05/03/2026
Warbaahinta Financial Times ayaa qortay warbixin dheer oo si faahfaahsan oo xiiso leh loo dhigay, waxay kaga warramayaan habkii loo diley Ayatulah Cali Khumenie, waxay kaashanayaan laba qof oo ka tirsan hay’adda Mossad, arrintana aad ugu dhuun daloola.
Bilawga:
Waxay ahayd sannaddii 2001, Iyada oo ay Mossad meelo kale ku maararowdo ayuu Raysal Wasaarihii h**e ee Israel Ariel Sharon hay’adda u jeediyey jiho cusub, wuxu yidhi ‘Waxa aad qabanaysaan waan la dhacay, waana shaqo cajiib ah balse, imminka laga bilaabo mudnaanta waxa leh Iran, waan ku celinayaa, mudnaanta waxa leh Iran!” Maalintaas bay bilaabantay raad-gurka Ayatulluhu.
Sidee loo sugay, loona diley?
Sugidda:
1. Mossad waxay jabsatay (hack) ku dhowaad dhammaan kaameradaha ammaanka waddooyinka Tehran, waa la daawaday, waxa la ururiye macluumaad tiro-dhaaf ah, gaar ahaan askarta ilaalisa, cinwaannada guryohooda, baabuurta taarikadooda, jidwalka shaqadooda, qoysaskooda iyo dhammaan wixii ku saabsan ilaalada. (Iran lafteedu waa jirtey waa ay jabsatey cameradaha waddooyinka ee Jerusalem iyo Telaviv, waa se sheeko maalin kale)
2. Xogtii iyada oo buuxda baa la helay Artificial Intelligence, kolkaas baa AI loo isticmaalay si loo kala hufo oo loo koobo abbaarta (narrow the grid)
3. Waxa la arkay ‘habdhis nololeed oo soo noqnoqda’ pattern of life - waxa la daraaseeyey oo la bartay guud ahaan Tehran gaar ahaanna jaantuska shaqada iyo nolosha aayatullaha iyo dhammaan dadka u dhow.
4. Waxa kale oo Mossad caawiyey Ayayulaha geeridoodey oo aan ahayn nin is qarinaya, waxa uu waa dhexdaas ah yidhi, ‘Iran aniga uun ma aha, waanan ogahay inaan dhimanayo oo la i dilayo, kolkaa dhuumasho ku jiri maayo’ wuxu u jeede “Iran waa wada Lixle” wuuna kaga duwanaa taas asxaabtiisa uu ka mid ahaa Xassan Nasrullah oo noloshiisa ku qaatay dhulka hoostiisa.
5. Waxa la ogaadey in shir badanka madaxda sare isugu imanaysaa ka dhacayo xafiiskiisa lagu diley iyo xilliga, waana la xaqiijiyey in uu Ayatuluhu imanayo. Kolka ay tahay arrin xog sirdoon la xidhiidha, waxa loo qaybiyaa laba waa xog ku timi farsamo technology oo daawasho, dhegeysi, jabsasho iwm ah leh (signal intelligence: SINGINT) iyo xog uu soo gudbiyey qof sirdoon ah oo goobta jooga (Human Intelligence: HUMINT) taas awgeed Waxa la isla qaatay in aan xog ku dhisan farsamo SINGINT aanay ku filey oo keligeed lagu hawlngeli karin balse loo baahan yahay HUMINT.
6. Mossad si ay usii hubiyaan jiritaanka shirka iyo imaatinka odayga waxay kaalmo HUMINT AH weydiisteen CIA-da Mareekanka, CIA oo haysatey tiro basaasiin si qoto dheer ugu dhex aasan xafiiska Aayatulaha ayaa u soo xaqiijisay jiritaanka dhammaan xogta Mossad —kolkaas baa go’aanka la qaatay.
Weerarka:
Waa la is qaybiyey, Mareekanku waxa ay dhabbada u xaadheen diyaaradaha Israel, waxayna ku hagaageen burburinta difaaca iyo indho-tirka radarada Iran. Maraakiibta dagaal ee Mediterraneanka taalley ee Lincoln iyo Ford baa ganay galtaallo xad dhaaf ah Cruise ah, waxay sidoo kale CIA cyber attack ku khalkhal-geliyeen radarrada wax arka ee Iran.
Israel waxa ay ku hagaagtey weerarka iyo duqaynta dilka geystey.
1. Towerska telephonada ee u dhow xafiiska shirku ka dhacayey waxa la geliyey cillad, cilladdaasi ma ahayn inaanu shaqayneyn, balse waxa laga dhigay sidii in telephoneka aad garaacdaa mashquul yahay, sababtuna waxay ahayd inaan wax digniin ahi gaadhin Ayatulaha iyo xertiisa.
2. Waxa la adeegsadey gantaalka Sparrow oo leh liishaan aad u dheer iyo abbaar sugan, Sparrow waagii h**e waxa loogu talo galay difaaca cirka, taas oo ka dhigaysa mid abaartiisu aad u sugan tahay (high precision)- kolka ay sugnaanta Sparrow xayaysiinayaan waxa ay sheegaan in iyada oo laga ganayo masaafo jirta 1000km lagu beegi karo miiska shaaha la saarto —waa precision aad u sarreeya.
3. Dilkiisa Waxa loo adeegsadey oo lagu dhuftay 30 gantaal oo Sparrow ah.