhisan danaha istiraatijiyadeed ee ay labada dal wadaagayaan.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in aqoonsigu uu furayo fursado ballaadhan oo la xidhiidha maalgashiga, ganacsiga, tignoolajiyadda, tamarta, biyaha, macdanta, beeraha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi iyo wada shaqayn buuxda oo dhinacyo badan leh ay la yeelato dalka Israa’iil.

Isaguna dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar ayaa caddeeyey in Dawladdiisu ay ku faraxsan tahay Aqoonsiga buuxa ee ay siiyeen Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato xidhiidh dhow oo dhinacyo badan leh, kaas oo faa’iido iyo waxtarba u leh labada dal iyo labada shacab ee Israel iyo Somaliland.

Sida oo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Israa’iil, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay go’aan ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda reer Somaliland, danaha amniga iyo xasilloonida xilliga dheer ee Gobolka Geeska Afrika. Wasiirku waxa uu Dawladda Somaliland ku bogaadiyey dimuqraadiyaddeeda shaqaynaysa, nabadda ay ku dhistay amnigeeda gudaha, iyo doorka ay ka qaadato xasiloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxa uu si cad u sheegay in ay Dawladdiisu ka go’an tahay in ay bulshada Caalamka ay u soo bandhigto, isla markaana ay u bayaamiso Sooyaalka Taariikheed iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo muddo badan la iska indho-tirayay. Wasiirku waxa uu xusay in iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil uu tusaale u yahay sida ay Dawlad masuul ahi uga qayb qaadan karto amniga caalamka, horumar waara iyo wada-noolaansho ku dhisan dano wadaag iyo ixtiraam Qaranimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxa uu si cad u sheegay in Dawladda Israa’iil ay Jamhuuriyadda Somaliland h**e ula jirtay oo ay aqoonsatay 26.06.1960-kii, imikana ay la jirto oo ay aqoonsatay 26.12.2025, mustaqbalkana ay hiil iyo hooba garab taagan tahay.

Booqashadan oo ahayd mid taariikhi ah, isla markaana ahayd tii ugu horraysay ee uu Wasiir Arrimo dibadeed ku yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland muddo 34 sanno ah, waxa ay xambaarsan tahay miisaan diblomaasiyadeed, macno istiraatijiyadeed iyo nuxur amni oo aad u durugsan, iyada oo ay ku soo beegantay marxalad cusub iyo xidhiidh midho-dhal ah oo u bilaabmay labada dal ee Somaliland iyo Israa’iil.

Booqashadani waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay go’aankii Geesinimada lahaa ee ay Dawladda Israa’iil 26.12.2025 si rasmi ah ugu aqoonsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil u xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo, kuna taallo goob istiraatiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba Caalamka.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

06/01/2026

𝐌𝐮𝐮𝐪𝐚𝐚𝐥 :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Isra'iil iyo Wefti culus oo uu hogaaminayey.

Somaliland waxay dhistay dawladnimo ku salaysan rabitaanka shacabka.Somaliland’s statehood is built on the will of its p...
05/01/2026

Somaliland waxay dhistay dawladnimo ku salaysan rabitaanka shacabka.

Somaliland’s statehood is built on the will of its people.

05/01/2026

Ma ag joogidaada
Ajar layga qorayaa.

04/01/2026

"Carruur 2 jirro iyo 3 sanno jirro ah iyo hooyooyinkood ayaynu xabaal wadareedyo ku aasnay".Drs Edna Aden.

03/01/2026

Awooda keliya ee Bulshadda JSL waa ilaalinta iyo eegashada Dalkooda JSL

Fariinta waaxda Wada-Xidhiidhka Jsl
03/01/2026

Fariinta waaxda Wada-Xidhiidhka Jsl

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland National Communication Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share