Codka Shacabka Somaliland

Codka Shacabka Somaliland Waa madal u hadasha dadka aan codkoodu meel fog gaadhi karin. Kala soco wararka dalka gudihiisa iyo debadiisaba.

Dagaar iyo shirka Muuse Tuurwaa ee Nabad iyo Caano.
11/06/2025

Dagaar iyo shirka Muuse Tuurwaa ee Nabad iyo Caano.

Beesha Muuse Tuurwaa oo maanta shirkoodii Nabad iyo Caano uga furmay dooxada Dagaar ee degmada Yufle.

Komishanka doorashooyinka Somaliland oo bedelay guddoomiyahoodii Cabdirashiid Riyaraac guddoomiye cusubna doortay.
28/04/2022

Komishanka doorashooyinka Somaliland oo bedelay guddoomiyahoodii Cabdirashiid Riyaraac guddoomiye cusubna doortay.

15/04/2022

Kusoo dhowaada warar xiisa leh oo aynu ugu adeegayno shacabkeena reer Somaliland.

13/04/2022

Wax ka badan 10 weriye ayaa la xidhay iyaga oo soo tebinaya is raasaasayn ka dhacday jeelka wayn ee magaalada Hargeysa. Inta la ogyahay waa xadhigii 15 aad ee Policeku sameeyaan gudaha Somaliland illaa xalay iyada oo dhamman lagu haysto war ay sheegeen.

05/04/2022

Taliska Ciidanka Booliska JSL wuxuu ka Tacsiyadaynayaa Guud ahaan Ganacsatadii ku hanti beelay Dabkii ka kacay Suuqa Waheen Ee Magaalada Hargeisa.

Waxa sido kale aanu u Mahad-naqaynaa shacbigii Somaliland ee sida hagar la’aanta ah Ciidanka Booliska iyo Guud ahaanba Ciidamada Qalabka sida ugala shaqeeyay Damintii iyo Samatabixintii Dabkii Kacay.

Ugu Dambayn Shacbiga Somaliland gaar ahaan dadka reer Hargeisa waxaanu la Socdsiinaynaa in Ciidanka Boolisku Bilaabay Baadhista Sababtii ka Dambaysay Dabka, isla markaana wixii Macluumaad ah ee ay hayaan Dad-weynuhu la soo Socodsiyaan Saraakiisha Hoos Lambaradoodu ku qoran yihiin

0634424754
Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Booliska
Ibraahim Cabdi Xaaji

0634445048
Hogaanka Tobabarka Ciidanka Booliska
Faysal Xiis Cilmi

0634446795 Taliyaha Q Ilaalinta Cashuuraha
Cabdi Cali Xayd

04/04/2022

Sharci ahaan yaa leh maamulka suuqyada ku dhex yaal magaalooyinka?

Qodobka 15 ee Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinku, Xeer Lr. 23/2019, waxa uu sheegayaa “Golayaasha Degaannada Degmooyinka ee darajada “A” iyo “B” waxay ka masuul noqonayaan hanashada adeegyada horumarineed ee dhammaan qaybaha dhulka ay degmooyinkaasi ka kooban yihiin (15(1).

Farqadda (2, e) waxa ay taxaysa qaar ka mid ah adeegyada horumarineed oo ay ka mid yihiin “Horumarinta ganacsiga ee heer degmo.” Farqadda 3aad oo sii sharaxaysa waxyaabaha hoos imanaya waxa ay u dhigan tahay sidan:

“Adeegyada ku xusan farqada 2aad ee qodobkan, golayaasha degmooyiinka darajada “A” iyo “B” waxay awood u leeyihiin maamulka, dhismaha, dayactirka iyo daryeelka adeegyadaasi.”

Waxa lala akhrinayaa qodobka 38 (1, c(iii) oo sheegaya in Gudida Hawlaha Guud ee Golayaaasha Deeganadu ay u xilsaaran yihiin “diyaarinta qorsheyaasha dhismaha, dayactirka iyo maamulka dhismayaasha uu leeyahay golaha degaanka ee degmadu.”

Qodobka 40aad waxa uu sii faah-faahinayaa xilal badan oo Golaha Deegaanku leeyahay oo ay ka mid tahay:

b) Kobcinta iyo kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka magaalooyinka gudahooda.
c) Maamulka, horumarinta iyo kor u qaadista adeegyada Arrimaha Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Xoolaha, Degaanka, Ganacsiga, Nabadgelyada, Laydhka, Biyaha, Igaadhsiinta, Nadaafadda I.W.M ee hoos yimaada awooda golayaasha degaanka ee degmooyinka.
e) Aasaasida suuqyo badeeco, xoolaha iyo Kaluunka
g) Ka hor tagga dhibaatada abaarta, duufaanada, dabka halista ah iyo dhibaato kasta oo wax u dhimi karta dadweynaha.
h) Daad guraynta dadweynaha hadii aafo dhacdo. i) Diyaarinta iyo fulinta barnaamijyada iyo Mashaariicda horumarineed ee heer degmo.

Waxa lala akhriyayaa qodobka 72 , farqadiisa c.

Dawladda Hoose iyada ayaa awood u leh dhulka iyo jidadka magaalada dhexdiisa iyo kala xadaynta iyo ogolaanshaha goobaha ganacsi ee magaalada dhexdeeda. Halka Dawladda Dhexe oo ay Wasaaradda Hawlaha Guud wakiil uga tahay ay awood u leedahay jidadka ka baxsan magaalooyinka. Iyada wasaaradaha kale ay mid walba awood ku leedahay wixii dhul iyo dhisme ah ee ka baxsan magaalooyinka (tusaale beeraha, deegaanka iwm).

Sida ku cad qodobka 34 ee Xeerka Kala-xadaynta Nidaamka Xukuumadda, waxa ay Wasaaradda Hawlaha Guud u xilsaaran tahay dhismayaasha iyo dhulka ay xukuumaddu leedahay oo keliya. Sidaas oo kale waxa ay ku cadahay qodobka 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka, Xeer. 17/2001.

Sideedaba xukuumadda iyo golayaasha deeganada hawlohooda la xidhiidha dhulka iyo dhismayaashu si cad ayay u kala xadaysan yihiin. Xukuumaddu waxa ay gaar u leedahay ayay maamulkeeda leedahay oo aanay dawladda hoose shuqul ku lahayn. Dhamaan wixii ka soo hadhay oo ay ka mid yihiin dhulka danta guud, suuqyada, dhismayaasha gaarka loo leeyahay iwm waxa gaar u leh dawladda hoose.

Tixraac:

Waxa aad si fiican uga bogan kartaa 1. Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka. 2. Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka, 3. Xeerka Kalaxadaynta Nidaamka Xukuumadda. 3. Dastuurka (qodobada 109 ilaa 112.)

W/Q: Guuleed Dafac

Address

Hargesa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Codka Shacabka Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share