Dad-same tv

Dad-same tv Deegaanka somalida Ethiopia.

DEG-DEG: Xog muhiim ah oo Warbaahinta Codka Ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Af...
05/10/2022

DEG-DEG: Xog muhiim ah oo Warbaahinta Codka Ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere Axaddii lasoo dhaafay 4:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada dhexe.

Dowladda Uganda oo ka hadashay hadalkii kasoo yeedhay wiilka Madaxwayne Museveni.Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qora...
04/10/2022

Dowladda Uganda oo ka hadashay hadalkii kasoo yeedhay wiilka Madaxwayne Museveni.

Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qoraallada uu soo dhigay bartiisa Twitter-kawiilka madaxweynaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda, ayaa soo saartey qoraal ay dowladda Uganda isaga bari yeelaysohadal kasoo baxay Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, kaasoo ahwiil uu dhalay madaxweynaha, oo ku kaftamay duulaan dalka Kenya lagu qaado, oo uu kusoo qoray bartiisa twitter-ka.

"Waxaan aad u qadarineynaa xidhiidhka adag ee labada dal ee aan la leenahay , wadanka dariska ee aan walaalaha nahay ee Kenya " ayaa lagu sheegtay qoraal maanta oo Talaado ah kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Uganda, iyadoo maamulka dowladda uu quud dareynayo in wax walba ay sidoodii h**e ahaadaan.

Wasaaradda ayaa cadeysay inaanay ku raacsaneyn hadalada kaftanka macna-darrada ah, ee uu soo saarey curadka madaxweyne Yoweri Museveni, Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, in kasta oo dadka qaar ay sheegeen in loo diyaarinayo inuu beddelo aabbihii, oo 78 jirka ah.

Madaxa Xafiiska Arim. Haweenka iyo Dhalaanka DDS ahna Xubin Gudi-fulin ah Heer-qaran ee Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Par...
02/10/2022

Madaxa Xafiiska Arim. Haweenka iyo Dhalaanka DDS ahna Xubin Gudi-fulin ah Heer-qaran ee Xisbiga Barwaaqo
(Prosperity Party - ብልፅግና)
Marwo Xaliimo Xasan, waxay ka mid tahay 4-ta qof ee Deegaanka Soomaalida kaga jirta Gudiga-fulin Heer-Qaran ee Xisbiga-PP.

marka maxay tahay sababta ay ugu biiri-la'dahay Presidium Committee-ga Deegaanka soomaalida (shanta qof ee Deegaanka soomaalida ugu saraysa ama maamushaba (Golaha sare ee fulinta DDS), hadii kale waa in xafiis Heer-federaal ah la geeyo ama waa in Xafiis-wayn oo miisaaniyad fiican laga geeyo DDS.

Marwo Xaliimo- waxay la meeqaam tahay sedexdaan shaqsi markii la eego nidaamka Xisbiga-PP oo ay la simantahay👇
1. Aaden Faraax oo ah Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga-PP ahna madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga-PP Itoobiya.
2. MW. Mustafe oo ah Madaxweynaha DDS
3. Ahmed shide oo ah Wasiir Maaliyadda Heer-federaal Itoobiya.

Hadaba ma gabadhnimada baa lagu liidayaa boos uqalma maa la geeyo mise awood-qaybsiga beelaha Bay ku wayday
Sida Nidaamka Darood iyo Irir-ka ee waayadaan dambe Deegaanka Soomaalida aad uga xoogaystay?.

Akhriste maxay tahay sababta Xaliimo laagu igbaaray boos Cabinet-ah kaliya oo ah Xafiiska Haweenka DDS.

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah...
02/10/2022

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya argagixisada.
Hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe 01-10-2022.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab.

Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu badalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, Axmed Diiriye.

Horjoogahan oo madixiisa ay saarnayd lacag ayaa ka mid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Somalia, NISA.

Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la ciqaabo dembiileyaasha kale ee ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladdu waxay u umahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah oo wadashaqayntoodu ay fududaysay dilka horjoogahaan cadawga ku ahaa ummadda Soomaaliyeed.

02/10/2022

Sh. Hassan dahir aways.

Cabsida soo wajahday Israel.
29/09/2022

Cabsida soo wajahday Israel.

29/09/2022

Daawo: Sababihii Fashiliyay Shirweynihii Dib Loo Dhigay Iyo Siraaje Aadan Oo Ka Hadlay Arrinkaasi.

Warbaahinta Maraykanka ayaa qaadaa-dhigaya Madaxweynaha waddankaasi oo Haweenay Aqal Kongarayska ka tirsanaan jirtay bal...
29/09/2022

Warbaahinta Maraykanka ayaa qaadaa-dhigaya Madaxweynaha waddankaasi oo Haweenay Aqal Kongarayska ka tirsanaan jirtay balse xilli h**e dhimatay codsaday in loogu yeedho.

Biden, ayaa illaaway in Xildhibaanadani h**e u dhimatay. muddooyinkii dambe waxa soo baxaya wararka la xidhiidha in madaxweyne Biden, xusuustu ka xumaatay.

Waxaa caawa 8:00 fiidnimo lasoo bandhigay Taleefonka iPhone 14 nuucyadiisa kala duwan iyo Apple Watch iyo AirPods Pro, M...
07/09/2022

Waxaa caawa 8:00 fiidnimo lasoo bandhigay Taleefonka iPhone 14 nuucyadiisa kala duwan iyo Apple Watch iyo AirPods Pro, Maxaa ka cusub oo kusoo kordhiyeen, Waxaa mesha laga saaray taleefonkii h**e ee mini ga ahaa oo lagu badalay iPhone Plus iyo waxaa kaloo lagu soo kordhiyay saacada Ultra Watch.

Qiimaha

iPhone 14

iPhone 14 pro max 128GB²=1099$, 256GB²=1199$, 512GB²=1399$, 1TB²=1599$

iPhone 14 Pro 128GB²=999$, 256GB²=1099$, 512GB²=1299$, 1TB²=1499$

iPhone 14 Plus 128GB²=899$, 256GB²=999$, 512GB²=1199$

iPhone 14 128GB²=799$, 256GB²=899$, 512GB²=1099$.

Apple Watchs

Apple Watch Ultra 799$
Apple Watch Series
Apple Watch SE

AirPods Pro (2nd generation) 249$

Diego’s son Giovanni Simeone got a tattoo of the Champions League logo when he was 13 years. 😲Today, he scored his first...
07/09/2022

Diego’s son Giovanni Simeone got a tattoo of the Champions League logo when he was 13 years. 😲

Today, he scored his first goal on his 🆑 debut.

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo caawa Wareysi siiyay Telefeshinka CNN ayaa sheegay in ay horay usoo wad...
07/09/2022

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo caawa Wareysi siiyay Telefeshinka CNN ayaa sheegay in ay horay usoo wada shaqeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud haddana uu kala shaqeyn doono isaga oo kaashanaya Beesha Caalamka Sidii loo xallin lahaa dhibaatada ka jirta dalka ayna Soomaaliya u hanan laheyd ammaankeeda Qaran.

Address

Hargesa

Telephone

+2524259034

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dad-same tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dad-same tv:

Share

Category