
08/07/2025
Waxaa uu qoray Dr. Faaruuq Alqaasim caalimka "Geologist" ee reer Norway asal ahaana kasoo jeeda dalka Ciraaq, qoraal uu ugu magac daray "maalgashiga maskaxda" oo uu ku leeyahay sidan:
Ha igala hadlin hantida dal iyo dad ay biyo dhigeen nacayb cunsuriyad gobolaysi jahli iyo dagaalo, Nigeria waa mid ka mid ah wadamada ugu hodansan maalka iyo macdanta dabiiciga ah. Waa mid ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya shidaalka, balse u fiirsada xaaladdiisa iyo wadciga uu ku suggan yahay, sababtuna waxa ay tahay in dadka ku nooli ay yihin kuwo ay ka buuxaan nacayb isirnimo iyo colaado!!, halka Singapore ay tahay dalkii uu madaxweynahiisu maalin ooyay, sababtuna ahayd in uu ahaa madaxweyne aanu wadankisu lahayn biyo la cabbo!!. Maanta wadankiisu Japan ayuu kaga h**eeyaa dakhliga qofka muwaadinka ah soo gala sannadkii!!.
Casrigan aynu joogno shucuubta dib u dhacday ayuunba sii eegta waxa ku jira dhulka hoostiisa, maxaad kasoo saarta dhulka?!, si aad usii noolaato?!, xili qofka Binu Adamka ah laftiisu uu noqday maal gashiga ugu guusha iyo faa'iidada badan, miyaad ka fekertey marka aad iibsanayso taleefanka Galaxy ama iPhone inta khayraad dabiici ah ee taleefankani ubaahan yahay waqtiga samayntiisa?!. Waxa aad ogaanaysaa in aanay hal dollar ku kacayn kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira samakiisa!!, giraam yar oo bir ah, jab yar oo quraarad ah, iyo caag yar, laakiin adigu waxa aad ku soo iibsanaysaa boqolaal dollar, oo qiimahisu waxa uu ka badan yahay tobnaan foosto oo shidaal iyo gaas ah, sababtuna waxa ay tahay in ay ku jirto hanti aqooneed oo ah farsamo ay soo saartay maskaxda Binu Adamku!!.
Ma ogtahay in hal qof sida Bill Gates aasaasaha shirkadda Microsoft uu helo halki ilbidhiqsi in ka badan 226 dollar?!. Ma ogtahay in maalqabeenada aduunku aanay haysan hanti dabiici ah?!, laakiin ay yihiin mulkiilayaasha codsiyada fudud ee taleefankaaga gacanta!!. Ma ogtahay in faa'iidada shirkad sida shirkadda Samsung oo kale ay hesho halkii sanno ay dhan tahay 327 Bilyan oo dollar. Waxa aynu ubaahanahay boqol sanno si aynu lacag intaa le'eg uga soo ururino wax soo saarka guud ee dalka!!. Adigaagan ku riyoonaya in aad leedahay hanti kaa dhigi doonta hodan adiga oo aan maskaxdaada u baahnayn!, kasoo kac riyadaada maal iyo caqliga dibigu meel kuma kulmaan. Japan waxaa lagu jebiyay dagaalkii labaad ee aduunka, laakiin wax ka yar konton sanno ayay aduunka kaga aarsatay sayniska iyo tignoolajiyada.