Warsugan Media Group

Warsugan Media Group Connect with Warsugannews and get reliable news based on the reality of our environment and the rest of the world

Ku xidhnow warsugannews oo hel warar la hubo kuna salaysan xaqiiqada dhabta ah ee geyigeena iyo caalamka intiisa kaleba

Shalay, waxa aan booqasho ku tagay Xarunta Baarlamaanka Boqortooyada UK. Waxa aan Xafiiskiisa kulan kula qaatay Xildhiba...
22/10/2025

Shalay, waxa aan booqasho ku tagay Xarunta Baarlamaanka Boqortooyada UK. Waxa aan Xafiiskiisa kulan kula qaatay Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada UK. Sir Gavin Williamson waa saaxiib weyn oo muddo dheer u ololaynayey xaqa iyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu h**e u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirka Wasaaradda Difaaca UK. Markuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga UK waxa uu booqasho rasmi ah ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa xusid mudan in Calanka barakaysan ee Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhex babbanayey xafiiska Xildhibaanka. Mahadsanid Sir Gavin Williamson.

Xoghayihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii 5aad ee JSl
Mubaarik Ismail Tani
Uk

Waxa aan maanta kulan kula qaatay magaalada Washington U-qaabilsanihii H**e ee Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Qa...
16/10/2025

Waxa aan maanta kulan kula qaatay magaalada Washington U-qaabilsanihii H**e ee Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Qaaradda Africa, Prof. Tibor Nagy. Prof. Tibor waxa uu muddo dheer ahaa Diblomaasi Maraykan ah, waxaanu Safiir dalkiisa Maraykanka uga soo noqday dalalka Itoobiya iyo Guinea. Prof. Tibor Nagy waxa uu dadaal badan oo ku dhisan waayo-aragnimo galiyey in Jamhuuriyadda Somaliland hesho Aqoonsi Caalami ah. Waxaan uga mahad-celiyey taageerada uu muddadaa dheer siinayey jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Prof. Tibor Nagy waxa uu sidoo kale khadka telephone-ka kala hadlay Madaxweynihii h**e ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ku bogaadiyey heerka wacan ee uu gaadhsiiyey dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii quruxda iyo milgaha lahayd ee uu xukunka dalka u wareejiyey doorashooyinkii dalka ka dhacay November 2024, taas oo ah wax naadir ku ah Qaaradda Africa. Madaxweyne h**e Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhinaciisa uga mahad-celiyey Prof. Tibor Nagy in uu muddo dheer soo garab istaagay jiritaanka iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ilaa maantana u taagan yahay isaga oo ah Saaxiib weyn oo Somaliland leedahay. Waxaanu u sheegay in abaalka Prof. Tibor Nagy u galay Qaranka iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay xasuusnaan doonaan jiilasha badan ee Qarankan ee soo socda ilaa mustaqbalka fog.

Mubarak Taani,
Xoghayihii gaarka ahaa ee Madaxweyne Biixi
Washington D.C.
15th October 2025

26/06/2025

Tix La Magac Baxday Juuney Hadaad Timid oo uu tiriyey Safiirka Somaliland u fadhiya Dalalka Maraykanka iyo Canada. Amb Bashiir Sh Cumar Good

19/04/2025

Warbixin: Ninkii Sharciga Awooda ku Muquuniyey, Gacantiisana ku fushaday Awoodihii Qaranka.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warsugan Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Warsugan Media Group:

Share