07/05/2023
Jabitaanka Qalbiga Bini'aadamka ah ma sameeyo Cod ee wuxuu sameeyaa Dhaawac aan Dhiig bixiisu Dusha laga dheehannin.
Jabitaanka Qalbiga Bini'aadamka waxa horseed ka noqon kara Eray aan laga fiirsan oo Qofka lagu tuuro ama Ficil aan laga fiirsan oo Qofka lagula kaco, kuwaas oo sida Dhimbiisha inta ay u Dhalaaliyaan
Qalbiga raad Xanuun badan ku reeba, xanuunkaasi inta uu le'egyahay waxay ku xiran tahay Filashada ama Filasho la'aanta Qofka uu ku dhacay uu ka qabay Qofka kula kacay iyo hadba xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Qofkaas.
Ragga iyo Dumarka Quluubtoodu midba si gaar ah ayey u jabtaa mid walibina Dareen gaar ah ayuu jabkaasi kaga tagaa, Waqtiyo kala gaar ahna wey ku soo kala kabtaan.
Nabiga CSW, wuxuu ku dardaarmay Dumarka in la Ilaaliyo Quluubtooda isaga oo ku tusaaleeyay in ay yihiin Quraarad oo kale oo waa kii lahaa
رفقاً بالقوارير
U Dhimiya/Dhawra Quraaradaha,
Micno ahaan waa ha dhibina Quluubtooda, sababtoo ah si fudud ayey u Jebi kartaa ee ka taxadara, jabkooda wuxuu u horseedaa iney hoos u Ooyaan, Uur ku jirtu gubato, Kalsoonidoodu hoos u dhacdo, Quruxdooda guud Guurto, Qalbigooduna Quus iyo Diif joogta ah weheshato.
Ducooyinka Nabiga CSW, waxaa ka mid ahaa
وأعوذ بك من قهر الرجال
Oo micnaheedu yahay Rabbiyoow waxaan kaa magan galayaa jabka Ragganimo kaas oo (Laabta ku dhaliya Ciriiri, Daciifiya awooda Nafta geliya Quus, Cadowguna ay ku Farxaan.