Warsame-Media live

Warsame-Media live Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Warsame-Media live, Media/News Company, 0634029340, Hargesa.

�Warsame Media kalasoco Wararka +Waa halka Laga Helo Wararka saxda Ah kuwaa Dalka +Dibadda+Dunida inteeda kale+Ciyarah+ Fadlan Nagu Soo Biir Mahadsanidin� dhamantiin baa

�Follow � Like �Share �Comments

05/06/2025

Madaxweyne Trump wuxuu soo rogay xayiraad safar oo saameyneysa 19 dal, taasoo bilaabaneysa 9-ka Juun 2025.

12 Dal oo gebi ahaanba laga mamnuucay Mareykanka:

Afghanistan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, Yemen.

7 Dal oo xayiraad qeyb ah lagu soo rogay:

Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan, Venezuela.

Dadka laga dhaafay xayiraadda:
Dadka haysta fiiso ansax ah
Kuwo haysta kaarka cagaaran (green card)
Diblomaasiyiinta
Ciyaartooyda caalamiga ah

Sababta: Xukuumaddu waxay sheegtay in xayiraadda ay la xiriirto arrimaha amniga iyo la’aanta baaritaanno lagu kalsoonaan karo.

Dooda ka taagan: Waxaa lagu eedeeyay in xayiraaddu tahay mid cunsuriyad ah oo si gaar ah u saameyneysa muhaajiriinta iyo qoysaska dan-yarta ah. MEDIA live

24/09/2023

"Shacabka Caabudwaaq, maxay lacagta ugu aruurinaysaa dadka SSC-Khaatumo oo ay u siinayaan Shacabka Laascaanood, waa in la ogaadaa sababta, aysana dagaalka kasocda halkan Galguduud ee Argagixisada u siineyn" Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergayga gaarka ah ee Bini aadantinimada u qaabilsan Madaxweyne Xassan Sheekh ahna mudane baarlamaan ayaa sidaas sheegay.

Qaar kamid ah haweenka magaalada Caabudwaaq ayaa lacag dhan $62,000 kun oo dollar, u aruuriyey shacabka magaalada Laascaanood, lacagtaas oo wax looga qabanayo dibu dhiska goobihii ay burburiyeen duqeymihii Somaliland ka geysatay gobalka Sool.

Ergaygan ayaa sheegay in uu taageersan yahay is difaaca shacabka SSC, laakiin ay xaq tahay in la ogaado waxa lacag aruurta Caabudwaaq ay ka dhigan tahay.

Address

0634029340
Hargesa

Telephone

+252634029340

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warsame-Media live posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share