Dhaqan kobciye

Dhaqan kobciye Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dhaqan kobciye, Digital creator, Hargesa.

Ilaahay ha u naxariisto Farxiya oo ahayd xaaskii fannaan Dayax-dalnuurshe. Iyada oo ay geeridu xaq tahay, haddana waxaan...
08/01/2025

Ilaahay ha u naxariisto Farxiya oo ahayd xaaskii fannaan Dayax-dalnuurshe. Iyada oo ay geeridu xaq tahay, haddana waxaan dareemayaa in ISHA iyo carrabka dadku halis yahay oo wax dili karaan. Waxaan jeclaan lahaa inaynaan nimcooyinka Ilaahay inna siiyay oo ay ka mid tahay jacaylka aynu u qabno qoyskeenna aynaan baraha bulshada keenin.

 : Bulshada ku nool Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa iskugu Soo baxay Beerta Xoriyada Ololaha Doorashooyinka
07/11/2024

: Bulshada ku nool Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa iskugu Soo baxay Beerta Xoriyada Ololaha Doorashooyinka

Niman     ah ayaa magaalada GAALKACYO kufsi fool xun ugu gaystay Wiil yar oo 11 jir ah👀💔 Wiilka yar ayaa ugu dambayn u d...
22/10/2023

Niman ah ayaa magaalada GAALKACYO kufsi fool xun ugu gaystay Wiil yar oo 11 jir ah👀💔 Wiilka yar ayaa ugu dambayn u dhintay kufsiga loo gaystay SUBXANALLAH😭

Warqadan waxa soo saaray Cisbitaalka Guud ee Gobolka Mugug.

02/10/2023

Check out -cabaas_qemar_♤$'s video.

  garan maayo goor aynu ilbixi doono waxaad mooda inaan laguba kalsoonayn banks. hadii ay lacagta 💰 banks dhigano oo ay ...
17/09/2023

garan maayo goor aynu ilbixi doono waxaad mooda inaan laguba kalsoonayn banks. hadii ay lacagta 💰 banks dhigano oo ay ku gubato ama ku khaasrto iyagad ku leedahay balse maanta hantida hlka ku khasaarty yaalo racaya

17/09/2023

Sida aynu lasocono waayihi udanbeeyay waxaa socda dadaalo lagu doonayo inay lagu cidhib tiro naf iyo maalba geeska africa gaar ahaan dadka soomalida. Waxaa cajiib ah in dhibaatoyinka soo gaadhaya suuq yada somalida lala eeganayo maalmaha fasaxa sida jimcaha iyo habenada khamiista. Sida aynu og nahay laf_dhabarta somalidu waa ganacsiga oo waxba lama soo baxno dhanka kaliye laynaga naafyan karana waa hlka balaayadu intay dhawdaha laqabta cida waxan wadana waa dhexdeenee waar laamaha amaanka halala shaqeeyo

 Xukuumadda Somaliland ayaa caawa si rasmi ah u shaacisay in dhawaan ay qaadi doonto hawl-galo amni “ “Xukuumadda Jamhuu...
13/09/2023


Xukuumadda Somaliland ayaa caawa si rasmi ah u shaacisay in dhawaan ay qaadi doonto hawl-galo amni “

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin Dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha Argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda”

Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland.

WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-013-09-23- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay marlabaad u caddaynaysaa Shacabkeeda iyo ...
13/09/2023

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-013-09-23- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay marlabaad u caddaynaysaa Shacabkeeda iyo Beesha Calaamkaba sida joogtada ah ee Kooxaha Argagixisada ahi ugu soo qulqulayaan Magaalada Laascaanood.

Sidii ay horeyba u caddaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, taasoo ahayd in ay Magaalada Laascaanood soo galeen in ka badan 600 oo ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah wixii ka dambeeyey 25 bishii August.

Hadaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxay maanta bulshada u caddaynaysaa iyo Caalamkaba meelaha ay ka soo galeen Magaalada Laascaanood kooxaha Argagixisada ah, kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay khalkhal geliyaan xasiloonida Geeska Afrika.

1- Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Magaalada Laascaanood iyo Buuhoodle waxay ka soo degeen Buuraha Silsilada Golis, gaar ahaana Buuraha ku xeeran Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu magcaabo GALGALA, waana meelaha ay ku xoogan yihiin Kooxaha Al-shabab iyo Daacish.

2- Qaybta labaad ee ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Laascaanood, ayaa ah kuwo ka soo guurey Gobolada Dhexe ee Soomaliya, Sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaliya, kuwaasoo qaarkood lagu soo jebiyey dagaalada ka socda Somaliya.

3- Qaybta Saddexaad oo ah kuwa ugu badan ayaa ka soo baxay Xeryo tababar oo uu leeyahay Abdi Madoobe oo ah Wakiilka Kooxda Al-Shabaab ee Buuhoodle. Xeryahan tababarka ayaa ku yaalla Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle iyo Degaanka Shululux, halkaas oo Cabdi Madoobe ku soo tababaray boqolaal Dhallinyaro ah oo uu ka dhaadhiciyey fekerka xagjirninada ah ee Al-Shabaab.

Cabdi Madoobe ayaa ah wakiilka ururka Al-Shabaab ee degaanada Buuhoodle iyo Laascaanood, waxaa uu ka mid ahaan jirey ilaaladii gaarka ahayd ee Hogaamiyihii Ururka Al-Shabaab Aadan Xaashi Caydhow, waxaa uu ku dhaawacmay Cabdi Madoobe dagaaladii Muqdisho ka Dhacay, kuwaasoo u dhexeeyey kooxdii Maxaakiimta islaamiga ahayd iyo Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.

Cabdi Madoobe iyo kooxaha kale ee Argagixisada ah ayaa wada qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah guud ahaan xasiloonida Geeska Afrika.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin Dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha Argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Deg deg beesha gadab_guursi oo ku dhawaaqday inay ka baxday heshiis yadii ay la gashay beelaha Somaliland doonaysana ina...
04/09/2023

Deg deg beesha gadab_guursi oo ku dhawaaqday inay ka baxday heshiis yadii ay la gashay beelaha Somaliland doonaysana inay samayso new state.gadab_guursiyow dhulbahante harti oo 6M__8M ahba garabtaagane yaad aduu micin bidi doonta

Deg deg  Somalilad oo hubki iyo cidanki ugu adka u duritay oogHadeer hadaanan aarsan hoga iidiyaariyay💪💪💪
01/09/2023

Deg deg
Somalilad oo hubki iyo cidanki ugu adka u duritay oog
Hadeer hadaanan aarsan hoga iidiyaariyay💪💪💪

Hadaan qaranimo dagaalamayay hadeer waan qabiilay naya💪💪Qabiil gadoooday sharaf miyuu aqaan🤔
30/08/2023

Hadaan qaranimo dagaalamayay hadeer waan qabiilay naya💪💪

Qabiil gadoooday sharaf miyuu aqaan🤔

Madaxweynaha Somaliland oo aqbalay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay , Akhri wareegata...
30/08/2023

Madaxweynaha Somaliland oo aqbalay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay ,

Akhri wareegatada.

" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka .

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka
Mudaneyaal,

Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.

Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka "

Address

Hargesa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhaqan kobciye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share