11/06/2026
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa kormeer shaqo ku tagay saaka Hogaanka Birmadka Booliska JSL halkaas oo tababar iyo diyaar garow xooggan ay ugu jiraan Ciidanku , garahaan Waaxda La-dagaallanka Argagixisada iyo Ka-hortagga Rabshadaha, waxaanay halkaas kusoo bandhigeen dhoolatus heer sare ah.