06/12/2025
WAR-SAXAAFADDEED
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu ku boorinayaa dhammaan weriyeyaasha iyo warbaahinta dalka inay qaataan doorka muhiimka ah ee dhisidda nabadda, gaar ahaan marka ay tabinayaan shaqaaqooyinka iyo dhacdooyinka ka dhacaya goobaha ay xiisaduhu ka jiraan.
Ururka SOLJA waxa uu xusuusinayaa warbaahinta in tabinta shaqaaqooyinka oo lagu degdegaa ay mararka qaar ka qayb qaadan karto hurinta colaadaha, sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in weriyeyaashu si xirfad iyo dheellitirnaan leh u maareeyaan xog kasta oo ay bulshada gaadhsiinayaan. Xilliyada ay rabshado dhacaan, masuuliyadda saaran suxufiyiintu waxay noqotaa mid kasii culus tan xilliyada caadiga ah, maaddaama hal war oo aan la hubin uu sababi karo khasaare iyo xaalad kasii adkaata.
Ururka SOLJA waxa uu ku adkaynayaa weriyeyaasha in ay:
• Si buuxda u xaqiijiyaan xog kasta ka hor inta aan loo baahin bulshada,
• Ka fogaadaan hadallada kicinaya, xanafta dhalinaya, eexda iyo ka leexashada anshaxa,
• Diiradda saaraan warbixinno dhiirrigeliya nabadda, isu-soo dhowaanshaha iyo wada-noolaanshaha bulshada.
UrurkaSOLJA waxa uu si gaar ah ugu baaqayaa weriyayaasha ka howlgala gobolka Awdal, iyo kuwa ka waramaya arrimaha la xidhiidha Boorama, inay mas’uuliyad dheeri ah iska saaraan xogaha ay tabinayaan, kana fogaadaan wax kasta oo xaaladda uga sii dari kara. Mabda’a “Do Not Harm” waa in uu ahaadaa hagaha ugu muhiimsan ee warbixintooda.
Ururka SOLJA wuxuu mar kale muujinayaa inay garab taagan yihiin weriyeyaasha Somaliland, isla markaana ay ka go’an tahay taageeridda war-tabin mas’uuliyad leh iyo warbaahin u taagan danaha bulshada. Ilaalinta nabaddu waa tiir muhiim u ah shaqada saxafadda, waana masuuliyad aynu wada leenahay