30/07/2025
Wasaarada Howlaha guud, Dib udhiska & Guryaynta KGS ayaa magaalada Wanlawayn ku qabatay kulan dadwayne oo ku saabsan Sharciga maamulka dhulka magaalooyinka KGS.
Kulanka waxaa daahduray Gudoomiyaha Degmada Wanlawayn Mudane Abdulkadir Mohamed Abdullahi isagoo uga mahadceliyay wasaarada inay degmada Wanlawayn soo gaarsiisay nuqulada Sharciga dhulka iyo wacyi galinta degmada ay ka sameeyeen.
Kulankan oo bulshada loogu wacyi galinayay Xeerka maamulka dhulka magaalooyinka iyo habka maamulka dhulka ayaa wasaarada ay ugu talo gashay Bulshada Wanlawayn inay ku fahamsiiso.
Bulshada kasoo qaybgashay waxaa loo qaybiyay nuqulada buuga sharciga dhulka magaalooyinka kaasoo wasaarada howlaha guud uga howlaha guud uga gol leedahay wacyiga arimaha maamulka dhulka in kor loogu qaado.
Wasaarada ayaa dadaal xoogan ku bixinaysa sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa sharciga maamulka dhulka magaalooyinka kaasoo laga dhaqan galiyay dhamaan degmooyinka.