11/03/2025
SURP – Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka ee Soomaali*
oo ay maalgelisay Bangiga Adduunku, wuxuu ahaa hindise ballaadhan oo lagu horumarinayo kaabayaasha magaalooyinka, gaar ahaan meelaha u baahan magaalaynta iyo adeegyada dawladaha hoose. Mashruucan, oo lagu qiyaasay $250 milyan, waxaa wajigii koowaad ka faa'iideystay magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland markii ay heshay qaybteeda maalgelinta, waxay ka leexisay qorshihii h**e ee mashruuca. Halkii loo adeegsan lahaa horumarinta magaalooyinka iyo kaabayaasha bulshada, waxaa lacagtii lagu dhisay waddada madaarka iyo waddooyin kale oo wasaaradaha taga. Tallaabadan waxay keentay in Bangiga Adduunka ka xumaado sida mashruuca loo maamulay, taasoo saamayn ku yeelatay qorshayaashii mustaqbalka ee mashruuca.
Dhanka Somaliland hadaba oo u madax banaan qaybteeda: Magaalada Hargeysa markii h**e waxaa qorshuhu ahaa in mashruuca SURP lagu dhamaystiro waddada 200 ee Koonfurta Hargeysa, oo muddo dheer bulshada magaalaynta u baahan rajo ka qabtay in la dhiso. Si kastaba ha ahaatee, markii mayorka Hargeysa uu kula kulmay Bangiga Adduunka Nairobi wiigi dhawayd, wuxuu codsaday in mashruuca dib loo naqshadeeyo (redesign), si lacagta loogu isticmaalo waddada 150-ka ee Hargeysa dhexdeeda, maadaama ay culeys badan ku haysay dadka degmadaasi oo aad u riixayay.
Go'aankaas wuxuu sababay in mashruucii h**e ee loogu talogalay horumarinta aagag cusub la iska indha tiro keenina karta in sidii Puntland ay wax kaso noqdaan, taasi sidoo kale waxay keentay in rajo weyn oo laga qabay in waddada 200 ee Koonfurta Hargeysa la dhiso ay meesha ka baxdo.
Waxa kale oo xanuun badan iyana in mashruucan, oo leh maalgelin aad u ballaadhan, aan hal gobol laga wada fulin karin, taasoo uga sii dari doonta baahida kaabayaasha iyo ballaadhinta magaalada ee Koonfurta Hargeysa.
Waxa guuldaro ku dhamaaday dadaalkii dhalinyaradii hawshaa dhexda u xidhatay ee design ka iyo codsigaba iyagu sameeyay si wadadaas loo dhamaystiri lahaa.
Mayirka hargaysa isna wuxu sameeyay khiyaamo bulsho oo cawaaqibkeeda uu la kulmi doono.
Xaqdaro kaliya ma aha in cid gaar ah loo sadburiyo, balse waa cadaalad-darro kale in qayb ka mid ah bulshadu ay ku waayaan wixii ay xaqa u lahaayeen, kaliya in masuulka dawlada hoose uu kasoo jeedo deegaankaas. Dhawaan ayaana laga qoomamayn doonaa sida laysaga indha tirayo xaqiiqada jirta iyada oo laga dhigayo in nacayb ama mucaaradad loo hayo mayirka Hargeysa.
Degmada loo arko inay aad u mucaarado mayirka Hargeysa waaba ta ugu dheefta badan waxanan hambalyaynaa bushada dagmooyinkaas oon cidna u daba fadhiisan waxay rabaan, ee maxaad difaacdaa aduu?
Wax badan ayaa danbeeya oon wali xeerinaynaa.
Fogeeya...
Eng Sharmarke Faisal Iman.