11/05/2026
Shan sanno ka dib iyo Mooge dabadii yaa maamuli doonaa caasimadda Hargeisa? Sidee loogu kala guuleystay loolankii loogu jirey hanashada kursigan oo awoodo kala duwan loo adeegsaday? Waa kuma guuleysta dhabta ahi? Maxaase la filan karaa berri? Si aynu u helno jawaabaha su’aalahan iyo kuwo kale oo ku gadamaan dhegaha dadweynaha aynu cabaar dib u yara noqo.
Tan iyo markii la dareemay neecawda muddo kordhinta ee doorashooyinka golayaasha deegaannada iyo wakiilada ee Somaliland iyo maqalka dhawaaqa maayir Mooge ee ku aadanaa inuu xilka iyo xubinnimada golaha baneyn doono marka laga gaadho dhammaadka muddo xilleedkiisa, waxa ay caasimaddu la deristay doonis iyo hirdan ku saabsan hanashada muddada lagu dari doono muddo xilleedka golahan, cidda maamuli doonta caasimadda Hargeisa oo ay ku nool yihiin ku dhawaadka labada million oo ruux.
Hirdan la isku awood sheegtay oo u muuqday inuu ka maqan yahay maayir Mooge oo u dhexeeyay laba garab oo golaha deegaanka ah ayaa muddo socday, kaas marxaladdo kala duwan soo marey. Dhinacyada ruclo-orodka ugu jirey ee raadinayey hanashada kursiga kii hayeyba kasii hulaalayo, ayaa waxa kala hogaaminayey Eng. Wiiwaa iyo maayir ku-xigeen Khadar Nuur, kuwaas oo geed gaaban iyo mid dheerba ugu fadhiistay kala riixashada kuraasta. Inkastoo ay muddo isku tiro iyo awood dhawaayeen, balse hadda waxa muuqata in la kala calaf qaadey, awood iyo xeelad midkay tahayba.
Awoodda iyo baaxadda hirdanka kuraasta maayirka iyo ku-xigeenkiisa ayaa soo shaac baxday maanta ka dib markii laga war helay warqad lagu dalbanayey kalfadhi aan caadi ahayn, kaas oo uu ku lamaan yahay mooshin lagu doono in xilka lagaga qaado maayir Cabdikariin Ahmed Mooge iyo ku-xigeenkiisa Khadar Ahmed Omar (Khadar Nuur), kaas oo ay sida Fiinta uga qeylyeen garabka uu hogaaminayaa mayir ku-xigeenka iyo Siciid Cudhey, kuwaas dhowr gidaar oo kala duwan soo taabtay isla maanta. Waxay ku eedeeyeey Mooge, inuu dabada ka riixayo mooshinkan oo xil ka qaadista lagu eekeynayo oo keliya maayir ku-xigeenka, waxaanay ku fasireen xaajada “Cadyahow ku cuney ama ku ciideeyay” inuu Mooge maagan yahay, maadama oo Mooge tagayo, golaha guurtida Somaliland si kedis ah dhawaan cod ugu meel mariyeen muddo 27 bilood oo muddo kordhin ah oo ay u sameeyeen golayaasha deegaannada iyo wakiilada.
Laba iyo tobanka bishan oo maalinta barri ah ku beegan waxa loo dheg taagayaa qabsoomida kalfadhi aan caadi ahayn oo uu yeesho golaha deegaanka caasimadda Hargeisa, sida ku cad warqadda aqbalaadda dowladda dhexe, gaar ahaan wasaaradda dowladdaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka, ka dib dalab ka yimid 8 mudane oo daneynaya helista maayir iyo ku-xigeen cusub, kuwaas oo madaxda hadda ku eedeeyay wax ka qabasho la’aanta khilaaf hadheeyay golaha iyo kala qeybsanaanta caasimadda oo muddo mideysnayd. Sida muuqata waxa awooda hirdanka kursiga hogaaminaya garabka ay hogaaminayaan Engineerada, Wiiwaa iyo Mideeye oo markan u muuqda kuwa bedeli doona Mooge iyo Khadar, muddo xilleedka dheeriga ah.
Marka la eego, tirada mudanayaasha uu hogaaminayo Eng. Wiiwaa, aqbalaadda codsiga uu gudbiyey garabkiisu, dibad jooga xubnaha kasoo horjeeda iyo inuu Mooge yahay sirta qarsoon qarka haysa Wiiwaa iyo Mideeye, waxa muuqata in Wiiwaa iyo Mideeye, ay noqon karaan madaxda barri la dooran doono ee dhaartu u hadhsan tahay, inkastoo ay filashada iyo qorshuhu is badeli karto saacadaha soo socda.
Marka laga tago Hargeisa, xil ka qaadista maayirka iyo ku-xigeenkiisu ma ahaa mid cusub oo magaalooyinka qaar ayaa ilaa saddex jeer laga qaadey xilka maayir ama ku-xigeen, balse waxa muuqata inay caasimaddu ka xaalad duwan yahay oo ay ka culeys badan tahay kuwa kale, wallow dad badan ay tilmaameen inaanay haboonayn in la gaadhsiiyo xaaladda halka ay hadda gaadhey xiisadda ka taagan loolanka hogaanka Hargeisa oo muujinaysa kala qeybsanaan baaxsan oo saameyn ku yeelan karta wadajirak bulshada reer Hargeisa.
Haddii berri kalfadhiga golaha deegaanku u dhaco sida la filayo si xasilloon oo degan, waxa la saadaalinayaa inaanay wax badan iska badelin jawiga magaalada Hargeisa, balse haddii dhinacyadu muujin waayeen mas’uuliyad Qaran iyo tanaasul waxa la filan karaa kacdoon bulsho iyo kala qeybsanaan bulsho oo dhaliishooda ay leeyihiin mudanayaasha kuraasta kala jiidanaya iyo kuwa garabsiinayba.
Tiriig TV