
13/07/2025
:- Maamulaha Cashuuraha Berriga ee Gobolka Gabiley ee Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Cabdirisaaq C.laahi Almis iyo Madaxa Tigidhada Iid Cabdilahi Qaalib ayaa si Rasmi ah u daahfuray Cashuurta Tigidhada ee Jaamacadaha Ka hawlgala Gobolka Gabiley.
Nuxurka Cashuurta Tigidhada ee Jaamacada ayaa ah in Arday kasta oo doonaaya inuu Is-diiwaangaliyo laga doonaayo in Warqadaha Codsiga Jaamacada uu ku dhajisto Cashuurta Tigidhka/Moorka oo Qadarkeedu dhan yahay 10,000 SLSHilling ah;
Halka Ardayga kasta oo Qalinjabinaaya, isla markaana qaadanaaya Shahaada Jaamacada waxa ku Waajibay Cashuurta Tigidhka oo dhan 40,000 SLSHILLING ah.
Si waafaqsan Xeerka Dakhliga Guud iyo Cashuuraha Somaliland Xeer Lr:72/2016.